27 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Maxay ka wada hadleen Farmaajo iyo Amiirka Qatar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thani ayaa yeeshay wada-hadal dhanka Taleefoonka ah, sida lagu baahiyey wakaaladda wararka ee SONNA.

Farmaajo ayaa amiirka dalka Qatar ayaa ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda barakeysan ee Ciidul Adxa.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thani ayaa sidoo kale is-weydaarsiga hambalyada kaddib u rajeeyay labada dal iyo dhammaan Muslimiinta horumar iyo barwaaqo inay ku gaaraan sanadkan kiisa kale.

Wada-hadalka dhex maray madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday iyo Amiirka Qatar ayaa imaanayo xilli ay jiraan warar sheegayo in Qatar ay joojisay lacagihii la filayey inay ku bixiso ololaha doorashada Farmaajo.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa waxaa ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan, waxaana la aamisan yahay in Qatar ay maal gelisay Farmaajo waqtigii uu ku jira ololaha ka hor inta aan loo dooran madaxweynaha Soomaaliya.

Qubrus: Erdogan oo qaaday tallaabo Midowga Yurub iyo Mareykanka ka carreysiisay

Nicosa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Talaadadii ku adkeystay xal laba-dal ah oo laga hirgeliyo Qubrus, isaga oo taageeray qorshe qeyb ahaan dib loogu furayo magaalo ay firaaqeeyeen dadka Qubrusta Giriigga ah.

Khudbad uu Erdogan ka jeediyey waqooyiga magaalada kala qeybsan ee Nicosia ayaa astaan u noqotay tallaabo loo qaaday dib u furista magaalada cidlada noqotay ee Varosha, taasi oo ka hor-imaneysa qaraarka QM iyo diidmada Midowga Yurub.

Isaga oo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey 47 guuradii qabsashada Turkey ee jasiiraddan kala qeybsan, ayaa Erdogan wuxuu weeraray isku dayada guul-darreystay ee QM ay ku mideyneyso labada Qubrus, isaga oo yiri “Ma hayno 50 sano oo kale oo aan khasaarino.”

“Wax horumar ah lagama gaari karo wada-xaajoodyada haddii aan la qirin inay jiraan laba shacab iyo labad dal oo isku xuquuq ah,” ayuu yiri madaxweynaha Turkey.

Jasiiradda ayaa u kala qeybsan Jamhuuriyadda Qubrus oo ay maamulaan dad Greek ah, iyo Jamhuuriyadda Turkish-ka ee Waqooyiga Qubrus, oo ay aqoonsan tahay kaliya Ankara.

Hoggaamiyaha Qubrus-ta Turkish-ka Ersin Tarar, oo ay xulufo yihiin Erdogan, islamarkaana taageera xal laba dal ah intii labada Qubrus la mideyn lahaa, ayaa sheegay in si billow oo ah 3.5 % magaalada Varosha looga saarayo xaaladda militari.

Khudbadda Erdogan ayaa aad uga carreysiisay diblomaasiga ugu sarreeya Midowga Yurub Josep Borrell, oo sheegay in tallaabadaas ay tahay “mid aan la aqbali karin, oo hal dhinac ah.”

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkey ayaa durba u jawaabtay, kuna eedeysay Borrell “inuu u dhaqmayo sida afhayeenka iyo ololeeyaha maamulka Qubrusta Giriigga ah.”

Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa cambaareysay qorshaha Tarar iyo Erdogan, ayada oo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony Blinken uu bayaan uu soo saaray ku sheegay in tallabaadaas “ay si cad u waafaqsaneyn” qaraarada Golaha Ammaanka QM.

“Dowladda Mareykanka waxay ficillada Qubrusta Turkish-ka ah ee Varosha, ayada oo taageero ka heleyso Turkey, u aragtaa daandaansi, aan la aqbali karin, oo aan la jaanqaadi karin ballan-qaadyadoodii hore ee ahaa inay si wax ku ool ah uga qeyb-galayaan wada-hadallo xal ah,” ayuu yiri Blinken.

AFP + VOA

Wararkii ugu dambeeyey diyaarad siday rakaab oo ku dhacday garoonka Ceelwaaq

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka diyaarad sidday rakaab oo kasoo amba-baxday magaalada Nairobi ay shil ku gashay garoon diyaaradeed oo ku yaalla degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi Gedo.

Diyaaraddan oo uu nooceedu yahay 5Y-GRS ayaa la sheegay inay ku sii jeeday dhanka degmada Elwak ee is-maamulka Mandera, sida ay shaaciyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddu ay sidday illaa 45 qof oo ay kasoo qaaday magaalada Nairobi ee caasimada Kenya, waxaana jira khasaare soo gaaray.

Inta la xaqiijiyey waxaa shilkan ku dhaawacmay illaa 7 qof, halka ay waxyeelo soo gaartay diyaaradda, kadib markii ay ka baxday dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in garoonka ay diyaaradda shilka ku gashay uu ahaa mid xirnaa sanadihii lasoo dhaafay, balse duuliyaha uu si deg deg ah uga dajiyey diyaaradda halkaasi, kadib markii ay soo wajahday cilad xoogan.

Ma jiro weli wax faah faahin ah oo uu maamulka gobolka Gedo ka bixiyey shilkaasi diyaaradeed iyo khasaaraha rasmiga ee ka dhashay intaba.

Xaaladda ayaa hadda caadi kusoo noqotay, waxaana gurmad degdega loo fidiyey diyaaradda shilka gashay iyo dhammaan rakaabkii la socday ee laga soo qaaday Nairobi.

Khilaaf saameyn xun yeeshay oo ka dhex-taagan talisyada ciidanka xoogga iyo Amisom

Jowhar (Caasimada Online) – Khilaaf xoog leh oo soo kala dhexgalay saraakiisha sare ee ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa wiiqay howl-galladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday gobollo uu ugu horeeyo Shabeellada Dhexe.

Barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa VOA ayaa soo bandhigay in khilaafkaas uu qarxay markii ciidanka xoogga dalka ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Sida uu barnaamijkaan u sheegay sarkaal ka tirsan militeriga Soomaaliya oo ku sugan Shabeellada Dhexe khilaafkan waxa uu qarxay markii ay ciidanka xoogga Soomaaliya bilaabeen howlgal aan lagu war-gelin AMISOM, kaas oo uu hoggaaminayey Taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Intaas kadib waxaa la sheegay inuu qarxay khilaaf iyo kala aragti duwanaasho xoog leh uu u dhaxeeya saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi oo ku sugan qeybo badan ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Sidoo kale barnaamijkaan waxaa lagu soo bandhigay xogta ku qorneed warqado ay is dhaafsadeen talisyada SNA iyo AMISOM, kuwaas oo Taliska Militeriga Soomaaliya uu uga dacwoonayo ciidamada Burundi ee ku sugan Shabeellada Dhexe.

Tasliska militeriga Soomaaliya ayaa ciidanka Burundi ku eedeeyey inay Al-Shabaab madadaalinayaan, oo caajis badan uu ku jiro howlgallada naadirka ah oo ay sameeyaan.

Hoos ka dhageyso barnaamijka oo diirada saaraya xogta khilaafka SNA iyo AMISOM

PUNTLAND oo hanjabaad u dirtay ganacsatada Mudug

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa ka hadlay dagaalka adag ee ay kula jiiraan dagaalyahanada Al-Shabaab iyo Daacish.

Sanyare ayaa shaaca ka qaaday inay xidida u siibeen shabakadihii Al-Shabaab ee ku sugnaa Mudug, isla-markaana ay weli wadaan howl-gallo amniga lagu xaqiijinayo.

Sidoo kale wuxuu hanjabaad u diray ganacsatada Mudug, gaar ahaan kuwa lacagaha baada ah siiya kooxaha argagixisada, isaga oo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in nabadu ay muhiim u tahay ganacsiga, loona baahan yahay in laga wada-shaqeeyo amniga guud ee deegaanka.

“Walaal horta ganacsatadu dalka ayey wax ku leeyihiin waxa ay ku ganacsanayaana waa nabadda, haddii nabad la waayana ganacsan maayaan, nabadda waxa suganayana waa ciidanka dhiig-baa ku baxaya, dhaqaalahaa ku baxaya, dadaal-baa ku baxaya, inay ganacsatadu qeybtooda qaataan waa waajib Diini ah oo saaran,” ayuu yiri gudoomiyuhu.

Dhinaca kale wuxuu ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland inay qeyb ka qaataan dagaalkaka socda gobolka Mudug ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Halgankan lagula jiro kooxaha argagixisada waa inay qeybtooda ka qaataan, haddaa marka u cudur daareynay laakin argagixisadii halkan joogtay xididada ayaan u siibnay, lacagihii laga qaadi jiray iyo beentii loo sheegi jirayna aanu ku difaacnay hadda waxaa la rabaa inay is-gartaan oo ay fahmaan meesha loo socdo,” ayuu markale yiri Sanayare.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Meesha loo socdo waa in ganacsiga uu kordho, amnigu bato, argagixisadu yaraato,”.

Puntland ayaa maalmihii u dambeeyey xoojisay howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana bishii hore 18 ka tirsanaa ay ku toogatay magaalada Gaalkacyo.

Habraaca doorashada Aqalka Sare oo lasoo saaray (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lasoo saaray habraaca doorashada xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka, shuruudaha, warqada anshaxa musharaxiinta u tartami doona Aqalka Sare iyo Akoon Bangi uu musharaxu ku shubayo Khidmada lacageed ee 20,000 oo dollar ah.

Qoraal ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federal ayaa lagu yiri, “Guddigu waxa uu la wadaagayaa codsi qoraal ah Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada in ay u soo sharaxaan musharaxiinta Aqalka Sare ugu yaraan labo musharax kursi kasta, si waafaqsan shuruudaha xubinnimada golaha Aqalka Sare.”

Sidoo kale Guddiga ayaa qoraalkaan ku sheegay inuu qabanayo waraaqaha magacaabista musharaxiinta Aqalka Sare, iyagoo ka hubinaya shuruudaha musharaxnimada, isla markaana xaqiijinaya metelaadda qoondada haweenka ee30%.

Sida lagu shaaciyey qoraalka guddiga shuruudaha laga doonayo musharixiinta Aqalka Sare ayaa kala ah qodabadaan soo socda:

1 – In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Fcderaalka Soomaaliya
2 – In Dhimirkiisu dhan yahay
3 – In da’diisu aysan ka yarayn 25 sano
4 – In Ann xuquuuqdiisa muwaadinnimo go’aan maxkamadceed lagu hakin shanti (5) nano ee ugu danbeysay.
5 – Inuu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.
6 – In uusan ka tirsanayn ama wax xiriir ah la lahayn kooxa argagixisada ah.
7 – In uu haysto waraaqda dembi la’aata ee hey’adda dembi baarista (CID) maamul goboleed ama mid federal.

“Mushamx kasta oou tartamaya Galaha Aqalka Sare waa in uu bixiyaa lacagta is diiwan-gclinta, kuna shubaa xisaabta bangiga ee Guddiga Doorashooyinka.”

1 – Lacagta is diiwan-galinta Musharaxiinta u tanamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (Labaatan kun oo dollar) musharaxiinta Golaha Shacabka $10,000 (Toban kun oo dollar)

2 – Lacagta is diiwaan-gelinta Musharaxiinta dib looma celinayo.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran

Sidee ayey duqeyn la’aanta u saameysay howl-gallada ciidamada Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Cali Xaashi Cabdinuur oo wareysi siiyey VOA ayaa ka hadlay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka iyo saameynta ciidanka Soomaaliya ay ku yeelatay duqeyn la’aanta, kadib markii Mareykanka uu hakiyey weeraradii cirka.

Xaashi ayaa sheegay in duqeymuhu ay qeyb weyn ka qaadanayeen dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, wuxuuna shaaciyey in lagu bartilmaameedsan jiray goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan xoogaga Al-Shabaab ee aysan geli karin Infantry-gu.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay jeclaan lahaayeen in markale dib loo bilaabo duqeymahaasi, si loogu wiiqo awooda kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

“Haddii ay suurtagal tahay ama ay billaabaaan duqeynta waa wax meesha ku jira, sababtoo ah meelo aan Infantry lagu geli karin ayey diyaaradahaasu ka qeyb qaadan lahaayeen, waana arrin loo baahan yahay,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Xoogga.

Dhinaca kale wuxuu sharraxaad ka bixiyey howl-gallada milatari ee haatan ka socda dalka, wuxuuna sheegay in ciidamada kala duwan ay u baahan yihiin horin madaafiic ah oo askarta Infantry-ga ah ka taageera dagaalka lagu wajahayo kooxaha argagixisada.

“Marka ciidan Infantry-yahay oo meel ka dagaallamaayo waxaa lagu kabaa horin madaafiic ah, marka waad garan kartaa horinta madaafiicda ah, haddii lagu kabo ururkaas oo macal kunbud u ah madaafiicdiisa waxaan u maleynayaa Shabaab iska daayee xittaa wax kale oo celin karo in aynan jirin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyn waxa uu afhayeenka ciidamada Xoogga Soomaaliya xusay haddii la xoojiyo taageerada caalamiga ah ee ay helaan ciidamada inay la wareegi karaan amniga dalka oo dhan, maadaama la qorsheynayo inay Somalia ka baxaan ciidamada AMISOM.

“Haddii dowladaha kaalmeeya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, haddii ma aragtay taakuleyntaas noo dhammeustiraan waxaa waaye wadanka amnigiisa sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa ciidamada Soomaaliya ula wareegi karaan,” ayuu markale yiri.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, xilli dowladda dhexe ee Soomaaliya ay kordhisay dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka, kuwaas oo suura-geliyey in ciidamada Xoogga ay kooxda Al-Shabaab kala wareegaan deegaano horleh.

Sawirro: Farmaajo oo la ciiday cutubyo ka tirsan ciidanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta farxadda Ciidda Carafo la qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku dhiirri-geliyey sida nafhurnimada leh ee ay ugu taagan yihiin difaaca dalkooda iyo ilaalinta karaamada dadkooda. 

Farmaajo ayaa sheegay in geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee u istaagay xoreynta dalka iyo ciribtirka arxanlaaweyaasha argagixisada ah ee Alshabaab ay taariikhdu xusi doonto, maadaama ay u soo dhabar adaygeen duruufo adag si ay u samatabixiyaan dalkooda. 

“Waxaad tihiin Ciidan Qaran oo u taagan difaaca dalka, dib u soo noolaynta dawladnimada iyo ilaalinta karaamada dadka Soomaaliyeed, waxaan idiinku hambalyeynayaa munaasabadda Ciidda Carafo iyo waajibka qaran ee aad gudaneysaan. Farxad gaar ah ayay ii tahay in aan munaasabadaha noocan oo kale ah idin la qaato madaama aad tihiin geesiyaasha aan ku faanno,” ayuu yiri Farmaajo

Farmaajo ayaa bogaadiyey hawlgallada socda ee ka dhanka ah argagixisada caadeystay gumaadka shacabka Soomaaliyeed, iyada oo geesiyaasha Xoogga Dalku ay guulo waaweyn ka soo hoynayaan howgallada ay ka wadaan deegaannada ay ku dhuumaalaysanayaan argagixisadu.

DF oo shaacisay duqeyntii u horeysay oo muddo bilo ah lagu beegsaday Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in duqeyn cirka ah maanta lala beegsaday dagaal yahanada Al-Shabaab ee ku sugan deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug.

War-saxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyntu ay dhacday barqanimadii maanta abaaro 11:15Am, taasi oo lagu bartilmaameedsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaal-yahanada Al-Shabaab.

Qoraalka marnaba laguma shaacin goobta ay duqeynta ka dhacday, marka laga imaado inay kamid tahay deegaanada maamulka Galmudug, oo ay ciidamada dowladda ka wadaan howl-galo looga sifeynayo Shabaabka.

“Cabsidii ugu weyneyd ee Al-Shabaab soo wajahday ayaa dhabowday. Maanta oo ay taariikhdu tahay 20-ka Luulyo 11-ka barqanimo ayaa duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab ka dhacday Deegaanada Dowlad Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya, taasi oo lagu difaacayey geesiyada Ciidanka Kumaandooska ah Xooga dalka ee DANAB” ayaa lagu yiri qoraalka kasooo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Duqeyntaas ayaa aheyd sida lagu sheegay war-saxaafadeedka mid lagu ilaalinayey ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Danab ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ka wada deegaanada maamulka Galmudug.

“Duqeynta lagu difaacayay Ciidanka wax dhibaato uma geysan dadka rayidka ah. Ciidanka Xooga dalka iyo DANAB way sii wadayaan dadaalada ay ka wadaan dowlad goboleedka Galmudug, si ay uga xoreeyaan shacabka Soomaaliyeed falal xaasidnimada ee canaasiirta Al-Shabaab.”

Sidoo kale dawladda Soomaaliya ma sheegin cidda gaysatay duqyantan, hase yeeshe waxaa la rumeysan inay qeyb ka ahaayeen saaxiibada Soomaaliya ee ka taageera dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

19-kii Janaayo ee sannadkan ayey ahayd markii duqayntii ugu dambaysay ee rasmi ahaan loo shaaciyey uu Maraykanku ka gaystay Soomaaliya, xilligaasi wixii ka dambeeyey dawladda Maraykanku ma sheeganin wax duqayn ah oo ka dhacday Soomaaliya.

“Haddii aynu wada-jirno, Al-Shabaab wax uma dhimi karaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka ay Wasaarada Warfaafinta kasoo saartay duqeymaha maanta laga fuliyey Galmudug.

Si kastaba, duqeynta ay sheegtay dowladda in lala bartilmaameedsaday Al-Shabaab ayaa imaneysa xili ay maalmahan ay dagaallo ku dhexmarayeen degaanno u dhow Bacaadweyne iyo Camaara ciidamada dawladda iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Madaxweyne ka badbaaday isku day dil xilli uu ku guda jiray Salaadda Ciidda

0

Bamako (Caasimada Online) – Madaxweynaha kumeel-gaarka ah ee dalka Mali, Assimi Goita ayaa saaka ka bad-baaday isku day dil oo loo adeegsadat mindi ah intii lagu guda jiray salaadii Ciida-Carafo ee Masjidka weyn ee Bamako, sida ay sheegtay madaxtooyada dalkaas.

Weerarka ayaa waxaa fuliyey laba nin oo mid uu mindi watay, kuwaas oo la sheegay inay usoo dhaqaaqeen dhanka Goita, kaasi oo durba ay la ordeen ciidamada amniga.

Qoraalk kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in la fashiliyey weerar lagu dili rabay madaxweyne Assimi, islamarkaana ay ka hortageen laamaha amaanka iyo ilaalada madaxweynaha.

“Weerarka waxaa durbadiiba ka awood roonaaday laamaha amniga. Baaritaannadu way socdaan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada ee la xiriiray weerarka Assimi.

Madaxweyne Goita ayaa lagu soo waramayaa inaysan waxyeelo gaarin, islamarkaana uu bad-qabo, sida ay Reuters u sheegen labo kamid ah saraakiisha Millatariga.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Goita “uu amni yahay oo uu badqabo, kadib wax ay ugu yeereen isku day khaarijin.

Goita ayaa la geeyey xerada militariga ee Kati oo ku taalla banaanka caasimadda, “halkaasi oo amniga la xoojiyey,” sida lagu sheegay qoraalka.

Goita, waa 38 jir kornayl ka tirsan ciidamada gaarka ah, wuxuuna xukunka la wareegay bishii Juun, kadib markii labaad oo uu afgambiyey madaxweyne muddo 9 bilood gudahood ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda u dhaxeysa Imaaraadka iyo Sacuudiga

Riyadh (Caasimada Online) – Hoggaamiyayaasha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa Isniintii ku kulmay magaalada Riyadh, si ay u adkeeyaan xiriirkooda kadib markii dhowaan labada dowladood ay hadallo hawada isu mariyeen ayaga oo ku muransan qiimaha shidaalka caalamka.

“Walaalkey Mohammed bin Salman iyo aniga waxaan ka wada-hadalnay hababka lagu xoojin karo xiriirka walaalnimo iyo iskaashiga muhiimka ah ee labadeena dal,” waxaa sidaas yiri dhaxal-sugaha Abu Dhabi Mohammed bin Zayed kadib kulan uu la yeeshay dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman.

“Saaxiibtinimada Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya waxay weli tahay mid xooggan oo barwaaqo ah,” ayuu Bin Zayed ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter-ka.

Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA ayaa dhankeedana werisay in Mohammed bin Salman uu garoonka kusoo dhoweeyey Mohammed bin Zayed, labada hoggaamiyena ay yeesheen wada-hadallo miro dhal ah.

Labadan hoggaamiye ayaa muddo loo arkay lamaanaha awoodda gobolka, waxayna ku caan yihiin xarfaha magacyadooda loo soo gaabiyo eee MBZ iyo MBS. Hase yeeshee, kulan la’aan jirtay muddooyinkii dambe ayaa sare u qaaday xan ku saabsan in xiriirkooda uu dabcay.

Muran horraantii bishan ka dhashay heshiis ay dalalka shidaalka soo saara ee OPEC+ qorsheynayeen ayaa sidoo kale khilaaf ka dhex-abuuray labada dal, oo laba waddo kala raacay.

Loolan ku dhisan dhaqaale ayaa xuddun u ah khilaafka, ayada oo dalalka Khaliijka ay isku dayayaan inay ka faa’iideystaan keydkooda shidaalka, xilli ay wajahayaan in dunida mar aan dheereyn ay ka kaaftoomi doonto shidaalka intiisa badan.

Imaaraadka Carabta ayaa heshiiska OPEC+ ku qeexay “mid caddaalad darro ah” ayada oo kula loolantay Sacuudiga oo ah dalka dhoofiya shidaalka ugu badan caalamka.

Si kastaba, OPEC+ ayaa heshiis gaaray Axaddii, kaasi oo dhigaya in si tartiib ah sare loogu qaado soo-saarka shidaalka caalamka laga billaabo August.

AFP + VOA

Daawo Video: Muqdisho iyo magaalooyinka dalka oo maanta si weyn looga ciiday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si weyn looga ciiday magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya maalinta koowaad ee Ciida-Carafo, ayada oo inta badan salaadda ciida lagu dukaday goobaha fagaaraayaasha.

Masjidka Isbaaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho ayaa kamid ahaa goobihii lagu dukaday salaadda ciida, ayada oo aysan ciidan kala soo qeyb-galin Madaxda sarre ee dalka oo hore bulshada ugala qeyb-gali jiray dukashada salaadda ciida.

Sidoo kale waxaa saxmad ahaa saaka waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, ayada oo indhahaaga ay qabanayeen caruur iyo waalid gacanta haya oo u socda goobaha loo diyaariyay ciida iyo tamashleynta.

Dhinaca kale, waxaa saaka shacabka magaalada Hargeysa kala qeyb-galay dukashada salaada Ciida madaxweynaha Somaliland oo kumanaan shacab ah kula dukaday masjid jaamaca weyn ee caasimadda Hargeysa.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimadda, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, siyaasiyiin iyo xildhibaanno, wuxuuna madaxweynaha u jeediyay khudbad uu bulshada ku hogo-tusaaleeyey dhibaatada ay noocyada kala duwan ee mukhaadaraadku ku hayaan shacabka.

Munaasibadda Ciidal Carafo ayaa si weyn looga dabaal-degay guud ahaan magaalooyinka dalka, waxaana laga dareemaya saxmad waddooyinka waaweyn iyo goobaha ay iskugu imaadan dadku.

Jubaland oo soo saartay digniin culus iyo heegan la geliyay ciidanka maamulka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo saartay digniin culus oo ku aadan maalmaha ciida iyo is-dhex-galka bulshada kala jinsiga ah, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda cadaalada ee maamulkaas.

Shacabka ayaa gebi ahaanba looga digay inay isugu tagaan Xeebaha oo halis ka dhalan karto, maadaama badda ay kacsan tahay, ayada oo hay’addaha amaanka la faray in dadka ay ka celiyaan.

“Waxaa reebban in dadka loo fasaxo meelaha la isugu tago ee Xeebaha ah, Ciidamada amniga waxaa la farayaa in ay wax ka qabtaan Ragga & Dumarka is dhex-galaya, waxaa la arkay Carruur iyo dad kale oo ku dhintay Badda,” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Wasaaradda Cadaaladda DG Jubbaland.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Cadaalada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in gebi ahaanba la ogoleyn is-dhex-galka raga iyo dumarka oo inta badan maalmaha ciida lagu arko xeebaha.

Wasaaradda ayaa soo jeediSay in Ciidamada ammaanka la geeyo Xeebaha si ay uga warqabaan dhaq-dhaqaaqa dadka oo maanta oo kale aad u badan maadaama damaashaadka Ciidda ay ku jiraan.

Qoraalka Wasaaradda ayaa sidoo kale waxa lagu mamnuucay in la qabto bandhig faneen iyo in laga shaqeeyo wax waliba oo abuuri kara amni darro, waxayna sheegtay in dadka ku xad-gudba awaamiirtan ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan laamaha amniga.

Si kastaba, arrintaan ayaa imaaneysa xili uu maamulka Jubbaland isku diyaarinayo qabashada doorashada Senatarada Aqalka sare, islamarkaana la adkeeyay ammaanka magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, ayada oo waddooyinkana la dhigay Ciidamo baaritaan ku sameynaya dadka iyo gaadiidka kala duwan.

Xasan oo war cusub kasoo saaray heshiiska doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweymihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muuqaal soo duubay ayaa ka hadlay munaasabadda Ciidul-Adxa oo maanta Talaado ah ay ku beegan tahay maalintii koowaad oo si weyn loo Ciidayo.

Ugu horreyn Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan munaasadda Ciida u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo dalkana Alle uga baryey amni iyo horumar.

“Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidd Al-adxa. Waxaan Alle dalkeena uga baryayaa amni iyo horumar,” ayuu yiri.

Dhinaca kale musharrax madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo hadal-qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo heshiiska laga gaaray.

Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya waxa dhibaatada u keenay ay tahay fulin la’aanta wixii lagu heshiiyey, sidaas daraateedna wuxuu ku baaqay in wax weliba loo fuliyo, sida ay tahay, si looga gaashaanto khilaaf horleh oo yimaada.

“Iyada oo shalay aan soo heshiinay Maanta wixii lagu heshiiyay in si kale aan ula dhaqano waa waxa mudada dheer aan dhibaatada ugu jirno, marka waxaan ku baqayaa in wax walba sida ay yihiin loo fuliyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xasan Sheekh.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo halkiisii uu yahay heshiiska doorashooyinka ee ay magaalada Muqdisho ku gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada & G/Banaadir.

Si kastaba Soomaaliya ayaa weli ku jirto marxalad kala guur ah, iyada oo haatan lagu wado in la guda-galo doorashada, iyada oo lagu hormarayo soo xilista xildhibaanada.

Amiirka AL-SHABAAB oo hanjabaad culus kasoo saaray doorashada, weerarna ku qaaday dhinacyo badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Amiirka Kooxda Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda ayaa cod cusub oo uu soo duubay, oo lagu soo beegay munaasabadda ciidda, kaga hadlay doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan.

Abu Cubeyda oo marka hore ka hadlay khilaafkii ka dhashay doorashooyinka Soomaaliya, ee markii dambe keenay in lagu xaliyo xerada Afisyoone, taasi oo uu ku macneeyey inay ka tarjumeyso sida “shisheeyaha ay dalka u haystaan iyo in amarradooda lagu maamulo.”

Waxa uu madaxda dalka hadda maamula iyo musharaxiinta madaxweyne ugu yeeray kuwa u adeegga shisheeye, oo aan xor aheyn, isaga oo su’aal ka keenay sida dad noocaas ah looga sugi karo inay dalka samata bixiyaan, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sidoo kale weerar culus ku qaaday hay’adda culimada Soomaaliyeed, oo uu ugu yeeray “culumaa’u suuq faasidiin ah oo diintooda ka leexday, islamarkaana sharciyaaya nidaam aan ku saleysneyn diinta Islaamka, oo ay xalaaleeya xumaanta ay ku jiraan madaxda dowladda federaalka, kuna raacay madaxdaasi in dalka lagu xukumo wax aan ahayn kitaabka Allah.”

Abu Cubeyda ayaa culimada dusha ka saaray xukun ah inay diinta ka baxeen, kana mid yihiin caqabadaha Soomaaliya heysta, sida uu hadalka u dhigay.

Abu Cubeydah ayaa sidoo kale weerar ku qaaday ciidamada Soomaaliya iyo warbaahinta Soomaalida, isaga oo sheegay in warbaahinta ay u adeegaan faafinta iyo qurxinta nidaamka dimqoraadiga ah, oo xaqiiqda ay qariyaan, sida uu hadalka u dhigay.

Amiirka Al-Shabaab ayaa uga digay shacabka iyo ergooyinka inay ka qeyb-galaan doorashooyinka dalka ka dhacaya.

“Waxaan uga digeynaa umaddeena inay ka qeyb qaadato doorasho ku sheegga dalka laga hirgelinayo, waxana uga digeynaa inay qeyb ka noqoto gumeysiga uu dalku ku jiro, garab iyo sharciyadna siiso ajendaha gaaladu wadato ee salka ku haya la dirirka Shareecada Islaamka,” ayuu yiri. 

“Mujaahidiintu waxay kasoo horjeedaan qorshe kasa oo diinta ka hor imaanaya.. waxaan digniin iyo dardaaran u direynaa ergada wax soo xusha.. amnigiinaa ma sugi doonaan kuwa mansab raadiska ah, ha ku kedsoomina inaad dhaqaale heli doontaan; waa inaad ku tusaale qaadataan kuwii idinka horeeyay iyo inta ka nool nolosha ay ku nool yihiin.”

Abuu Cubeyda ayaa ugu dambeyn ammaanay maamullada Al-Shabaab ee wilaayaadka loo yaqaan, kuwaasoo uu sheegay inay damiyeen colaadii u dhaxeysay beelaha Soomaaliyeed, ayna tusaale u yihiin, sida uu yiri, inay Soomaaliya diinta ku midoobi karto.

Daawo: Xildhibaan Aamina oo shaaca ka qaaday sarkaal ‘lagu tuhmayo’ Ikraan Tahliil

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xogo dheeraad ah laga helayaa kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la waayey 16-kii bishii hore. Ikraan waxay ka tirsaneyd hey’adda NISA, waxaana isisoo taraya tuhunka la xariira in gabadhaas ay ku maqan tahay gacanta saraakiil ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya.

Ikraan waxay kaamiraduhu qabteen, iyadoo gaari sii raaceysa markii cid ugu war dambeysay.

Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka mid ah xubnaha golaha shacabka ku metela beesha ay u dhalatay Ikraan oo la hadashay TV-ga Universal ayaa sheegay in Ikraan ay reerkeeda u sheegtay inuu jiro sarkaal ka tirsan NISA oo u hanjabay, islamarkaana ay qorsheyneysay inay dalka isaga baxdo.

“Gabadhu NISA ayey la shaqeyneysay, waxaa markii hore shaqaaleysiiyey Taliyihii hore ee NISA Sanbaloolshe, tuhumada la qabana waxaa ka mid ah in gabadhaan ay xog badan ka heysay qaabkii loo qaaday ciidanka la qeysan yahay ee Eritrea ku maqan, waa dhici kartaa in waxyaabo noocaas ah gabadha loo heysto,” ayey tiri Xildhibaan Aamina Maxamed.

Xildhibaan Aamina oo sii hadlaysay ayaa tiri, “Waxaa jirtay in gabdhu ay wacday ehelkeeda qaar oo ay u sheegtay inuu handaday sarkaal la yaqaano, ayna rabtay inay dalka isaga baxdo, sarkaalkaas magaciisa gabadhu waa sheegtay, waana sheegi doonaa markii loo baahdo cadeyn.”

Sidoo kale Xildhibaan Aamina ayaa sheegtay in gaarigii gabadha ka qaaday Taliska NISA uu watay nin darawal u ah Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir.

“Markii aan u tagnay mas’uuliyiinta hey’adda Nabad sugidda waxay na dheheen kiiska gabadha waan baareynaa, hadii ay baarayaan waxaa la rabay inay wiilkaas soo xiraan oo asaga la weydiiyo gabadhii meesha uu geeyey, anaga waxaan xaqiijineynaa in wiilkaas uu yahay darawalka taliyaha Nabad sugidda gobolka Banaadir, asagaana la weydiinayaa gabadha oo dad ugu war dambeeyey, hadii shakhsiyan uu  gabadha u heysto ama hey’adda uu meel u geeyey, isagaa laga rabaa inuu meel ku sheego gabadhii,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Xildhibaan Aamina oo ka mid ah xubnaha golaha shacabka ku metela gabadha maqan ee Ikraan.

Caasimada Online si madax-banaan uma xaqiijin karto xogta ay bixisay xildhibaan Aamina.

Hoos ka daawo

Mareykanka oo go’aan ka gaaray sharci ay si weyn uga war sugayeen Soomaalida

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Amniga Gudaha ee Dowladda Maraykanka Alejandro Mayorkas ayaa ku dhowaaqay in dadka Soomaalida ah ee sharciga aan ku lahayn Maraykanka 18 bilood lagu kordhiyey waqtiga ay sii joogi karaan waddankan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Soomaaliya mar kale loo asteeyey inuu yahay waddan ay dhibaato ka taagan tahay.

Dadkaasi joogitaanka loo kordhiyey ayaa lagu magacaabaa inay haystaan Xaalad Joogitaan oo ku meel-gaar ah ama Temporary Protected Status (TPS).

Kordhinta joogitaankooda ayaa ka billaabanaya bisha soo socota ee September 18-keeda 2021, waxayna ku egtay bisha March 17-keeda sannadkan 2023.

Waxa uu sheegay xoghayuhu in tallaabadan cusub ay dawladda Maraykanka u saamaxayso inay gabbaab siiso dadka Soomaalida ah ee aan ku laaban karin dalkooda colaadda taagan iyo xaaladda bani’aadannimo darteed. 

“Waxaan sii wadi doonaa inaan gargaar siino muwaadiniinta Soomaalida ah muddadan ku meelgaarka ah ee loo eegayo dhinaca bani’aadannimada,” ayuu yiri Xoghaye Alejandro Mayorkas.

Joogitaankan ku meel-gaarka ah ayaa la siiyaa dadka sharciga aan ku lahayn Maraykanka iyo kuwa waayey sharciga balse aan ku laaban karin waddamadii ay ka yimaadeen.

Xoghayaha ayaa sheegay inuu gaaray go’aankan kadib markii wadatashi uu la sameeyey hay’adaha kala duwan ee Maryaknaka, si taxaddar lehna uu u dersay colaadda iyo xaalada Soomaaliya oo uu sheegay inay ka mid yihiin soddon sano oo colaado ah, cudurro, masiibooyin daaiici ah iyo qalalaasaha dhinaca bani’aadannimada.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dhwaan la kulantay gacan ka hadal kordhay, abaar, fatahaado oo biirsaday cunno yarida, barakaca iyo xanuunka Covid-19.

Waxa uu sheegya in tallaabadan ay u oggolaanayso ilaa 447 qof inay ka faa’iidaystaan oo ay sii joogaan Maraykanka tan iyo Maarso 17, 2023 haddii ay fuliyaan shuruudaha laga doonayo.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in go’aanka Soomaaliya loogu asteeyey inay tahay waddan dhibaato ka taagan tahay ay ka faa’iidayaan dad lagu qiyaasay 100 qof oo Soomaali ah ama shaqsiyaad aan dhalasho haysan laakiin markii ugu dambaysay ku noolaa Soomaaliya.

Xigasho: VOA

Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii fuliyey weerarkii Bacadweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay wareysi ay ka duubtay Naftii-haligihii fuliyey weerarkii maalintii jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka deegaanka Bacaadweyne, kaasi oo lagu shaaciyey magaciisa iyo beesha uu kasoo jeedo.

Ninka fuliyey weerarka naf-halig-nimada ah ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Cabdullaahi Cabdiqaadir oo loo garan og-yahay “Shaakir”, oo dhalasho ahaan kasoo jeeda beesha Tuni, gaar ahaan Xajuubo, sida uu sheegay.

Shaakir ayaa sheegay intii uu socday wareysiga laga qaaday ka hor inta uu is-qarxin inuu kooxda Al-Shabaab kusoo biiray 2018-kii, wuxuuna sheegay inuu ugu soo biiray si uu ula Jihaado gaalada kusoo duushay dalka.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas oo ka dhacay duleedka deegaanka Bacaadweyne ay ku dhinteen 7 ka tirsan ciidamada dowlada, halka ay 8-deed kale ku dhaawacmeen iyo bur-burinta gawaaridii ay wateen ciidamada dowladda.

Marka laga imaado sheegashada Shabaab ee khasaaraha ka dhashay weerarka is-miidaaminta ah, waxay dowladda hore u shaacisay in uu qasaare geysan qaraxaas.

Ciidamada dowladda ayaa ka hortagay weerarkaas kadib markii ay toogteen wadihii gaariga waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay, oo ahaa naftii-haligaha ay wareysigiisa baahisay warbaahinta Al-Shabaab.

Laba diyaarad oo ka tegay Muqdisho oo loo diiday inay ka dagaan BAYDHABA

Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ee Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa amray in diyaarado rakaab siday oo ka baxay Muqdisho saaka, oo ay lahaayeen shirkadaha Haala Airline iyo Blue Sky, inay dib ugu noqdaan halkii ay ka yimadeen ee garoonka Muqdisho xilli ay doonayeen inay ku dagaan Garoonka Shaati Gaduud.

Muqtaar Xaamud, xoghayaha AOC, oo la hadlay idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in diyaaraha Haala Airline iyo Blue Sky oo saakay ka duulay magaaladda Muqdisho marka ay gaareen Baydhabo lagu wargaliyay inaysan ka dagi karin garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Baydhabo ayna dib uga soo noqdeen magaaladda Muqdisho, iyaga oo sida rakaabkii Baydhabo.

Sidoo kale, madaxa Suuq geynta shirkadda Blue Sky Axmed Xuseen Xasan ayaa sheegay in dadweynihii rakaabka ahaa ee ka tegi lahaa Muqdisho iyo kuwii kasoo bixi lahaa magaalada Baydhaba ay ku xayirmen labada garoon.

“Garoonka Baydhabo culays ayaa ka jira, aan caadi ahayn taas oo ah in wasaaradda gaaddiidka Koofur Galbeed in ay xanibaad ku soo rogtay diyaaraha Guddaha ee u kala goosha Muqdisho iyo Baydhabo si ka duwan caasimadaha dowlad-goboleedyada kale ee dalka,” ayuu yiri Muqtaar Xaamud.

“Laba diyaaradood oo ka kacay Muqdisho Airporta oo ah diyaaradaha ka diiwaan gashan wasaaradda gaadiidka Soomaaliya, sidayna dad Soomaaliyeed, ayaa markii ay dultageen garoonka diyaaradaha Baydhabo oo ay dagi lahaayeen ayaa lagu yiri ma dagi kartaane dib u laabta marka culayskaas ayaa jira,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Sababta ka dambaysa in diyaaradaha la soo celiyo ayuu ku qeexay in wasaaradda gaadiidka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay dhawaan shaacisay in garoonka diyaaraha magaaladda Baydhabo maalinkii loo ogolyahay hal diyaarad oo rakaab ah “taas oo shacabku dhibaato ku qabaan”.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in maamulka Koonfur Galbeed uu xayiraad kusoo rogay musharixiinta xildhibaannada ah ee u tartamaya labada aqal ee Baarlamaanka oo aan loo ogoleyn inay tagaan Baydhaba, taasoo halis gelineysa Doorasho xalaal ah oo ka dhacda maamulkaasi.

Cagjar oo shaaciyey cidda ka dambeysa inay ciidamo u diraan Tigray iyo arrimo kale

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa markii u horeysay sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey ciidamada uu maamulkiisa u diray gobolka Tigray, si ay qeyb uga noqdaan dagaalka ay xukuumadda Abiy Ahmed kula jirto TPLF.

Mustafe Cagjar oo wareysi siiyey idaacada BBC-da ayaa sheegay in maamulkiisa uu ciidamada ugu diray Tigray kadib dalab uga yimid ra’iisal wasaare Abiy, oo dhigayay in dowlad deegaanada kala qeyb qaataan dagaalka TPLF.

“Tagintaankooda (Ciidamada) waxay la xiriirta baaq ka yimid dowladda dhexe, gaar ahaan ra’iisul wasaaraha ee ahaa in laga qeyb qaato difaaca guud ee looga hortagayo kooxda argagixisada ee TPLF oo qorshaheedu yahay inay dumiso nidaamka hadda jira,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dirista ciidamada uu kala tashaday dhinacyo badan oo ah kuwii ay khuseysay ee deegaanka, islamarkaana ay ayagu fuliyeen ka maamul ahaan, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Cagjar ayaa eedeyn culus u jeediyay dadka ka horyimid in deegaanka Soomaalida uu qeyb ka noqdo dagaalka qaraar ee Tigray, kuwaasi oo uu ku tilmaamay “inay yihiin kuwo taageersan TPLF”.

“Dadka noocaasi ah waxay isugu jiraan kuwa TPLF taageersan oo ah kuwa mar walba waxa ay TPLF tiraahda ku hadla, iyo kuwa kale oo daacad ah oo wadaniyiin ah inta badan ku qaldama dhibaatada socota.”

“Kooxda TPLF taageerta ee Soomaalida ee kuwii deegaanka maamuli jiray iyo kuwa la mid ah waxay aad u jecel yihiin in arrintan ay ka dhigaan mid u dhaxeysa Amxaaro iyo Tigray. Qaabka ay u dhigayaan waa midka Tigray-gu jecel yihiin in loo dhigo.”

Waxa uu meesha ka saaray aragtida ah in dagaalka Tigray uu ka dhaxeeyo xukuumadda Abiy iyo TPLF, isagoona sheegay in dagaalkaas uu yahay mid u dhaxeeya dowladda dhexe ee Itoobiya iyo ururka TPLF oo xiligan urur argagixiso looga aqoonsan yahay dalkaas.

Ugu dambeyniinta waxa uu sheegay in ciidanka uu maamulkiisa diray aysan wax u dhimi doonin howlihii amni ee ay ka hayeen maamulka, islamarkaana ay yihiin ciidan deegaanka uga dhex muuqan doona howlaha qaran ee ka socda Tigray, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka madaxweyne Cagjar ayaa imanaya xili ay hadal hayn badan ka dhalatay ciidamo uu maamulkiisu u diray Tigray, si ay qeyb uga noqdaan dagaalka ay dowladda dhexe ka wado gobolkaas, xili uu galay waji aad u qaraar.