ZAHRA Naaleeye: Sidee ku dhici kartaa in lagu xadgudbo qoddobka dastuurka ku qoran ee kootada haweenka?

Amsterdam (Caasimada Online) – Zahra Siyaad Naaleeye, oo ka mid ah howl-wadeenada dalladda FSAN, ee ay ku middeysan yihiin in ka badan 45 ururo Soomaali ah, oo ka dhisan waddanka Netherlands, ayaa ka hadashay xadgudubka mar walba loo geysto kootada haweenku ku leeyihiin baarlamaanka Soomaaliya, waxayna Zahro ka codsatay Dowladda Soomaaliya in dib loo saxo arrinta kootada haweenka.

Zahra Naaleeye oo wareysi siiyay taleefishinka Somali Nederland TV waxay ku nuuxnuuxsatay in la jebiyay qoddob dastuuri ah, oo qeexaya kootada haweenku ku leeyihiin Baarlamaanka, iyada oo tilmaantay  in loo baahan yahay wacyigelin safmar ah, oo bulshada loogu sheegayo sida ay muhiim u tahay kaalinta haweenku ka qaadan karaan jaan-goynta siyaasadda.

“Waxaa jirta qoddob dastuuri ah oo qeexaya in haweenku ka yihiin Baarlamaanka 30%, marka laga soo billaabo doorashadii 2012 waxay heleen 12%,  tii dhacday 2017 waxay heleen 24%, laakiin doorashadii u dambeeyey waxaad moodaa in ay hoos dhaceen oo ay heleen 19%, sababtuna waxay tahay doorashada waxaa maamulayay maamul goboleed & oday dhaqmeed, qabiilaadka Soomaalida kuwa ka mid ah ma rabaan in ay haween metelaan” Ayeey tiri Zahra, waxayna intaasi sii raacisay:

“Waxaa soo baxay wax la yiraa malxiis iska magac u yaal ah, oo meesha la soo fadhiisiyay, dhaqanka Soomaalida ayaa u oggoleyn in ay haweenku metelaan waana wax soo jireen ah, balse u baahan in laga gudbo”

Zahra Naaleeye, waxay ka codsaday culumaa’udiinka in ay ka hadlaan xuquuqda haweenka, lagana soo billaabo qoysaska Soomaalida, waxaana ay sheegtay in dhaqanku ahaa in wiilku ka macno ama qiimo badan yahay gabadha.

“Gabdhihii hore ee baarlamaanka ku jiray waxaa loo diiday in ay ka soo ololeeyaan goboladooda, inkastoo maamulada qaar isku dayeen in ay gabdhaha kuraas siiyaan balse waxaa ka tanbadiyay dadkii kale,” ayeey tiri Zahra.

Zahra Naaleeya, mar ay ka hadleysay ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed waxay sheegtay in ururkaasi weligiis uu jiray, balse uu ahaa mid Dowladda markaasi jirta u sacbiya, waxayna soo jeedisay in ururka dib u habeyn lagu sameeyo.

“Ururka Qaranka haweenka waa loo baahan yahay, balse ma haystaan dhaqaale ay wax ku fuliyaan, maadaama aan laga maarmin wuxuu u baahan yahay dib u habeyn iyo in ay soo galaan gabdho aqoon leh oo dhalinyaro ah, ayna qorshe u sameeyaan si baahida haweenka uga tarjubaan” Ayeey tiri Zahra Naaleeye 

HALKAN KA DAAWO WAREYSIGA OO DHAMMEYSTIRAN
Wareysi: Zahra Naaleeye oo ka hadashay arrimaha kootada haweenka – YouTube

W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan