Madaxweynaha Puntland oo Ciidamada uga digay inay ku milmaan Siyaasadda

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu ciidamada ugu digay in ay ku milmaan siyaasada, si uusan ugu lumin waqtiga, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne oo ka hadlayau kulan ka dhacay Gaalkacyo ayaa sheegay in markii hore howlgallada Ciidamada ee Gobolka Mudug ay ahaayeen kuwo kala dhan taallan, balse ka maamul ahaan ay iabedel ku saneeyeen.

Waxaa uu sheegay in hadda Ciidamada Puntland ee ka howlgalla Gobolka Mudug ay yihiin kuwo wadashaqeeya, sidoo kalena looga baahan yahay inay tallaabo deg deg ah ka qaadaan dadka falalka Amni darro kanl geysta degaannada Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa faray laamaha amniga Gobolka Mudug in halkaasi laga sii wado howlgalada lagu sugayo amniga Gobolka, wuxuuna muujiyay in isbedelka Gobolka ka dhacay uu yahay mid siweyn u muuqda laakiin loo baahanyahay in dowlad iyo Shacaba halkaasi laga sii wado halganka oo wadajir loola diriro argagixisada.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ka qabsoomtay Gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca Amniga, wuxuuna dalacsiiyey Ciidamadii ka shaqeeyay nabadgelyada Gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni waxa uu sheegay in uusan marnaba filayn in ammaanka ay Gaalkacyo ay wax ka bedelaan 120 askari oo Garowe lagasoo diray labo sano ka hor, halka ay Mudug joogeen 2000 askari.

“Ciiddamadan waxay naga ahayd tijaabo, laakiin in ay sidaasi wax isku bedelaan ma ahayn wax aan sidaas filaynay” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay sida ay Puntland usoo afmeertay shabakado Al-Shabaab ah oo muddo dheer ka jiray magaalada Gaalkacyo in aanay jirin meel Soomaaliya kamid ah oo sidaas oo kale usoo afjartay.

Bishii June ee sannadkan, maamulka Puntland ayaa toogasho ku fuliyay 18 xubnood oo Alshabaab, kuwaas oo tan iyo sannadkii 2008 masuul ka ahaa qaraxyadii iyo dilalkii Gaalkacyo ka dhici jiray.