25 C
Mogadishu
Thursday, July 10, 2025

Maxay tahay sababta wasiir Maareeye looga dalbaday in uu hor yimaado barlamanka?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho-(Caasimada Online)-Wasiirka warfafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye  ayaa lagu war geliyey inuu hor yimaado xildhibaanada Golaha Shacabka, si ay u weydiiyaan su’aalo ay ka qabaan shaqada wasaaraddisa.

Xildhibaano gaaraya 11 mudane ayaa dalbaday in kulanka golaha shacabka uu hor yimaado wasiir Maareeye, si wax looga weydiiyo sida warbaahinta dowladda oo isagu uu maamulo ay u tabiso wararka baarlamaanka iyo su’aalo kale oo la xiriira shaqada guud ee wasaaradda warfaafinta.

Horay xildhibaano uu ku jiro Axmed Macalin Fiqi oo hadda warqadaan la ogeysiiyey ayaa u sheegay in warbaahinta qaranku ay qaadato oo kaliya xildhibaanada muxaafidka ah warkooda, iyadoo la reebayo warka xildhibaanada kale ee aan siyaasad ahaan la dhacsanayn xukuumadda hadda jirta.

Sida ku cad warqadda ka soo baxday golaha shacabka wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa laga dalbaday inuu fadhiga golaha hor yimaado maalinta Axadda ah ee soo socota oo tariikhdu ku beegantahay 15-ka bishan Decenber.

Halkan ka akhriso warqadda.

- Advertisement -

Read more

Local News