24.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Qoor Qoor oo safar deg-deg ugu baxay Qaycad + Ujeedka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxwaynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta safar deg-deg ah ugu baxay aaga deegaanka Qaycad ee gobolka Mudug, oo ay saaka la wareegeen ciidamada isku dhafanka ah ee dowladda federaalka iyo Galmudug.

Qoor Qoor oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa safarkaan uu ku tegay furimaha dagaalka ku dhiiri-gelinaya ciidamada dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo xoojinta howl-galada ka dhanka ah.

Madaxwxeynaha maamulka Galmudug ayaa kulamo la qaadan doona Saraakiisha kala duwan ee ciidamada, ayaga oo ka dhageysan doono warbixin ku aadan howl-galada ay ciidamada kula jiraan cadowga dalkeena.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha kala hadli doonaa Saraakiisha ciidamada dar-dar gelinta iyo ballaarinta howl-galada ay wadaan ciidamada ee argagixisada looga saarayo gobolka Mudug iyo dhamaan deegaanada Galmudug.

Qoor Qoor ayaa sii wadi doona safarkiisa ku aadan kormeerka howl-galada ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug, wuxuuna Qaycad uga sii gudbi doona sida uu qorshaha yahay deegaano kale oo isla gobolka Mudug ah, oo ciidamada ka wadaan howl-galo ka dhan ah Al-Shabaab.

Madaxweyne kale oo Afrikan ah oo toddobaad gudihiis ka bad-baaday isku day dil

Antananarivo (Caasimada Online) – Xafiiska dacwad-oogaha guud ee dalka Madagascar ayaa sheegay inay fashiliyeen isku day lagu dili lahaa madaxweyne Andry Rajoelina, islamarkaana ay xireen dhowr tuhmane oo “Ajaaniib iyo Malagasi ah.”

Laba qof oo Faransiis ah ayaa ka mid ah dhowr qof oo Talaadadii lagu xiray jasiiraddan ku taalla Badweynte India, “taasi oo qeyb ka ah baaritaan ku saabsan waxyeeleynta amniga dalka,” sida ay sheegeen ilo-wareedyo diblomaasiyadeed.

“Dhowr qof oo ah ajaaniib iyo kuwa u dashay Madagascar, ayaa la xiray Talaadadii July 20, taasi oo qeyb ka ah baaritaan lagu sameynayey weerar ka dhan ah amniga qaranka,” waxaa sidaas bayaan ay xalay soo saartay ku tiri dacwad-oogaha guud ee dalka Berthine Razafiarivony.

“Marxaladda iminka ee baaritaanka oo weli socda, dacwad-oogaha guud wuxuu xaqiijinayaa inaan tooshka ku ifin doonno kiiskan,” ayey tiri.

Intii lagu guda jiray dabaal-degga maalinta xoriyadda ee June 26, militariga ayaa ku dhowaaqay inay fashiliyeen isku day lagu khaarijin lahaa madaxooda, oo sidoo kale ah gacan-yaraha madaxweynaha Jeneral Richard Ravalomanana.

Maalintii ciidda ayey aheyd, madaxweynaha kumeel-gaarka ah ee dalka Mali, Assimi Goita uu isna ka bad-baaday isku day dil oo loo adeegsaday mindi ah intii lagu guda jiray salaadii Ciida-Carafo ee Masjidka weyn ee Bamako, sida ay sheegtay madaxtooyada dalkaas.

Weerarka ayaa waxaa fuliyey laba nin oo mid uu mindi watay, kuwaas oo la sheegay inay usoo dhaqaaqeen dhanka Goita, kaasi oo durba ay la ordeen ciidamada amniga.

Qoraalk kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in la fashiliyey weerar lagu dili rabay madaxweyne Assimi, islamarkaana ay ka hortageen laamaha amaanka iyo ilaalada madaxweynaha.

“Weerarka waxaa durbadiiba ka awood roonaaday laamaha amniga. Baaritaannadu way socdaan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada ee la xiriiray weerarka Assimi.

Goita, waa 38 jir kornayl ka tirsan ciidamada gaarka ah, wuxuuna xukunka la wareegay bishii Juun, kadib markii labaad oo uu afgambiyey madaxweyne muddo 9 bilood gudahood ah.

AFP

Shariif iyo Xasan Sheekh oo gaaray Warsheekh + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaallo xeebeedka Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo lagu soo dhoweeyey.

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo labaduba ah musharraxiin u taagan xilka madaxweynaha ayaa ka amba-baxay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa safar dhinaca dhulka ah ay ku gaareen Warsheekh oo ka tirsan HirShabelle.

Sidoo kale waxaa mas’uuliyiintan si weyn magaalada ugu soo dhoweeyey qeybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiintada maamulka ka jira halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynayaashii hore ee dalka ay usii gudbi doonaan dhinaca degmada Cadale oo uu haatan ku sugan yahay madaxweyne Cali Guudlaawe.

Ujeedka safarkooda ayaa waxa uu la xiriira u kuur-galida xaaladaha ka jira deegaanka, iyaga sidoo kale kulamo la qaadan doono waxgradka ku dhaqan degmooyinkaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online socdaalka labada madaxweyne hore ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah sidii loo xalin lahaa khilaafka ka taagan kursiga Hop141 oo uu haatan ku fadhiyo wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale).

Kursigan khilaafka abuuray waxaa sheeganaya beelaha Cabdalle Caroone iyo Habar Nugaale Caroone oo sheegaya in beesha Owbakar aysan xaq u lahayn kursigan, ayna tahay in laga soo wareejiyo.

Si kastaba, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh ayaa ujeedka socdaalkooda waxa uu yahay in khilaafka hareeyey kursigaas xal rasmi ah laga gaaro.

Uhuru Kenyatta oo jeediyey hadal ‘ka dhan ah’ Soomaaliya, islamarkaana aad u hanjabay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa carabka ku adkeeyay sida ay dalkiisa uga go’an tahay in xuduudihiisa uu uga difaaco shisheeye kasta oo soo faro-galiya.

Waxaa uu digniin u jeediyay xoogag uusan magacaabin oo uu sheegay in aysan xushmeynayn madaxbanaanida dhuleed ee Kenya.

Hadalkan oo uu jeediyay shalay mar uu booqanayay keynta Boni ee ku taaalla deegaanka Lamu una dhaw xuduudda Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxa uu ku nuux-nuuxsaday in dalkiisa uusan marnaba aqbali doonin cid kasta oo sheegata qeyb ka mid ah dhulkiisa.

“Cidna kama aqbaleyno in ay sheegato lahaanshiyaha qeyb ka mid ah dhulkeena, sida aan u xushmeyno xuduuddaha dalalka kale ayaan sidoo kale ka filaynaa in xuduuddaheen dhuleed iyo badeed loo xushmeeyo,” ayu yiri madaxweyne Kenyatta.

Hadalkiisa ayaa loo fasiray in uu yahay farriin uu u dirayo Soomaaliya oo uu muran dhanka badda ah kala dhaxeeyo Kenya.

Dhanka kale, keynta Boni oo ku taalla xuduudda Soomaaliya ayaa ah mid ay gabbaad ka dhigteen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, halkaasi oo ay ka soo qaadaan weerarada ay ka fuliyaam deegaannada Lamu, Garissa iyo Tana River.

Uhuru ayaa xusay in Kenya ay tahay dal nabadda jecel isla markaana ay dooneysa in nabad ay kula noolaato dalalka dariska ah ayna ka qeyb qaadatay howlaha nabadda loogu raadinayo dalalka kale.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya muran dhanka badda ah oo muddo dheer soo jiitamayay.

Xiriirka labada dal ayaa mar gaaray heerkii ugu xumaa ilaa ay noqotay inay kala qaataan safaaradaha.

Balse dhawaan ayay labada dal ku heshiiyeen in safaaradaha dib loo furo isla markaana safiirada la isu soo celiyo.

Soomaaliya ayaa marar badan Kenya ku eedeeysay in ay faro-galin ku hayso arrimaheeda gudaha gaar ahaan Jubaland, taasi oo ay beenisay xukuumadda Nairobi.

Kenya ayaa waxaa Soomaaliya ka joogo ciidamo qeyb ka ah kuwa midowga Afrika ee AMISOM.

Isha: BBC

Mahad Salaad oo shaaciyey XOG ku saabsan kiiska Ikraan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay kiiska Ikraan Tahliil oo la waayey meel ay jaan iyo cirib dhigtay, loona heysto NISA.

Mahad Salaad oo xog ku aadan arrintan ku baahiyey bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa shaaca ka qaaday ‘in la dilay Ikraan’, isla-markaana khaarijinteeda ay qorsheeyeen saddexda mas’uul ee ugu sarreysa hay’adda nabad sugida, sida uu hadalka u dhigay.

“Qorshaha khaarijinta Ikraan Tahliil waxa soo maleegay Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis, fulintiisana waxaa u xilsaarnaa Yaasiin Farey!,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay ‘in shirqoolka loo maleegay Ikraan lagu bixiyey boqolaal kun oo Dollar iyi ballan-qaadyo’, si ugu dambeyn dib loogu soo celiyo dalka, waxaana kadib uu sheegay in marka ay timid Muqdisho la xadiday dhamaan dhaq-dhaqaaqeeda.

“Xog rasmi ah oo aan ka helay saraakiil sar sare oo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda in muddo ahna aan dabo socday xaqiijinteeda waxay sheegaysaa in mar hore la dejiyay qorshaha lagu khaarijinayo Ikraan Tahliil. Ikraan oo dalka ka maqneed markii shirqoolka loo maleegay ayaa lagu qarash gareeyay boqolaal kun oo dollar iyo balanqaadyo been ah si dalka dib loogu soo celiyo loona khaarijiyo!,” ayaa warbixintan ku yiri xildhibaanku.

Waxa kale oo uu intaasi raaciyey “Wuxuu ahaa qofkii ugu dambeeyay ee Ikraan ay wada hadleen kahor inta uusan go’in xiriirkeeda!,”.

Dhinaca kale Xildhibaan Mahad Salaad ayaa hoosta ka xariiqay inuu fashilmay qorshe kale oo ay diyaariyeen hoggaanka NISA, isla-markaana la doonayey inay Al-Shabaab ku sheegtaan dilka Ikraan, balse ay ka biyo diideen saraakiil sar sare oo ka tirsan kooxdaasi oo qaraabo dhow ay yihiin Ikraan, sida uu ku xusay warbixinta uu shaaciyey xildhibaanku.

“Qorshaha khaarijinta Ikraan oo markii hore la rabay in la qariyo ayaa markii qoyskeeda qaylodhaantu ka soo yeertay Fahad Yaasiin isku dayay in uu Al-Shabaab lacag ku siiyo si ay u sheegtaan dilka Ikraan Tahliil lkn waa guul dareystay isku daygaas kadib markii ay soo farageliyeen sida la sheegay saraakiil sarsare oo Alshabaab ka tirsan qaraabo dhawna ay yihiin Ikraan,”.

Mahad ayaa sidoo kale banaanka soo dhigay sababta loo beegsaday Ikraan, wuxuuna ku sheegay labo arrimood oo xasaasi ah oo ah inay macluumaad ka heysay sida loo qorsheeyey dilkii Eng. Yariisow iyo arrimo kale oo ay ku lug leeyihiin hoggaanka NISA.

“Sababta Ikraan in la dilo loo go’aamiyay ayaa la ii sheegay labo arimood oo aad xasaasi u ah oo ay macluumaad ka heysay, kuwaas ku saabsanaa sidii loo qorsheeyay dilkii Allaha u naxariistee Eng Yariisow oo xaafiiskiisa ay madax ka ahayd iyo arimo waaweyn oo Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis ku lug leeyihiin!,” ayuu sii raaciyey Mahad Salaad.

Ugu dambeyn wuxuu kula taliyey ehellada Ikraan Tahliil inay qabsadaan Qareeno dabagal iyo baaritaan ku soo sameeya shirqoolka gabadhooda, si looga gun-gaaro.

“Ehelada Ikraan waxaan kula talinayaa in ay qabsadaan Qareeno dabogal iyo baaritaan ku soo sameeya shirqoolka Ikraan si looga gungaaro fal dambiyeedka dhacay, loona cadeeyo cida ka mas’uulka ah!,” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyey Xildhibaanku.

Aqriso 6 qodob oo ay soo jeediyeen guddiga loo xil saaray arrinta gobolka Gedo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay ka guddoomay Guddiga Dib u heshiisiinta Gobolka Gedo nuqulka warbixintii ay ka soo diyaariyeen Gobolkaas, oo ay ku qoran yihiin talo so—jeedino la xiriira xalka gobolka.

Guddiga xal u raadinta doorashada Gobolka Gedo, kadib u kuurgalis xaaladda Gobolka, gaar ahaan Magaalada Garbahaarey iyo wadatashiyo balaaran oo ay la sameeyeen qaybaha bulshada, masuuliyiin iyo siyaasiyiinba, waxayna ku talo bixinayaan qodobada soo socda in si dhaqso ah loo fuliyo:

1-  In Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu soo saaro wareegto uu ku amrayo dhammaan ciddii ay quseyso, gaar ahaan Laanta socdaalka, Hay’ada duulista hawada iyo hay’adda nabad sugidda ee ka howlgala garoomada diyaaradaha ee dalka, gaar ahaan kuwa ka howlgala garoonka Aden Cadde iyo kan Kismaayo in aan Muwaadin aan maxkamadi dambi ku soo oogin aan sabab aragti siyaasadeed darteed loo xanimi karin socdaalkiisa guud ahaan Dalka, gaar ahaanna in la fasaxo diyaaradaha iyo muwaadiniinta u kala safraya Mogadishu – Garbahaarey, Kismaayo – Garbahaarey iyo Garbahaarey – Kismaayo.

2- In isla wareegtadaas uu Ra’iisul Wasaaruhu ku soo saaro, in si waafaqsan heshiiskii 27 May 2021, aysan ciidamada kala duwan wax faragelin ah ku sameyn karin siyaasadda iyo amniga doorashada Dalka, marka laga reebo hay’adaha amniga ee loo xilsaaray fulinta qorshaha amniga doorashada. Amniga doorashada Garbahaareey waxaa loo marayaa si waafaqsan soo jeedintii Baydhabo iyo heshiiskii 27 May 2021 ee Golaha Wadatashiga Qaranka.

3- In Guddiga doorashada Jubaland (SIEIT) uu soo gudbiyo jadwalka goorta ay tagayaan Garbaaharey iyo wakhtiga la bilaabayo doorashada kuraasta 16ka ah. Waxaan kaloo soo jeedinaynaa in la tixgeliyo codsigii Bulshada Garbahaarey ee ahaa in lagu bilaabo doorashada magaalada Garbahaarey.

4- In ciidamada Dawladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan aagga Garbahaarey ay xoojiyaan amniga guud ee Degmada si looga illaaliyo in Argagixisadu soo farageliso habsami u socodka amniga doorashada Garbahaarey.

5- In Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka iyo Golaha Wadatashiga Qaranka ay si joogta ah uga wadatashadaan xaaladda amni iyo siyaasadeed ee qabsoomidda doorashada Gobolka si loo hubiyo habsami u socodka doorashada iyo hirgelinta dhammaan heshiisyada fududeynaya xasiloonida iyo nabadda doorashada kuraasta Garbahaarey.

6- Ugu dambeyntii waxaan soo jeedinaynaa in Magaalada Garbahaarey laga hirgaliyo mashaariic horumarineed oo deg deg ah si ay qayb uga qaadato soo kabashada kalsoonida bulshada ee dhanka dowladnimada. Mashaariicda horutabinta leh waxaa ka mid ah

1) In la hagaajiyo biyaha Magaalada
2) Dhismaha garoonka kubbadda cagta
3) In la dhiso suuq dadka ka dhexeeya
4) In la hagaajiyo jidadka Magaalada
5) In meel ku haboon laga hirgaliyo garoonka diyaaradaha.

Xoogaga Shabaab oo billaabay inay isku dhiibaan Galmudug

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaarada warfaafinta Galmudug Mudane Axmed Shire Falagle oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada huwanta ee howl-gallada ka wada gobolka Mudug uu isku soo dhiibay sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, walow uusan shaacin magaciisa & waxa uu qaabilsanaa.

Falagle ayaa sheegay in sidoo kale saacadaha la filayo inay isa soo dhiibaan xubno kale oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyaga oo koox-koox u socdo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa jiraa sarkaal sare oo isku soo dhiibay ciidamada Galmudug sidoo kale saacadaha soo socda waxaa la filayaa inay Number badan isu soo dhiibaan, iyaga oo koox koox u socda,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in arrintan ay keentay culeeska la saaray kooxda Al-Shabaab, kadib markii ciidamada huwabta ay sare u qaadeen howl-gallada iyo dagaallada ay ka wadaan deegaanada dhaca koonfurta Mudug ee bartamaha dalka.

Wasiirka ayaa xusay in dhalinyarada ka bar-bar dagaalameysa Al-Shabaab ee haatan ku sugan Galmudug in laga keenay meelo fog-fog, isla-markaana lasoo qalday.

“Waxaan is-leeyahay culeeska dagaal ee saaran wuxuu ahaa abid kii ugu cuslaa oo fuula, marka culeeskaas ayey aad u dareemayaan oo meesha ka jira, waxayna dadka u badan yihiin dhalinyaro meelo fog-fog laga keenay oo lasoo qalday,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dagaalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay dhinaca Bacaadweyne Al-Shabaab lagu gaarsiiyey jabkii ugu xooganaa, isaga oo intaasi raaciyey in ciidamada huwanta ee is garabsanaya ay joogaan goobihii lagu dagaalamay.

“Dhaawac weyn ayaa la gaarsiiyey ciidamaduna waxay joogaan meelihii ay howl-galladu ka dhaceen, marka arrimahaasi waa arrimo u gaar ah, laakiin barihii ay dagaalladu ka dhaceen gacanta ayey ku jiraan,” ayuu wareysiga markale ku yiri wasiir Axmed Falagle.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli dhaq-dhaqaaqyo milatari iyo howl-gallo culus ay ka socdaan gobolka Mudug, halkaas oo ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab.

Video: Imaamka Mudulood oo war kasoo saaray khilaafka ka taagan kursiga Hope141

Muqdisho (Caasimada Online) – Iimaamka beelaha Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf ayaa ka hadlay khilaaf xoog leh oo ka taagan mid ka mid ah kuraasta beesha ee golaha shacabka, kaas oo tirsigiisu yahay HOP141.

Kursigaas waxaa hada ku fadhiya wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, oo kasoo jeeda beesha Owbakar Gaabane ee Harti-Abgaal.

Imaamka ayaa sheegay in hadallada ay warbaahinta isku marinayaan xubno u dhashay beesha oo Jawaahir Baarqab uu ka carabaabay uu aad u dhibsaday aysana habooneyn, isla markaana loo baahan yahay in si walaalnimo ah wax loo qeybsado.

“Walaalayaalow nama qabato in dadkeenu is cambaareeyaan oo la dhaho reer hebel ayaa xaqeena cunaye hamatageen, taas nama qabato walaalayaalow, hadaan tusaale u soo qaato Harti-Abgaal waxaan leeyahay walaalayaal Cadale lama kala xigo… kursigaas waa naga wada maqan yahay oo Xasan-Warante ayaa nagala wareegay hadaan Harti-Abgaal nahay,” ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Anigo odaygii Mudullood ayaan ahay u kala eexa maayo, warka kusigaas ku saabsan waa i dhibay, sababtoo ah nin wixiisii meesha uu ka baxshey og ayaa ku leh hebel ayaan wax laleeyahay, maalin dhaweetana waxaan maqlaayey ha matageen reer hebel, warkaas waa i dhibay, waxaana tiri Ina Baarqab. Ina Baarqab waxaan leeyahay walaaley Gob lama matajiyee joog, walaxaa ku saarane meel fariiso.”

Kursigan khilaafka abuuray waxaa sheeganaya beelaha Cabdalle Caroone iyo Habar Nugaale Caroone, oo sheegaya in beesha Owbakar aysan xaq u lahayn kursigan, ayna tahay in laga soo wareejiyo.

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa gaaray degmada Cadale. Sida aan xogta ku helnayna safarka Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa hordhac u ah safar ay maanta degmada Cadale ku tegi doonaan Madaxweynayaashii hore ee dalka Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.

Sababta ay Madaxweynayaashii hore u tegayaan Cadale waxaa lagu sheegay inay xal u raadinayaan muran xooggan oo ka taagan lahaanshaha kursiga tirsigiisu yahay HOP141.

Beelaha kursiga sheeganaya ayaa waxay eedeynayaan Shariif Sheekh Axmed iyo Imaamka Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf, oo ay sheegeen inay siiyeen beel aan xaq u laheyn, ayna tahay in lasoo celiyo.

Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh ayaa la sheegay inay aad u daneynayaan in khilaafka hareeyey kursigaa xal rasmi ah laga gaaro.

Hoos ka daawo Iimaamka

Daawo R/W Rooble: NISA iyo booliska uma dulqaadan doono in dad safraya laga celiyo garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen ayaa ka hadlay shaqsiyaad dhowaan lagu celiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaasi oo loo diiday inay u dhoofaan magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Rooble ayaa cod adag ku sheegay in uusan u dul qaada doonin in siyaasiyiinta laga soo celiyo gobollada ay deegaan doorashadoodu tahay, isagoo diyaaradaha faray in hadii amarro dad lagu hor istaagayo gobollada laga siiyo ay xafiiskiisa toos ugu soo gudbiyaan.

“Muwaadinka Soomaaliyeed ee musharaxa ah waxa uu xaq u leeyahay in la dhowro xuquuqdiisa, oo magaalo uu ka tago, mahaalo kalena uu tago, waxaan farayaa hey’adaha socdaalka iyo hey’adaha amniga, sida boliiska iyo NISA, marar badan waxaa i soo gaartay, in dad la celiyey oo meelo kala duwan laga soo celiyey, uma dulqaadan doono, qofkii uu fal noocaas ah ku soo baxana tallaabo sharci ah ayaan ka qaadayaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Qof garoomada diyaaradaha lagu hor istaagi karo ma jirto, diyaaradaha socdaalka waxaan farayaa in cidii ka hor timaada safaradooda magaalo ka magaalo ay si toos ah iila soo wadaagaan, tallaabaan ka qaadayaa, waa xaq dastuuri ah cid aan ka yeeleyno ma jirto.”

Caasimada Online ayaa 8-dii bishan qortay in garoonka diyaaradaha ee Muqdisho lagu xayiray dad gaaraya ku dhawaad 40 qof, kuwaas oo ku wajahnaa magaalada Garbahaareey ee xarunta gobalka Gedo.

Dadkaan oo u badan shacab ayaa sababsaday laba qof oo lagu sheegay siyaasiin degaanka u dhashay, sidoo kalane ahaa mucaaradka Villa Somalia, waxaana la joojiyay dhamaan rakaabkii saarnaa diyaaradda.

Ciidanka NISA ee ku sugan garoonka ayaa sheegay in baaritaan ku sameynayeen laba qof oo rakaabka ka mid ahaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo rogtay amar qarsoodi ah oo dhigaya in Garbahaareey diyaarad kasta oo u socoto ay marka hore soo maraan ciidamada amniga iyadoo loo digay shirkadaha diyaaradaha dalka.

Garbahaarey ayaa ka mid ah deegaan doorashooyinka loo asteeyey in lagu soo doorto xildhibaanada golaha shacabka, waxaana magaaladaas aad isugu haya Farmaajo iyo maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Hoos ka daawo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Rooble oo war kasoo saaray khilaafka doorashooyinka ee siyaasiyiinta Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo galabta jeediyey khudbad uu uga hadlaayey arrimaha doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta gobolka Gedo ayaa soo hadal qaaday khilaafka salka ku haya doorashada ee u dhaxeeya siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay inuu wado wadatashiyo ku aadan arrinta Somaliland, isla markaana meel fiican ay marayaan wadahadalladu.

“Waxaan rabaa shacabka Soomaaliyeed inaan warbixin ka siiyo arrinta Somaliland meel fiican ayey ii mareysaa, wadahadallo ayaa noo socda siyaasiyiinta, arrinta Somaliland aniga ayaa la ii xil saaray, sida ku cad heshiisyadii laga gaaray doorashada, xal ayaa laga gaarayaa, anigoo la tashanaaya guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul wasaare Mahdi Guuleed, quluubtiina kheyr u sheega,” ayuu yiri Rooble.

Khilaaf xun ayaa ka taagan doorashada guddoonka xubnaha guddiga ah ee maamuli doona doorashada xildhibaanada baarlamaanka federaalka ka soo gelaya Somaliland, waxayna haatan 11-kii xubnood ee guddigaas u kala jabeen laba garab, iyagoo kala doortay laba guddoon iyo ku xigeenadooda.

Guddiga doorashada kuraasta Somaliland ayaa u kala jabay 7-xubnood oo taabacsan siyaasiyiinta uu hogaaminayo Mahdi Guuleed iyo 4-xubnood oo taabacsan garabka kale ee uu hoggaaminayo Cabdi Xaashi.

17-kii bishaan qoraal ay soo saareen Xildhibaanada gobollada waqooyi garabka taabacsan guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ra’iisul wasaare Rooble loogu jeediyey eedeeyn ah inuu ku guul-darestay inuu ficil ahaan uga dhabeeyo ballanqaadyadii uu sameeyay iyo gudashada masuuliyaddii lagu aaminay ee habsami u socodka howlaha doorashooyinka Qaranka iyo tan xildhibaanada labada Gole ee Somaliland inay u dhacdo si xor iyo xalaal ah.

“Sida an dhigayo heshiiskii 27 May waxaa masuuliyadda xalinta khilaafka taagan iyo isku dubaridka habsami u socodka doorashada xildhibaanada labada aqal ee Somaliland loo xilsaartay Ra’isulwasaaraha. Waxaanu filaynay in Ra’iisul wasaaruhu arrintaas si degdeg ah u guda-geli doono oo isugu yeedhi doono Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka si looga wada arrinsado xallinta khilaafka iyo turxaan-bixinta hannaanka doorashooyinka xildhibaanada Somaliland. laakiin nasiib darro taasi ma dhicin Ilaa maanta oo ay kasoo wareegtay bil iyo 20 cisho,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkii xilligaas ka soo baxay siyaasiyiinta waqooyi garabka Cabdi Xaashi.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in xiligaan uusan laheyn wax han siyaasadeed ah, isla markaana uu u tanaasulay danta shacabka Soomaaliyeed, sidaas darteedna uusan ogolaa doonin, uuna codsanayo in meel looga soo wada jeesto qof kasta oo isku daya ama shaki geliya howlaha doorashada ee socda.

“Shacabka Soomaaliyeedow ducadiina waa masoo gaartay, sidii aan horay idinkugu sheegay Xildhibaan uma socdo, Senator uma socdo, oo madaxweyne ma rabo, dartiin ayaan u tanaasulay, hadii aana taasulin doorasho cadaalad ah ma qabanayo, marka waxaan rabaa inaan meel uga soo wada jeesano qof kasta oo isku daya inuu caqmrqaladeeyo howlaha wanaagsan ee socda, waxaan leeyahay siyaasiyiinta cayaartu waxay ka socotaa gobollada, doorashada labada Aqal waa ay bilaabatay, tan Madaxweynaha waxaan is arki doonaa October,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Daacish oo dagaalyahano ku soo bandhigay Bari + Sawirro

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya ayaa soo badhigtay sawirrada dagaaalyahano fara badan oo ka tirsan kooxdaasi, kuwaas oo ku sugan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari ee hoostaga dowlad goboleedka Puntland.

Sida ay baahisay warbaahinta rasmiga ah ee Daacish waxaa sawirrada kasoo muuqday dagaalamayaasha kooxdaas iyo saraakiishooda oo dhoolatus ka sameynaya halkaasi.

Sidoo kale waxaa xoogaga lasoo bandhigay oo afka soo duubtay ay ahaayeen kuwo aad u hubeysanaa, waxayna wateen hub noocyo kala duwan leh.

Daacish ayaa sanad kasta marka la gaaro xilliyada Ciidaha dagaalyahano cusub ku soo bandhigto dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, iyaga oo sameeya dhoolatus milatari.

Bandhigan ee ay sameysay kooxda Daacish ayaa kusoo aadaya, xilli muddooyinkii lasoo dhaafay howl-gallo ballaaran Puntland ay ka waday gobolka Bari ee maamulkaasi.

Puntland ayaana dagaalladaasi ka sheegatay guulo waa weyn, iyada oo shaacisay inay khasaare iyo jab xoogan ku gaarsiisay kooxaha argagixsada.

Si kastaba kooxda Daacish ee uu hoggaamiyo Sheekh C/qaadir Muumin ayaa gacanta waxa ay ku heysaa deegaano ku yaal gobolka Bari, iyada oo dagaallo la gasha Puntland.

Maxay tahay xiisadda kursiga xildhibaan ee ay Xasan iyo Shariif u tegayaan CADALE?

Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa shalay gaaray degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiinta iyo Bulshada degmada.

Sida aan xogta ku helnay, safarka Madaxweyne Cali Guudlaawe ee degmada Cadale ayaa hordhac u ah safar ay maanta halkaas ku tegi doonaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh. 

Sababta ay Madaxweynayaashii hore u tegayaan Cadale waxaa lagu sheegay inay xal u raadinayaan muran xooggan oo ka taagan kursi xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, kaasi oo ka mid ah kuraasta beesha Harti-Abgaal.

Kursiga muranka ka taagan yahay ayaa ah midka HOP141, waxaana hadda ku fadhiya wasiirkii hore ee amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, oo kasoo jeeda beesha Owbakar Gaabane ee Harti-Abgaal.

Si kastaba, kursigan ayaa waxaa sheeganaya beelaha Cabdalle Caroone iyo Habar Nugaale Caroone, oo sheegaya in beesha Owbakar aysan xaq u lahayn kursigan, ayna tahay in laga soo wareejiyo.

Beelaha kursiga sheeganaya ayaa waxay eedeynayaan Shariif Sheekh Axmed iyo Imaamka Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf, oo ay sheegeen inay siiyeen beel aan xaq u laheyn, ayna tahay in lasoo celiyo.

Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh ayaa lagu warramayaa inay doonayaan in arrintan xal laga gaaro.

Xog: Isbaheysiga mucaaradka SOMALILAND oo wajahaya culeys hor leh + Sababta

Hargeysa (Caasimada Online) – Isbaheysiga Xisbiyada mucaaridka Somaliland ee horaanta bishii hore lagu dhawaaqay ayaa xiligan wajahaya culeys hor leh, oo fashilin kara qorshihii uu mucaaridka ka lahaa isbaheysigaas, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xubno sarre oo ka tirsan xisbiyada Waddani iyo Ucid oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in Isbaheysiga mucaaridka uu wajahayo culeys hor leh, midaasi oo uu ka dambeeyo madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi.

“Isbaheysigii mucaaridka wejigiisi koowaad ee hoggaanka golaha deegaanka waa hirgelay, laakiin wajigii labaad ee guddoonka Wakiiladda ayaa fashil ku dhow, waxa soo fara-geliyay madaxweynaha oo isagu dabada ku wata wasiirkiisi hore, wuxuuna ku fan-gareynayaa lacagtii dowladda,” ayuu yiri mid kamid xubnaha mucaaridka ah ee la hadlay Caasimada Online.

Sidoo kale waxay sheegen in madaxweynaha uu lacag badan ku kala fur-furay xildhibaanadii labada xisbi ee ayagu qeybta ka ahaa isbaheysigii mucaaridka, taasi oo meesha ka saareysa in xisbiyada Waddani iyo Ucid ay ka aqlabiyad bataan xisbiga Kulmiye.

Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa uu guddoomiyaha golaha wakiilada oo ah Golaha keliya ee la horgeeyo inta badan heshiisyada xukuumadda la rabaa Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda, Yaasiin Faratoon, oo asagu kal hore iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Muuse Biixi.

Yaasiin Faratoon oo saaxiib dhow yihiin Muuse Biixi ayaa xiligan haysta codka inta badan xildhibaanada Golaha, ka gadaal markii ay xukuumadda kharash badan ku kala fur-furtay isbaheysiga mucaaridka, inkasta oo la ogeyn halka ay arrintaan ku biyo shuban doonto.

Sawirro: Wasiirka difaaca dalka Ireland oo si weyn loogu soo dhoweeyey Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray wafdi sare ee oo ka socda dalka Ireland, waxaana garoonka weyn ee diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wafdigan ayaa waxaa horkacayey wasiirka difaaca Ireland Simon Coveney TD, waxaana garoonka ugu hortegay dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji oo uu welhiyo wasiirka arrimaha dibedda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq.

Sidoo kale waxaa soo dhoweynta wafdigan qeyb ka ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Xasan Maxamed Saciid Samatar iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga.

Intaasi kadib ayaa xubnahana waxa ay si wadajir ah salaan ugu qaateen cutubyo ka tirsa Ciidanka xoogga dalka oo u garaacay astamaha labada dowladood.

Booqashadan ayaa aheyd mid aan horey soo sii shaacin, waxaana wasiirka difaaca Ireland Simon Coveney TD inta uu joogo Muqdisho kulamo la qaadan doonaa madaxda dowladda.

Ireland dowladaha waa weyn ee taageera Soomaaliya, waxaana sidoo kale ka fulisaa mashaariicyo kala duwan waxtar u leh dalka iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

R/W Rooble oo ka hadlay xal laga gaaray xiisadda Gedo oo loo soo gudbiyey + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga wasiirrada ah ee uu u xilsaaray dib u heshiisiinta gobolka Gedo ayaa ka gudoomay warbixinta howlihii u qabsoomay iyo talo soo jeedintooda la xiriirta xal u helista arrinta gobolka Gedo.

Ra’isul Wasaaraha kulankaas ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysay ayaa ka hadlay arimaha doorashooyinka dalka, isu-socodka siyaasiyiinta ee gobollada, khilaafka ka dhaxeeya siyaasiyiinta reer Somaliland iyo hankiisa siyaasadeed inta lagu guda jiro doorashooyinkaan.

Ugu horeyn Ra’iisul wasaare Rooble waxa uu sheegay in Guddiga Dib u heshiisiinta Gobolka Gedo uu ka gudoomay warbixintii ay ka soo diyaariyeen hanaanka dib u heshiisiin loogu sameyn karo dadka gobolkaas iyo talo soo jeedintooda la xariirta sidii ay doorasho uga qabsoomi laheyd Garbahaareey.

Rooble waxa uu sheegay in arrinta gobolka Gedo ay haatan mareyso meel gabagabo ah, isla markaana ay hartay oo kaliya in isaga iyo Axmed Madoobe ay wareegto ku soo saaraan xubnaha maamulka gobolka Gedo.

Guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo ayaa socdaal shaqo ku tegay magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo, halkaasi oo ay kulamo kula qaateen qeybaha bulshada, waxaana ay socdaalkooda ku soo gabo gabeeyeen magaalada Kismaayo oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo siyaasiyiinta kale ee kasoo jeeda Gedo.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan amar ka soo baxay madaxda Jubbaland lagu hor istaagay in la-taliyaha arrimaha doorashooyinka ee madaxweyne Farmaajo uu tago magaalada Kismaayo.

Hoos ka daawo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Intee le’eg tahay rajada doorasho ee Saciid Deni?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ku jira olole doorasho oo aan shaacsaneyn, oo uu ku doonayo xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Deni ayaa inkasta oo uusan weli si rasmi ah u shaacin damaciisa, haddana wuxuu qaadayaa tallaabooyin si cad u muujinaya inuu doonayo inuu la wareego kursiga uu hadda ku fadhiyo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sababta Deni uusan weli ugu dhowaaqin musharaxnimadiisa madaxweyne, ayaa ah inay su’aal gelin karto dhex-dhexaadnimadiisa doorashada xildhibaanada Aqalka Sare iyo kuwa golaha Shacabka ee uu maamulkiisa qabanayo.

Si kastaba, Deni wuxuu wadaa dadaallo uu taageero ugu raadinayo ololihiisa doorasho, kuna xaqiijinayo soo saarista xildhibaan daacad u ah oo codka siiya.

Qorshaha Deni ayaa ah in inta badan xildhibaanada kasoo baxaya Jubaland iyo Puntland ay noqdaan kuwa isaga taageersan, maadaama doorashooyinkaas ay maamulayaan isaga iyo saaxiibkiis Axmed Madoobe.

Ilo wareeeyo kala duwan ayaa Caasimada Online u sheegay in Saciid Cabdullaahi Deni uu dhigiisa Jubaland Axmed Madoobe kala hadlay in uu ka shaqeeyo sidii ay doorashada Jubaland ugu soo bixi lahaayeen Xildhibaano lagu kalsoonyahay oo uu ka heli karo codad.

Deni ayaa Axmed Madoobe ka dalbaday in uu meesha ka saaro Xildhibaanada hadda jira ee aan lagu kalsoonaan karin, islamarkaana uu keeno kuwa dhiig cusub ah oo lagu kalsoonyahay.

Sidoo kale, degaanada Puntland ayaa la sheegay in uu Saciid Deni ku dadaalayo sidii uu uga soo bixin lahaa xildhibaano daacad u ah, oo uu gacantiisa kusoo saaro. 

Taageerada Jubaland iyo maamulkiisa ayaa Deni gelineysaa rajo weyn, wuxuuna rumeysan yahay inuu si fudud uga soo gudbi karo wareegga koowaad ee doorashada oo ah kan ugu adag.

Marka la isku geeyo, xildhibaanada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, waxaa Puntland iyo Jubaland lagu dooranayaa in ka badan 100 xildhibaan, waxaana qorshaha Deni uu yahay inuu intooda badan gacanta ku dhigo.

Tani waxay Deni siin karta waddo fudud oo uu uga soo gudbo wareegga koowaad ee doorashada madaxweynaha oo ah kan ugu adag. Caadiyan waxaa wareegga koowaad looga gudbaa codadka 30 illaa 40 xildhibaan.

Haddii Deni uu kasoo gudbo wareegga koowaad, waxay kadib guushiisa ku xiran tahay cidda ay is-wajahayaan, waxaana doorashooyinkii hore laga bartay in mar kasta musharax cusub uu ka guuleysto kuwa xilalka soo qabtay ama markaas ku fadhiya.

Si kastaba, ololaha doorasho ee Deni ayaa caddeyn u ah in khilaafkii hareeyey doorashada Soomaaliya ee muddada dib u dhigay uu sabab u ahaa damac shakhsi.

Sidoo kale, waxay tani su’aal gelineysa in Deni uu maamuli karo doorashada xildhibaanada, maadaama uu yahay musharax.

Arrintan ayaa waxaa horey uga hadlay wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan.

Jamaal ayaa sheegay in madaxeyne Deni uu dib u dhigay shaacinta inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, islamarkaana uu qorsheenayo inuu faragelin ku sameeyo doorashada xildhibaanada ee ka dhaceysa Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

Jamaal ayaa sidoo kale dalbaday in maadama uu yahay musharax madaxweyne, Siiciid Deni uu faraha kala baxo dhammaan arrimaha la xiriira doorashada, oo uu si degdeg ah u joojiyo faragelinta arrimaha guddiyada farsamada doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, Tartanka doorashada Soomaaliya ayaa sanadkaan u muuqdo in leeyahay xiiso gaar ah, waxaana isku haya musharaxiin miisaan culus leh, manna cidda weli cidda ku horeysa ee ku guuleysan doonta.

Hoos ka daawo warbixintan oo muuqaal ah.

Diyaarad ay leeyihiin militariga Itoobiya oo ku dhacday Bakool

Xudur (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ayaa sheegaya inay halkaas maanta ku dhacday diyaarad ay leeyihiin ciidamada Militariga Itoobiya.

Sida ay xaqiijiyeen ilo dhanka ammaanka ah, diyaaradda Militariga Itoobiya oo nooceedu yahay  kuwa sida qumaatiga ah u kaca ee loo yaqaan “Helicopter” ayaa kusoo dhacday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Xudur.

Diyaaradda soo dhacday ayaa waxaa la xaqiijiyey inay sahay u siday ciidamada Milatariga Itoobiya ee qeybta ka ah howgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Saraakiisha ammaanka ayaa dhankooda sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay, marka laga reebo in diyaaradda burbur kooban soo gaaray.

Diyaaradda soo dhacday ayaa waxaa la dhigay qeyb kamid ah Garoonka Diyaaradaha Magaalada Xudur, waxaana lagu bilaabay dib u habayn..

Garoonka ay diyaaradda kusoo dhacday ee Magaalada Xudur ayaa hadda dib u bilaabay shaqadiisa sida ay Caasimadda Online u sheegeen qaar ka tirsan shaqaalaha Garoonka oo codsaday inaan magacyadooda la xusin sababo dhanka amniga ah.

Saraakiisha Ciidanka Itoobiya ma sheegin sababta keentay burburka diyaaradda ka soo dhacday magaaladda Xudur, mana jiro war kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo looga hadlay arrintaan.

Maxay ka wada hadleen Farmaajo iyo Amiirka Qatar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thani ayaa yeeshay wada-hadal dhanka Taleefoonka ah, sida lagu baahiyey wakaaladda wararka ee SONNA.

Farmaajo ayaa amiirka dalka Qatar ayaa ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda barakeysan ee Ciidul Adxa.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thani ayaa sidoo kale is-weydaarsiga hambalyada kaddib u rajeeyay labada dal iyo dhammaan Muslimiinta horumar iyo barwaaqo inay ku gaaraan sanadkan kiisa kale.

Wada-hadalka dhex maray madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday iyo Amiirka Qatar ayaa imaanayo xilli ay jiraan warar sheegayo in Qatar ay joojisay lacagihii la filayey inay ku bixiso ololaha doorashada Farmaajo.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa waxaa ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan, waxaana la aamisan yahay in Qatar ay maal gelisay Farmaajo waqtigii uu ku jira ololaha ka hor inta aan loo dooran madaxweynaha Soomaaliya.

Qubrus: Erdogan oo qaaday tallaabo Midowga Yurub iyo Mareykanka ka carreysiisay

Nicosa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Talaadadii ku adkeystay xal laba-dal ah oo laga hirgeliyo Qubrus, isaga oo taageeray qorshe qeyb ahaan dib loogu furayo magaalo ay firaaqeeyeen dadka Qubrusta Giriigga ah.

Khudbad uu Erdogan ka jeediyey waqooyiga magaalada kala qeybsan ee Nicosia ayaa astaan u noqotay tallaabo loo qaaday dib u furista magaalada cidlada noqotay ee Varosha, taasi oo ka hor-imaneysa qaraarka QM iyo diidmada Midowga Yurub.

Isaga oo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey 47 guuradii qabsashada Turkey ee jasiiraddan kala qeybsan, ayaa Erdogan wuxuu weeraray isku dayada guul-darreystay ee QM ay ku mideyneyso labada Qubrus, isaga oo yiri “Ma hayno 50 sano oo kale oo aan khasaarino.”

“Wax horumar ah lagama gaari karo wada-xaajoodyada haddii aan la qirin inay jiraan laba shacab iyo labad dal oo isku xuquuq ah,” ayuu yiri madaxweynaha Turkey.

Jasiiradda ayaa u kala qeybsan Jamhuuriyadda Qubrus oo ay maamulaan dad Greek ah, iyo Jamhuuriyadda Turkish-ka ee Waqooyiga Qubrus, oo ay aqoonsan tahay kaliya Ankara.

Hoggaamiyaha Qubrus-ta Turkish-ka Ersin Tarar, oo ay xulufo yihiin Erdogan, islamarkaana taageera xal laba dal ah intii labada Qubrus la mideyn lahaa, ayaa sheegay in si billow oo ah 3.5 % magaalada Varosha looga saarayo xaaladda militari.

Khudbadda Erdogan ayaa aad uga carreysiisay diblomaasiga ugu sarreeya Midowga Yurub Josep Borrell, oo sheegay in tallaabadaas ay tahay “mid aan la aqbali karin, oo hal dhinac ah.”

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkey ayaa durba u jawaabtay, kuna eedeysay Borrell “inuu u dhaqmayo sida afhayeenka iyo ololeeyaha maamulka Qubrusta Giriigga ah.”

Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa cambaareysay qorshaha Tarar iyo Erdogan, ayada oo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony Blinken uu bayaan uu soo saaray ku sheegay in tallabaadaas “ay si cad u waafaqsaneyn” qaraarada Golaha Ammaanka QM.

“Dowladda Mareykanka waxay ficillada Qubrusta Turkish-ka ah ee Varosha, ayada oo taageero ka heleyso Turkey, u aragtaa daandaansi, aan la aqbali karin, oo aan la jaanqaadi karin ballan-qaadyadoodii hore ee ahaa inay si wax ku ool ah uga qeyb-galayaan wada-hadallo xal ah,” ayuu yiri Blinken.

AFP + VOA

Wararkii ugu dambeeyey diyaarad siday rakaab oo ku dhacday garoonka Ceelwaaq

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka diyaarad sidday rakaab oo kasoo amba-baxday magaalada Nairobi ay shil ku gashay garoon diyaaradeed oo ku yaalla degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi Gedo.

Diyaaraddan oo uu nooceedu yahay 5Y-GRS ayaa la sheegay inay ku sii jeeday dhanka degmada Elwak ee is-maamulka Mandera, sida ay shaaciyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddu ay sidday illaa 45 qof oo ay kasoo qaaday magaalada Nairobi ee caasimada Kenya, waxaana jira khasaare soo gaaray.

Inta la xaqiijiyey waxaa shilkan ku dhaawacmay illaa 7 qof, halka ay waxyeelo soo gaartay diyaaradda, kadib markii ay ka baxday dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in garoonka ay diyaaradda shilka ku gashay uu ahaa mid xirnaa sanadihii lasoo dhaafay, balse duuliyaha uu si deg deg ah uga dajiyey diyaaradda halkaasi, kadib markii ay soo wajahday cilad xoogan.

Ma jiro weli wax faah faahin ah oo uu maamulka gobolka Gedo ka bixiyey shilkaasi diyaaradeed iyo khasaaraha rasmiga ee ka dhashay intaba.

Xaaladda ayaa hadda caadi kusoo noqotay, waxaana gurmad degdega loo fidiyey diyaaradda shilka gashay iyo dhammaan rakaabkii la socday ee laga soo qaaday Nairobi.