Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada u tagay Magaalada Cadaado xasilinta iyo badbaadinta Maamulka Galmudug ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal ujeedkiisa uu aad u fog yahay kaasoo uu ku sheegay in ugu dambeyn rabitaanka Shacabka Galmudug uu baaqi noqon doono waxa kalana ay meesha ka bixi doonaan.
Axmed Macalin Fiqi ayaa yiri:
Hawlo wadahadal galistooda waxey u baahan tahay dulqaad iyo xikmad, jidka loo marayo in xal la gaarana qodxo badan iyo madaxyo maaskaraati wata oo heshiis in la gaaro ku xanuunsanaya ayaa ka buuxa, Balse ugu danbeyn waxaa baaqi noqonaya rabitaanka shacabka.
Maslaxadda iyo nabad ku wada noolaansho blusheed waxey u baahan tahay dareen mas’uuliyadeed iyo dadnimo loo dhashay, buunka colaadda iyo burburin maamul waxaa yeeriya cid aan garaadkeedu gaarsiisnayn qiimeynta cawaaqibta ka danbeyn doonta.


