26.8 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Shirdoon iyo C/Weli Sheekh oo beeshooda ay ku dhegan tahay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Ra’isul wasaarayaashii hore ee Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo C/wali Sheekh Axmed ay deer kala kulmeen Beesha Marayxaan.

Beesha Marayxaan, ayaa la sheegayaa in labadaasi mas’uul midkood aysan ka qabali doonin inay isku soo taagan xilka madaxtinimo ee Somalia.

Go’aankaani ayaa yimid kadib markii Beesha Marayxaan ay ka arinsadeen mustaqbalka Beesha iyo shaqsiyaadka Beesha uga qeybgali doona doorashada soo socta, waxa ayna qalinka ku duugeen in Ra’isul wasaarayaashii hore ee dalka Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo C/wali Sheekh Axmed aan meel laga soo galin Siyaasada dalka.

Labadaani mas’uul ayaa lagu sifeeyay in hoos u dhac baaxad weyn ku sameeyen Beesha sidaa aawgeedna aysan u furneyn in mar kale ay ka dhex muuqdaan Siyaasada Somalia.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo C/wali Sheekh Axmed ayaa baryahaani danbe ku sugnaa Galgaduud gaar ahaan deegaanka loo yaqaan Balikibir halkaasi oo ay u joogen howlahooda Siyaasadeed.

Beesha Marayxaan wali uma cadda in R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid uu ka qeybqaadan doono doorashada dalka ka dhici doonta dabayaaqada 2016-ka, balse waxa ay si cad u xaqiijiyeen in shaqsiga u hanqal taagaya inuu kamid noqdo musharaxiinta uu yahay C/wali Sheekh, hayeeshee aysan beeshu khuseyn.

Ra’isul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo C/wali Sheekh ayaa sidoo kale la rumeysan yahay in mudadii ay xilka hayeen godob farabadan ka galeen Beesha Marayxaan, inkastoo aan iminka godobtaasi lasoo faagin.

Ma cadda isbedelka ku imaan doona go’aankaani lagu kala eryinaayo labada mas’uul.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News