26.7 C
Mogadishu
Thursday, May 28, 2026

“Caddaalad daradii dhacday 1968 ayaa halkaan maanta ina dhigtay” Waxaa yiri…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa wali walac daran ka muujinaya musuq maasuqa xildhibaanada sanadkaan lasoo xulayo la doonayo in lagu keeno.

Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa sheegay in musuq maasuq baahsan uu ka jiro soo xulista xubnaha baarlamaanka aqalka hoose ee ka imaanaya Jubbaland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in iminka uu og yahay xildhibaanada aqalka hoose ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

“1968-kii cadaalad darradii Soomaaliya ka dhacday waa waxa dalka maanta halkan soo gaarsiisay, taasna hadda dadka Soomaaliyeed wax kasii foolxun bay ku socdaan, dadka marka xuquuqdoodii aasaasiga ahayd loo diido oo ay xaqa u lahaayeen, hadhow waxaa ka imaanaya caro laga yaabo iney dib dambe colaaddii sokeeye Soomaaliya ugu celiso”.

Dhinaca kale wuxuu dhaliilay gudoomiyaha gudiga doorashada ee Jubbaland oo uu sheegay inuu awoodo badan isku darsatay taasi oo qasabtay iney ka niyad qabaan helida xubnaha aqalka hoose ee Jubbaland ka imaanaya.

“Ninka ka ah guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka(Jubbaland), wuxuu isku darsaday awooddii maalmul goboleed, tii guddiga doorashooyinka iyo tii odey dhaqameedka, annagu halka aan joogno Konton iyo dhowrka xildhibaan guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Jubbaland baa diyaarsaday  oo ay diyaar u yihiin, waxa uu ganacsaar la leeyahay musharixiin kale, ma xaqiijin karo in madaxweynaha Jubbaland uu kula jiro iyo in kale, waxaan hayaa oo aan idiin soo gudbin karaa liiska dadka baarlamaanka ka soo geli doona Jubbaland”.ayuu yiri.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News