Aqalka Cad oo shaaciyey arrimo ay ka wada-hadleen Joe Biden iyo Uhuru Kenyatta

Washington (Caasimada Online) – Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa war ka soo saaray wadahadal qadka telefonka ku dhex-maray markii ugu horreysay wadaxweynayaasha Mareykanka iyo Kenya, Joe Biden iyo Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden ayaa shalay telefoon kula xariiray madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta. Sida lagu sheegay war saxaafadeed kooban oo ka soo baxay Aqalka Cad ee Mareykanka.

Warkan waxaa lagu sheegay in madaxweyne Biden uu kala hadlay dhiggiisa Kenya Mr. Uhuru muhiimadda uu leeyahay xiriirka Maraykanka iyo Kenya.

Biden ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay sida ay Mareykanka uga go’an tahay inuu sii wado in Kenya uu kala shaqeeyo nabadda iyo amniga gobolka.

Wadashaqeynta uu Biden u balan qaaday madaxweynaha Kenya waxaa qeyb ka ah ‘taageeridda mowqifkooda’ marka la joogo fadhiyada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo Kenya ay hadda xubin ka tahay.

Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, madaxweyne Biden ayaa bogaadiyey kaalinta hogaamineed ee Kenya ay uga jirto gobolka Geeska Afrika ee dhinacyada la dagaalanka argagixisada, kobcina dhaqaalaha, wax ka qabashada isbeddelka cimillada, iyo horumarka la joogteyn karo ee dhan kasta.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Biden iyo Uhuru  sidoo kale ka wadahadleen xaaladda bani’aadiminimo ee sii xumaanaysa ee gobolka Tigray ee dalka Ethiopia iyo baahida loo qabo in joojiyo nafta baxaysa, lana hubiyo galaan-galka howlaha bani’aadaminimo ee gobolka.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wadahadlay baahida loo qabo in iskaashi laga yeesho arrimaha kale ee la xiriira xasilloonida gobolka Geeska, sida lagu sheegay war-saxaafadeedkan uu baahiyey Aqalka Cad ee Mareykanka.