26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

DHAGEYSO: Xildhibaan sheegay war niyad jab ku ah musharax rajo weyn ka lahaa GALMUDUG

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Mahad Sheikh Cali Cibaar oo kamid ah baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa ka hadlay banaanbaxii shalay ka dhacay magaalada Garoowe iyo doorashada madaxweynaha Galmudug.

Xildhibaanka oo la hadlay Radio Risaala oo kamid ah idaacada Muqdisho ayaa sheegay iney ka xun yihiin banaanbaxii ka dhacay magaalada Garoowe ee looga soo horjeeday dhismaha maamulka Galmudug.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in laga wanaagsan yahay in maamulka Puntland caqabad ku noqdaa dhismaha maamulka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya uuna ka horyimaadaa horumarka, sida uu sheegay.

Dhanka kale xildhibaanka ayaa ka hadlay doorashada madaxweynaha ee la qorsheynayo in sabtida soo socota ay ka dhacdo magaalada Cadaado ee gobolka Mudug, wuxuuna si dadban u sheegay inaan la dooran doonin Cabdikariim Guuleed, isaga oo tiriyey shuruudo ay ku dooranayaan oo Guuleed uusan buuxin karin.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News