Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii Puntland ay diiday nidaamka 4.5 oo lagu soo xulayo aqalka hoose ee xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya waxaa soo baxay balanqaadyo badan oo loo sameeyay madazxweynaha Puntland.
Balanqaadyada ayaa waxaa C/welli Gaas u sameeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo xubno ka tirsan urur goboleedka IGAD kuwaasi oo ku kulmay magaalada Garowe ee gobolka Nugaal.
Waxyaabaha loo balanqaaday C/welli Gaas waxaa kamid ah in laga taageerayo hergelinta mashaariic horumarineed oo laga fulinayo deegaanada Puntland gaar ahaan magaalada Garowe,
Sidoo kale waxaa loo balanqaaday in Puntland ay heli doonto dhaqaalo badan oo lagu soo qaato madaxa Soomaaliya, sidoo kale waxaa loo balan qaaday inuu heli doono taageero toos ah oo beesha caalamka kaga imaaneyso.
Xogta aan heleyno ayaa sidoo kale sheegeysa in Cumar C/rashiid kulan gaar ah oo uu la qaatay C/welli Gaas iney isku soo dhawaadaan labada dhinac, iyadoo C/welli Wali uusan badalin mowqifkiisa.
Waxyaabaha sida weyn Puntland looga taageeri doono waxaa kamid ah dhinaca horumarinta dhaqaalaha laga taageero Puntland
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

