28.9 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025
By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Prof. Dalxa oo ah khabiir in badan kasoo mid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay markii ugu horeysay waxa ka jiro mooshinka lala damacsan yahay xukuumadda Xasan Cali Kheyre iyo tirada Xildhibaanada mooshinkaas wado

Prof. Dalx ayaa wax jiro ku tilmaamay inuu Baarlamaanka ka dhex jiro guux ku aadan Mooshin lala damacsan yahay Xukuumada Xasan Cali Kheyre.

Wuxuu tilmaamay inuu jiro Guuxaas isla markaasna ay wadaan Xildhibaan tiro yar oo uusanc cayimin inta ay la eg yihiin, wuxuuna sheegay inay ka faa’ideysanayaan Khilaafka ka dhashay go’aankii ay dowladda ka qaadatay Khilaafka dowladaha Khaliijka.

Wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyey in gudaha Baarlamaanka Soomaaliya laga dareemayo guuxa mooshinkaas inkastoo uu tilmaamay inaan tiro rasmi ah laga heyn xildhibaanada arrintaan damacsan.

Hadalka Dalxa ayaa kusoo aadayo Xilli uu dhawaan Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ka dhawaajiyey inuusan jirin wax mooshin ah oo lala damacsan yahay xukuumadiisa, wuxuuna hadalka Dalxa shaki gelinyaa hadalkii Kheyre.

Sida dastuurka Qabo Xukuumadda ayaa mooshin laga keeni karaa marka ay gaarto lix bil wixii ka horeeyana cidna awood uma lahan inay mooshin soo gudbiso, waxaana laga war qabaa inaysan xukuumadda cusub gaarin muddo lix bil ah.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News