Tel Aviv (Caasimada Online) – Danjiraha Mareykanka u fadhiya Israa’iil, Mike Huckabee, ayaa wareysi xasaasi ah oo uu bixiyay ku sheegay in haddii la raaco fasiraadda Baybalka, ay Israa’iil sheegan karto lahaanshaha dhul baaxad leh oo koobaya inta badan waddamada gobolka Bariga Dhexe.
Hadalkan ayaa ka soo dhex muuqday wareysi uu Danjiruhu siiyay weriyaha caanka ah ee Tucker Carlson, kaas oo dhowaanahan uu u dhexeeyay khilaaf xooggan oo salka ku haya aragtidooda is-diidan ee ku aaddan Israa’iil iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka.
Intii uu socday barnaamijka “Tucker Carlson Show” ee soo baxay Jimcihii, Carlson ayaa weydiiyay Danjire Huckabee sida uu u arko aayad la sheegay in ay ku jirto buugga Bilowga ee Baybalka (Genesis 15:18), taas oo sheegaysa in Ilaahay uu Nabi Ibraahim iyo faraciisa u ballan-qaaday dhulka u dhexeeya “Wabiga Niil ilaa Webiga Furaat”.
Carlson ayaa ku dooday in taageeridda aayaddaas ay ka dhigan tahay in Israa’iil ay xaq u leedahay “asal ahaan dhammaan Bariga Dhexe,” oo ay ku jiraan dalalka Urdun, Suuriya, Lubnaan, iyo qaybo ka mid ah Sacuudiga iyo Ciraaq.
“Ma hubo in aan heerkaas gaari karno,” ayuu ku jawaabay Huckabee. “Wuxuu noqon lahaa dhul aad u weyn.”
Markii uu Carlson ku cadaadiyay inuu ka jawaabo su’aasha ah in Israa’iil ay xaq u leedahay dhulkaas, Danjiraha ayaa si la yaab leh u yiri: “Waa caadi haddii ay dhammaan wada qaataan,” inkastoo uu dib ka jilciyay hadalkiisa, isagoo xusay in Israa’iil aysan hadda qorsheynayn inay wada qabsato Bariga Dhexe, balse ay xaq u leedahay inay ku noolaato dhulka ay haatan haysato.
Khilaafka fikirka ee Carlson iyo Huckabee
Danjire Huckabee ayaa caan ku ah mowqifkiisa adag ee uu ku taageero Israa’iil, isagoo ka duulaya caqiidadiisa Masiixiga Evangelical, wuxuuna horey u aaminsanaa in Yahuuddu ay xaq diini ah u leedahay dhulka Daanta Galbeed.
Dhanka kale, Tucker Carlson ayaa isku beddelay mid si weyn u dhaliila siyaasadda Mareykanka ee ku aaddan Israa’iil, isagoo shaki geliyay faa’iidada istiraatiijiyadeed ee ay Washington ka hesho xulafanimadaas.
Carlson ayaa dhawaan barnaamijkiisa ku soo bandhigay dhibaatooyinka la sheegay in loo geysto Masiixiyiinta ku nool gudaha Israa’iil, arrintaas oo keentay in Huckabee uu ku martiqaado dalkaas si ay si toos ah isugu weydiiyaan xaqiiqada jirta.
Wareysigan ayaa sidoo kale daaha ka qaaday xiisad kale oo labada nin u dhexaysa. Danjire Huckabee ayaa si adag u naqdiyay wareysi uu Carlson dhawaan la yeeshay Anthony Aguilar, kaas oo ku andacooday in Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ay dileen wiil yar.
Huckabee ayaa beeniyay eedeyntaas, isagoo sheegay in wiilkaasi uu nool yahay. “Waa nasiib-darro in Tucker uusan Anthony Aguilar u weydiin su’aalo adag sidii uu aniga ii weydiiyay,” ayuu Danjiruhu ku soo qoray bartiisa X (Twitter).
Dhacdooyinkan is-barkan ayaa kusoo idlaaday eedeyn kale oo ka timid Carlson, kaas oo sheegay in ciidamada ammaanka Israa’iil ay xabsiga dhigeen markii uu garoonka diyaaradaha ka dhoofayay, kadib wareysigii uu la yeeshay Huckabee.
Hay’adda Garoomada Israa’iil ayaa warkaas si cad u beenisay. Huckabee ayaa isna difaacay nidaamka amniga ee Israa’iil, isagoo soo qoray: “Qof kasta oo ka baxa ama soo gala Israa’iil (iyo xitaa dal kasta) baasaboorkiisa waa la eegaa, waxaana la weydiiyaa su’aalo amni oo joogto ah.”

