25.1 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

R/Wasaare Rooble oo xilalkii ka qaaday madax sare oo ka tirsan NISA + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhoweyd xilalkii ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde.

Afhayeenka xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa sheegay in Cabdullaahi Kullane iyo Cabdiwaab Sheekh Cali xilkii looga qaaday kadib markii ay ka hor-imaadeen amarkii Ra’iisal wasaaraha ee dhigayey in qofna lagu celin karin garoomada dalka.

“Ra’iisal wasaare Rooble asaga oo ka jawaabaya muwaadiniin Soomaaliyeed oo si sharci darro-da ah maanta looga hor istaagay inay ka dhoofan garoonka Aadan Cadde, waxa uu xilka ka qaaday Cabdullaahi Kullane, Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Cabdiwahaab Sheekh Cali, Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde,” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda.

Sidoo kale waxa uu afhayeenka sii xoojiyey in marnaba loo dulqaadan karin in qof muwaadin ah lagu celiyo garoomada dalka, xili la filayo in dalka ka qabsoomto doorashooyinkii lagu heshiiyey 27-kii May.

Xil ka qaadista uu goordhoweyd sameeyay Ra’iisal wasaaraha ayaa daba socota dhacdo saaka garoonka Muqdisho loogu xanibay guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu).

Cismaan Macalimuu oo saaka warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay tahay markii Afaraad ee laga celiyo garoonka, islamarkaana la is-hortaago in uu u safro Garbahaarey, taasi oo uu sheegay inay ka dambeeyan Farmaajo iyo Cabdullaahi Kulane.

Maxay tahay ujeeddada ay ISRAEL ka leedahay ku biiritaanka Midowga Afrika?

Jerusalem (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Israel ay dib ugu biirayso Midowga Afrika, iyadoo noqonaysa waddan kor jooge ah.

Tallaabadan ayaa sida uu qoray wargeys kasoo baxa Israel waxay timid ku dhawaad 20 sano kaddib markii Israel ay waysay xubinnimada ururkan wixii ka dambeeyay markii laga beddalay magaca ee la sameeyay Midowga Afrika.

Waxaa lagu soo warramay in safiirka u jooga Israel magaalada Addis Ababa uu warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mousa Faki Mahamat, si uu xubin kormeere ah uga noqdo ururka. Kulankaas ayaa ka dhacay xarunta AU ee caasimadda dalka Itoobiya.

Warbaahinta Israel ayaa soo xigatay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Yair Lapid oo sheegay, “Maanta waxay dabbaal-dag u tahay xiriirka Israel iyo Afrika.”

Wuxuu intaas ku daray: “Horumarkan dhinaca diblomaasiyadda ah waa natiijada dadaalkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda, laanteeda Afrika iyo safaaradaha Israel ee qaaradda Afrika.”

Wuxuu sidoo kale yidhi: “Tani waxay saxaysaa khaladaadkii jiray ku dhawaad labaatan sano, waana qayb muhiim ah oo ka mid ah xoojinta xiriirka dhinaca dibadda ee Israel.”

Lapid ayaa sheegay in Israel ay hadda xiriir fiican la leedahay 46 waddan oo ka tirsan Qaaradda Afrika.

Maamulka Falastiiniyiinta ayaa horayba door noocan oo kale ah ugu lahaa ururka Midowga Afrika.

Israel ayaa isku dayaysa in ay adkayso cilaaqaadka kala dhaxeeya 55-ta waddan ee xubnaha ka ah Midowga Afrika, sida ay tabiyeen warbaahinta dalkaas.

Arrimaha kale ee sababta u ah ku biirista AU waxaa ka mid ah in Israel ay doonayso sidii ay u badin lahayd waddamada ugu codeeya arrimaha ay ka doonayso hay’adaha caalamiga ah, sida Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Waxaa kale oo ay Israel doonaysaa inay kala shaqeyso arrimo ay ka mid yihiin la dagaallanka argagixisada, xakamaynta Covid-19 iyo kobcinta ganacsiga beeraha.

Qaar ka mid ah bogagga internet-ka wax ku qora ee Israel ayaa shaaciyay in dowladda dalkaas ay dhawaan xiriirkii diblomaasiyadeed dib ula billowday dalalka Chad iyo Guinea, kuwaasoo ay horay xiriirka ugu jartay.

Sanadkii 2020-kii, Israel ayaa sidoo kale heshiisyo la saxiixatay Suudaan iyo Morocco.

Bishii May ee lasoo dhaafay, madaxa Midowga Afrika Mousa Faki Mahamat ayaa cambaareeyay duqaymihii ay Israel ka fulisay Marinka Qasa iyo weerarradii ay ciidamada Israel ka geysteen Masjidka Al-Aqsa.

Wuxuu xilligaas sheegay in militariga Israel ay sameynayeen “ficillo gurracan oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah”.

Faki ayaa sidoo kale shir Midowga Afrika ka dhacay sanadkii 2020-kii ku sheegay inuu kasoo horjeedo sida uu maamulkii Donald Trump u wajahayay qorshaha nabadeynta Bariga Dhexe. Sacab badan oo ay u sameeyeen ka qayb galeyaashii shirka ayuu ku kasbaday markii uu sheegay in “Trump ficilladiisa ay hagar daaminayeen xuquuqda dadka Falastiiniyiinta”.

Bayaan uu Faki soo saaray Khamiistii ayuu ku sheegay in Midowga Afrika uu “caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan in labo dowladood oo iska barbar dhisan lagu xalliyo arrinta Falastiiniyiinta iyo Israel, taasina ay muhiim u tahay nabadda gobolka.”

 

Guddoomiyihii hore ee Gedo oo lagu xanibay Muqdisho iyo amarkii Rooble oo aan fulin

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) ayaa markale saaka lagu xanibay magaalada Muqdisho, ayada oo loo diiday in uu udhoofo degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Cismaan Macalimuu oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay tahay markii Afaraad ee laga celiyo garoonka, islamarkaana la is-hortaago in uu u safro Garbahaarey, taasi oo uu sheegay inay ka dambeeyan Farmaajo iyo Cabdullaahi Kulane.

“Saakay waxaa aaday garoonka diyaaradaha anigoo u socda Garbahaarey, anoo dareemaya in la isoo celin doono, laakiin amarkii Ra’iisAl Wasaaraha markuu baxay waxaa go’aan qaatay in aan qof la soo celin doonin, nasiib darro aniga iyo inta ila socotay waxaa nala yiri diyaarada ma raaci kartaan qolada diyaaradda ayaa lala soo hadlay,” ayuu yiri Macalimuu.

“Ninka amarkaas soo bixiyay waa Cabdullaahi Kulane (Taliye ku-xigeenka NISA), waxaan ku qanci karnaa Ra’iisal Wasaaraha inuu Kulane Jiis awoodda uu ku faanayo inuu ka qaado.”

Arrintaan ayaa imaneysa xili uu maalin ka hor Ra’iisal Wasaaraha soo saaray amar uu ku mamnuucayo in garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo guud ahaanba dalka si bareer ah looga celiyo qof ka dhoofaya, kaasi oo u muuqda in uu shaqeyn waayey.

Waxa uu xiligaa si adag u sheegay Rooble in uusan u dul qaada doonin in siyaasiyiinta laga soo celiyo gobollada ay deegaan doorashadoodu tahay, isagoo diyaaradaha faray in hadii amarro dad lagu hor istaagayo gobollada laga siiyo ay xafiiskiisa toos ugu soo gudbiyaan.

“Muwaadinka Soomaaliyeed ee musharaxa ah waxa uu xaq u leeyahay in la dhowro xuquuqdiisa, oo magaalo uu ka tago, magaalo kalena uu tago, waxaan farayaa hey’adaha socdaalka iyo hey’adaha amniga, sida boliiska iyo NISA, marar badan waxaa i soo gaartay, in dad la celiyey oo meelo kala duwan laga soo celiyey, uma dulqaadan doono, qofkii uu fal noocaas ah ku soo baxana tallaabo sharci ah ayaan ka qaadayaa,” ayuu xiligaas yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Si kastaba, Garbahaarey ayaa ka mid ah deegaan doorashooyinka loo asteeyey in lagu soo doorto xildhibaanada golaha shacabka, waxaana magaaladaas aad isugu haya Farmaajo iyo maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

R/W Rooble oo loo gudbiyey CAQABADAHA hor-taagan doorashada AQALKA SARE

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay casho sharaf u sameeyay guddiga doorashooyinka heer federaalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddiga doorashooyinka heer Federaalka  kula dardaarmay in ay doorashada u maamulaan si daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi.

Guddiga doorashooyinka ayaa Ra’iisul wasaaraha u gudbiyay in caqabadaha ay heysta ay kamid yihiin dhaqaalle yarida iyo in wali aysan soo gaarin dhaqaalihii lagu qaban lahaa doorashada labada Aqal.

Waxaa kaloo sheegeen in qaar ka mid ah Madaxweynayaasha maamulada qaarkood ayasan wali soo gudbin liiska xubanaha ku tartamaya Aqalka Sare.

Ra’isulwasaare Rooble ayaa guddiga u sheegay inuu kala shaqeyn doono sidii loo xallin lahaa cabaqadaha hor taagan qabashada doorashada.

Kulanka Rooble iyo guddiga Doorashooyinka heer Federaalka ayaa imaanayo xilli ay muuqato dib u dhac ku yimid waqtigii loogu talagalay qabashada doorashada xubnaha aqalka sare oo lagu heshiiyey in la qabto 25 illaa 27 bishaan July.

Maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe ee Jubblanad ayaa u muuqada maamulka kaliya ee diyaarka u ah inuu waqtigeeda ku qabto doorashada aqalk sare, waxaana Kismaayo ka socdo dhaq-dhaqaaqyo dhanka doorashada ah.

Baarlamaanka Maamul Goboleedka Galmudug ayaa ku maqan fasax, waxaana la filayaa inuu shaqada dib ugu soo laabto 10 Agoosto taasoo muujineyso in maamulka Galmudug uusan doorashada aqalka sare ku qaban karin waqtigii lagu heshiiyey.

Laba gantaal oo lagu dhuftay saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin Hareeri-Dheere

Qeycad (Caasimada Online) – Sida ay xaqiijisay Wasaaradda Amniga mamulka Galmudug, diyaarado ayaa duqeyn ka fuliyey saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin Gobolka Mudug.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa xaqiijisay in laba Gantaal oo laga riday diyaarad lagu duqeeyey saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin inta u dhaxeysa Qeybcad iyo Hareeri dheere oo dhaca Gobolka Mudug.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamada huwanta ay gudaha u galeyn halka duqeynta laga fuliyey.

Wasaaradda ma aysan sheegin khasaaraha ka dhashay weerarka dhanka diyaaradda ah ee lala beegsaday Al-Shabaab.

“Laba gantaal oo kuwa diyaaradaha laga soo rido ah ayaa lagu duqeeyey saldhig kale oo kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen Qaycad iyo Hareeri dheere dhexdooda, waxaana hadda horey u galay ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraal lagu soo daabacay barta Facebook ee Wasaaradda Amniga Galmudug.

Dhawaan ayey aheyd markii duqeyn diyaarado laga fuliyey Degmada Qeycad taasoo sababtay in maleeshiyadii Al-Shabaab ee halkaas ku sugnaa ay isaga baxaan iyadoo hadda ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug.

Gobolka Mudug waxaa ka socdo dagaal Gobolkaas looga sifeenayo kooxda Al-Shabaab oo muddooyinkii ugu dambeeyey ciidamo badan kusoo daabuleysay, waxayna saraakiisha ciidamada Dowladda sheegeyn inuu dagaalka sii socon doono inta gacanta lagu soo dhigayo Magaalada Xarardheere.

Mareykanka oo Farmaajo uga digay halis ku gadaaman doorashada xildhibaannada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in kulan qarsoodi ah ay yeesheen saraakiil ka tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee Africom iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Saraakiisha la kulmay Madaxweyne Farmaajo ayaa ku wareejiyay warqad ay ku cadeed in Al-Shabaab ay Muqdisho kawadaan dhaq dhaqaaqyadii ugu xooganaa ee doorashada Soomaaliya islamarkaana ay u yeereen dhaqanka, ganacsatada, Barayaasha iyo qof kasta oo ay u arkaan in ay soo geli karaan ergadad doorashada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sida aan xogta ku helnay loo sheegay in haddii Al-Shabaab ay soo galaan siyaasadda Soomaaliya ama xildhibaano helaan ay noqon doonto halis amni oo aad u weyn, taasi oo mas’uuliyaddeda ay qaadi doonaan madaxda hadda joogta.

Sidoo kale saraakiishaan ka socotay Africom ayaa Madaxweyne Farmaajo u sheegay in mudadii uu xafiiska joogay uu ku fashilmay dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana ay xoogeysteen afartii sano ee la soo dhaafay awood ahaan iyo dhaqaalo ahaanba. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaamaysa in Madaxweyne Farmaajo loogu baaqay in dowladdiisa ay qaado talaabooyin cad cad oo arrintaan wax looga qabanayo. Waxyaabaha dowladiisa lagu dhaliilay ee dhinaca ammaanka waxaa kamid ah in aysan waxba ka qaban dadka ay Al-Shabaab u wacayaan iyo goobaha dadka loogu yeero. 

Waxaa aad usoo kordhaya walaaca laga qabo in Al-Shabaab ay soo galaan baarlamaanka Soomaaliya, taasoo haddii ay dhacdo keeni karto in qeyb ka noqdaan madaxda dalka ugu sarreysa, islamarkaana wax ka gaara go’aanada masiiriga ah.  

Uhuru Kenyatta: Ma dhiibeyno hal taako oo dhulkeenna ah

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta  ayaa sheegay in dalkiisa aanu bixin doonin, oo dal kale siin doonin hal Inji.

Arrintan ayaa la sheegayaa inuu Uhuru Kenyatta  ula dan lahaa muranka badda ee dalkiisa kala dhaxeeya Soomaaliya.

Madaxweyne Kenyatta ayaa sidoo kale ka hadlay in Kenyaay diyaar u tahay iney difaacato midnimadeeda sida ay u difaacday nabadda dalalka kale.

Uhuru  ayaa hadalkan ka jeediyey arbacadii booqasho uu ku tagay lama degaanka Boni isaga oo booqdya ciidamo amni oo halkaas tababar uga socday

Dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa taalo Maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), waxayn dacwadaan keentay inuu xumaado xiriirka Soomaaliya iyo Kenya inkastoo ay hadda bilaabatay dib usoo celinta xiriirka labada dal.

Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee 2014-kii, maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka.

Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo.

Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.

April 7, 2009:- Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya ayaa kala saxiixday heshiis Isfahan ah oo la xiriiray xadka badda ee labada dhinac.

Heshiiskaasi waxaa dinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah.

Dhanka Kenya waxaa u saxiixay Moses Wetangula, oo markaasi ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya.

Heshiiskaas kuma jirin arrinta la xiriirta xadka badda, balse wuxuu dhigayay hanaankii loo mari lahaa in lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya.

Madaxweyne Xasan: Dalka oo dhan waa wada tabasho, waana in la is weydiiyaa

Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa soo jeediyay in xal loo helo tabashada guud & tan gaarka ah ee Dalka ka jirto.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya waxa uu codsaday in laga wada hadlo wax waliba oo sababay tabashada guud iyo tan gaarka ah si looga gudbo loona helo xalka lagu soo afjari karo.

“Arrimaha qaar waxa ay u baahan yihiin in la iska warsado waana la is warsanayaa, wixii maanta la xalin karo waala xalin karaa, wixii kale berri ayaan u dhiganeynaa, Dadkaan dhexdiisa waxa nooga maqan yihiin oo wax duurjira ma aha” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa tagay Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Mas’uuliyiintaan ayaa Cadale ka sameeyay Kulamo guud iyo kuwo gaar gaar ah oo ay la qaateen maamulka Degmada, Odoyaasha dhaqanka & qaybaha kala duwan ee Bulshada si xal loogu helo tabashada ay qabaan.

Afarta qodob ee sababay in Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh safar deg deg ah ku tagaan Cadale ayaa kala ah.

1- Doodda beelaha Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa xoogeestay dood ay qabaan beelaha Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone oo ay kuraas kala dhaxeyso beesha Maxamed Caroone oo laba jufo oo ka tirsan oo kala ah Agoonyar-Gaabane iyo Obakar-Gaabane ay haystaan laba kursi oo oo xildhibaan, waxayna doodda ku saabsaneed xuquuq ay sheegeen in laga duudsiiyay intii ay xilka haayeen Madaxweynayaasha maanta booqday ee Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

Labadaan beel ee Cabdalla iyo Nugaale ayaa wax ku leh kuraasta ay ku fadhiyaan Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, waxayna Jowhar iyo Muqdisho ka billaabeen qeyla dhaan iyo eedeyn loo jeedinayo Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, waana sababta keentay in safarkaas ay galaan labadaan mas’uul.

Waxaa la filayaa in ay xal u raadiyaan tabashooyinka beelahaan inta ay joogaan Cadale,  inkastoo ay ku geedaaman yihiin culeysyo badan. Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone waa labo Jufo oo aan wax dooran lana dooran wixii ka dambeeyay doorashadii Soomaaliya ee 2009-kii, waxaana kuraastooda la siiyay beelo kale oo ka tirsan beel-weynta Mudullood, sida ay ku doodeen.

Joojinta abaabul dagaal oo ka socda Jowhar

Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellada Dhexe waxaa la geeyay maleeshiyaad badan oo ka tirsan beelaha aan kor ku soo xusnay ee Cabdalla iyo Nugaale, kuwaas oo u diyaar garoobaya in aysan Jowhar ka dhicin doorasho haddii aan la xalin tabashadooda, waxaana laga cabsi qabaa in uu halkaas dagaal ka qarxo haddii aan la xalin xiisada taagan.

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa la sheegay in Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh uu ku war geliyay in labadaan beelood ay abaabul ka wadaan Jowhar, islamarkaana ay qasab tahay in ay ka qeyb-qaataan maadaama ay yihiin odayaasha Abgaal iyo Murashaxiin ka soo jeeda Beesha Abgaal, waana sababta 2-aad ee safarka loogu aaday Cadale oo ka tirsan Shabeellada Dhexe.

Abaabulka Kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa la filayaa in ay gobalka Shabeelada Dhexe iyo guud ahaan dhulka ay dagaan beel-weynta Abgaal ay ka bilaabaan kacdoon ka dhan ah Al-shabaab si degaanka loogu sameeyo hormarin iyo fursado shaqo abuur ah.

Dhowr jeer ayaa shirar ka dhacay Muqdisho iyo meelo kale laga sheegay in Mudullood dhulkooda ay dhibaatooyin badan ku haayaan Al-Shabaab, taasina ay ceeb ku tahay beeshaan oo lagu tiriyo beelaha ugu awoodda, dhaqaalaha iyo dadka badan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynihii hore ee HirShabeelle ayaa bilo ka hor shir ay Mudullood Muqdisho ku lahaayen ka sheegay in dhulka ay ka soo jeedaan uu la daalo dhacayo amni xumo iyo horumar la’aan waxaana la filayaa in uu dhowaan kacdoon ka bilaawdo gobalka.

Saameenta Beesha Abgaal iyo Murashaxnimada Xasan iyo Shariif

Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo labadooduba ah Murashaxiinta ugu cad cad doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee dhacayso sanadkaan waxay dadaal badan ugu jiraan in ay isku xirnaan iyo kalsooni ka dhax-abuuraan beelaha Hawiye, si gaar ah kuwa ay ka soo jeedaan ee Mudullood, taasoo la aaminsan yahay in caqabad ku noqon karto hadii aysan xalin tabashooyinka dhaxdooda doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Murashaxiinta kale ee Hawiye ay dhankooda billaabaan isu keenida beelahooda maadaama uu jiro qorshayaal ay Villa Somalia la damacsantahay Murashaxiinta Hawiye, iyadoo ay xusid mudantahay in beelaha yaryar ee Hawiyaha ay sanadkan kicin ku waddo Villa Somalia.

Lama oga waxa uu ku soo dhamaan doono safarka madaxdaan hase yeeshee waa mid kamid ah safaradii ugu muhiimsanaa oo ay galaan Shariif iyo Xasan Sheekh tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay xilka ka dagaan sanadihii 2012-kii iyo 2017-kii.

Sidee loo musuqay malaayiin dollar oo loogu talo-galay la-dagaalanka Al-Shabaab?

Nairobi (Caasimada Online) – Waaxda maaliyadda ee dalka Kenya ayaa meel ku sheegi weysay in ka badan 23 milyan oo dollar oo uu dalkaas ka helay Midowga Afrika si loogu maalgeliyo ciidamadiisa qeybta ka ah la dagaalka Al-Shabaab, sida ay daabacday warbaahinta Kenya.

Xoghayaha maaliyadda Kenya, Dr Julius Muia, ayaa dhawaan ku guuldareystay in uu sharraxaad ka bixiyo lacag malaayiin dollar ah oo ka maqan dhaqaalaha uu Midowga Afrika ugu tala-galay ciidamada la dagaallamaya Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Warbixin kasoo baxday hanti dhowraha guud ee Kenya oo ku saabsan miisaniyad sanadeedka 2018/19 ayaa lagu sheegay in lacagtaas aysan gaarin ciidanka Kenya ugu jira AMISOM oo tiro ahaan lagu sheegay 3,600 oo askari.

Warbaahinta oo soo xigatay warqad 26-dii bishii July sanadkii 2018 uu wasiirkii maaliyadda Kenya u qoray xoghayihii gaashaandhigga ayaa waxay muujineysay in Kenya ay Midowga Afrika ka sugeysay lacag dhan 78 milyan oo dollar in muddo ah iyadoo dib u eegis lagu sameynayay arrintaas.

Guddiga baarlamaanka ee arrimaha maaliyadda ayaa xoghayaha maaliyadda Kenya su’aalo dhowr ah ka weydiyay arrinta ku saabsan in uu meel ku sheego lacagaha maqan, gaar ahaan farqiga u dhexeeya warbixinta hanti dhowraha iyo diiwaankii uu horraan soo gudbiyay wasiirkii hore ee maaliyadda ee ku aadan kharashaadka ku baxay ciidamada Kenya ka joogo Soomaaliya.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom) ayaa dejistay qorshe ah in bisha Disembar 2021 ciidamada Soomaaliya lagu wareejiyo amniga dalka, balse khuburada arrimaha ammaanka ayaa su’aal gelinaya suuragalnimada arrintasi.

Lacagtii uu Midowga Yurub siin jiray ciidamada Kenya ee la dagaalamaya Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya ayaa bishii hore laga jaray 66 boqolkiiba oo ah in ka badan 45 milyan oo dollar.

Arrintan ayaa dhaqangeleysa sanad maaliyadeedka cusub ee bilowday bisha July, maadaama ay soo dhowaatay taariikhda la qorsheynayo in ay ka baxaan Soomaaliya taas oo ay hogaaminayso Qaramada Midoobay, sida ay qoreyso qaar ka mid ah warbaahinta Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan xooggaga

Al-Shabaab oo ay sheegeen inay khatar ku hayeen amniga gudaha Kenya. Fariisimaha milatariga Kenya ee Soomaaliya ayaa ku yaalla deegaannada hoos taga maamulka Jubbaland.

Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jabuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab.

Isha: Mustaqbal Media

Farmaajo oo guddi u saaray khilaafka Gobalka Banaadir 

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu guddi u saaray khilaaf culus oo u dhaxeeya Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir iyo ku-xigeenkiisa dhinaca maaliyadda, khilaafkaas oo curyaamiyay dhamaan shaqooyinka gobalka Banaadir.

Xog aan helnay ayaa tilmaameysa in guddi ka kooban wasiiro, la-taliyeyaal Madaxweyne iyo Hanti-dhowraha Qaranka loo saaray in ay dhax-dhaxaadiyaan labadaan ma’suul si loo sii socodsiiyo shaqada dowladda Hoose oo wajaheysa culeysyo badan. 

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in bilooyinkii la soo dhaafay aan wax lacag ah laga soo bixin akoonada gobalka, waxaana diiday in uu saxiixo guddoomiyaha Maaliyadda, arrintaas oo sababtay in shaqaalaha qaar aysan mushaar qaadan muddo bilooyin ah iyo in ay istaagto shaqadii gobalka Banaadir.

Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in ay sameeyaan qodobo lagu maamulo maaliyadda gobolka iyo jawi wadashaqeyn dhaxmarta Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Filish iyo ku-xigeenka dhinaca maaliyadda Caana-boore.

Dowladda Hoose ee Xamar ayaa wajaheysa mid kamid ah marxaladihii ugu darnaa sanado kadib, waxaana la sheegay in ay ugu wacantahay maamul xumo iyo khilaaf ku dhax-raagay maamuliyiinta gobalka Banaadir.

Burcad dhibaato xooggan ku haysay Soomaalida xaafadda ISLII oo toogasho lagu dilay

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada dharcadka ee Kenya ayaa shalay toogasho ku dilay laba ka mid ah koox burcad ah oo dhac u gaysaneysay bakhaar ku yaala xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi.

Ciidamada ayaa sidoo kale dhaawacay afar qof oo kale, kuwaa oo sida la sheegay ka tirsanaa kooxdaasi burcadda ah, waxaana wararka ay sheegayaa in xaaladda qaar ka mid ah ku wa dhaawaca ah ay liidato

Hay’adda Dembi Baarista ee CID-da Kenya ayaa sheegtay in ciidamada amniga ay ka hortaggeen fal burcadnimo ah oo laga gaysanayay xaafadda Islii, oo ay Soomaalida degto, ayna u suurta-gashay inay toogasho ku dilaan laba ka mida demiile-yaashii falkaasi ku lugta lahaa.

Dowladda Kenya ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay adkeysay amniga xaafadda Islii, ka dib markii ay ku soo bateen kooxaha burcadda ee dafa teleefanada gacanta iyo sidoo kale falalka afduubta la xiriira.

Xaafadda Islii ee Soomaalida ayaa waxaa aad u beegsada burcadda Kenya, waxaana marar badan ka dhacay boob hanti iyo afduub loo geystay Soomaalida qaarkood oo kadib laga dalbaday lacag madax-furasho ah.

Sidoo kale, ciidamada booliska Kenya ayaa lacag baad ah ka qaata Soomaalida, ayaga oo ugu hanjaba inay xirayaan, taasi oo keentay in inta badan kuwa aan sharciga haysan aysan habeenkii socon.

KENYA oo qaaday tallaabo daba socota diyaaradii ku dhacday garoonka Ceelwaaq

0

Nairobi (Caasimada Online)  – Agaasimaha guud ee hay’adda Duulista Hawada ee Kenya (KCAA) Gilbert Kibe ayaa markii u horeysay ka hadlay diyaarad shalay Arbacadii ku gashay garoon diyaaradeed ku yaalla degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Gilbert ayaa sheegay in diyaaradaas ay ka ambabaxday garoonka diyaaradaha ee Wilson ee Nairobi, islamarkaana ay kusii jeeday magaalada Mandera ee waqooyi bari.

Waxa uu shaaciyey inay bilaabeen baaritaanka diyaaradaasi, midaasi oo ay ku dhaawacmeen ku dhawaad toban qof oo kamid ahaa 45-ruux oo saarna diyaaradaas.

Gilbert ayaa ka gaabsaday faah-faahin dheeri ah oo ku aadan shilka diyaaradda, oo si kedis ah usoo wajahday cilad xoogan, taasi oo keentay in duuliyaha uu si deg deg ah ugu dejiyo garoon sanado badan xirnaa.

Diyaaraddan oo uu nooceedu ahaa 5Y-GRS ayaa ku sii jeeday dhanka degmada Elwak ee is-maamulka Mandera, ayada oo xiliga cilada soo wajaheysay ay ku dhawaad xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Afar qodob oo sababay in Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ay tegaan Cadale

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray degmada qadiimiiga ee Cadale, taasoo dhacda xeebta gobolka Shabeelada Dhexe ee koofurta Soomaaliya.

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh safarka waxaa ku wehliya Xildhibaano, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale oo degaanka ah oo ay ku jiraan odayaal dhaqan iyo ganacsatada Shabeellada Dhexe, waxayna halkaas soo joogi doonaan ilaa dhowr maalmood, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo kala duwan.

Xog rasmi ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in safarka Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya uu salka ku haayo afar qodob oo muhiim ah, kuwaasoo u baahan in si deg deg ah looga jawaabo. 

Afarta qodob ee sababay in Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh safar deg deg ah ku tagaan Cadale ayaa kala ah.

1- Doodda beelaha Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa xoogeestay dood ay qabaan beelaha Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone oo ay kuraas kala dhaxeyso beesha Maxamed Caroone oo laba jufo oo ka tirsan oo kala ah Agoonyar-Gaabane iyo Obakar-Gaabane ay haystaan laba kursi oo oo xildhibaan, waxayna doodda ku saabsaneed xuquuq ay sheegeen in laga duudsiiyay intii ay xilka haayeen Madaxweynayaasha maanta booqday ee Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

Labadaan beel ee Cabdalla iyo Nugaale ayaa wax ku leh kuraasta ay ku fadhiyaan Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, waxayna Jowhar iyo Muqdisho ka billaabeen qeyla dhaan iyo eedeyn loo jeedinayo Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, waana sababta keentay in safarkaas ay galaan labadaan mas’uul.

Waxaa la filayaa in ay xal u raadiyaan tabashooyinka beelahaan inta ay joogaan Cadale,  inkastoo ay ku geedaaman yihiin culeysyo badan. Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone waa labo Jufo oo aan wax dooran lana dooran wixii ka dambeeyay doorashadii Soomaaliya ee 2009-kii, waxaana kuraastooda la siiyay beelo kale oo ka tirsan beel-weynta Mudullood, sida ay ku doodeen.

Joojinta abaabul dagaal oo ka socda Jowhar

Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellada Dhexe waxaa la geeyay maleeshiyaad badan oo ka tirsan beelaha aan kor ku soo xusnay ee Cabdalla iyo Nugaale, kuwaas oo u diyaar garoobaya in aysan Jowhar ka dhicin doorasho haddii aan la xalin tabashadooda, waxaana laga cabsi qabaa in uu halkaas dagaal ka qarxo haddii aan la xalin xiisada taagan.

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa la sheegay in Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh uu ku war geliyay in labadaan beelood ay abaabul ka wadaan Jowhar, islamarkaana ay qasab tahay in ay ka qeyb-qaataan maadaama ay yihiin odayaasha Abgaal iyo Murashaxiin ka soo jeeda Beesha Abgaal, waana sababta 2-aad ee safarka loogu aaday Cadale oo ka tirsan Shabeellada Dhexe.

Abaabulka Kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa la filayaa in ay gobalka Shabeelada Dhexe iyo guud ahaan dhulka ay dagaan beel-weynta Abgaal ay ka bilaabaan kacdoon ka dhan ah Al-shabaab si degaanka loogu sameeyo hormarin iyo fursado shaqo abuur ah.

Dhowr jeer ayaa shirar ka dhacay Muqdisho iyo meelo kale laga sheegay in Mudullood dhulkooda ay dhibaatooyin badan ku haayaan Al-Shabaab, taasina ay ceeb ku tahay beeshaan oo lagu tiriyo beelaha ugu awoodda, dhaqaalaha iyo dadka badan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynihii hore ee HirShabeelle ayaa bilo ka hor shir ay Mudullood Muqdisho ku lahaayen ka sheegay in dhulka ay ka soo jeedaan uu la daalo dhacayo amni xumo iyo horumar la’aan waxaana la filayaa in uu dhowaan kacdoon ka bilaawdo gobalka.

Saameenta Beesha Abgaal iyo Murashaxnimada Xasan iyo Shariif

Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo labadooduba ah Murashaxiinta ugu cad cad doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee dhacayso sanadkaan waxay dadaal badan ugu jiraan in ay isku xirnaan iyo kalsooni ka dhax-abuuraan beelaha Hawiye, si gaar ah kuwa ay ka soo jeedaan ee Mudullood, taasoo la aaminsan yahay in caqabad ku noqon karto hadii aysan xalin tabashooyinka dhaxdooda doorashada Soomaaliya. 

Sidoo kale waxaa la filayaa in Murashaxiinta kale ee Hawiye ay dhankooda billaabaan isu keenida beelahooda maadaama uu jiro qorshayaal ay Villa Somalia la damacsantahay Murashaxiinta Hawiye, iyadoo ay xusid mudantahay in beelaha yaryar ee Hawiyaha ay sanadkan kicin ku waddo Villa Somalia. 

Lama oga waxa uu ku soo dhamaan doono safarka madaxdaan hase yeeshee waa mid kamid ah safaradii ugu muhiimsanaa oo ay galaan Shariif iyo Xasan Sheekh tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay xilka ka dagaan sanadihii 2012-kii iyo 2017-kii. 

Wararkii ugu dambeeyey baaritaanka lagu hayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya baaritaanka lagu hayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar u shaqeysa hay’adda NISA oo hadda la la’yahay muddo ku dhow bil, kadib markii la waayey 26-ka June.

Ikraan ayaa aheyd gabar aqoonyahanad, oo aad ugu wanaagsan qorista warqadaha xiriirka xafiisyada sida dowlad ama hay’adaha kale. Ikraan ayaa dhex-daganeyd xeendaabka NISA, ee ka xiran cirifka global iyo kan KM-0, taasi oo hay’adda farta kusoo fiiqday.

Habeenka 26-ka June ee Ikraan uu baabuurka ka qaaday gurigeeda, waxaa dalka ka maqnaa taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji. Dhanka kale, taliyaha NISA ee gobolka Banaadir gaashaanle sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud “Yaasiin Farey”, iyo gaashaanle sare Farxaan Maxamuud Qaroole, oo ah taliyaha booliska gobolka ayaa ayaga oo ku sugan xarunta Godka Jilicow hagayey sugidda amniga caasimadda, maadaama la isku diyaarinayay damaashaadkii maalmahii xoriyadda oo habeenkaas kow u ahayd.

Ikraan ayaa ku baxday gaari u muuqday in qofka waday uu awood badan ku lahaa NISA, sidoo kalena ahaa qof ay aamintay. 

Illaa iyo hadda ma cadda cidda wadatay Ikraan iyo cidda bixisay amarka lagu watay Ikraan, hase yeeshee qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee ku ehelka ah Ikraan iyo kuwa aan ku ehelka aheynba waxay eedeeyeen madaxda sare ee hay’adda.

Xildhibaan Mahad Salaad oo maanta qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa yiri “Sababta Ikraan in la dilo loo go’aamiyay ayaa la ii sheegay labo arimood oo aad xasaasi u ah oo ay macluumaad ka heysay, kuwaas ku saabsanaa sidii loo qorsheeyay dilkii Allaha u naxariistee Eng Yariisow oo xaafiiskiisa ay madax ka ahayd iyo arrimo waaweyn oo Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis [Taliye ku-xigeenka] ku lug leeyihiin.”

Sidoo kale, dad ehel la ah Ikraan oo codsaday inaan la magacaabin ayaa si gaar ah u eedeeyeey Kulane oo ay sheegeen inay Ikraan is-qabteen, kana jaray gunnooyinkeeda, sidoo kalane uu amray xanibaad xagga socodka ah oo la saaray.

Sida aan xogta ku helnay, Ikraan laguma baraarugin maqnaashaheeda labadii cisha ee ugu horreysay, markaas kadib ayaa walaasheed oo joogto Faransiiska waxay soo wacday Yaasiin Farey, oo ah taliyaha Nabad-Sugidda gobolka Banaadir. 

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Yaasiin Farey uu hadda hoggaaminayo kiiska baaritaanka maqnaanshaha Ikraan. Waxyaabaha illaa iyo hadda uu baaritaanka ku ogaaday ayaa la sheegay inay ka mid yihiin inuu hubiyey inaysan dalka ka bixin, maadaama uusan soo helin record galeed ama muuqaallada ay duubeen kaamirooyinka garoonka wixii ka dambeeyey maalmihii la waayey. 

Taliyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale soo helay muuqaallada kaamirooyinka u dhow gurigeeda, oo muujinaya raadka u akaanshiyaha gabadha iyo gaariga nuuciisa, balse weli lama hayo xog intaas dhaafsan.

Taliyaha ayaa sidoo kale weydiistay shirkadaha taleefonada Muqdisho inay siiyaan xogta xiriirka ugu dambeeyay ee ay sameysay gabadha balse sida la sheegay way diideen inay dhiibaan.

Darwalka la magacaabay oo magaciisa lagu sheegay Wadna-qabad ayaa ah sarkaal ka tirsan NISA, oo aan marna darawal u noqon taliye Yaasiin Farey. 

Yaasiin Farey iyo Ikraan Tahliil, ayaa waxaa sida aan xogta ku helnay is-baray taliyaha NISA Fahad walaalkiis, ayada oo la sheegay in sidoo kale uu kala ballamay Fahad laftiisa, wixii markaas ka dambeeyay waxa ay u ahayd xogheyn aqoonteeda kula joogto. 

Yaasiin Faray iyo Ikraan ayaa la sheegay inay aad isugu dhowaayeen oo uu xitaa bartay qoyskeeda, waxa ay isku ahaayeen dad isku fiican oo shaqada isaga dhow. Yaasiin ayaa sidoo kale mas’uuliyad iska saaray Ikraan, waxa uuna bixinayay adeegyada nolosheeda marka ay magaalada joogto sida kirada iyo biilkeedaba, markii ay hay’adda lacagta ka jartay. Waxa uu sidoo kale kala ballamay laba wiil oo darawalladiisa ka tirsan inay u adeegaan marka ay u baahato dhaq-dhaqaaqa magaalada.

Taliye Yaasiin Farey ayaa la sheegay inuu yahay ninka kaliya ee dadaal kasta ku bixiyay sidii uu heli lahaa Ikraan, balse uu aad uga xumaaday markii siyaasiyiin dano gaar ah leh ay ku eedeeyeen darawalkiisa in ay ku dambeysay maqnaanshada Ikraan, taasi oo uu u arkay sumacd dil shaqsi ah.

Doorashada xildhibaanada BF ee Koonfur Galbeed oo la geeyey guriga Lafta-gareen

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer maamul gobaleed ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegay in la dejiyay, islamarkaana lagu amray in ay ku shaqeeyaan Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan qeybta degaanka u ah Madaxweyne Lafta-gareen.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u sheegay in guddiga la siiyay qolkii fadhiga ee Madaxweyne Lafta-gareen, halkaasoo la sheegay in ay noqon doonto xafiiskooda ugu weyn oo ay ka maamulayaan doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Siyaasiin badan oo mucaarad ah ama ka aragti duwan Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Caasimada Online u sheegay in guddigaan la awooday in la siiyo qolal kale oo ka tirsan Madaxtooyada qeybaheeda shaqada ama xafiisyada ah, halkii la dejin lahaa qeybta degaanka u ah Madaxweyne Lafta-gareen.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ujeedada arrintaan ay tahay in la boobo doorashada Xildhibaanada iyo in aysan guddiyada u shaqeynin si madaxbanaan. 

Sidoo kale xogta ayaa tilmaamaysa in guddiga heer federaal uu ku qasbanaan doono inuu la dago iyo in uu la shaqeeyo guddiyada heer dowlad gobaleed markii ay tagaan magaalooyinka ay ka dhacyso doorashada baarlamaanka ee maamul gobaleedyada dalka.

Sanadkaan waxaa cabsi weyn laga qabaa in uu musuq maasuq xoog leh hareeyo doorashada Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudantahay in Lafta-gareen uu yahay Madaxweynaha ugu daacadsan taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo kadib markii doorasho dhiig ku daatay Laftagareen lagu geeyay Baydhabo daba-yaaqada sanadkii 2018-kii. 

DF oo war kasoo saartay kulankii Rooble iyo Wasiirka A/Dibedda Ireland + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Wasiirka Difaaca dalka Ireland Simon Coveney oo maanta booqasho ku yimid Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xariirka ladabada dowladood iyo joogteynta taageerada Midowga Yurub ee Ireland xubinta ka tahay, arrimaha doorashooyinka, taageerada amniga iyo Tageerada arragtida Soomaaliya ee ku aaddan dib u eegista Ciidanka AMISOM, Dib u eegista Xayiraadda Hubka ee muddada dheer saaran Soomaaliya, maadaama ay xubin ka yihiin golaha amniga ee Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo dowladda Ireland uga mahad celiyay taageereeda joogtada ah ee dib-u-dhiska iyo kobcinta dowladnimada Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’antay xoojinta xiriirka ku qotoma iskaashi.

Wasiirka arrimaha Dibedda Ahna Wasiirka Difaaca Ireland Simon Coveney oo ka mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran ayaa bogaadiyay horumarka ay dowladdu ka gaartay arrimaha doorashooyinka, amniga iyo hannaanka dowlad dhisidda Soomaaliya.

Wafdiga wasiirka ayaa waxaa maanta garoonka wasiirka difaaca Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo uu welhiyo wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Cabdirisaaq.

Sidoo kale waxaa soo dhoweynta wafdigan qeyb ka ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Xasan Maxamed Saciid Samatar iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga.

DF oo shaacisay natiijada Imtixaanka shahaadiga ah iyo ardayda Muqdisho oo ku hoobtay + Kaalimaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa goordhoweyd si rasmi ah u shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga fasalka 12-aad ee sanad-dugsiyeedka 2020-2021-ka iyo ardeyda ka galay kaalmaha hore.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in tirada ardayda imtixaanka sannadkan u fariisatay ay tahay 34,908 arday oo ku galay 122 xarumood oo ku kala yaalla gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada.

Natiijada lasoo bandhigay ayaa waxaa gudbay 30,262 arday oo ka tirada boqoleyda ka noqoneysa 87%, halka ay ku dhaceen imtixaanka 4,646 oo tirada guud ee boqoleyda ka noqoneysa 13%.

Sida ku xusan War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda 4,646 arday ee Haray waxay 1,881 yihiin gabdho, halka 2,765 ay yihiin Wiilal, waxayna badankooda ka dhaceen gobolka Banaadir.

Shaxda Natiijada imtixaanka ayaa muujinaysa in tirada ugu badan ee gudubtay iyo kuwa dhacay ay yihiin gobolka Banaadir oo asagu hogaanka u haya tirada ardeyda gashay imtixaanka shahaadiga.

Gobolka Banaadir, oo sidoo kale sanadkii hore ay arday badan kaga hareen imitixaanka, ayaa sidoo kale waxaa sanadkan ku dhacay 4,382 oo ka mid ah 26,031 arday oo imtixaanka gashay, ama 16.8%.

Dhammaan maamul goboleedyada kale ayaa waxaa kasoo baxay natiijooyin aad u wanaagsan, waxaana gudbay inta badan ardaydii gashay imtixaanka.

Maamulka Galmudug ayaa ahaa kii ugu wanaagsanaa, ayada oo ay ka hareen kaliya 2 arday oo ka mid ah 2,302 oo gashay. Jubaland waxaa gudbay 1,155 oo ka mid ah 1,158, waxaa haray kaliya saddex. HirShabelle, waxaa ka haray 8, waxaana gudbay 1,619, halka Koonfur Galbeed ay gudbeen 3,539 ka mid ah 3,790.

“Wasaaraddu waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa ardayda gashay 10-ka Kaalin ee hore, islamarkaana waxay si rasmi ah ugu ballan-qaadaysa deeq waxbarasho heer jaamacadeed ah. Sidaas oo kale ayey hambalyo iyo bogaadin u diraysaa 30-ka dugsi ee ugu heerka sarreeya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda.

Ugu dambeyntiina Wasaaradda ayaa shaacisay 16-ka arday ee ayagu galay 10-ka kaalmood ee u horeeyay dalka oo dhan, kuwaasi oo magacdooda aad hoos ka arki doonto.

R/W Rooble oo isku keenay Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi iyo amar uu dul-dhigay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sarre iyo Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dalka.

Kulanka uu Ra’iisal wasaaraha la qaatay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa ku qabsoomay jawi wanaagsan, ayada oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka kuraasta gobollada Waqooyi, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Inta uu socday kulanka Rooble ayaa faray Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed inay muddo kooban xal uga soo gaaran khilaafka ka dhex aloosan ee sababay in guddiga doorashooyinka Somaliland u kala jabo labo garab.

Rooble ayaa ugu dambeyntiina labada mas’uul ku booriyey muhiimada ay leedahay in la xaliyo kala aragti duwanaanshahooda arrimaha doorashooyinka, si ay u qabsoonto doorashada xubnaha labada aqal ee gobollada Waqooyi.

Si kastaba, Kulanka maanta ayaa imanaya xili uu Ra’iisal wasaaraha shalay sheegay inuu wado wada-tashiyo ku aadan arrinta Somaliland, isla markaana meel fiican ay marayaan wada-hadalladu, si meesha looga saaro khilaafka ka taagan doorashadooda.

Qoor Qoor oo safar deg-deg ugu baxay Qaycad + Ujeedka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxwaynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta safar deg-deg ah ugu baxay aaga deegaanka Qaycad ee gobolka Mudug, oo ay saaka la wareegeen ciidamada isku dhafanka ah ee dowladda federaalka iyo Galmudug.

Qoor Qoor oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa safarkaan uu ku tegay furimaha dagaalka ku dhiiri-gelinaya ciidamada dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo xoojinta howl-galada ka dhanka ah.

Madaxwxeynaha maamulka Galmudug ayaa kulamo la qaadan doona Saraakiisha kala duwan ee ciidamada, ayaga oo ka dhageysan doono warbixin ku aadan howl-galada ay ciidamada kula jiraan cadowga dalkeena.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha kala hadli doonaa Saraakiisha ciidamada dar-dar gelinta iyo ballaarinta howl-galada ay wadaan ciidamada ee argagixisada looga saarayo gobolka Mudug iyo dhamaan deegaanada Galmudug.

Qoor Qoor ayaa sii wadi doona safarkiisa ku aadan kormeerka howl-galada ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug, wuxuuna Qaycad uga sii gudbi doona sida uu qorshaha yahay deegaano kale oo isla gobolka Mudug ah, oo ciidamada ka wadaan howl-galo ka dhan ah Al-Shabaab.

Madaxweyne kale oo Afrikan ah oo toddobaad gudihiis ka bad-baaday isku day dil

Antananarivo (Caasimada Online) – Xafiiska dacwad-oogaha guud ee dalka Madagascar ayaa sheegay inay fashiliyeen isku day lagu dili lahaa madaxweyne Andry Rajoelina, islamarkaana ay xireen dhowr tuhmane oo “Ajaaniib iyo Malagasi ah.”

Laba qof oo Faransiis ah ayaa ka mid ah dhowr qof oo Talaadadii lagu xiray jasiiraddan ku taalla Badweynte India, “taasi oo qeyb ka ah baaritaan ku saabsan waxyeeleynta amniga dalka,” sida ay sheegeen ilo-wareedyo diblomaasiyadeed.

“Dhowr qof oo ah ajaaniib iyo kuwa u dashay Madagascar, ayaa la xiray Talaadadii July 20, taasi oo qeyb ka ah baaritaan lagu sameynayey weerar ka dhan ah amniga qaranka,” waxaa sidaas bayaan ay xalay soo saartay ku tiri dacwad-oogaha guud ee dalka Berthine Razafiarivony.

“Marxaladda iminka ee baaritaanka oo weli socda, dacwad-oogaha guud wuxuu xaqiijinayaa inaan tooshka ku ifin doonno kiiskan,” ayey tiri.

Intii lagu guda jiray dabaal-degga maalinta xoriyadda ee June 26, militariga ayaa ku dhowaaqay inay fashiliyeen isku day lagu khaarijin lahaa madaxooda, oo sidoo kale ah gacan-yaraha madaxweynaha Jeneral Richard Ravalomanana.

Maalintii ciidda ayey aheyd, madaxweynaha kumeel-gaarka ah ee dalka Mali, Assimi Goita uu isna ka bad-baaday isku day dil oo loo adeegsaday mindi ah intii lagu guda jiray salaadii Ciida-Carafo ee Masjidka weyn ee Bamako, sida ay sheegtay madaxtooyada dalkaas.

Weerarka ayaa waxaa fuliyey laba nin oo mid uu mindi watay, kuwaas oo la sheegay inay usoo dhaqaaqeen dhanka Goita, kaasi oo durba ay la ordeen ciidamada amniga.

Qoraalk kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in la fashiliyey weerar lagu dili rabay madaxweyne Assimi, islamarkaana ay ka hortageen laamaha amaanka iyo ilaalada madaxweynaha.

“Weerarka waxaa durbadiiba ka awood roonaaday laamaha amniga. Baaritaannadu way socdaan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada ee la xiriiray weerarka Assimi.

Goita, waa 38 jir kornayl ka tirsan ciidamada gaarka ah, wuxuuna xukunka la wareegay bishii Juun, kadib markii labaad oo uu afgambiyey madaxweyne muddo 9 bilood gudahood ah.

AFP