Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa BFS ka dalbaday inuu cadeeyo kaalinta ay Muqdisho ku yeelaneyso Nidaamka Federaalka iyo Maqaamkeeda, waxa uuna sheegay in qeexid ay u baahan tahay xuquuqda dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir.
Guddoomiye Boorsaani waxa uu sheegay inay jiraan Beelo aad u badan oo aan wax xuquuq ah ku laheyn Gobolka Banaadir, islamarkaana deegaano ku laheyn xitaa Gobolada kale.
Boorsaani, ayaa sheegay in loo baahan yahay in Golaha Shacabka ay Cadeeyaan Maqaamka ay yeelaneyso Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,waxaana uu Baarlamaanka ugu baaqay in ay degdeg usoo saaraan Shuruuc Cadeyneysa Maqaamka ay Federaalka ku leedahay Muqdisho.
Boorsaani, waxa uu sidoo kale, Tilmaamay in Gobolka Banaadir uu ka mid yahay 18 Gobol ee Soomaaliya, loona baahan yahay in ay Xaquuq helaan dadka ku nool Muqdisho oo dhowr Malyan gaaraya.
Boorsaani, ayaa wuxuu yiri “Waxaan rabnaa dhameystirka maqaamkii Caasimadda oo Baarlamanka horyaala. Naftirkeeda waxaa loo baahan yahay dib u eegista Dastuurka ee lagu soo sameeyay hadda. Waxaa lagu soo qoray ama lagu soo kordhiyay Caasimadda Somaliya ee Muqdisho, Gobolkan Banaadir inuu noqonaayo gobol madax bannaan oo Caasimaddii Somaliya ay ku dhex taalo.”
Waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa “18-ka gobol ayuu ka mid yahay Gobolka Banaadir, dadka degan xuquuq bay leeyihiin, maxaa yeelay waxaa jira dad aan meel kale xuquuq ku lahayn, Gobolka Banaadir oo keliya ay xuquuq ku leeyihiin.”
Haddalka Guddoomiye Boorsaani, ayaa imaanaya xili muran uu ka taagan yahay qaabka lagu soo celin lahaa maqaamka Gobolka Banaadir oo ahmiyad u leh Beelo farabadan oo aan deegaan ku aheyn Gobolada kale ee dalka.
Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa kamid ah shaqsiyaadka muranka wada, waxa uuna diidan yahay in laga hadlo misna Gobol madaxbanaan loo aqoonsado Banaadir.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

