Xog: Yaa ka dambeeyey inuu Qoor Qoor dib u magacaabo WASIIR Cabdi Waayeel?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – 27-kii bishaan Maarso Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa dib wasiirka arrimaha gudaha Galmudug ugu magacaabay Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) oo horay ay isugu dhaceen Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas.

29-kii bishii May ee sanadkii hore Wasiir Cabdi Waayeel waxaa xilkaan dib loogu magacaabay ka qaaday Madaxweyne ku xikeenka maamulkaas Cali Daahir Ciid oo ay isku qabteen awood qeybsigii beeshooda ee golaha deegaanka degmada Balambal.

Sababta xilkiisii dib loogu celiyey Cabdi Waayeel waxaa la sheegay inay tahay taageero uu ka heysto Farmaajo oo ay isxigaan qabiil ahaan, sidoo kalena siyaasadda ay xulufo ku yihiin.

Cadaadis uu Farmaajo saaray Qoor Qoor ayaa ka dambeysay in Cabdi Waayeel uu dib u hantiyo kursigii uu 10 bilood ka hor ka eryey Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Qoor Qoor oo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ay isku dhacsanaayeen ku xigeenkiisa Cali Ciid ayaa la sheegay in dib u soo magacaabidda wasiirkaan uusan kala tashan Madaxweyne ku xigeenka, taas oo keentay in khilaafkooda uu banaanka u soo baxo.

Khilaafka Madaxweyne ku xigeenka iyo Cabdi Waayeel ayaa soo ifbaxay kadib markii uu wasiirku soo magacaabay golaha deegaanka degmada Balambal, tallaabadaas oo beesha Ayaanle Cayr ay aad uga timid, iyagoo ku doodaya in beeshiisa uu wada siiyey kuraastii golaha degmadaas.

Balse Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale ku qanci waayey sida wasiir Cabdi Waayeel uu xilligaas beesha Mareexaan oo ay ka wada dhasheen uu ugu qeybiyey kuraasta golaha deegaanka degmada Balambal, taas oo keentay inuu xilka ka xayuubiyo, wuxuuna xiligaas Qoor Qoor ku maqnaa Muqdisho.

Warqadii Cali Ciid uu xilka uga qaaday Wasiir Cabdi Waayeel waxaa lagu xusay in sababta xilka looga qaaday ay tahay gudasha la’aan waajibaadkii shaqo iyo hurinta colaad beeleedyada deegaanada Galmudug.

Sidoo kale Farmaajo iyo Cali Ciid oo isku heyb ah, inkastoo ay kala yihiin laba jufo oo xufaaltanta, habayaatee malahan wax cilaaqaad ah siyaasadeed ah, taasi waxay keentay in Farmaajo uu saaxiibkiis Axmed Qoor Qoor ku cadaadiyo in la jebiyo go’aankii Cali Ciid, dibna loogu celiyo wasaaradiisa Wasiir Cabdi Waayeel oo ka tirsan Nabad iyo Nolol.