Xiisadda Ahlu Sunna iyo DF oo meel sare gaartay iyo laba doorasho oo ka dhici karta Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegaya inay meel sare gaartay xiisadda ka dhex taagan Dowladda Soomaaliya oo dooneysa inay Galmudug u sameyso madaxweyne ay iyada wadato iyo Ahlu Sunna oo dooneysa inay qeyb ka noqto awoodda Galmudug.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug ee ahaa 8-dii xubnood ee iska dhex doortay Guddoomiye iyo Kuxigeen ayaa waxay soo saareen jadwalka doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa.

Jadwalkan ayaa ku soo aaday, iyadoo Guddiga doorashada uu labo garab u kala qeybsamay, waxaana 5 ka mid ah Xubnaha Guddiga oo ahaa Xildhibaanada Ahlusuna ay sheegeen inay ka soo horjeedaan doorashada Guddoomiyaha Guddiga iyo qaabkii loo maray oo ay ku eedeeyeen faragelin ka timid dowladda Federaalka iyo inay awood u adeegsaneyso doorashada.

Shanta Xildhibaan ee matala Ahlusuna ee ku jiray Guddiga doorashada ayaa dhankooda sheegay inay soo saarayaan jadwal kale oo doorasho, maadaama ay qaadaceen Guddiga la iska dhex doortay oo ay sheegeen inuu soo magacaabay Guddoomiye Gacal.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa laga dareemaya dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeedo, waxaana mugdi  sii galayo Mustaqbalka Galmudug maadaama madaxweyne Xaaf uu Gaalkacyo ka wado olole doorasho halka haddana ay is khilaafeen Ahlu Sunna iyo Dowladda taasoo ka dhigan inay Galmudug wajihi doonto doorashada 3 madaxweyne lagu dooran doono.

Kala qeybsanaanta cusub ee soo kala dhex gashay Guddigii doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ayaa la ogeyn saameynta uu ku yeelan karo habsami u socodka doorashada, haddii ay soo saaraan xubnaha shanta ah jadwal kale.

Beesha Caalamka ayaa Dowladda Soomaaliya cadaadis xoogan ku saareyso in la dhiso Galmudug ay qeyb ka tahay Ahlu Sunna, waxaana hadda muuqato inay Dowladda Soomaaliya isticmaaleyso awood iyo inay wax kasta u dhacaan sida ay iyada rabto taasoo ka baxsan Dastuurka Galmudug iyo midka Soomaaliya u yaalo.