31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Macawiisleda iyo ciidamada DF oo weeraray goob ay isku urursanayeen Al-Shabaab

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay maanta qaadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo ku sugaan qaybo kamid ah gobolka Galgaduud.

Ciidamada huwanta ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday maleeshiyada Al-Shabaab oo isku uruursanayay  dhulka howdka ah ee u dhxeeya deegaanada Cali- heelle iyo Ciid-Kuus ee gobolkaasi, waxayna gaarsiiyeen khasaare culus.

Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay howlgalkaasi ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay gudaha u galeen goobta ay isku uruursanayeen, kadibna ay khasaare culus gaarsiiyeen dagagaalyahannadii ku sugnaa halkaasi.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Ciidanka ay burburiyeen fadhiyo argagixisadu maalmihii lasoo dhaafay ay ka sameysteen deegaanadaas, kuwaas oo cagta la mariyay.

Saraakiisha howlgalka horkaceysay ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgalkooda, isla markaana ujeedka uu yahay inay xoreeyaan dhulkaasi.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana lasoo warinayaa in ciidamada dowladda iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka ay kusii siqayaan dhulka hawdka ah ee ku yaalla aagga Masagawaa.

Howlgallada ayaa waxaa barbar socda duqeymo lagu garaacayo Al-Shabaab ku sugan Galgaduud Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay xoogga soo saartay kooxdu.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan dib u bilaabuleyso gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana la diyaariyay ciidamadii ugu badnaa oo ku biiraya howlgallada bilaabanaya,

- Advertisement -

Read more

Local News