Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warark aan ka heleyno magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Gudiga doorashada dadban ee heer Federaal kana howlgala deegaanada Puntland ay wadaan qorsho lagu hirgalinaayo doorashada Aqalka hoose ee ka dhici doonta magaalada Garoowe.
Guddiga oo ku howlan qaababka lagu hirgalinaayo qabsoomida Doorashada ayaa u yeeray ilaa dhowr beel oo kamid ah beelaha Puntland kuwaasi oo Ergooyinkooda laga dalbaday inay iska soo xaadiriyaan Magaalada Garoowe si howsha ay wax uga fududeeyaan.
Guddiga waxa ay Ergooyinka ku wargaliyeen in ujeedka ay isaga soo xaadirinayaan Garoowe ay tahay in halkaasi ay noqon doonto goobta lagu qaban doono doorashada Aqalka hoose ee Puntland.
Gudiga Doorashooyinka Dadban ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegeen in hada ay soo fududaatay qaar ka mid ah kuraasta xildhibaanada Aqalka Hoose
Guddigu waxa uu sidoo kale sheegay in wajiga Koowaad la dooran doono 12 kursi oo ka mid ah beelaha ay Xildhibaanada ka imaanayan.
Mid kamid ah Xubnaha Guddiga Doorashooyinka oo inoo xog waramaayay ayaa sheegay in qorshaha Guddiga uu yahay in Asbuuca ugu horeeya Bisha aan ku jirno la gudbiyo 12 Xildhibaan ee Puntland uga midka noqon doona Baarlamaanka cusub ee bedeli doona kan hadda shaqeeya.
HOOS KA AKHRISO BEELAHA AY XILDHIBAANADU KA IMAAN DOONAAN
1-Beesha Warsangali 4 Kursi
2-Beesha Dashiishe 2 Kursi
3-Beesha Madhibaan 1 Kursi
4-Beesha Ciise Maxamuud 1 Kursi
5-Beesha Yibro 1 Kursi
6-Beesha Cali Jibraahiil 1 Kursi
7-Beesha Siwaaqroon 1 Kursi
8-Beesha Cali Saleebaan 1 Kursi
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

