DHAGEYSO: Odowaa iyo DF oo qaati laga yahay!

Cadaado (Caasimada Online) – Qaar kamid ah ergada Beesha SADE ee ku sugan magaalada Cadaado ayaa dhaliilsan furnaanshaha wajiga labaad ee shirka magaalada Cadaado.

Nabadoon Sulub Faarax Bile, oo kamid ah waxgaradka kasoo jeeda waqooyiga Galgaduud, ayaa sheegay ineysan ku qanacsaneyn qorshaha shirka ka furmay magaalada Cadaado oo ay dhaliilsan yihiin qaabka ergada loo qeybsaday.

Wuxuu sheegay in shirkaasi ay ka maqan yihiin Beelaha Waceysle, Dir iyo SADE, islamarkaana aysan wanaagsaneyn in shir seddex meelood dadka daga gobolada dhexe labo meel ka maqan yihiin dowlada federaalka Furto.

Wuxuu ku eedeeyay wasaarada arimaha gudaha iyo dowlada Soomaaliya iney wadaan arin aan u wanaagsaneyn shacabka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Maalin ka hor ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa furay wajiga labaad shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com