29.9 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Universal oo jawaabtay P/L: Annaga ma xanibin khudbadii Faroole ee waa EU

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Amsterdam (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaarada warfaafinta Puntland oo uu ku saxiixan yahay wasiirka warfaafinta Puntland Axmed Shiikh Jamac Yusuf ayaa waxaa gebi ahaan shaqadii ay Puntland ka hayeen looga joojiyey warbaahinta Universal TV.

Waxaana Puntland ay ku sheegtay sababta ay shaqada uga joojiyeen Universal oo aan si cadaalad ah usoo tabin khudbadihii madaxdii ka hadashay shirkii Somaalida ee Belguim ka dhacay 16-kii bishan. Iyagoona qoraalka kasoo baxay  ku sii sheegay inay Universal hishiis arrintaasi ku aadan la soo galeen  xafiisyo la sheegay inay ka jiraan Muqdisho, balse aan la sheegin cida ay u shaqeeyaan.

Maanta oo ah 21-09-2013 ayaa si cad loogu sheegay  warsaxaafadeedkan inaysan Puntland ka shaqeyn karin Universal ilaa iyo amar danbe.

Haddaba Universal TV ayaa ka jawaabtay hadalkaasi, iyagoona shaaca ka qaaday sababta khudbadaasi loo siideyn waayey inaysan iyaga amarkooda aheyn oo ay ka timid dhinaca EU. Waxaana  arrintaasi si faahfaahan uga hadlay Abdiweli Garyare oo ah wakiilka Universal ee dalka Holland balse maalintaasi shirka uga soo waramayey Universal.

Abdiweli Garyare ayaa waxaa uu sheegay in warbaahinta Soomaalida guud ahaan iyo midii kale ee dalalka kale midkoodna loo ogolaan inay galaan gudaha meesha uu shirka ka socday oo la geeyey goob kale oo loo diyaariyey dhamaan warbaahinta inay warka ka qaatana. Waxaana uu sheegay inay khudbadaha iyo waxa ka socda goobta uu shirka ka socday ay laftooda ka daawanayeen SHAASHADAHA la iska arko  iyo Computero loogu diyaariyey meesha ay joogeen.

” Waxaa nasiibdaro inagu noqotay markii shirkii aan usoo qalab-qaadanay ee aan rabnay in aan warkiisa dadka ka haqab-tirno naloo sheegay in aanan gudaha u galeyn balse nala siinayo meelo muuqaalada iyo sawirada naloo soo marsiinayo. Kaamarada loo ogolaaday inay ka dhex shaqeyso meesha ay khudbadaha ka socdaan ayaa aheyd mida EU iyo mida Dowlada Soomaaliya ee TV-Qaranka. ” ayuu yiri Abdiweli Garyare.

Waxa uu intaasi ku sii daray inay dhibaatada ugu weyn dhacday markii la gaaray khudbada Dr, Abdirahmaan Faroole  kaasi oo gebi ahaan laga xanibay inay khudbadiisa dibada goobta shirku uu ka socday uga baxdo.

” Waxaana  qolada EU ee u qaabilsaneyd Media sameeyeen inay inaga joojiyaan soo gudbinta khudbadaasi. Lafteena ma aanan fahmin in la joojiyey khudbadaasi, sababtoo ah shaashadaha naloo sameeyey waa ka daawaneynay, balse markii khudbadu ay dhamaatay ayaa waxaan helnay Telefoono dibada inooga yimid oo sheegayey inaysan bixin khudbadii Faroole. Markaasi ayaan iskudaynay in aan haddana bogga loo sameeyey in lagu keydiyo dhamaan khudbadaha shirkaasi laga jeediyey ka baarno, haddana halkaasi waanu ka weynay. Waxaana inoo soo baxday in waxa markii horeyba goobta shirka naloo geyn waayey ay tahay EU oo rabtay inay khudbadaha qaarna fasaxdo inay baxaan qaarna ay joojiso. Taasi oo aan dhici laheyn haddii aan gudaha ku jiri laheyn” ayuu yiri Abdiweli Garyare oo ka tirsan Universal TV.

Universal waxaa kale oo ay sheegeen inay la xiriireen qolada EU u qaabilsaneyd Media si ay arrintan xalkeeda u helaan balse xafiiskaasi waxa uu sheegay inuusan wareysi bixineyn balse ay  la soo xiriiraan wixii dood ka qaba arrinta khudbadaasi iyo waxa loo joojiyey. Isagoona Abdiweli Garyare ugu baaqay maamulka Puntland inay halkaasi la xiriiraan si ay wax u hubsadaan.

Ugu danbeyntii waxaa uu Abdiweli Garyare  wax lala yaabo ku tilmaamay in warsaxaafadeedka hadda kasoo baxay Puntland ee shaqada looga joojiyey  Universal  tahay arrin aan cadaalad ku dhisneyn, isagoona tusaale usoo qaatay in warbaahin badan oo  Soomaali iyo ajanabi lehba ay meesha joogeen balse aan shaqadii ay Puntland ka hayeen laga joojin. Waxaase quman ayuu yiri in arrintaasi dhankooda wax laga weydiiyo maadaama aysan laftooda khudbadii Faroole soo gudbin.

HALKAN KA DAAWO JAWAABTA UNIVERSAL

Caasimada Online

Xafiiska London

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News