Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kulamada qabyada ah oo ay yeeshaan Xildhibaanada BFS.
Jawaari ayaa sheegay inuu kasii dhamaanaayo dulqaadka waxa uuna ka digay in Xildhibaanada BFS ka baaqdaan kulamada Baarlamaanka.
Jawaari waxa uu sheegay in Xildhibaanada BF ay caadeysteen ka baaqashada kalfadhiyada waxa uuna ka digay in Xildhibaanada ay dayacaan howlahooda.
Jawaari waxa uu sheegay in aan la aqbali doonin in Xildhibaanada ay si iskood ah ay ugu maqnaadaan kulamada Baarlamaanka, iyadoo aanu jirin wax fasax ah oo lala ogyahay.
Guddoomiye Jawaari waxa uu sidoo kale sheegay in Xildhibaanada Qaranka looga baahan yahay in ay ilaaliyaan sharciga isla markaana ay si sax ah u gutaan waajibaadka iyo Mas’uuliyada saaran oo ay u dhaarteen.
Waxa uu ku goodiyay in talaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonaan Xildhibaankii ka baaqsada fadhiyada waxa uuna cadeeyay in wax waliba lagu meelmarin doono sharciga.
Sidoo kale, Jawaari waxa uu sheegay in ay jiraan Xildhibaano u yimaado Xarunta golaha Shacabka isxaadirin oo keliya ka dibna aan kulamada baarlamaanka ka qeyb qaadan, waxa uu sheegay in ay isxaadiriyaan ka dibna ay iska baxaan.
Haddalka Jawaari ayaa kusoo beegmaaya xili Xildhibaanada ugu badan ay yihiin kuwo Baarlamaanka usoo galay inay uga faa’iideystaan Mooshinada iyagoo imaanshiyadooda kusoo beega xiliyada Mooshinka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

