Xog: Dagaalka lagu hayo Kheyre oo sii xoogaystay (Yaa ka dambeeyey beentii weyneyd ee la faafiyey?)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa sii xoogeystay dagaalka lagu hayo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, ayada oo saacadihii la soo dhaafa baraha bulshada lagu faafiyey warar sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu aqbalay codsi ahaa in la bedelo ra’iisul wasaaraha.

Warkaan ayaa waxaa sidoo kale baahisay idaacadaha Kulmiye ee Muqdisho, waxayna sheegtay inay ilo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow madaxtooyada ay kasoo xigatay inuu Madaxweynaha Soomaaliya  uu aqbalay in la bedelo Kheyre.

Waxaa warka lagu sheegay inuu Farmaajo aqbalay badalitaanka Kheyre si loo dhiso xukuumad cusub, waxaana warku intaas ku daray in arrintan ay ka dambeysay shirar uu madaxweynaha la yeeshay siyaasiyiin mucaarad ah iyo madaxda maamul goboleedyada.

Hayeeshee Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa wararkaas waxa uu ku tilmaamey kuwo been abuur ah oo aan waxba ka jirin.

“Warkani sal iyo raad malaha, waxaana looga fadhiyaa Idaacadi baahisey inay shacabka ka raalli geliyaan been abuurkan baalka marsan dhaqanka suubban iyo hufnaanta xogaha bulshada lala wadaagayo”  yuu yiri Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada.

Sidoo kale Caasimadda Online oo xiriir la sameysay Xafiisyada Madaxweynaha iyo midka Ra’isul wasaaraha ayaa ogaatay in arrintan ay gebi ahan tahay been abuur iyo arrin aan lasoo hadal qaadin.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre u magacaabey xilkaas waxa uu sheegay in ay afarta sano isla dhameysan doonaan, iyada oo laba sano oo ka mid ah ay khilaaf la’aan wadashaqeeyeen.

Sharci ahaan madaxweynaha ayaan awood u lahayn inuu beddelo Ra’siial wasaare kalsooni ka helay baarlamaanka, waxaana kaliya lagu bedeli karaa inuu kalsoonida kala noqdo baarlamaanka, markii mooshin laga keeno ama uu isagu iskiis isu casilo iyo in xaalad uu gudan waayo xilka ay ku timaado, taasoo aan hadda muuqan ama suuragal ahayn xilligan.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in ololahan ka dhanka ah Kheyre oo dhowr bil socday ay horboodayaan siyaasiyiin iyo ganacsato ay isku heyb yihiin madaxweynaha oo aan la dhacsaneyn awoodda shaqo ee badan ee uu Farmoojo siiyay Ra’iisul Wasaarihiisa, marka ay timaado maamulka hay’adaha dowladda.

Siyaasiyiintan iyo ganacsatadan ayaa u arka, maadaama ay madaxweynaha ku beel yihiin, in ay xaq u leeyihiin helidda qandaraasyada waa weyn ee dowladda ay bixiso, taasi oo ra’iisul wasaaraha aanu ku raacsaneyn, islamarkaana uu doonayo in loo maro nidaam sharci ah.

Waxaa sidoo kale jirta in siyaasiyiinta, ganacsatada iyo xildhibaanada ku beesha ah madaxweynaha ay mar horeba heleen dhowr qandaraas oo qaarkood ay siiyeen wasiiro, hase yeeshee ay doonayaan wax kasii badan, ayaga oo ka carreysan amar kasoo baxay ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul wasaaraha ayaa bishii Febraayo soo saaray wareegto uu ku sheegay in aysan jirin hay’ad ama wasaarad iskeed qandaraas u bixin karta iyada oo aan la soo marin golaha wasiirrada iyo hay’adaha ay khuseyso.

Wareegtadan ayaa ahayd dhammaadka rajo ay ganacsatada iyo siyaasiyiinta madaxweynaha la heybta ah ay ka qabeen in Khayre lagu qanciyo.

Ololaha xil ka qaadista ama bedelaadda Kheyre, ayaa maalmihii dhowaa aad uga socday baraha bulshada, hase yeeshee maadaama shacabka aysan inta badan rumeysan wararka baraha bulshada illaa ay ka xaqiijiso warbaahin magac leh, ayaa dadka wada ololahan ay isku dayeen inay warkan marsadaan idaacadaha ama website-yada caanka ah, si qal-qal siyaasadeed loo abuuro.

Sida aan xogta ku helnay, idaacadda Kulmiye ayaa waxaa qiyaanay oo warka siiyey dad magac leh oo la isku haleyn karo kuwaas oo qeyb ka ah ololaha ka dhanka ah Kheyre, markii ay gadmi weysay beenta baraha bulshada.

Waxaa yaab leh oo la is-weydiinayaa waxa kasoo galayaa dadkan inay dhowr bil ku hayaan “waxaa is-casilaya ama la beddelayaa Kheyre” haddiiba aysan awood u lahayn inay madaxweynaha saameeyaan ama mooshin ka abaabulaan Kheyre.

Caaismada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com