25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Daawo: BEESHA ay kasoo jeedo IKRAAN Tahliil Faarax oo war cusub soo saartay

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Gaaljecel, oo ay kasoo jeedo Ikraan Tahliil Faarax oo ah gabar u shaqeyneysa NISA oo muddo lagu la’yahay nolol iyo geeri, ayaa waxay dowladda Soomaaliya ka codsatay inay helaan cadaalad, ayaga oo u qabtay saddex maalmood.

Beesha ay kasoo jeedo Ikraan ayaa tilmaamtay inaysan xaq aheyn in la iska wato qof muwaadin Soomaaliyeed ah, islamarkaana aan muddo lagu heyn nolol iyo geeri.

Odayaasha beesha oo kulan looga hadlayey kiiska Ikraan hadal ka jeediyey ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ugu baaqay inuu meel ku sheego Ikraan, haddii kale aysan suuragal aheyn inay dalka ka dhacdo doorasho.

“Dowladda Soomaaliya waxaan u sheegeynaa inay arrintaas jawaab deg deg ah ka bixiso, madaxweyne adigaa dalka u sarreeya, waxaa lagu mashquulsan yahay doorasho, haddii ay cadaalad daradaan jirto oo sidan wax yihiin sidee doorasho lagu aadaa, mala aadi karo waaye,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha Beesha ay kasoo jeedo Ikraan.

Odayaasha ayaa madaxda Dowladda oo ay ugu horreeyaan madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ugu baaqay inay dareemaan xanuunka maanta iyaga haya maadama ay ka maqan tahay gabadhooda.

“Madaxda Dowladda, haddii ay yihiin saraakiil, madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo inta kale eka hooseysa dhammaantiin ubad ayaad dhasheyn, haddii ubadkiina maqan yahay xanuunka aad dareemi laheedeyn ayaan na haya ogaada,” ayuu mar kale yiri.

Sidoo kale odayaasha Beesha ay kasoo jeedo Ikraan ayaa sheegay inay cadda tahay in gabadhooda ay ku maqan tahay gacanta dowladda, maadaama ay sheegeyn in meesha laga watay ay tahay meel ammaankeeda aad loo ilaaliyo sidoo kalana gaariga lagu qaaday ay laheyd dowladda Soomaaliya.

Odayaasha ayaa sidoo kale codsaday in warka loo caddeeyo, haddii gabadhooda la dilayna maxkamad lasoo taago ciddii dilka geysatay islamarkaasna lasoo bandhigo sababtii loo dilay iyo cidda ka dambeysay dilkeeda.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya baaritaanka lagu hayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar u shaqeysa hay’adda NISA oo hadda la la’yahay muddo ku dhow bil, kadib markii la waayey 26-ka June.

Ikraan ayaa aheyd gabar aqoonyahanad, oo aad ugu wanaagsan qorista warqadaha xiriirka xafiisyada sida dowlad ama hay’adaha kale. Ikraan ayaa dhex-daganeyd xeendaabka NISA, ee ka xiran cirifka global iyo kan KM-0, taasi oo hay’adda farta kusoo fiiqday.

Illaa iyo hadda ma cadda cidda wadatay Ikraan iyo cidda bixisay amarka lagu watay Ikraan, hase yeeshee qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee ku ehelka ah Ikraan iyo kuwa aan ku ehelka aheynba waxay eedeeyeen madaxda sare ee hay’adda.

Golaha Ammaanka oo war kasoo saaray tallaabadii uu qaaday madaxweyne Erdogan

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee QM ayaa Jimcihii cambaareeyay qorshaha ay dowladda Turkey iyo hoggaamiyeyaasha Turkish-ka ah ee waqooyiga Qubrus ku doonayaan in ay qeyb ahaan dib ugu furaan magaalada cidlada ah ee Varosha, wuxuuna Goluhu ku baaqay in si dhakhsa ah tallaabadaasi looga laabto.

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Talaadadii ku adkeystay xal laba-dal ah oo laga hirgeliyo Qubrus, isaga oo taageeray qorshe qeyb ahaan dib loogu furayo magaalo ay firaaqeeyeen dadka Qubrusta Giriigga ah.

Maamulka Turkish-ka ee Qubrus oo ay Ankara taageerto ayaa Talaadadii sheegay in qeyb ka mid ah magaalada Varosha oo ah aag militari iyo qeyb la sheegay in dib loogu celiyo Qubrus-ta Giriigga ah ay hoos geyn doonaan maamul rayid ah, islamarkaana ay u furi karaan dib u dejin.

“Golaha Ammaanku waxa uu si degdeg ah ugu baaqayaa in dib looga laabto tallaabadan iyo dhammaan tallaabooyinka ku saabsan Varosha ee la qaaday ilaa bishii October ee 2020-kii,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay golahan ka kooban 15-ka dal.

Isaga oo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey 47 guuradii qabsashada Turkey ee jasiiraddan kala qeybsan, ayaa Erdogan wuxuu weeraray isku dayada guul-darreystay ee QM ay ku mideyneyso labada Qubrus, isaga oo yiri “Ma hayno 50 sano oo kale oo aan khasaarino.”

“Wax horumar ah lagama gaari karo wada-xaajoodyada haddii aan la qirin inay jiraan laba shacab iyo labad dal oo isku xuquuq ah,” ayuu yiri madaxweynaha Turkey.

Tallaabada ay qaadeen Qubrus-ta Turkiga ah ayaa sababtay fal-celin caro leh oo ka timid dowladda caalamku aqqoonsan yahay ee Qubrus-ta Giriigga ah, waxaana sidoo kale diidmo kala horyimid quwadaha reer galbeedka, oo uu ugu horreeyo Mareykanka oo ku tilmaamay tallaabadan “mid aan la aqbali karin.” Turkiga ayaa dhegaha ka fureystay dhaliilaha loo jeedinayo.

“Golaha Ammaanku waxa uu hoosta ka xarriiqayaa baahida loo qabo in laga fogaado ficil kasta oo hal dhinac ah oo aan waafaqsanayn go’aannadii Golaha, taasi oo xiisad ka abuureysa jasiiradda islamarkaana waxyeellaynaysa rajada laga qabo in heshiis la gaaro,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Golaha Ammaanka.

Qybrus ayaa Arbacadii codsi ka dhan ah go’aanka uu qaaday maamulka Qubrus-ta Turkish-ka ah u gudbisay Golaha Ammaanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkey ayaa diiday baaqa ka soo baxay Golaha Ammaanka iyo dalal kale oo dhowr ah, waxayna sheegtay in ay yihiin sheegashooyin aan sal laheyn, islamarkaana aan waafaqsaneyn xaqiiqoyinka ka jira Qubrus.

“Bayaannadani waxa ay ku saleysan yihiin dacaayadda Qubrus-ta Giriigga ah, iyo sheegasho aan sal laheyn,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Turkey.

REUTERS + VOA

DF oo jawaab kulul ka bixisay hanjabaadii amiirka Al-Shabab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa waxay hoos-u-dhigtay hanjabaada ka timid horjoogaha guud ee Al-Shabaab ee ku wajahneyd ergadda ka qeybgaleysa xulista baarlamaanka 11aad ee soo aadan.

La-taliyaha koowaad ee arrimaha amniga xafiiska ra’iisul wasaaraha, Cabdi Diirshe oo u waramay VOA-da, ayaa carabka ku adkeeyay in ay dedaal badan ku bixin doonan sidii loo burburin lahaa cagajugleynta maleyshiyada.

“Siyaasadda dowladda federaalka ee ku wajahan kooxda Al-Shabaab way cadahay. Sidaas darteed, waa la jebin doonaa, waana laga ciribtiri doonaa dalka. Qorshe ayaa nooga degan adkeynta amniga goobaha ay ka dhaceyso doorashooyinka guud ahaan dalka,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Amiirka Al-Shabaab oo cod laga soo duubay ay saxaafada maleyshiyadiisu faafisay asbuucii hore wuxuu ku caddeeyay in ay beegsan doonan dhamaan ergada, isaga oo ku booriyey in ay ka baaqsadaan kahor inta aysan khaarijin.

Amiirka Al-Shabaab ayaa uga digay shacabka iyo ergooyinka inay ka qeyb-galaan doorashooyinka dalka ka dhacaya.

“Waxaan uga digeynaa umaddeena inay ka qeyb qaadato doorasho ku sheegga dalka laga hirgelinayo, waxana uga digeynaa inay qeyb ka noqoto gumeysiga uu dalku ku jiro, garab iyo sharciyadna siiso ajendaha gaaladu wadato ee salka ku haya la dirirka Shareecada Islaamka,” ayuu yiri.

“Mujaahidiintu waxay kasoo horjeedaan qorshe kasa oo diinta ka hor imaanaya.. waxaan digniin iyo dardaaran u direynaa ergada wax soo xusha.. amnigiinaa ma sugi doonaan kuwa mansab raadiska ah, ha ku kedsoomina inaad dhaqaale heli doontaan; waa inaad ku tusaale qaadataan kuwii idinka horeeyay iyo inta ka nool nolosha ay ku nool yihiin.”

Abuu Cubeyda ayaa ugu dambeyn ammaanay maamullada Al-Shabaab ee wilaayaadka loo yaqaan, kuwaasoo uu sheegay inay damiyeen colaadii u dhaxeysay beelaha Soomaaliyeed, ayna tusaale u yihiin, sida uu yiri, inay Soomaaliya diinta ku midoobi karto.

Wasiir FIQI oo u jawaabay ILHAAN CUMAR – “Dumaashi DAGAALKA nala soo gal”

0

Dhuusamareeb (Caasimada Oline ) – Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo qoraal soo dhigay bartiisa Facbook-ga ayaa u jawaabay Senator Ilhaan Cumar, taas oo si adag uga hadashay duqeyntii Mareykanka uu ka fuliyey gobolka Mudug, isla-markaana dalbatay in baaris dhab ah  lagu sameeyo, haddii ay jiraan waxyeelo soo gaartay raydika.

Fiqi ayaa kula taliyey Ilhaan Cumar in aysan hiil u fidin kooxda Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay dhibaato ku heyso guud ahaan shacabka Soomalaiyeed.

“Walaasheen Rep. Ilhan Omar xisaabtanka gudaha hey’adaha dalkeeda waa u furan tahay, balse waxaa haboon in ay ka digtoonaato in hadalkeedu u ekaado hiil ay u fidinayso argagixisada Alshabaab ee dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday inuu ku sugan yahay deegaanadii duqeynta laga fuliyey, isaga oo xusay in kaliya lagu burburiyey goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, gaar ahaan meeshii laga soo abaabulay qaraxii lagu dilay saraakiishii ciidanka ee qeybta 21-aad.

“Waxaan ku suganahay oo dul istaagay goobihii gantaalada ay ka hadlayso ay ku dhaceen, waxaan argagixiso ahayn wax kuma noqon, gantaalahaas barakaysan waxay sababeen in la burburiyo goobihii laga soo abaabulay qaraxii lagu dilay taliyaashii Qeybta 21aad iyo taliyihii iyo taliye ku xigeenkii, Ururka Danab ee Galmudug ka hawlgala, saraakiil iyo shacab kale iyo sidoo kale qataro kale looga maleegayay dadka deegaanka iyo ciidamada ku sugan aagga Bacaadweyn, ahaydna xarunta lagu sameeyo qaraxyo la galiyo wadooyinka dadweynuhu isticmaalo oo dad shacab ah iyo duunyaba ay ku waxyeeloobeen bishii Juun iyo July-da aan ku jirno,” ayuu hadalkiisa raaciyey wasiirka.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Gabadheena Ilhaan ma haboona in ay afhayeen u noqoto Alshabaab, miyaysan ogayn in 27 Juun 2021 dhowr iyo soddon qof oo shacab u badan in argagixisadu ay ku xasuuqday Wisil, Maxayse ku qancinaysaa eheladii dadkooda ay Shabaab xasuuqeen, mise Ilhaan waxay bixinaysaa ruqsad Alshabaab wax ku dili karo oo aan ayaga lagu dili karin!,”.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay Ilhaan Cumar inay taageerto howl-gallada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

“Ilhaan waxaa u quman in ay taageerto hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee Somalia sida wadajirka ah looga wado, haddii kale ay iska aamustaa oo aysan godob ka gelin dalkeedii iyo dadkeedii ay ka soo jeeday!.Dumaashi dagaalka nala soo gal! ayuu markale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ay dalbatay u qiil u helida duqeyntii uu maamulka Biden ka geystay gobolka Mudug.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada AQALKA SARE oo berri ka billaabaneysa…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa haatan wada diyaar garowgii ugu dmabeeyey ee doorashada Golaha Aqalka Sare, taas oo si rasmi ah u billaabaneysa beri, waxaana ay ka dhaceysaa magaallo xeebeedka Kismaayo.

Guddiga doorashada Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in doorashada 8 kursi ee Golaha Aqalka Sare ee ka imaanaya maamulkaasi ay dhaceyso beri oo ku beegan 25-ka July sanadka 2021-ka.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen qabashada doorashada, si markaasi loo fuliyo jadwalkii kasoo baxay golaha wada-tashiga qaran ee dalka.

Wararka ayaa sheegaya in saacadaha soo socda magaalada Kismaayo ay gaari doonaan xubno ka socda dowladda dhexe, waxaana hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo dusha kala socanayo doorashada Aqalka Sare ee lagu wado inay beri ka dhacdo gudaha magaalada Kismaayo.

Doorashadan ayaa ah mid xasaasi ah, waxaana ka qeyb-galayaa shiqsiyaad kala duwan oo daneynaya ka mid noqoshada Senatorada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana ciidamo dheeraad ah la dhigay goobaha muhiimka ah ee ku yaalla magaallo xeebeedkaasi.

Jubbaland ayaa haddii ay ku guuleysato qabashada doorashadan waxay noqoneysaa dowlad goboleedka horreeyey ee qabta doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya, taas oo si isku mid ah uga dhaceyso dhammaan xarumaha maamul goboleedka ee ka jira dalka.

Doorashada Soomaaliya ayaa soo martay marxalado kala duwan, waxaana dib u dhigay is qab qabsi siyaaasadeed oo muddo u dhexeeyey dowladda dhexe ee federaalka, qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka iyo siyaasiyiinta mucaraadka ee ka qeybgalaya doorashada.

Sawirro: Beesha EELAAY oo saddex qodob kasoo saartay doorashada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir ay isugu yimaadeen Odayaasha, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Haweenka iyo dhalinyarada beesha EELAAY oo ka kala dhacay Moqdishu, Beydhaba, iyo kismaayo oo looga hadlayay aayaha beesha iyo doorashooyin inagu soo wajahan, waxaana shirka kasoo qodobadan hoos ku xusan.

1- Beeshu ugu horeyn waxay digniin u dirtay madaxweynaha KGS Cabdicasiis Laftagareen, ayadoo ugu digtay inuusan isku dayin faragalin arimaha beesha dhexdeeda ah iyo arimaha dooroshooyinka kuraasta xildhibaanada ee beesha Eelaay, hadii isku dayana uu cawaaqib xun kala kulmi doono.

2- Waxay kale oo ay beeshu baaq u diraty xubnaha doonaya in ay u tartamaan kuraasta beesha in si nabad ah u ololeystaan eysan abuurin fidno iyo khalalaase beesha dhexdeeda ah.

3- Sidoo kale beeshu waxay baaq u direysaa madaxweynaha Jubaland Ahmed Islaam Madoobe, in beesha ka tabaneyo hab qeybsiga kuraasta aqalka sare ee Jubland oo beesha laga siin saamigii ay ku laheyd, waxay sidoo kale beesha xasuusineysaa madaxweynaha jubland in weli loo dhameyn hab qeybsiga siyaasada maamulkiisa oo beesha lagu duudsiiyay xaqeeda iyadoo la ogyahay deegaanada balaaran ee beesha ka degto Jubland.

Ugu dambeyn beeshu waxay cadeyneesaa in aysan u dulqaadan doonin faragalin iyo boob kuraasteeda baaramanka soomaaliya loona madax baneeyo xulasha xilibaanadeeda.

Dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Iska hor imaadka oo muddo socday aya ka billowday isgoyska Ex-Control Afgooye, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo isku qabtay lacago laga qaado gaadiidka laga raro halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintay afar qof oo shacab ahaa iyo labo askari, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale ayaa intaasi ku daraya in afarta ruux shacabka ee geeriyootay ay kala ahaayeen labo arday oo Jaamacad u socotay, Haweeney goobta ku lahayd maqaaxi iyo qof kale oo la socday gaari BL ah oo xilligaas marayey goobta uu dagaalku ka dhacay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana meesha uu dagaalku ka dhacay ay noqotay meel lagu kala cararay, waxaana ka jira dhaq-dhaqaaq xoogan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inay goobta gaareen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaas oo ku baxay askarta ku dagaalantay halkaasi.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan israsaaseyntaasi dhalisay dhimashada iyo dhaawaca.

Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo u dhexeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda, waxaana khasaaraha uu kasoo gaaraa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Musharaxiinta oo war kasoo saaray xilal ka-qaaditsii uu sameeyey R/W Rooble, fariin xasaasi-na u diray Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweyne ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray tallaabadii uu Ra’iisul wasaare Rooble xilalkii uga qaaday saraakiil ka tirsaneyd hey’adda NISA, waxay fariin u direen Madaxweyne Farmaajo.

Ugu horeyn golaha ayaa taageeray go’aankii uu Ra’iisul Wasaaruhu xilalkii uga qaaday madaxii shaqaalaha ee hey’adda NISA Cabdullahi Kullane iyo Taliyihii NISA ee garoonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh, kuwaas oo sida lagu sheegay qoraalkaan isku dayay “inay si sharci-darro ah u hor-istaagaan xaqa dastuuriga ah ee xoriyada safarka iyo dhaq-dhaqaaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed.”

“Golaha oo ka duulaaya marxaladda adag ee dalku marayo iyo xaaladda kala-guurka ah ee doorashada, waxay ugu baaqayaan dhammaan laamaha kala duwan ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in si wadajir ah loo dhawro Dastuurka iyo sarreynta sharciga, lagana dheeraado wax kasta oo khilaaf iyo dib u dhac abuuri kara,” ayaa lagu yiri Bayaankaan ka soo baxay golaha midowga musharaxiinta.

Sidoo kale Golaha ayaa soo jeediyey in tallaabada uu Ra’iisul wasaare Rooble  uga hortagayo xayiraadaha sharci-darrada ah ee ka dhanka ah xoriyada safarka muwaadiniinta iyo mas’uuliyiinta Soomaaliyeed, ay noqoto mid si siman uga hirgasha dalka oo dhan.

“Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo in uu ka waantoobo ku tumashada Dastuurka dalka oo uu caadeystay iyo faro-gelinta joogtada ah ee uu ku haayo geedi socodka dalkan u jiheeystay in ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo ku qabsoonta muddada loo cayimay,” ayaa lagu soo gabagabeeyey war-saxaafadeedka Midowga Musharaxiinta.

Sidee ayuu madaxweyne FARMAAJO uga faa’iidayaa xil-ka-qaadista KULANE JIIS?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay xilalka ka qaaday taliyaha NISA ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh Cali iyo madaxa shaqaalaha NISA, Cabdullaahi Aaden Kulane (Kulane Jiis).

Kulane Jiis, waxa uu ka soo jeedaa gobolka lagu muransan yahay habraaciisa doorashada ee Gedo, waxaana la aaminsan yahay in uu ahaa masuulka labaad ee ugu awoodda badan hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA kadib Fahad Yaasiin.

Dad badan ayaa soo dhoweeyey tallaabada uu qaaday Rooble, kuna macneeyey inay ka dhigan tahay inuu si buuxda gacanta ugu hayo awoodda dalka, islamarkaana la wiiqay madaxweyne Farmaajo.

Xubnaha soo dhoweeyey tallaabada Rooble waxaa ka mid ah xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada ugu saameynta badan mucaaradka, kuna qeexay inay bilow u tahay tilaabooyin kale oo lagu taabo-gelinayo dowldnimada iyo in sharcigu taliyo, sida uu hadalka u dhigay.

Mahad Salaad ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in tallaabada uu qaaday Rooble ay tahay digniinta kama dambeysta ah ee la-siiyay taliyaha NISA, Fahad Yaasiin.

Si kastaba, Caasimada Online ayaa fahansan in go’aanka uu Rooble xilka kaga qaaday labada sarkaal, si gaar ahna Kulane Jiis ay guul-siyaasadeed dadban oo gadaal kasoo bixi doonta u tahay madaxweyne Farmaajo.

Xog lagu kalsoon yahay oo ay Caasimadda Online ka dhex heshay kooxda arrimaha doorashada ee madaxweyne Farmaajo ayaa xaqiijisay in tallaabada xil ka qaadista Kulane Jiis ay tahay qorshe uu Farmaajo ka leeyahay Jubaland iyo Puntland, ra’iisul wasaare Rooble-na uu arrintaas qeyb ka yahay.

Ujeedada arrintan ka dambeysa ayaa ah in lagu cadaadiyo Axmed Madoobe, oo dhammaan kooxda ololaha doorashada Farmaajo ka xirtay albaabka laga galo Kismaayo ee garoonka diyaaradaha.

Axmed Madoobe ayaa sideeddii bishan waxa uu garoonka Kismaayo ka celiyey diyaarad uu saarna la-taliyaha Farmaajo ee arrimaha doorashada, Cabdi Cali Raage xili ay kasoo degi rabtay garoonka.

Taliyaha booliska qeybta Jubbada Hoose, Gaashaanle Sarre Sadiiq Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Cabdi Cali Raage uu qeyb ahaa abaabulka koox dooneysay inay hub sharci darro ah soo geliyaan magaalada, si ay u khal-khal geliyaan amaanka maamulka Jubbaland, oo ay ka hortageen.

Axmed Madoobe ayaa hadda laga soo xiray tallaabo kale uu Kismaayo ugu celiyo kooxda ololaha Farmaajo, haddii uu sidaas sameeyana waxay kusoo jeedin doontaa indhaha bulshada Soomaaliyeed oo idil, sida uu qorshuhu yahay

Tallaabada xigta ee qorsheysan waa in Kismaayo loo diro kooxda olelalaha Nabad iyo Nolol iyo xildhibaano taageersan Farmaajo oo deegaan doorashadoodu tahay Jubaland, Axmed Madoobe-na lagu cadaadiyo in uu oggolaado in ay Kismaayo ka dhex oleleeyaan kana tartamaan. Isla arrinkaan oo kale waxa uu ka billaaban doonaa Puntland.

Caasimadda Online ayaa ogaatay in kulan uu Rooble dhowaan Kismaayo kula yeeshay Axmed Madoobe la isku hadal qaaday arrinkan, taas oo ka careysiisay Axmed Madoobe, sababna u noqotay in Rooble uu diiday in Axmed Madoobe ama qof ka socda maamulkiisa uu ku wehliyo safarkiisii Gedo.

Rooble ayaa horey u fuliyey tallaabooyin si dadban ama si muuqda ugu daneynaya Farmaajo, waxaana ka mid ah in saddexdii xubnood ee uu soo magacaabay ee guddiga doorashada Somaliland ay noqdeen kuwa la saftay Mahdi Guuleed oo xulufo la ah Farmaajo, oo ay is-hayaan Cabdi Xaashi, ayada oo ballantu aheyd inuu soo magacaabo xubno dhex-dhexaad ah.

Waxa uu sidoo kale ku guuleystay in uu si deggan kusoo afjaro dooddii Midowga Musharraxiinta, isaga oo dhammaan dib usoo celiyay guddoonka guddiga doorashada oo uu muranku ka dhasahy, kadibna wadahadal ku dhameeyay khilaaf soo kala dhax galay Farmaajo, Guudlaawe iyo Qoor-Qoor.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale si dadban u dilay guddigii uu u magacaabay inay baaraan askartii loo diray Eritrea, kuwaasi oo lagu damiyey cadaadiska bulshada iyo mucaaradka, kadibna aan la ogeyn halkii u uku dambeeyey.

Gabar 13 jir ah oo gudaha Soomaaliya ugu geeriyootay gudniin lagu sameeyey

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Gabadh 13 jir ah oo ku nooleyd tuulada Jeerinle oo deegaan ahaan hoostagta magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug ayaa u geeriyootay dhiig-bax xoogan, kadib markii lagu sameeyay gudniinka fircooniga ah.

Gabadha yar oo lagu magacaabi jirey Fartuun Xasan Axmed ayaa si weyn u qabsatay geerideedu wakaaladaha wararka caalamiga ah, ayada oo lagu soo waramayo in dhacdadaan ay tahay middii ugu horeysay ee tan iyo sanadkii 2018-ka, oo xiligaas gabadh yar oo 10-jir ah ugu geeriyootay isla gudniinkaas.

“Waxaan raadinay gaari si aan u qaadno isbitaal, laakiin nooma uusan suura-galin inuu nasoo gaaro waqtigii loogu tala-galay. Ma aanan ogeyn waxaan sameyn lahayn. Markii dambe waxaan helnay gaari, laakiin way dhimatay nasiib darro markii uu yimid,” ayey tiri Nadiifo oo ah hooyada Fartuun Axmed.

Hooyo Nadiifo ayaa sheegtay in gabadheeda ay la joogtay ayada oo dhiig baxeysa saacado badan, laga soo billaabo subixii hore ilaa 4:00Pm galabnimo oo aheyd xiligay geeriyootay gabadha yar.

Sidoo kale, Aabaha dhalay Fartuun oo araga naafo ka ah oo la hadlay warbaahin caalami ah ayaa sheegay in Gabadhiisa yar ay ka caawin jirtay shaqada reerka, ayada oo si fiicana u daryeeli jirtay

“Wax walba way ii samayn jirtay. Way i caawin jirtay wayna ii karin jirtay cuntada, waxayna xanaanayn jirtay xoolaha markii aan nasanayo,” ayuu yiri Xasan Axmed oo ah aabaha dhalay Fartuun yar.

Waalidka Fartuun ayaa si weyn uga qoomameeyay inay u ogolaadan in la gudo Gabadhooda yar, oo ayadu u geeriyootay dhiig bax laxaad leh oo soo food-saartay kadib markii lagu sameeyay gudniinka fircooniga ah.

Dhacdadaan naxdinta leh ayaa lagu soo waramayaa inay dhacday horraantii bishan aan ku jirno, ayaa maalmihii dambe si weyn u qabsatay warbaahinta caalamka, waxayna noqoneysa middii labaad ee nooceeda ah ee la diiwaan-geliyo muddo 4-sano ah. Mana jirto qof loo soo qabtay falkaan, oo galaaftay nolosha Fartuun yar.

Maxaa la gudboon Rooble, kadib talaabadii uu qaaday?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shalay xilal ka qaadis ku sameeyey saraakiil ka tirsanaa hay’adda NISA ayaa helay boggaadin iyo taageero ay u muujiyeen shacabka & siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah siyaasiyiinta taageeray go’aanka Rooble ayaa shaaca ka qaaday in ra’iisul wasaaraha uu u hiiliyey sarreynta sharciga, isla-markaana waxa uu kula taliyey inuu kusii adkeysto go’aankiisa ilaalinta sharciga iyo dowladnimada.

Sidoo kale musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in Rooble ay la gudboon tahay inuu muujiyo feejignaan dheeri ah, wuxuuna tilmaamay inay suuragal tahay inay ‘dagaal rogaal celis ah soo qaadaan madaxweynaha iyo taliyaha Nabad-sugida’.

Siyaasigan oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku goday in ra’iisul wasaaraha looga fadhiyo inuu ku adkeysto ilaalinta sharciga, kana hortago in la sameeyo ku takrifal awoodeed.

“Labo kaar oo jaale ah ayaa maanta loo taagay. Waa dhici kartaa in uu edboonaado, waxayse u badantahay in isaga iyo Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ay dagaal rogaal celin ah soo qaadaan. RW Rooble in aad sharciga ku adkaysato ayaa lagaa rabaa, sababtoo ah in badan ayaad u sabartay takrifalka Farmaajo iyo Fahad,” ayuu yiri Siyaasi CC Shakuur.

Dhinaca kale waxa uu shaaca ka qaaday in taliyeyaasha ciidamada Xoogga iyo Booliska ay fuliyeen amarkii Rooble, isla-markaana ay faraha kala baxeen arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, isaga oo ku amaanay garashada ay garteen ilaalinta sharciga, hase- ahaatee wuxuu qiray in weli taliyaha NISA uu faraha kula jiro arrimaha doorashooyinka.

“Waxaa muuqata in Taliyihii ciidanka xoogga iyo booliska ay fuliyeen amarkii Raysalwasaaraha. Waxay dibadda ka tageen siyaasadda iyo arrimaha doorashada, laakiin taliyihii Nabadsugidda wuxuu si awood sheegasho leh ugu lug lahaa siyaasadda iyo doorashooyinka,” ayuu sii raaciyey hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Wadajir.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, xilli shalay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu xilalkii ka qaaday agaasimihii shaqaalaha hay’adda NISA iyo taliyihii Nabad-sugidda ee garoonka Aadan Cadde, kadib markii ay ka horyimaadeen amarkiisii ahaa in qofna lagu celin karin gudaha garoomada dalka, maadaama la guda-galayo doorashooyinka 2021-ka.

Galmudug oo Al-Shabab ka furatay hub iyo saanad ciidan

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Galmudug ayaa shaacisay inay hub ka qabsadeen Al-Shabaab, islamarkaana ay la wareegen goobo ay ku sugnaayeen dagaal-yahanada Al-Shabaab, kadib duqeymihii saaka lala beegsaday.

Duqeymaha ayaa waxa ugu yaraan ku dhintay 60 kamid ah dagaal-yahanada Al-Shabaab, halka kuwo kalena ay ku firxadeen baadiyaha ku dhow deegaanadaas, sida ay sheegen Saraakiisha ciidamada.

Ciidamada huwanta ah ayaa howl-galo culus ka wada goobaha la duqeeyay, oo qeyb ka ah kuwa deegaanada maamulka Galmudug looga sifeynayo kooxda Al-Shabaab oo muddooyinkii dambe si weyn iskugu soo aruursaneysay.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa sidoo kale kal hore xaqiijisay in laba Gantaal oo laga riday diyaarad lagu duqeeyey saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin inta u dhaxeysa Qeybcad iyo Hareeri dheere oo dhaca Gobolka Mudug.

“Laba gantaal oo kuwa diyaaradaha laga soo rido ah ayaa lagu duqeeyey saldhig kale oo kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen Qaycad iyo Hareeri dheere dhexdooda, waxaana hadda horey u galay ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraal lagu soo daabacay barta Facebook ee Wasaaradda Amniga Galmudug.

Dhawaan ayey aheyd markii duqeyn diyaarado laga fuliyey Degmada Qeycad taasoo sababtay in maleeshiyadii Al-Shabaab ee halkaas ku sugnaa ay isaga baxaan iyadoo hadda ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug.

Mustaqbalka Abiy Ahmed ee hogaaminta Ethiopia iyo xaaladaha ku gadaaman

Yaa keenay talada dalka Ethiopia Dr. Abiy Ahmed Ali ku yimid?

Markii Dr Abiy Ahmed Ali Ethiopia taladeeda la wareegay waxa uu ku yimid kacdoonadii qoomiyada Oromo ay ka wadeen dalkaasi mudo dheer, oo ka soo bilaabantay xiligii Malez Zenawi Ethiopia Raisal wasaaraha ka ahaa.

Waxyaabaha xiligaasi kiciyey waxa uu ahaa in caasimada Addis-Ababa la rabay in la fidiyo oo loo sii qorsheeyo dhul kale oo ka mid ah xayndaabka magaalada Addis-Ababa, dhulkaasi waxa uu ahaa dhul beereed ay leeyihiin qoomiyada Oromadu in xoog ay doontay in ay dawladu kula wareegto.

Qoomiyada Oroma oo ah dadka Ethiopia ugu badan oo hore u tirsanayey in aanay talada dalka Ethiopia waxba ku lahayn iyaga oo ah dadka ugu badan, ugu wax soo saar badan, dhulkooguna yahay ka Ethiopia oo dhami isugu timi ee xudunta u ah dalkaasi.

Waxa bilaabmay kacdoono iyo is-abaabul laga bilaabay dibada dalka iyo dhaq-dhaqaaqyo xoojin u noqday jabhado ay leeyihiin qoomiyada Oroma oo qaarna Ethiopia ku dhex dhuumaalaysan jireen, qaarna Erateria fadhiyeen.

Kacdoonadii ugu horeeyey waxa ay noqdeen isu-soo baxyo la isku tijaabinayo in dadku mudaharaadaan oo dalkaasi Ethiopia aan noocoogu hore uga dhici jirin,  waxaana xoog kaga hortagtay xukuumadii xiligaasi oo dad badan ku laysay,  arintaasi waxa ay shidaal usii noqotay is-abaabulkii iyo dhaq-dhaqaaqyadii xaq u dirirka ahaa Oroma.

Xiligii Haila Mariam Desalem waxa uu isku dayey in uu qanciyo oo uu dejiyo qoomiyada Oroma oo kacdoonada ay wadeen sii xoogeysanayeen,  waxaana uu xukuumadii ku soo daray xubno oromo ah oo badan iyo madaxwayne Oroma ka soo jeeda oo cusub, markii madaxweynihiii hore isaga tagey kursiga.

Arintaasi waxba kama ay badelin kacdoonkii qoomiyada Oroma ay ku rabeen in ay dalka Ethiopia xaqooda ka helaan , waxaana qasab noqotay in uu is casilo oo uu danta Ethiopia ka horeysiiyo kursiga uu fadhiyo Raisal wasaarihii ka soo jeeday shucuubta koonfureed ee Haila Mariam Desalem .

Maamulkii Ethiopia oo ahaa ururo ku mideysan xisbiga EPRDF ayaa waxa ay isla garteen in loo dhiibo dalka Oromo,  waxaana gudoomiye xiligaasi xisbiga Oromada ka ahaa Abiy Ahmed Ali ahaana xubin baarlamaanka federalka Ethiopia ah si uu talada dalkaasi usii wado qoomiyada Oroma oo uu ka soo jeedaana u degto.

Abiy Ahmed judhiiba waxa uu sameeyey isbadelo iyo dhaq-dhaqaaqyo cajiib ah oo aan la fileyn kuwaasi oo xaaladihii dalka Ethiopia gudihiisa yaalay u jiheeyey dhinac kale , waa kii la heshiiyey Erateria,  la heshiiyey jabhadihii Ethiopia ka soo horjeeday maamulkeega, dhulkii Badame na qaatay qaraarkii qaramada midoobay ku siisay Erateria oo ay maamulka Ethiopia diidanaayeen.

Arimahani waxa ay wax ka badeleen siyaasadii guud ee dalka Ethiopia laakiin tabashadii qoomiyada Oroma may dawayn, waxaana soo noqday kacdoonadii oo dib u bilaabmay,  iyaga oo hubaysan iyo iyaga oo mudaharaado ah ba waxa uu la galay dagaal xoogan,  waxaana uu xabsiga u taxaabay madaxii isbadalka iyo kacdoonka Ethiopia Jawar Mohamed iyo saraakiil sare oo wada Oromo ah.

Waxa ay haddana iska hor yimaadeen TPLF oo ahaa maskaxda, cududa iyo caqliga Ethiopia ka talinayey 27 kii sanadood ee u dambeeyey, waxaa uu dhowr goor ku sigtay in Abiy Ahmed la dilo, waxaana uu ka badbaaday dhawr isku day oo la rabay in lagu khaarajiyo.

Dr Abiy Ahmed oo la siiyey abaalmarinta nabada aduunka ayaa dalkiisii haddana gudaha dib uga karay,  waxaana uu galay dagaalo siyaasadeed iyo qaar adag oo uu ku weeraray Tigray oo aduunka ay isaga hor yimaadeen, dhiig badani ku daatay, dad badani ku dhinteen , macaluul, barakac iyo burbur badana dhaliyey.

Halkee ay iska seegeen Maraykanka iyo Ethiopia?

Ethiopia waxa uu ahaa dalka ay dawladaha reer galbeedku sida weyn u ilaalin jireen gaar ahaan Maraykanka iyo reer Yurub , dabadeedna Ethiopia waxa yimid China xikigii Malez Zenawi oo u soo saaray Gaasta dabiiciga ah , wadooyin iyo mashaariic badan oo horumarineed galiyey.

Xiligaasi Ethiopia waxa lagu haystay in ay xad-gudubyo xuquuqda aadamaha ah ka geysatay gobolo dalka Ethiopia ka mid ah oo ka mid yahay gobolka Soomaalidu, waxaa dacwadi kaga socotay meelo badan waxaana laga yareeyey kaalmadii uu aduunku siin jirey,  waana marka ay China doonteen iyo cid kale oo u badesha dawlada iyo ururada ay iska hor yimaadeen.

Haddaba markii uu yimid Abiy Ahmed Ali markiiba gacmo diiran ayuu aduunku ku soo dhaweeyey oo ay sababtay ficiladiisii layaabka lahaa ee kala ahaa;

1- Sii dayntii maxaabiistii siyaasadeed ee jeelasha Ethiopia buuxiyey.

2- Aqbalaadii qaraarkii qaramada midoobay ee dhulka Badame siinayey Erateria oo uu aqbalay.

3- Heshiiska nabadeed ee geesinimada lahaa ee Erateria iyo Ethiopia oo uu hindisay , kuna guuleystay.

4- Siyaasadii Ethiopia oo uu u rogay mid dimuqaradi ah oo furfuran iyo xukuumad kala badh haween yihiin oo uu dhisay.

Halkaasi wax badana way ugu hagaageen xiligaasi hore , waxa maanta taagana waa halkii ay ka soo bilaabmeen ee ay isaga hor yimaadeen TPLF iyo Tigray oo u arkay in uu iyaga ku socdo, dhulkoogii bixiyey,  ooda kaga qaaday maxaabiistii ay jeelasha ku gureen,  ugaadgsadey saraakiishii Tigray ee talada gacanta ku hayey 27 kii sanadood ee la soo dhaafay .

Maamulkii hore ee Tigray waxa ay dawlada maraykanka ka mideysnaayeen wax badan waxaana ay kuwada jireen dagaalka argagixisada iyo dagaalo kale oo badan,  waxaana ay lahaayeen xidhiidh diblomaasiyadeed oo aad u heer sareeya.

Markii Abiy Ahmed talada la wareegay waxa maraykanka iyo Ethiopia isaga hor yimaadeen oo kale sida looga wada faaiideysanayo biyaha wabiga Nile oo uu maraykanku taageeray in la tix galiyo heshiisyadii hore ee caalamiga ahaa ee yaallay, kuwaasi oo aanay Ethiopia hadda u arkayn in ay dan u yihiin.

Waxa kale oo aduunka iyo wadamada reer Yurub ay ku dhaliileen in uu soo celiyey nidaamkii cagajugleynta iyo cabudhinta dadka ahaa ee Ethiopia hore loogu dhaliili jirey, oo uu xidh-xidhay siyaasiyiintii mucaaridka iyo dadka bulshada ugu fir-fircoon ee u dooda xuquuqaha dadka .

Halka sadexaad ee lagu kala fogaaday ee dhalisay dagaalka Tigray iyo Ethiopia oo ahayd in uu doorashadii Ethiopia la meeraystay Abiy Ahmed oo ahayd fursad uu isaguna raadinayey mucaaridkiisuna ay ahayd halka ay rabeen in ay ugu quus gooyaan, waxaana uu sanad ka dib qabsaday doorasho la mid ah sidii kuwii EPRDF qaban jirtay oo kale ah oo uu xisbigiisu helay tirada ugu badan.

Muxuu noqon doonaa mustaqbalka Ethiopia?

Dr Abiy Ahmed waxa soo waajahday xaalad adag oo u baahan sidii uu uga dabaalan lahaa xili adag oo gudaha dalka Ethiopia ay ka jiraan guux iyo dagaalo socda oo lagaga soo horjeedo maamulkiisa oo gabood falo foolxun ka geystay gobolka Tigray.

Waxa uu u muuqdaa mid isku furaya dagaalo kale oo doonaya in uu kala doorto quwadaha aduunka ku hirdamaya,  waxaana uu isku bar-barinayaa dhinaca Ruushka oo ay xukuumadiisu dhowaan la gashay heshiis ciidamada tayayntooda iyo hubeyntooda ah.

Sidoo kale waxa uu rabaa in uu China ka dhigto halbowle uu ka helo waxyaabaha ay ka xayireen maraykanka iyo ururada caalamiga ahi oo dhamaantood ku cambeereeyey dagaalka uu ku qaaday Tigray isla markaasina ka aamusay doorashadii ka dhacday dalka Ethiopia 21 June 2021.

Hadii xukuumada Abiy Ahmed ay sidaa ku adkaysato waxa hubaal ah in cimrigeedu soo gaaban doono dhawr sababood ba;

1- Dawladaha maraykanka iyo ururada caalamiga ahi waxa ay u fiirsanayaan gabood fal kasta oo Ethiopia ka dhaca waxaana la buun-buunin doonaa wax walba oo ku lid ah maamulkiisa iyada oo jidka dimuqaradiyada iyo xuquuqda aadamaha loo mari doono,  waxaana ka hor iman doona dadka Ethiopia.

2- Waxa loo go’doomin doonaa dhaqaale ahaan maadaama aanay Ethiopia isku fileyn oo ay lacag badan iyo mashaariic badan beesha caalamku siin jirtay.

3- Waxa loo go’doomin doonaa siyaasad ahaan oo maamulka Ethiopia hadda joogaa waxa uu aduunka ka noqon doonaa tuke baal cad , taasi waxa ay fursad siin doontaa mucaaridkiisa dibada iyo kuwa gudahaba .

Sidee uu Abiy Ahmed dalka Ethiopia uga bad-baadin karaa go’doon iyo dagaalo diblomaasiyadeed oo gudahana dagaal kale kaga fura?

Dr Abiy Ahmed Ali dalka Ethiopia waxa uu kaga badbaadin karaa caqabadaha ku soo fool leh dhawr qodob oo muhiim ah dalkiisa iyo mustaqbalkiisa hogaamineed;

1- In uu nabad iyo wanaag iskaga dhameeyo dagaalka Tigray iyo Ethiopia oo uu heshiis taariikhiya la galo Tplf.

2- In uu guud ahaan dadka Ethiopia intii wax tabanaysa iyo cidii talada Ethiopia ku dulmanayd xaga awood qaybsiga uu maanta ka miisaamo dawladiisa isaga oo dadka Ethiopia ugu baaqaya isku duubni iyo walaalnimo.

3- In uu maxaabiista siyaasadeed ee xidh-xidhan ooda ka qaado, oo dalka Ethiopia u jiheeyo jiho hogaamin lagu wada qanacsan yahay oo qofwaliba fursadiisa eegto inta uu qoriga iska dhigo.

4- In uu iska hagaajiyo dhamaan xidhiidhada caalamiga ah , oo uu iska awdo gol-jilic kasta oo looga soo dhici karo , sidoo kale aanu kala jeclaan quwadaha aduunka ku loolamaya ee uu dalwalba oo danta Ethiopia ku jirto la heshiiyo.

Mohamed Abdi Jama
Dhimbiil Mohamed

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Ilhaan Cumar oo soo saartay dalab la xiriira duqeyntii uu Mareykanka ka fuliyey Mudug

0

New York (Caasimada Online) – Senator Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka wadanka Mareykanka ayaa ka hadashay duqeyntii ay todobaadkan dowladda dalkaasi ka fulisay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaano dhaca koonfurta gobolka Mudug.

Ilhaan Cumar oo su’aallo ka keentay duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya ayaa sheegtay in loo baahan yahay in baaris lagu sameeyey duqeyntii u dambeysay, si loo helo macluumaad dhammeystiran oo ku saabsan weerarkaasu dhinaca cirka ah.

Sidoo kale waxa ay shaacisay in duqeymuhu ay u baahan yihiin istaraatiijiyad ballaaran oo diiradda lagu saarayo amniga dadka Soomaaliyeed.

“Sida aan u wajaheyno ka hortagga argagixisanimada ee al-Shabaab waxay u baahan tahay  istiraatiijiyad guud iyo siyaasadda ku aaddan Soomaaliya,” ayey tiri Ilhaan Cumar.

Waxa kale oo ay intaasi ku dartay inay jiraan qoysas badan oo Soomaaliyeed oo ay waxyeelo kasoo gaartay duqeymaha xilligii Trump, kuwaas oo ay tilmaamtay inay awoodi waayeen inay la xiriiraan Mareykankam si ay helaan magdhowga loo qoondeeyey.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka dhinaca milatariga iyo howl-gallada ciidamada ka taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna tababaraa ciidamada Danab.

Si kastaba hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo duqeyntii ugu dambeysay ay Jimcihii ka dhacday gobolka Mudug, taas oo uu Mareykanka ku garab siinayey ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo sidoo kale kuwa Galmudug ee howlgallada ka wada koonfurta gobolkaas.

Sawirro: AMISOM oo u diyaar garowday doorashada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa 23 sarkaal u xilsaartay taageerada Booliiska Soomaaliya & mas’uuliyadda qabsoomidda Doorashooyinka Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka & Madaxweynaha.

Saraakiishaan cusub waxaa waajibka saaran uu yahay sidii ay ula shaqeyn lahaayeen xoojinta Booliiska Soomaaliya oo dhowr xaalado wajahaya sida u diyaargarowga mas’uuliyadda guud ee dalka iyo ilaalinta goobaha Doorashooyinka.

Taliyaha Booliiska AMISOM Augustine Magnus Kailie oo la hadlay Saraakiishaan waxa uu ku booraiyay in ay dedaal dheeraad ah lasoo baxaan si ay u gutaan waajibaadka ay u igmadeen sida uu hadalka u dhigay.

“Howl shaqeydkiinu waa taageerista Booliiska Soomaaliya, waxa aad ka caawineysaan arrimaha Doorashooyinka waana tan ugu muhiimsan ka qaybgalkiina howshaan, Doorashadu waa tan ugu muhiimsan, fadlan waa in aad ku shaqeysaan xirfaddiina ilaalinta goobahaas” ayuu yiri Taliyaha Booliiska AMISOM.

Saraakiishaan ayaa howlgalka Booliiska AMISOM ku metalaya Dalalka Uganda, Kenya, Zambia, Ghana & Sierra one, waxaana caawinaya Ciidamada kale ee ku sugan Xarumaha Dowlad-Goboleedyada oo dhankooda la siiyay tababaro kala duwan.

Howlgalka Midowga Afrika ayaa shaaciyay in uu diyaar u yahay ka qaybgalka sugidda amniga goobaha loo qorsheeyay in lagu qabto Doorashooyinka Senatarada Aqalka Sare, Golaha Shacabka BFS & Madaxweynaha.

Saraakiisha AMISOM waxa ay ka qaybgaleen kulamada looga hadlay amniga goobaha lagu qabanayo Doorashooyinka Dalka iyo fadhiyada kale ay yeesheen saraakiisha Dowladda Federaalka ee mas’uulka ka ah xasiloonida Magaalooyinka doorashooyinka loo qorsheeyay.

Mareykanka oo war kasoo saaray duqeyntii MUDUG

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in duqeyn cusub ay ka fulisay qeyb ka mid ah Soomaaliya, gaar ahaan koonfurta gobolka Mudug.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa Jimcihii ka dhacday deegaanka Qaycad oo ay  gaareen ciidamada huwanta, sida ay sheegtay afhayeenad u hadashay Pentagon-ka.

Afhayeenada ayaa sidoo kale tilmaamytay in weerarkan dhanka cirka ah lagu garab siinayey ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ee howl-gallada ka wada halkaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in Mareykanka uu xoojinayo taageerada ciidamada Soomaaliya, isla-markaana ay ka go’an tahay la dagaalanka kooxaha argagixisada ah.

“Duqeynta dhacday Jimcihii waxa ay ahayd lagu fududeynayo howlgallada Ciidamada Soomaalida, Mareykanka waxaa ka go’an la dagaalanka Argagixisada iyo taageerada Ciidamada Soomaaliya” ayey tiri Afhayeenadda u hadashay Pentagon.

Mareykanka ayaa muddo kadib dib haatan u billaabay duqeymihiisii Soomaaliya, kuwaas oo muddooyinkii lasoo dhaafay ku jiray hakad, waxaana taasi ay saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee jooga gudaha dalka Soomaaliya.

Si kastaba dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ka caawisa dhinacyada dhaqaalaha iyo milatariga, waxaana ay tababar ay siisaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Mahad Salad oo sheegay hal arrin oo ay ka dhigan tahay tallaabada uu qaaday Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii uu galabta Ra’iisul Wasaare Rooble xilalkii ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha ee hey’adda NISA Cabdullaahi Kullane iyo Taliyihii Nabad-sugidda ee garoonka Aadan Cadde Cabdiwaab Sheekh Cali, ayaa waxaa tallaabadaas qoraal ka soo saaray Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Xildhibaanka oo tallaabadaas ku taageeray Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in taasi ay digniin kama dambeys ah u tahay Agaasimaha Guud ee NISA Fahad Yaasiin, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa Ra’iisul Wasaare Rooble xilka qaadista uu ku sameeyay Madaxa Shaqaalaha Nabad Sugidda Kulane Jiis iyo Taliyaha Nabad Sugidda Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Cabdi Wahaab Sheekh Cali. Tani waxay bilow u tahay tilaabooyin kale oo lagu taabogelinayo dowldnimada iyo in sharcigu taliyo. Waxaanan rajaynayaa digniinta kama dambeysta ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble galabta siiyay Fahad Yaasiin in ay tusaale fiican u noqon doonto inshaa’allah,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Afhayeenka xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Ibraahim Macalimu oo galabta warbaahinta u akhriyey wareegtada xilka looga qaaday saraakiishaas ayaa sheegay in sababta xilalkii looga qaaday Kullane iyo Cabdiwahaab ay tahay ka hor-imaasho ay ku sameeyeen amarkii Ra’iisul wasaaraha ee ahaa in qof muwaadin ah aan lagu celin karin garoomada dalka oo aan laga hor istaagi karin safaradiisa.

Xil ka qaadista galabta uu sameeyay Ra’iisul wasaare Rooble ayaa daba socota tallaabo saakay diyaarad u socotay Gedo looga reebay guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu).

“Ra’iisal wasaare Rooble asaga oo ka jawaabaya muwaadiniin Soomaaliyeed oo si sharci darro-da ah maanta looga hor istaagay inay ka dhoofan garoonka Aadan Cadde, waxa uu xilka ka qaaday Cabdullaahi Kullane, Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Cabdiwahaab Sheekh Cali, Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde,” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda oo wareegtada akhriyey.

Cismaan Macalimuu oo saakay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay tahay markii Afaraad ee laga celiyey garoonka Aadan Cadde, isla markaana laga hor is-hortaago in uu u safro Garbahaarey, taasi oo uu sheegay inay ka dambeeyan Farmaajo iyo Cabdullaahi Kullane, sida uu hadalka u dhigay.

R/Wasaare Rooble oo xilalkii ka qaaday madax sare oo ka tirsan NISA + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhoweyd xilalkii ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde.

Afhayeenka xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa sheegay in Cabdullaahi Kullane iyo Cabdiwaab Sheekh Cali xilkii looga qaaday kadib markii ay ka hor-imaadeen amarkii Ra’iisal wasaaraha ee dhigayey in qofna lagu celin karin garoomada dalka.

“Ra’iisal wasaare Rooble asaga oo ka jawaabaya muwaadiniin Soomaaliyeed oo si sharci darro-da ah maanta looga hor istaagay inay ka dhoofan garoonka Aadan Cadde, waxa uu xilka ka qaaday Cabdullaahi Kullane, Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Cabdiwahaab Sheekh Cali, Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde,” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda.

Sidoo kale waxa uu afhayeenka sii xoojiyey in marnaba loo dulqaadan karin in qof muwaadin ah lagu celiyo garoomada dalka, xili la filayo in dalka ka qabsoomto doorashooyinkii lagu heshiiyey 27-kii May.

Xil ka qaadista uu goordhoweyd sameeyay Ra’iisal wasaaraha ayaa daba socota dhacdo saaka garoonka Muqdisho loogu xanibay guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu).

Cismaan Macalimuu oo saaka warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay tahay markii Afaraad ee laga celiyo garoonka, islamarkaana la is-hortaago in uu u safro Garbahaarey, taasi oo uu sheegay inay ka dambeeyan Farmaajo iyo Cabdullaahi Kulane.

Maxay tahay ujeeddada ay ISRAEL ka leedahay ku biiritaanka Midowga Afrika?

Jerusalem (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Israel ay dib ugu biirayso Midowga Afrika, iyadoo noqonaysa waddan kor jooge ah.

Tallaabadan ayaa sida uu qoray wargeys kasoo baxa Israel waxay timid ku dhawaad 20 sano kaddib markii Israel ay waysay xubinnimada ururkan wixii ka dambeeyay markii laga beddalay magaca ee la sameeyay Midowga Afrika.

Waxaa lagu soo warramay in safiirka u jooga Israel magaalada Addis Ababa uu warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mousa Faki Mahamat, si uu xubin kormeere ah uga noqdo ururka. Kulankaas ayaa ka dhacay xarunta AU ee caasimadda dalka Itoobiya.

Warbaahinta Israel ayaa soo xigatay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Yair Lapid oo sheegay, “Maanta waxay dabbaal-dag u tahay xiriirka Israel iyo Afrika.”

Wuxuu intaas ku daray: “Horumarkan dhinaca diblomaasiyadda ah waa natiijada dadaalkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda, laanteeda Afrika iyo safaaradaha Israel ee qaaradda Afrika.”

Wuxuu sidoo kale yidhi: “Tani waxay saxaysaa khaladaadkii jiray ku dhawaad labaatan sano, waana qayb muhiim ah oo ka mid ah xoojinta xiriirka dhinaca dibadda ee Israel.”

Lapid ayaa sheegay in Israel ay hadda xiriir fiican la leedahay 46 waddan oo ka tirsan Qaaradda Afrika.

Maamulka Falastiiniyiinta ayaa horayba door noocan oo kale ah ugu lahaa ururka Midowga Afrika.

Israel ayaa isku dayaysa in ay adkayso cilaaqaadka kala dhaxeeya 55-ta waddan ee xubnaha ka ah Midowga Afrika, sida ay tabiyeen warbaahinta dalkaas.

Arrimaha kale ee sababta u ah ku biirista AU waxaa ka mid ah in Israel ay doonayso sidii ay u badin lahayd waddamada ugu codeeya arrimaha ay ka doonayso hay’adaha caalamiga ah, sida Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Waxaa kale oo ay Israel doonaysaa inay kala shaqeyso arrimo ay ka mid yihiin la dagaallanka argagixisada, xakamaynta Covid-19 iyo kobcinta ganacsiga beeraha.

Qaar ka mid ah bogagga internet-ka wax ku qora ee Israel ayaa shaaciyay in dowladda dalkaas ay dhawaan xiriirkii diblomaasiyadeed dib ula billowday dalalka Chad iyo Guinea, kuwaasoo ay horay xiriirka ugu jartay.

Sanadkii 2020-kii, Israel ayaa sidoo kale heshiisyo la saxiixatay Suudaan iyo Morocco.

Bishii May ee lasoo dhaafay, madaxa Midowga Afrika Mousa Faki Mahamat ayaa cambaareeyay duqaymihii ay Israel ka fulisay Marinka Qasa iyo weerarradii ay ciidamada Israel ka geysteen Masjidka Al-Aqsa.

Wuxuu xilligaas sheegay in militariga Israel ay sameynayeen “ficillo gurracan oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah”.

Faki ayaa sidoo kale shir Midowga Afrika ka dhacay sanadkii 2020-kii ku sheegay inuu kasoo horjeedo sida uu maamulkii Donald Trump u wajahayay qorshaha nabadeynta Bariga Dhexe. Sacab badan oo ay u sameeyeen ka qayb galeyaashii shirka ayuu ku kasbaday markii uu sheegay in “Trump ficilladiisa ay hagar daaminayeen xuquuqda dadka Falastiiniyiinta”.

Bayaan uu Faki soo saaray Khamiistii ayuu ku sheegay in Midowga Afrika uu “caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan in labo dowladood oo iska barbar dhisan lagu xalliyo arrinta Falastiiniyiinta iyo Israel, taasina ay muhiim u tahay nabadda gobolka.”

 

Guddoomiyihii hore ee Gedo oo lagu xanibay Muqdisho iyo amarkii Rooble oo aan fulin

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) ayaa markale saaka lagu xanibay magaalada Muqdisho, ayada oo loo diiday in uu udhoofo degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Cismaan Macalimuu oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay tahay markii Afaraad ee laga celiyo garoonka, islamarkaana la is-hortaago in uu u safro Garbahaarey, taasi oo uu sheegay inay ka dambeeyan Farmaajo iyo Cabdullaahi Kulane.

“Saakay waxaa aaday garoonka diyaaradaha anigoo u socda Garbahaarey, anoo dareemaya in la isoo celin doono, laakiin amarkii Ra’iisAl Wasaaraha markuu baxay waxaa go’aan qaatay in aan qof la soo celin doonin, nasiib darro aniga iyo inta ila socotay waxaa nala yiri diyaarada ma raaci kartaan qolada diyaaradda ayaa lala soo hadlay,” ayuu yiri Macalimuu.

“Ninka amarkaas soo bixiyay waa Cabdullaahi Kulane (Taliye ku-xigeenka NISA), waxaan ku qanci karnaa Ra’iisal Wasaaraha inuu Kulane Jiis awoodda uu ku faanayo inuu ka qaado.”

Arrintaan ayaa imaneysa xili uu maalin ka hor Ra’iisal Wasaaraha soo saaray amar uu ku mamnuucayo in garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo guud ahaanba dalka si bareer ah looga celiyo qof ka dhoofaya, kaasi oo u muuqda in uu shaqeyn waayey.

Waxa uu xiligaa si adag u sheegay Rooble in uusan u dul qaada doonin in siyaasiyiinta laga soo celiyo gobollada ay deegaan doorashadoodu tahay, isagoo diyaaradaha faray in hadii amarro dad lagu hor istaagayo gobollada laga siiyo ay xafiiskiisa toos ugu soo gudbiyaan.

“Muwaadinka Soomaaliyeed ee musharaxa ah waxa uu xaq u leeyahay in la dhowro xuquuqdiisa, oo magaalo uu ka tago, magaalo kalena uu tago, waxaan farayaa hey’adaha socdaalka iyo hey’adaha amniga, sida boliiska iyo NISA, marar badan waxaa i soo gaartay, in dad la celiyey oo meelo kala duwan laga soo celiyey, uma dulqaadan doono, qofkii uu fal noocaas ah ku soo baxana tallaabo sharci ah ayaan ka qaadayaa,” ayuu xiligaas yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Si kastaba, Garbahaarey ayaa ka mid ah deegaan doorashooyinka loo asteeyey in lagu soo doorto xildhibaanada golaha shacabka, waxaana magaaladaas aad isugu haya Farmaajo iyo maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.