Dowladda Soomaaliya oo shaacisay hal ku dhigeeda 5 sano kadib qaraxii Soobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Sanad guuradii 5-aad ee xasuuqii Soobe ayaa sanadkaan ku soo aaday iyadoo ciidamada dowladda iyo dadka ku nool deegaanada fog ee miyiga ah ay dagaal kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

La-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha, Xuseen Sheekh Cali ayaa sheegay in sanad guuradan ay ku soo aaday, xilli dowladda ay ka go’an tahay inay ka adkaanayto Al-Shabaab iyo fikirkooda xagjirka ah.

“Dareenka sanad-guuradaan ma aha mid rajo xumo iyo xanuun, laakiin waa iska caabin iyo u adkeysi, waan ka adkaan doonnaa Al-Shabaab iyo fikirkooda argagixisada ah,” ayuu yiri Xuseen Sheekh.

Waxaa sanadkaan heerkii ugu sareeyey gaaray kacdoonka dadka Soomaaliyeed ee ku jaheysan Al-Shabaab, waxaana jira guulo waaweyn oo laga soo hooyey furimaha dagaalka ee Hiiraan, Galgaduud iyo Bay.

Dowladda Soomaaliya oo in ka badan 15 sano la daalaa dhacaysay dagaalka Al-Shabaab, kuna guul dareysatay inay xasiliso amniga dalka ayaa hadda laf-dhabar u ah abaabulka ka socda gobollada dalka.

Dadka ku nool deegaanada ay kooxdu joogto ayaa hadda u caaboon inay iska dul qaadaan Al-Shabaab, mudo dheer ayaa la weysnaa dowlad ka faa’iideysata kacdoonka bulshada, balse hadda waxaa jirta yidadiiladii ugu weyneed.

Shalay waxay ku beegnayd 5-sano guuradii ka soo wareegtay qaraxii ugu dhimashada badnaa ee Al-Shabaab ay geystaan oo ka dhacay isgoyska Soobe, waxay dadka Soomaaliyeed sanad kasta 14-ka October xusuustaan xasuuqii loo geystay maalintaas.

Maalmahaan oo kale sanad kasta waxaa kaca dareenka dadka, waxayna sanadkaan ku soo aaday iyadoo gobollada lagu eryanayo Shabaab-kii geystay xasuuqii Soobe, carada xusuustaan waxay shidaal ku sii shubi kartaa kacdoonka socda.

14-kii October 2017-kii gaari ay Al-Shabaab ka soo buuxiyeen waxyaabaha Qarxa ayaa isgoyska Soobe ku laayey dhamaan dadkii joogay, in ka badan 600 oo qof ayaa halkaas ku geeriyootay, ku dhawaad 1,000 kalena waa ay ku dhaawacmeen.