Sheekada sii daynta labada dhaqtar ee Cuban-ka oo is-bedeshay- war kasoo baxay dowladaha Somalia iyo Cuba

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Cuba ayaa beenisay warar sheegaya in xarakada Al-Shabaab ay sii daysay laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba, oo muddo ay ku haysteen gudaha Soomaaliya.

Goor sii horreysay oo maanta ah ayaa wakaaladda wararka ee Associated Press waxay sheegtay in sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya uu u sheegay in dhaqaatiirta lasii daayey dhammaadkii toddobaadkii tegay, kadib wada-xaajoodyo muddo socday.

Ilo-wareedyo dhowr ah ayaa u sheegay AP in sirdoonka Soomaaliya oo matalaya dowladda Cuba ay galeen wada-xaajoodka lagu sii daynayo dhaqaatiirta kadib markii la tusay muuqaal caddeynaya in dhaqaatiirta ay nool yihiin.

Si kastaba, wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan ka war-hayn arrintaas.

“Wararka ay warbaahinta caalamka qaarkood sii dayanayaan oo sheegaya in lasii daayey dhaqaatiirtii Cuban-ka ahaa ee lagu haystay Soomaaliya waa war aan kasoo bixin dowladda Soomaaliya, waa war la abuuray,” ayuu yiri Cawad.

Sidoo kale sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Cuba Juan Antonio Fernández Palacio ayaa beeniyey in lasii daayey labada dhaqtar ee lagu kala magacaabo Assel Herrera Correa iyo Landy Rodríguez Hernández.

“Dadaallo xooggan ayaa socda oo la sameynayo si loo xaqiijiyo xoriyadda labada dhaqtar iyo inay dalkooda si nabdoon gu soo laabtaan,” ayuu yiri.

Al-Shabaab ayaa dhaqaatiirtan kasoo afduubtay magaalada Mandheera ee dalka Kenya bishii April ee 2019, ayaga oo dilay mid ka mid ah raggii ilaalinayey, kadibna la galay Soomaaliya.