28.4 C
Mogadishu
Monday, January 19, 2026

Rag dilal ka soo gaystay Puntland oo maanta lagu toogtay Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo horay dilal uga soo gaystay deegaannada maamul-goboleedka Puntland.

Raggan ayaa saaka aroortii hore la geeyay tiirka toogashada ee Iskuul Buluusiya, halkaas oo ay ku toogteen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Labada marxuum ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud oo magaciisa afgarashadu yahay (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Iidoow, waxaana lagu wada fuliyay dil toogasho ah oo ay horay ugu xukuntay Maxkamadda Ciidamada.

Fagaaraha lagu toogtay raggan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada oo goobta kula hadlay warbaahinta, isla markaana ka warbixiyay toogashada saddexdaasi nin ee horay uga tirsanaa maleeshiyaadka argagixisada ah.

Anas Cabdulqaadir iyo Aadan Mursal ayaa si gaar ah uga tirsanaa amniyaatka kooxda Al-Shabaab, waxaana ay u qaabilsanaayeen madax jabiska iyo fulinta weerarada gaadmada ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha goobjoogga ahaa fulinta toogashada.

Sidoo kale waxaa lagu helay inay horay dilal uga gaysteen magaaladda Gaalkacyo qeybta Puntland, iyaga oo dilay Haldooro ahaa labeenta Bulshadda oo ay ka mid yihiin Nabadoono.

Dhawaan Maxkamadda Ciidamada ayaa siyaabo kala duwan u toogatay illaa 8 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo kala ahaa Saleebaan Xuseen Nuur Cali (Siyaaf), Cabdulqaadir Abuukar Axmed (Nasru-diin iyo Saabir), Abuukar Axmed Maxamed (Anwar), Xamsa Jeylaani Cabdulllahi (Abtiga), Xassan Cali Xuseen (Garaad), Qudaama Xamze Yuusuf Maxamed (Yaxye), Cabdi Xassan Rooble (Afeey) iyo Ibraahim Cumar Shamcuun (Hubka), kuwaas oo iyana ka tirsanaa Al-Shabaab, laguna helay dilal iyo qaraxyo ay gaysteen.

Maxkamadda Ciidamada ayaa mar kale haatan dib u billowday fulinta xukunnada dilalka toogashada ah ee ay horay u ridday, waxaa kamid ah shaqsiyaadka kale ee lagu fuliyay laba askari oo ka tirsanaa ciidanka Xoogga oo lagu helay la shaqeynta Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News