Safaaradda Azerbaijan ee Tehran oo la weeraray iyo madaxii amniga oo la dilay

Tehran (Caasimada Online) – Azerbaijan ayaa maanta sheegtay inay shaqaalaha ka daad-gureyneyso safaaraddeeda magaalada Tehran, ayada oo Iran ku eedeysay weerar “argagixiso,” kaasi oo lagu dilay madaxii amniga islamarkaana lagu dhaawacay laba ilaalo.

Madaxa booliska Tehran ayaa sheegay in ninka weeraray safaaradda ay dhiiri-geliyeen sababo “shaqsi.”

“Dhammaan mas’uuliyadda weerarka waxaa leh Iran,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Azerbaijan Ayxan Hacizada oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Waxa uu sheegay in ololaha ka dhanka ah Azerbaijan ee dhowaanahan ay wadeen warbaahinta Iran “uu dhiiri-geliyey weerarka.”

Hacizada ayaa u sheegay taleefishinka Turkish-ka ku hadla ee gudaha ee TRT Haber TV in shaqaalaha safaaradda “laga soo daadgureynayo Iran.”

Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa twitter-ka ku yiri “Waxaan si xooggan u cambaareynayaa weerarka argagixiso.”

Bayaan ay goor sii horeysay oo Jimcaha maanta ah baahisay wasaaradda arrimaha dibedda Azerbaijan ayaa lagu yiri “nin ku hubeysan qoriga Kalashnikov ayaa dilay madaxii ilaalada diblomaasiyeed.”

Waxay sheegtay in laba ilaalo uu sidoo kale dhaawacay qofka weerarka soo qaaday, islamarkaana hadda baaritaan uu socdo.

Qofka weerarka soo qaaday ayaa la xiray, waana nin Iranian ah oo qaba xaas Azerbaijani ah, sida uu sheegay madaxa booliska Tehran General Hossein Rahimi.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Iran Nasser Kanani ayaa sheegay in Tehran ay si xooggan u cambaareyneyso “weerarka hubeysan… oo nasiib darro dhaliyey dhimashada hal qof.”

“Sida uu sheegay baaritaan horudhac ah, waxaa dhiirigeliyey arrimo shaqsi,” ayuu ku daray.

Iran waxaa ku nool malaayin qof oo ah qowmiyadda Azerbaijan oo ku hadla luuqadda Turkish-ka, waxayna muddo ku eedeyneysay Baku inay dhulkeeda ka huriso dareen gooni isu taag.

Xiriirka labada dal ayaa caadiyan ah mid xun, ayada oo dalka horey uga midka ahaa Midowga Soviet uu xulufo dhow la yahay dalka Iran ay xifaaltamaan ee Turkey.

Tehran ayaa sidoo kale ka cabsi qabta in dhulka Azerbaijan loo adeegsan karo weerar Israel, oo hubka ka iibisa Baku, ay ku qaado Iran.

ISHA: AFP, VOA