26.3 C
Mogadishu
Thursday, May 28, 2026

Xildhibaan kashifay heerka musuqa ee HADLIYE

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Baarlamaanka Somalia ayaa ku eedeeyay Wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Somalia in aysan u hoggaansamin sharciga u yaalla Dalka Islamarkaana ay qabyaalad iyo nin jecleysi ay ku shaqeyneyso wasaarada xiligaani.

Dalxa waxa uu tilmaamay in Wasaaradda gudaheeda dhibaatada ka jirta ay tahay in ay mareyso 12 Agaasime guud oo Wasiirkii imaadaba mid reerkiisa ah uu keensado,waxaana uu intaa ku daray in Shaqaalaha Wasaaradda ay u iibiyeen Kursiga Agaasimaha Wasaaradda midka timajaraha oo kale oo uu qofba mar fariisto.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale Wasiirka arrimada Dibadda ku eedeyay in waddo qaldan uu u maro dhammaan sharciga Wasaarada waxa uuna sheegay in Wasiirku uusan aqoonsaneyn waxa uu sharciga faraayo iyo waxa uu ka reebaayo, taasina ay keentay in Wasaaradu ay noqotay goob tima jare.

Waxa uu sheegay in talaabooyinka uu Wasiirka qaadayo uusan Baarlamaanka kusoo wargalin, gaar ahaan qorshe howleedkeeda siyaasadda arrimaha dibadda.

Dalxa waxa uu yiri “Guddiga arrimaha dibadda baarkamaanka wuxuu dareen ka muujinayaa magacaabista safaaradaha iyo howl wadeenada dibadda oo aan loo harin hab sharci ah, nidaamka cadaalada iyo hab raaca isku dheeli tirka awood qeybsiga dalka”

Waxaa kalo uu ku dhalliiyay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya inay mar walba ay hareer mariso guddoonka baarlamaanka howlaha ay uga baahnaayeen inay la socodsiiyaan, taasoo uu xusay inay tahay waajib qaran oo sharci u siinaya xeer hoosaadka.

Safiirada ayuu sheega in Wasiirka uu u maamulo sida uu maankiisa ka maago, waxa uuna cadeeyay in dhammaan Safiirada uu magacaabay tan iyo markii xilkaasi loo dhaariyay uu qaab musuq u magacaabay.

Xildhibaan Dalxa waxaa kalo uu sheegay wasaaradda arrimaha dibadda inaysan wali soo afjarin is qab qabsiga iyo is faham la’aanta ka jirta Danjirayaasha safaaradaha iyo howl wadeenada dibadda oo uu tilmaamay in markii hore si jaantaa rogan ah loogu meeleeyay safaaradaha qaarkood.

Waxaa uu sheegay in Danjirayaasha lamagacaabayo aysan ku saleysneyn awood qeybsiga dalka ee 4.5 ama xitaa nidaam kale islamarkaan ay magacaabisteeda tahay mid uu ku tilmaamay jaantaa rogan.

Waxaa uu sheegay in Wasiirka ama ku xigeenkiisa ay yihiin jiheeyayaasha Siyaasadda hayeeshee waxaa uu sheegay I n iyaga iyo Dad kale oo ka shaqeeya Wasaaradaha kale ama Wasiirro ah ay faragelin ku hayaan Wasaaradda islamarkaanw waxii ay doonaan ka sameysanayaan.

Dhanka kale, eedeynta ka dhanka ah habka loo maro magacaabista diblumaasiyiinta dibadda ee Somalia waxay ku soo aadaysa, xilli dhawaan la isku afgaran waayay magacaabista ilaa toban safiir,kaddib isfahan waa soo kaa dhex-galay ra’iisul wasaaraha iyo madaxaweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News