26.8 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Aqri: Afarta qodob ee uu Xasan Sheekh go’aanka ku qaatay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa daboolka ka qaaday in wakhtigaani la jooga uu xeer madaxweyne ku xeerinaayo Heshiiskii Hanaanka Madasha Wadatashiga Qaran ee Baarlamaanka horyaalay.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in Xeerintiisu ay noqon doonto mid si rasmi ah u dhaqan gasha waxa uuna bidhaamiyay in howlgalinta xeerintaasi dhaqan galinteeda uu noqon doono mid isaga kasoo baxday.

Madaxweynaha waxa uu tilmaamay in xeerintiisu ay ku ku qotonto 4 qodob oo aan dib loogu soo laaban doonin waxaana kamid ah qodobadaasi:-

1-In la dhaqan geliyo Go’aanka Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka ay si wadajir ah u wada qaateen hannaanka doorashada ee lagu qeexay warmurtiyeedkii ay soo saareen 12-kii Abriil 2016 iyo soo Bandhigidda Hannaanka Doorashada Sanadka 2016 ee 30/04/2016 ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Golaha Shacabka Federaalka.

2-In Hannaankan loo adeegsanayo doorashada 2016 oo keliya, marka ay dhammaato muddada dastuuriga ah Hay’adaha Sharci Dejinta iyo Fulinta.

3-In la ilaaliyo mabda’ Dastuuriga oo ah in Aqalka Sare ee Baarlamaanka ay matalaad ku yeeshaan dhammaan degaannada Soomaaliya oo ay ku jirto magaalada Muqdisho.

4- Suurta galinta habka ay ku imanayso matalaadda Muqdisho ee Aqalka Sare iyo xallinta wixi tabasho ah, go’aanna looga gaaro shirka soo socda ee Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka.

Madaxweyne Xassan waxa uu cod dheer ku sheegay in dhaqan galinta xeerkaani uu ka bilaaban doono maanta oo Axad ah kuna asteysan May, 22, 2016 oo uu qalinka ku duugay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News