GALMUDUG oo shaaca ka qaaday cidda fashilsay wada-hadalkii Farmaajo iyo Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha madaxtooyada Maamul Goboleedka Galmudug Cumar Shido oo qoraal soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa shaaca ka qaaday sida ay ku fashilmeen wada-hadalladii Farmaajo iyo Rooble, wuxuuna faah-faahiyey waxa dhaliyey fashilka.

Cumar waxa uu tilmaamay in wada-hadalka socday maalmihii lasoo dhaafay in mararka qaar uu soconayay 18-saac, balse aanay jirin natiijo muuqata oo lasoo bandhigi karo wada-xaajoodkaas ay garwadeynka ka ahaayeen guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Wasiiru Dowladaha Madaxtooyada Galmudug ayaa intaas ku daray in dhanka Ra’iisul Wasaaraha uu biseyl siyaasadeed uu ka muuqday balse caqabadda ay kala kulmeen Madaxtooyada Soomaaliya sida uu ku muujiyay Qoraalkiisa oo bannaanka soo dhigay halka uu marayo wadahadalka.

“Sidaad lawada socoteen Madaxweyne dowlada Galmudug Ahmed Abdi Kariye (Qoorqoor) oo maalmahan ah ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhashay kiiskii Ikraan Tahliil, oo sababay muran aad u balaaran, oo u dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Raisal wasaare Rooble. Dadaal badan oo uu bixiyay Madaxweynaha Galmudug oo marxalado badan soo maray iyadoo xiliyada qaar ay shirarku qaadanayeen ku dhawaad 18 saac, ayaa gunaanadkii wuxuu kusoo dhamaaday fashil, iyadoo Rw Rooble garabkiisa ay muujiyeen biseyl badan halka dhinaca kalena lagala kulmay caqabad aad u waaweyn oo soo dadajisay inuu wada hadaladii socday caawa ay istaagaan,” ayuu yiri Cumar Shido.

Qodobada la isku mari waayay waxa kamid ahaa, Xil ka qaadista wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur oo Farmaajo ku adkeystay iyo in qof isaga ku dhow loo magacaabo taliyaha hay’adda NISA.

Fashilkan ayaa noqonaya kii labaad ee muddo laba todobaad ah ku yimaada wada-hadallo laga dhaxwaday Farmaajo iyo Rooble, waxana muuqata in labada nin kan hore uu doorbidayo in cadaalad aysan helin Ikraan tahliil.