IMRAN KHAN oo shaaciyey cidda ka dambeysay isku daygii lagu khaarijin rabay

Lahore (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa Jimcihii ku eedeeyey ninka xilka ka beddelay inuu ku lug leeyahay shirqoolka lagu dili rabay, isaga oo ku jira isbitalka kana soo kabanaya dhaawacii ay xabadda gaarsiisay.

Khan ayaa weriyayaasha u sheegay in Shehbaz Sharif, oo xilka ra’iisul wasaare kala wareegay kadib cod kalsooni oo uu baarlamanka qaaday bishii April, uu soo abaabulay weerarka lagu qaaday.

Waxa uu intaas ku daray in shirqoolka ay kula jireen wasiirka arrimaha gudaha Rana Sanaullah iyo taliye sare oo ka tirsan ciidamada.

“Saddexdan ayaa go’aansaday in la I dilo,” ayuu yiri Khan oo markii ugu horreysay soo muuqday tan iyo toogashadii dhacday Khamiistii, wuxuuna intaas ku daray in weerarka ay fuliyeen laba dabley. 

Dowladda ayaa beenisay inay wax kaalin ah ku laheyd, waxayna isku dayga khaarijin ku eedeeysay hal weeraryahan kaliya oo ay dhiiri-gelisay xagjirnimo diineed. Militariga ayaa eedeymaha Khan ku sheegay “kuwa aan sal laheyn oo mas’uuliyad darro ah.”

Weerarka lagu qaaday kolonyada Khan ayaa lagu dilay hal qof, waxaana lagu dhaawacay ugu yaraan 10 kale, taasi oo si xooggan sare ugu qaaday xiisadda siyaasadeed ee dalkaas la degtay tan iyo markii xukunka laga tuuray Khan.

Khan oo 70 jir ah ayaa hoggaaminayey dibad-baxayaal kumanaan ah oo tan iyo toddobaadkii tegay waday socod kasoo billowday Lahore oo ku wajahnaa Islamabad. 

Isaga oo ku fadhiya kursiga curyaamiinta, islamarkaana lugtiisa bidix ay si xooggan u duuban tahay — Khan ayaa hadlayey muddo hal saac ah, wuxuuna oo si xooggan u weeraray dowladda iyo jilbo-weynta siyaasadeed ee uu ku eedeeyey inay xukunka ka tuureen.

Waxa uu sheegay in mucaaradkiisa ay doonayeen inay ku eedeeyaan “inuu aflagaadeeyey diinta ama nebiga NNKH” kadibna ay ku eedeeyaan xagjir inuu dilay. 

Khan sooma bandhigin wax caddeymo ah oo uu ku taageero sheegashooyinkiisa.

Wasiirka arrimaha gudaha Rana Sanaullah ayaa goor sii horreysay sheegay in weerarka “uu ahaa kiis cad oo xagjirnimo diineed.”

Tuhunsanaha oo ku jira gacanta booliska, ayaa saraakiisha dowladda gobolka Punjab waxay ku magacaabeen Naveed Ahmed, wuxuuna muuqaal ay warbaahinta baahisay ku sheegay in Khan “uu marin-habaabinayey dadweynaha.”

Wuxuu intaas ku daray inuu ka careysnaa qeylada kolonyada Khan oo arbusheysay aadaanka salaadda.

Khan ayaa eedeeyey dadweynaha wuxuuna dul saarna konteenar markii rasaasta ay ka dhacday magaalada Wazirabad oo 170 km u jirta bariga caasimada Islamabad. 

“Rasaastu waxay ku dhacday lugteyda, markii aan sii dhacayey waxaa la furay rasaas kale,” ayuu Khan u sheegay weriyayaasha. 

“Waxay ahaayeen laba nin, haddii ay si wanaagsan isugu xirnaan lahaayeen, ma badbaadi laheyn,” ayuu yiri.

“Mid ka mid ah ayaa la qabtay, waxaana lagu sheegay xagjir diineed, ma aheyn xagjir diineed — waxaa jiray qorshe cad oo arrintan ka dambeeyey.”

Siyaasiyiinta Pakistan ayaa waxaa inta badan lala beegsadaa weeraro, hase yeeshee tallaabooyinka ammaan ayaa weli ah kuwa dabacsan.

Ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee dalka Liaquat Ali Khan ayaa lagu toogtay dibadbax ka dhacay magaalada Rawalpindi 1951-kii.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Benazir Bhutto ayaa sidoo kale la dilay 2007 kadib markii qarax xooggan uu ka dhacay gaarigeeda agtiisa xilli ay salaameysay taageerayaasheeda magaalada Rawalpindi.