Riyadh (Caasimada Online) – Amiir la ilmo-adeer ah dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa soo saaray hanjabaad rabshado leh oo ka dhan ah Reer Galbeedka xilli uu sii xumaanayo xiriirka labada dhinac.ย
Farriin muuqaal ah oo ku socota Reer Galbeedka oo lasoo dhigay baraha bulshada, ayuu Amiir Sacuud al-Shaalan ku yiri โQof kasta oo caqabad ku noqda jiritaanka boqortooyada, waxaan dhammaan diyaar ugu nahay jihaad iyo shahiidnimo.โ Wuxuu ku hadlayey luuqadaha English-ka iyo Faransiiska.
Sacuud al-Shaalan waa hoggaamiye qabaaโil oo uu awoowe u ahaa Boqor Cabdulcasiis, aas-aasihii Sacuudiga.
Hanjabaaddiisa ayaa timid ayada oo xiriirka Sacuudiga iyo Mareykanka uu aad u xun yahay, kadib markii Sacuudiga iyo ururka OPEC+ ay dhimeen wax soo-saarka shidaalka xilli ay tallaabadaas aad uga soo horjeeday Washington.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u safray boqortooyada bishii July inkasta oo uu horey u balla-qaaday inuu Sacuudiga ka dhigi doono goโdoon kadib dilkii 2018 ee Jamaal Khaashuqji.ย
Maamulka Biden ayaa warbaahinta u sheegay in Sacuudiga ay kordhin doonaan wax soo-saarka, balse OPEC+ ayaa toddobaadkii tegay goโaamiyey in wax soo-saarka la dhimo 2 milyan oo barmiil maalinkii, taasi oo sare u qaadi doonta qiimaha shidaalka caalamka.
Washington ayaa si caro leh uga falcelisay goโaanka, ayada oo ku eedeysay Sacuudiga inay Ruushka ka caawinayaan inay ka khafiifiyaan cadaadiska cunaqabateynaha ay Reer Galbeedka saareen kadib duulaankii Ukraine.
Aqalka Cad ayaa Arbacadii sheegay inuu Congress-ka kala shaqeynayo dib u qiimeyn lagu sameeyo xiriirka Riyadh. Sharci-dejiyayaasha Mareykanka ayaa soo jeediyey tallaabooyin dhowr ah, oo ay ku jiraan hakinta hubka laga iibiyo Sacuudiga iyo in dacwad ka dhan ah OPEC+ laga furo Mareykanka.
Masโuul ka tirsan Aqalka Cad ayaa sidoo kale sheegay in xubno ka mid ah OPEC+ ay u sheegeen inay kasoo horjeedeen goโaanka lagu dhimay wax soo-saarka balse ay qasbeen Sacuudiga.
Sacuudiga ayaa hadda isku dayaya inay yareeyaan waxyeellada hanjabaadda al-Shaalan, waxaana xubno ku dhow boqortooyada ay sheegeen inuu yahay amiir aan saameyn laheyn, islamarkaana aan wax xil oo rasmi ah hayn.
Because I know they will delete it
Here it is again: pic.twitter.com/L4awAOcRRkโ ุฏ. ุนุจุฏุงููู ุงูุนูุฏุฉ (@aalodah) October 15, 2022