26 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Ayax guuraya oo qaybo ka mid ah Hiiraan ku habsaday

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in ayax guuraya oo raxan raxan u socda, uu ku dagey deegaanno  ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Ayaxa ayaa shalay ku soo dagey deegaanka Ceel-jaalle ee gobolka Hiiraan, iyadoo marki dambe ay dadku iska kiciyeen kadib markii ay rasaas ku rideen.

Dadka beeralayda ah ee ku nool koofurta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in uu beerahooda xalay ku dagey Ayaxaas, iyagoo sheegay in ay cabsi xooggan ka qabaan in uu dalagyada ka baabi’iyo.

Ayaxa ayaa Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa ka cabanayay dadka beeraleyda ah ee ku dhaqan gobolka Galgaduud, waxaana hadda ay u muuqataa in uu ku dageyo kuna fidayo qaybo kale oo ka mid ah gobollada dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News