Xogta mooshinka xildhibaan Sacdiya Yaasiin laga keenay iyo kooxda ka dambeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa laga helayaa mooshin shalay la horgeeyey golaha shacabka baarlamanka Soomaaliya, balse u baaqday kooram la’aan, mooshinkaas oo aan la shaacin waxa uu yahay. 

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa hadda xaqiijiyey inuu Mooshin xil ka qaadis oo laga keenay Guddoomiyaha ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji.

Mooshinka ayaa ku eedeeyay xildhibaan Sacdiya inay ku xadgudubtay Diinta, Shareecada iyo dowladnimada, ayna taageereyso Sharciga Xeerka Jinsiga, waxaana xildhibaannada wada ay doonayaan in cod loo qaado si xilka looga eryo.

Xildhibaan Cumar Shariif Jeeg ayaa saxaafadda u sheegay inay wadaan Mooshin ka dhan ah Guddoomiye xigeenka Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, isagoo caddeeyay inaysan shir guddoomin karin golaha maadaama ay ku kacday arrin lid ku ah Shareecadda Islaamka, sida uu yiri.

Mooshinkan ayaa la sheegay inay wadaan inta badan xildhibaannadii taageersanaa madaxweynihii hore Maxamd Cabdullaahi Farmaajo oo colaad siyaasadeed oo gaara kala dhaxeyso Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

Mooshinkan ayaa laga shaqeynayey muddo bilo ah, balse waxaa loo waayey taageero ku filan. Si kastaba hadalkii kasoo yeeray Sacdiya ee la xiriiray sharciga Jinsiga ayaa fursad soo noolaansho siiyey mooshinka, waxaana kusoo biiray xildhibaano cusub.

Kulankii Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya ayaa shalayu baaqday kooram la’aan, kadib markii ay soo xaadiri waayeen tiradii kooramka, sida uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow oo guddoomin lahaa shirka.

Waxaa kulanka xaadiray 78 Xildhibaan oo kaliya, halka uu fadhiga ku furmi lahaa 139 xildhibaan. Waxaa kulanka xiga uu dhici doontaa Maalinta Isniinta 12-ka Decembar 2022.

Dadka qaar ayaa nasiibdarro ku tilmaamay in xildhibaanada dalka ay xilligan ku mashquulaan khilaaf siyaasadeed iyo mooshin, xilli dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.