Balcad (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirto ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM ayaa dab qabad siiyey tuulooyin ku dhow caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Tuulooyinka ay Al-Shabaab dabka qabad siiyeen ayaa kala ah Mareerey iyo Mukay Dheere ee duleedka degmada Balcad kadib markii uu halkaas dagaal ku dhex maray Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda.
Wararka laga helayo halkaas ayaa sheegaya in Dadkii daganaa tuulooyinkaas ay isaga barakaceen kadib markii la gubay guryihii ay daganaayeen isla markaasna la dilay qaar ka mid ah dadkiii halkaas ku noolaa.
Mareerey oo qiyaastii 5 km Waqooyi bari ka xigta degmada Balcad ayaa shalay galinkii dambe dab la qabad siiyay, halka Mukey Dheere la gubay Jimcihii.
Boqollaalka qoys ee tuulooyinkaasi ka barakacay, ayaa hadda waxa duruufo nololeed oo aad u adag, ku haystaan degmada Balcad oo ay ku soo qaxeen.
Gudoomiyaha magaaladaasi Qaasim Cali Nuur ayaa sheegay in sababta loo gubay tullooyinkaas ay tahay inay soo dhaweeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaas kula dagaallamayay Al-Shabaab.