28 C
Mogadishu
Monday, April 27, 2026

Xasan oo wada qorshe uu ugu guuleysanayo doorashada – Maxaa dhacay maanta?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga fulinta ee ururka.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta doorashooyinka isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo golayaasha wakiillada ee dowlad-goboleedyada.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u bogaadiyay guddiga fulinta, isagoo ku ammaanay kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan hirgelinta qorshayaasha ururka, kuna dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan dadaallada lagu xaqiijinayo doorashooyinka qof iyo cod.

Guddiga doorashooyinka ayaa doonaya in 28-ka bishan ay maamulka Koonfur Galbeed ka qabtaan doorashooyinka isku sidkan, iyadoo sidoo kale 13-ka bisha May ay u qorsheeyeen in deegaannada maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle ay ka dhacaan doorashooyinka qof iyo cod ah ee dadweynuhu ugu codeynayaan wakiilladooda.

Halka doorashada golaha deegaanka ee maamulka Waqooyi Bari ay qabsoomi doonto 30-ka bisha June, maadaama uu leeyahay maamul dhameystiran oo leh golihiisa wakiillada iyo xukuumad.

Xisbiga JSP ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dadaalaya sidii uu u hanan lahaa codadka ugu badan ee doorashooyinka isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo golayaasha wakiillada ee dowlad-goboleedyada, taasoo qorshaheeda uu bilaabay, xilli mucaaradku diidan yihiin hanaanka doorashooyinka socda.

Shalay, xisbiga ayaa, si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka JSP, guddoonka sare ee ururka u dalacsiiyay Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud, oo ahaa ku-xigeenka xoghayaha guud, inuu si rasmi ah u noqdo xoghayaha guud ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP).

Sidoo kale, guddoonka sare ee ururka ayaa Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhagaweyne), oo ahaa xoghayaha arrimaha gudaha iyo siyaasadda, u dalacsiiyay inuu noqdo xoghayaha ku-xigeenka guud ee ururka.

- Advertisement -

Read more

Local News