Xildhibaano marqaati ka noqday xukun dil ah oo lagu riday Cabdishakuur Axmed

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdixakiin Macalin Axmed iyo Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas (Dhegey) oo ka wada tirsan BFS ayaa maanta marqaati ahaan u hor tegay maxkamadda ciidamada qalabka sida oo u fariisatay dhageysiga kiis dil ah oo loo heysto Askari ka tirsanaa ciidanka booliska Soomaaliya.

Askarigaan oo isla maanta kiiskiisa go’aan laga gaaray, dilna lagu xukumay ayaa lagu magacaabaa Cabdishakuur Axmed Maxamuud, waxaana loo heystaa dilka Xasan Maxamed Shire oo ahaa askari kale.

Senator Cabdixakiin iyo Xildhibaan Dhegey Ugaas ayaa baarlamaanka ku kala metela laba askari ee mid la dilay, midna maanta maxkamadda lasoo taagay.

Xildhibaanada oo ka mid ahaa marqaatiyaashii hor yimid Maxkamadda ayaa gabagabadii kiiskaan warbaahinta la hadlay, iyagoo cadeeyey inay ku qanceen in askarigaan loo qisaaso askarigii uu horay u dilay.

Askariga maanta maxkamadda lasoo taagay ayaa la sheegay inuu si bareer ah u dilay saaxiibkiis oo booliska ay ka wada tirsanaayeen, waxaana maxkamadda la hor keenay marqaatiyaal ku cadeynaya kiiskaas.

Xeer ilaalinta ciidamada oo dacwadda ku soo oogtay askarigaan ayaa meesha ka saartay dood uu la yimid oo aheyd inuu dhimirka ka xanuunsanayo, waxayna xeer ilaalintu sheegtay in dilkaas uu bareer ahaa ninka geystana uu caafimaad qabay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada G/Sare Xasan Shuute ayaa isla fadhigii galabta uga dhawaaqay xukunka kiiskaas, isagoo dil toogasho ah ku xukumay Cabdishakuur Axmed.

Intaas kadib waxaa warbaahinta la hadlay Senator Cabdixakiin iyo Xildhibaan Dhegey Ugaas oo maxkamadda ku sugnaa bilow ilaa dhamaadkii dacwadda kiiskaan, waxayna cadeeyeen inay ku qanacsan yihiin go’aanka maxkamadda ee ah in la dilo Ex Dable Boolis Cabdishakuur Axmed Maxamuud.

Labada Xildhibaan ayaa kala metelayey ehellada ay ka dhasheen labada askari ee mid la dilay midna la maxkamadeynayey, waxayna maxkamadda ku raaceen in askarigaan loo qisaaso askarigii uu horay u dilay.

Hoos ka daawo