Madaxweynaha Jabuuti oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ismaaciil Cumar Geele madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Madaxda dowladda Soomaaliya oo u ugu sareeyo Farmaajo ayaa kusoo dhaweeyay magaalada Muqdisho ee caasimada SOomaaliya.

Wuxuu Ismaaciil Cumar Geele u yimid magaalada Muqdisho inuu ka qeyb galo xaflada caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Sidoo kale Ismaaciil Cumar Geele ayaa magaalada Muqdisho u yimid dhagax dhiga safaarada Jabuuti ay ka furaneyso magaalada muqdisho.

Masuuliyiin kale oo caalamka ah ayaa kasoo qeyb galaya xaflada maanta oo si wanaagsan loosoo agaasimay.

La soco waxii kusoo kordha daqiiqad kastaa Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com