28.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

Xog: Maxaa maanta ka dhici doona GAROOWE.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxtooyada Garoowe ee Puntland ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda si wada jir ah ay ugu wada kulmaan Ra’isul wasaare Sharmaarke, IGAD iyo Madaxda maamulka Puntland.

Kulanka ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo si wada jir ah ay u qaatan mas’uuliyiintaasi markii laga soo tago kulan hordhac ah oo shalay dhacay, kaasi oo wakhti danbe ay ku biireen xubnaha IGAD.

Kulankaani goordhow ka dhici doona Garoowe, ayaa lagu wadaa inuu noqon doono kii Puntland looga shaafin lahaa tabashooyinka, waxa uuna ujeedkiisu yahay in meel lagu soo xiro barnaamijka 4.5.

Kulankii hordhaca ahaa ee shalay ayaa intiisa badan diirada lagu saaray wajiga labaad ee dhismaha Garoonka Boosaaso, waxaana la filayaa maanta in si fool-ka-fool ah looga wada hadlo tashwiishka taagan.

IGAD ayaa la sheegayaa inay ballanqaadeyso hirgalinta dhammaan balamaha ay Dowlada Somalia dooneyso inay ku bedelato tanaasulka 4.5, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in kulankii shalay uu muujinaayay dabacsani ka muuqatay Puntland.

Lama oga natiijada kasoo bixi doonta shirka fool-ka-foolka ah ee maanta leysku wada arki doono, waxa uuna shirkaani noqon doonaa mid ka duwan shirarkii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News