26.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Boorsaani oo ballan-qaad yaab leh sammeeyey !!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa markii ugu horeysay sheegey inuu ka shaqeyn doono sidii loosoo celin lahaa dhulka dowlada ee horey loo bixiyay.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay in dhul badan oo dowlada Soomaaliya leedahay  horey loogu wareejiyay shaqsiyaad iyo ganacsato Soomaaliyeed, isagoo sheegay in qaar kamid ah bixinta dhulalkaasi ay ahaayeen kuwo sharci ahaan lagu bixiyay.

Gudoomiye Boorsaani, wuxuu si cad u sheegay in maamulkiisa uu dadaal badan ku bixin doono sidii loosoo celin lahaa hantida dadweynaha ee shaqsiyaadka qaar loo gacan geliyay, sida uu hadalka u dhigay Boorsaani.

“Aniga inaan dhul bixiyo oo dowlada leedahay lagama yaabo, laakiin waxaan hadda dadaal u galaynaa sidii aan usoo celin lahaa dhamaan dhulkii dowlada Soomaaliya laheyd ee horey loo bixiyay”ayuu yiri Boorsaani.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maalmo ka hor ka jawaabay eedeyn loo jeediyay oo aheyd inuu wareejiyay dhismihii hore ee Baarlamaanka, walow markii dambe uu sheegay in nadaafad ahaan uu ugu wareejiyay maamulka TV Universal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News