25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Sawirro: Ciidamada DF oo furay waddooyin 10 sano u xirnaa kooxda Al-Shabaab

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka oo Maanta howlgal qorsheysan sameeyey ayaa ku guuleystay inay furaan waddooyin kooxda Al-Shabaab u xirnaa muddo 10 sano ah.

Waddooyinka ay ciidamada Xoogga fureen ayaa waxay isku xiraan degmooyinka Waajid, Tiyeeglow iyo Qansaxdheere oo gobolada Baay iyo Bakool ka kala tirsan.

Ciidamada howlgalkaan fuiyey oo ka tirsan ururka 45-aad, guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Xoogga ayaa u awood sheegtay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo waddooyinkaas ku sugnaa kuwaas oo diiday inay gawaarida isaga gudbaan.

Howlgalkaas ay guusha weyn ka gaareen Ciidanka ayaa waxaa hogaaminayay Abaanduulaha ururka 45-aad, guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Xoogga dalka Maxamed Nuur Gurey.

Kooxda Al-Shabaab ayaa go’doon gelisay degmooyinkaas 10 sano ka hor, waxayna dhowr jeer gubeen gawaari raashin u waday Waajid, Tiyeeglow iyo Qansaxdheere taasoo saameyn xoog leh ku yeelatay nolosha dadka ku nool degmooyinkaas.

Sidoo kale saameynta ka dhalatay tallaabada ay Al-Shabaab ku go’doomiyeen degmooyinkaas ayaa waxaa kamid ah inay sare u kacday maciishada maadaama mararka qaar raashinka lagu geynayey diyaaradaha AMISOM.

Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay inay jidadkaas xirnaan doonaan inta ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda ay ku sugan yihiin degmooyinkaas.

Lama oga haddii ay ciidamada Dowladda kusii sugnaan doonaan jidadka ay Maanta fureen, waxaana jirta cabsi ku aadan inay kooxda soo qaado weeraro gaadmo ah si ay ciidamada Dowladda ugu qabsaan inay dib ugu noqdaan halkii ay ka imaadeen.

- Advertisement -

Read more

Local News