29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xildhibaanno la shiray CAALAMKA oo go’ankooda cadeeyey (Muxuu yahay?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (aasimada Online) – Xildhibaanada Barlamaanka ayaa weli ka biyo diidan ansaxinta xukuumada cusub ee lagu dhawaaqey laba habeen ka hor.

Xildhibaano ka tirsan Labada Kudladood oo horey dib u celiyey xukuumadii hore islamarkaana diidey in Afar xubnood kamid noqdaan golaha cusub wasiirada ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatey wakiilada beesha caalamka kaga sugan magaalada Muqdisho.

Kulamadaan oo ahaa kuwo albaabada u xirnaayeen ayaa wararka kasoo baxaya sheegayaan in xildhibaanda ku muujiyeen dareenkooda ku aadan xukuumada cusub.

Kudladaha kulamdaan la qaatey xubnaha beesha caalamaka ayaa diidey in saxaafada la hadlaan inta ay go’aankooda gaarsiinayaan xubnaha Muqdishu ka jooga wadamada tageera Somalia.

Eedeymaha ay u gudbiyeen xildhibaanadaan wakiilada beesha caalamka ayaa waxaa kamid ah in xubno ka tirsan golaha wasiirada ee cusub ku lug lahaayeen musuq-maasuq heer sare ah, kamid ahaansho urur diimeedyo islamrkaana magacaabistooda laga leeyahay siyaasad ku aadan sidii qorshaha 2016 loo meel marsan lahaa.

Madaxweynaha dowlada Somalia iyo Ra’isal wasaare Cumar Cabdirashid ayaa dadaal ugu jira sidii xukumadaan cusub loo ansaxin lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News