25.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Mareykanka oo go’aan ka gaaray sharci ay si weyn uga war sugayeen Soomaalida

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Amniga Gudaha ee Dowladda Maraykanka Alejandro Mayorkas ayaa ku dhowaaqay in dadka Soomaalida ah ee sharciga aan ku lahayn Maraykanka 18 bilood lagu kordhiyey waqtiga ay sii joogi karaan waddankan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Soomaaliya mar kale loo asteeyey inuu yahay waddan ay dhibaato ka taagan tahay.

Dadkaasi joogitaanka loo kordhiyey ayaa lagu magacaabaa inay haystaan Xaalad Joogitaan oo ku meel-gaar ah ama Temporary Protected Status (TPS).

Kordhinta joogitaankooda ayaa ka billaabanaya bisha soo socota ee September 18-keeda 2021, waxayna ku egtay bisha March 17-keeda sannadkan 2023.

Waxa uu sheegay xoghayuhu in tallaabadan cusub ay dawladda Maraykanka u saamaxayso inay gabbaab siiso dadka Soomaalida ah ee aan ku laaban karin dalkooda colaadda taagan iyo xaaladda bani’aadannimo darteed. 

“Waxaan sii wadi doonaa inaan gargaar siino muwaadiniinta Soomaalida ah muddadan ku meelgaarka ah ee loo eegayo dhinaca bani’aadannimada,” ayuu yiri Xoghaye Alejandro Mayorkas.

Joogitaankan ku meel-gaarka ah ayaa la siiyaa dadka sharciga aan ku lahayn Maraykanka iyo kuwa waayey sharciga balse aan ku laaban karin waddamadii ay ka yimaadeen.

Xoghayaha ayaa sheegay inuu gaaray go’aankan kadib markii wadatashi uu la sameeyey hay’adaha kala duwan ee Maryaknaka, si taxaddar lehna uu u dersay colaadda iyo xaalada Soomaaliya oo uu sheegay inay ka mid yihiin soddon sano oo colaado ah, cudurro, masiibooyin daaiici ah iyo qalalaasaha dhinaca bani’aadannimada.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dhwaan la kulantay gacan ka hadal kordhay, abaar, fatahaado oo biirsaday cunno yarida, barakaca iyo xanuunka Covid-19.

Waxa uu sheegya in tallaabadan ay u oggolaanayso ilaa 447 qof inay ka faa’iidaystaan oo ay sii joogaan Maraykanka tan iyo Maarso 17, 2023 haddii ay fuliyaan shuruudaha laga doonayo.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in go’aanka Soomaaliya loogu asteeyey inay tahay waddan dhibaato ka taagan tahay ay ka faa’iidayaan dad lagu qiyaasay 100 qof oo Soomaali ah ama shaqsiyaad aan dhalasho haysan laakiin markii ugu dambaysay ku noolaa Soomaaliya.

Xigasho: VOA

Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii fuliyey weerarkii Bacadweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay wareysi ay ka duubtay Naftii-haligihii fuliyey weerarkii maalintii jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka deegaanka Bacaadweyne, kaasi oo lagu shaaciyey magaciisa iyo beesha uu kasoo jeedo.

Ninka fuliyey weerarka naf-halig-nimada ah ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Cabdullaahi Cabdiqaadir oo loo garan og-yahay “Shaakir”, oo dhalasho ahaan kasoo jeeda beesha Tuni, gaar ahaan Xajuubo, sida uu sheegay.

Shaakir ayaa sheegay intii uu socday wareysiga laga qaaday ka hor inta uu is-qarxin inuu kooxda Al-Shabaab kusoo biiray 2018-kii, wuxuuna sheegay inuu ugu soo biiray si uu ula Jihaado gaalada kusoo duushay dalka.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas oo ka dhacay duleedka deegaanka Bacaadweyne ay ku dhinteen 7 ka tirsan ciidamada dowlada, halka ay 8-deed kale ku dhaawacmeen iyo bur-burinta gawaaridii ay wateen ciidamada dowladda.

Marka laga imaado sheegashada Shabaab ee khasaaraha ka dhashay weerarka is-miidaaminta ah, waxay dowladda hore u shaacisay in uu qasaare geysan qaraxaas.

Ciidamada dowladda ayaa ka hortagay weerarkaas kadib markii ay toogteen wadihii gaariga waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay, oo ahaa naftii-haligaha ay wareysigiisa baahisay warbaahinta Al-Shabaab.

Laba diyaarad oo ka tegay Muqdisho oo loo diiday inay ka dagaan BAYDHABA

Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ee Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa amray in diyaarado rakaab siday oo ka baxay Muqdisho saaka, oo ay lahaayeen shirkadaha Haala Airline iyo Blue Sky, inay dib ugu noqdaan halkii ay ka yimadeen ee garoonka Muqdisho xilli ay doonayeen inay ku dagaan Garoonka Shaati Gaduud.

Muqtaar Xaamud, xoghayaha AOC, oo la hadlay idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in diyaaraha Haala Airline iyo Blue Sky oo saakay ka duulay magaaladda Muqdisho marka ay gaareen Baydhabo lagu wargaliyay inaysan ka dagi karin garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Baydhabo ayna dib uga soo noqdeen magaaladda Muqdisho, iyaga oo sida rakaabkii Baydhabo.

Sidoo kale, madaxa Suuq geynta shirkadda Blue Sky Axmed Xuseen Xasan ayaa sheegay in dadweynihii rakaabka ahaa ee ka tegi lahaa Muqdisho iyo kuwii kasoo bixi lahaa magaalada Baydhaba ay ku xayirmen labada garoon.

“Garoonka Baydhabo culays ayaa ka jira, aan caadi ahayn taas oo ah in wasaaradda gaaddiidka Koofur Galbeed in ay xanibaad ku soo rogtay diyaaraha Guddaha ee u kala goosha Muqdisho iyo Baydhabo si ka duwan caasimadaha dowlad-goboleedyada kale ee dalka,” ayuu yiri Muqtaar Xaamud.

“Laba diyaaradood oo ka kacay Muqdisho Airporta oo ah diyaaradaha ka diiwaan gashan wasaaradda gaadiidka Soomaaliya, sidayna dad Soomaaliyeed, ayaa markii ay dultageen garoonka diyaaradaha Baydhabo oo ay dagi lahaayeen ayaa lagu yiri ma dagi kartaane dib u laabta marka culayskaas ayaa jira,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Sababta ka dambaysa in diyaaradaha la soo celiyo ayuu ku qeexay in wasaaradda gaadiidka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay dhawaan shaacisay in garoonka diyaaraha magaaladda Baydhabo maalinkii loo ogolyahay hal diyaarad oo rakaab ah “taas oo shacabku dhibaato ku qabaan”.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in maamulka Koonfur Galbeed uu xayiraad kusoo rogay musharixiinta xildhibaannada ah ee u tartamaya labada aqal ee Baarlamaanka oo aan loo ogoleyn inay tagaan Baydhaba, taasoo halis gelineysa Doorasho xalaal ah oo ka dhacda maamulkaasi.

Cagjar oo shaaciyey cidda ka dambeysa inay ciidamo u diraan Tigray iyo arrimo kale

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa markii u horeysay sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey ciidamada uu maamulkiisa u diray gobolka Tigray, si ay qeyb uga noqdaan dagaalka ay xukuumadda Abiy Ahmed kula jirto TPLF.

Mustafe Cagjar oo wareysi siiyey idaacada BBC-da ayaa sheegay in maamulkiisa uu ciidamada ugu diray Tigray kadib dalab uga yimid ra’iisal wasaare Abiy, oo dhigayay in dowlad deegaanada kala qeyb qaataan dagaalka TPLF.

“Tagintaankooda (Ciidamada) waxay la xiriirta baaq ka yimid dowladda dhexe, gaar ahaan ra’iisul wasaaraha ee ahaa in laga qeyb qaato difaaca guud ee looga hortagayo kooxda argagixisada ee TPLF oo qorshaheedu yahay inay dumiso nidaamka hadda jira,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dirista ciidamada uu kala tashaday dhinacyo badan oo ah kuwii ay khuseysay ee deegaanka, islamarkaana ay ayagu fuliyeen ka maamul ahaan, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Cagjar ayaa eedeyn culus u jeediyay dadka ka horyimid in deegaanka Soomaalida uu qeyb ka noqdo dagaalka qaraar ee Tigray, kuwaasi oo uu ku tilmaamay “inay yihiin kuwo taageersan TPLF”.

“Dadka noocaasi ah waxay isugu jiraan kuwa TPLF taageersan oo ah kuwa mar walba waxa ay TPLF tiraahda ku hadla, iyo kuwa kale oo daacad ah oo wadaniyiin ah inta badan ku qaldama dhibaatada socota.”

“Kooxda TPLF taageerta ee Soomaalida ee kuwii deegaanka maamuli jiray iyo kuwa la mid ah waxay aad u jecel yihiin in arrintan ay ka dhigaan mid u dhaxeysa Amxaaro iyo Tigray. Qaabka ay u dhigayaan waa midka Tigray-gu jecel yihiin in loo dhigo.”

Waxa uu meesha ka saaray aragtida ah in dagaalka Tigray uu ka dhaxeeyo xukuumadda Abiy iyo TPLF, isagoona sheegay in dagaalkaas uu yahay mid u dhaxeeya dowladda dhexe ee Itoobiya iyo ururka TPLF oo xiligan urur argagixiso looga aqoonsan yahay dalkaas.

Ugu dambeyniinta waxa uu sheegay in ciidanka uu maamulkiisa diray aysan wax u dhimi doonin howlihii amni ee ay ka hayeen maamulka, islamarkaana ay yihiin ciidan deegaanka uga dhex muuqan doona howlaha qaran ee ka socda Tigray, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka madaxweyne Cagjar ayaa imanaya xili ay hadal hayn badan ka dhalatay ciidamo uu maamulkiisu u diray Tigray, si ay qeyb uga noqdaan dagaalka ay dowladda dhexe ka wado gobolkaas, xili uu galay waji aad u qaraar.

Malcuunkii sameeyey Sawir gacmeedyada loogu gefay Nebiga SCW oo geeriyooday

Copenhagen (Caasimada Online) – Farshaxamiistihii malcuunka ahaa ee reer Denmark ee sameeyey sawir gacmeedyada uu ku sheegay uguna gefay Nebi Muxamed SCW ayaa geeriyooday isaga oo 86 jir ah.

Kurt Westergaard ayaa geeriyooday isaga oo hurdo kadib muddo uu xanuunsanaa, sida ay qoyskiisa Axaddii u sheegeen wargeyska Denmark ee Berlingske.

Westergaard ayaa sameeyey 12 sawir gacmeed oo uu ku sheegay Nebi Muxamed SCW, oo lagu daabacay wargeyska xagjirka ah ee Jyllands-Posten, kuwaas oo cinwaan looga dhigay “Wejiga Muxamed”. 

Sawirradaas ayaan markii hore laga warhelin, hase yeeshee kadib laba asbuuc ayaa dibabaxyo ka dhan ah ay ka dhaceen magaalada caasimadda ah ee Copenhagen, kadibna safiirada dalalka Islaamka ayaa cabasho rasmi ah u gudbiyey dowladda Denmark.

Carradaas ayaa kadib isku rogtay mid caalami ah oo ka dhan ah Denmark oo ka dhacday dunida Islaamka oo idil, bishii Febraayo ee 2006. Safaaradaha dalalka Denmark iyo Norway ee dalalka Islaamka ayaa sidoo kale la weeraeray. 

Wixii ka dambeeyey sawirradaas, Westergaard ayaa ku noolaa nolol cabsi iyo argagax leh, isaga oo 24 saac ay ilaalo ka hayeen booliiska, laguna hayey goob sir ah oo aan la ogeyn. 

Horraantii 2010, booliska Denmark ayaa guriga Westergaard ku qabtay nin 28 jir ah oo mindi ku hubeysan oo qorsheynayey inuu dilo. 

Diinta Islaamka ma ogola in wax sawir ah laga sameeyo Rasuulka SCW, hase yeeshee kuwa Reer Galbeedka ee sidaas sameeya, ayaa qiil ka dhigta waxa loogu yeero xoriyadda hadalka.

Sanaddii 2015, 12 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday xarunta wargeyska Charlie Hebdo ee magaalada Paris kadib markii uu dib u daabacay sawirrada Westergaard. 

Xiisadda iyo khilaafka u dhaxeeya Imaaraadka iyo Sacuudiga oo kasii dartay

Riyadh (Caasimada Online) – Falanqeeyayaasha taageersan Dowladda Sacuudi Carabiya ee ku sugan dalkaas ayaa bilaabay cambaareyn ay u jeedinayaan doorka ay Imaaraadka Carabta ee dagaalkii Yeman, taasi oo ka turjumeysa inay sii kordheyso xiisadda siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee u dhaxeysa labada dowladood ee xulafada ah.

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa isku dayeysa inay xakameyso loolanka awoodeed ee Koonfurta Yemen ee u dhaxeeya dowladda la aqoonsan yahay oo ay taageerto Riyadh iyo kooxda ugu weyn ee dowladda kasoo horjeeda oo ay taageerto Imaaraadka Carabta, taasoo sababi karta inuu sii socdo dagaalka uu sacuudiga halganka ugu jiro inuu ka baxo.

“Haddii Imaaraadka aysan gacan ka geysan hirgelinta heshiiskii Riyadh ee la xiriiray xiisadda koonfurta Yemen, oo ay sii waddo carqaladeynta, waxaan u maleynayaa in xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka uu kusii socon doono xaaladda halista ah oo uu hadda ku jiro,” ayuu yiri qoraaga siyaasadeed Suleiman Al-Oqeliy, oo inta badan ka turjuma mowqifka rasmiga ah ee Sacuudiga kadib qoraal uu soo dhigay Twitter-ka.

“Boqortooyada, dawladda iyo dadku uma oggolaan doonaan cidna inay farageliso amniga Yemen oo ay wax u dhinto. Dulqaadkeedu waa weyn yahay laakiin wuxuu leeyahay xad,” ayuu Twitter-ka ku qoray Abdullah Al-Hatayla, oo ah ku-xigeenka tifaftiraha wargayska Sacuudiga ee Okaz.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga iyo Imaaraadku si dhakhso ah ugama jawaabin codsigii Wakaaladda Wararka ee Reuters ee ahaa inay ka hadlaan xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeyso labadaan dowladood ee xulafada ah.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xubin ka ah isbaheysiga Milatari ee uu hoggaamiyo Riyadh ee faragalinta ku sameeyay Yemen sanadii 2015 kana soo horjeeday Xuutiyiinta Iran la safan ee dowlada ka saaray caasimadda Sanca.

Abu Dhabi waxay soo afjartay joogitaankeeda militari ee dalka Yemen sanadkii 2019, iyadoo ku wareejisay Riyadh dagaal qarash badan ku baxay oo aan la jecleysan, laakiin waxay sii wadaa inay awood ku yeelato dagaalyahanada Yemen iyadoo tababar iyo hub isugu dartay kooxaha kasoo horjeedo dowladda la aqoonsan yahay.

Kooxaha ay maalgelisay Imaaraadka waxaa kamid ah xoogagga Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta, sidoo kale xubno ka tirsan isbahaysiga, kuwaas oo laba jeer qabsaday dekedda koonfureed ee Cadan, xarunta ku-meel-gaarka ah ee dawladda Sacuudiga taageerto, taas oo keentay in Riyadh ay bilowdo heshiis awood-qaybsi ah oo aan weli dhicin in si buuxda loo hirgelio.

Dhaleeceynta ay soo jeediyeen dadka wax faaleeya ayaa imaaneysa kadib khilaaf u dhaxeeya Riyadh iyo Abu Dhabi kaas oo carqaladeeyay dejinta siyaasada shidaalka ee ururka OPEC+, oo ah koox ay ku jiraan OPEC iyo xulafadooda. OPEC + waxay xaqiijisay heshiis si kor loogu qaado wax soo saarka saliida markii ay dib isugu soo laabatay Axadii .

Si kastaba ha ahaatee falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in tartanka dhaqaalaha ee sii kordhaya uu dhigayo kala duwanaansho qaawan oo u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Imaaraatka iyada oo boqortooyada ay u dhaqaaqeyso inay ka hortagto awooda ganacsi iyo midda dalxiis ee Imaaraadka Carabta.

Maamulka G/BANAADIR oo ka laabtay fasax maanta la siiyey shaqaalaha + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib uga noqday fasax maanta la siiyey shaqaalaha ka howl-gala xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar, kaas oo ku aadanaa munaasabadda Ciidul Adxaa oo maalinta beri ah ku beegan.

Qoraal wargelin ah oo kasoo baxay xafiiska waaxda shaqada iyo shaqaalaha ayaa lagu sheegay in la-laalay fasaxii la siiyey shaqaalaha, kadib amar ka yimid duqa Muqdisho.

Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay inay keentay ka noqoshada fasaxan baahi shaqo oo ka jirta xarunta gobolka Banaadir, loona baahan yahay in loo adeego bulshada.

“Iyadoo la fulinayo go’aanka duqa magaalada ahna guddoomiyaha gobolka baahi shaqo awgeed waxa laga noqday fasaxi shaqaalaha maanta kaliya, sidaas darteed madaxda shaqaalaha xukunta waxa laydinku wargelinayaa in aad si degdeg ugu yeertaan shaqaalaha goobaha shaqadana saacad gudeheed la bilaabo shaqooyinkii,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa amarkan lagu sheegay in safaxa shaqaalaha ee Ciidul Adxaa uu bilaabanayo maalinta Talaadada oo berri ah, illaa Khamiista.

“Fasaxa berri ayuu ka bilaabanayaa, waana illaa Khamiis insha Allaah,” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay fasax yihiin shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah, munaasabadda Ciida aawgeed.

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in shaqaalaha Soomaaliyeed ay fasax yihiin seddex maalmood oo ka bilaabaneysa maalinta Talaadada oo noqoneyso maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa, illaa Khamiista soo socota.

Sidoo kale wasaaradda ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeysay munaasabadda Ciidul Adxaa.

Halkan hoose ka aqriso:

HirShabelle oo ka hortimid hadalkii Golaha Midowga Musharraxiinta mucaaradka

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Maamulka HirShabelle ayaa si cad uga horyimid qoraalkii kasoo baxay xubnaha Midowga Musharraxiinta mucaaradka ee lagu sheegay in aysan suuragal aheyn in doorasho lagu qabto magaalada Beledweyne ee maamulkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka HirShabelle, Siraaji Sheekh Isaaq iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Beledweyne ayaa ka hadlay warka kasoo yeeray musharraxiinta, iyaga oo si weyn uga soo horjeestay.

Siraaji oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in dano siyaasadeed laga leeyahay warqadda kasoo baxday Midowga Musharraxiinta, wuxuuna tilmaamay in doorashada xildhibaanada labada aAal lagu qaban karo gudaha magaalada Beledweyne.

Sidoo kale waxa uu xusay in hadalka siyaasiyiinta mucaaradka ah uu qas iyo fowdo horleh ka abuurayo deegaanada HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka HirShabelle oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale xusay inay HirShabelle raalli-gelin uga fadhido Golaha Musharraxiinta.

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa shaaciyey inay Midowga Musharraxiinta u gefeen reer Hiiraan, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha magaalada Beledweyne.

Jayte ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in musharraxiinta hadalkan faafiyey ay doonayaan in doorashada laga weeciyo magaaladaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn waxa uu ka digay sii socosha arrintan, isaga oo tilmaamay inay baal-marsan tahay heshiiskii doorashada, isla-markaana lagu dulminayo reer Beledweyne.

Si kastaba hadalkan ayaa kusoo aadaya, xilli Midowga Musharraxiinta mucaraadka qoraalka ay soo saareen ku sheegeen in dhibaatooyin amni iyo kuwa siyaasadeed oo aan saamixi karin in doorasho lagu qabto Beledweyne ay ka jiraangudaha magaaladaasi.

Xog: Al-Shabab oo Muqdisho ka billaabay olole doorasho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab labadii todobaad ee ugu dambeeyay ay u yeereen odayaasha dhaqanka ee ku sugan Muqdisho, ganacsato, iyo qaar kamid ah macalimiinta Jaamacadaha gobalka Banaadir, waxayna kala hadleen arrimo quseeya doorashada Soomaaliya.

Saraakiil amni oo ku sugan Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegay in hoggaamiyaha Al-Shabaab ugu magacaaban Gobalka Banaadir, balse u dhaxeeya labada Shabeelle, uu dhinacyadan kala hadlay sidii loo taageeri lahaa in Al-Shabaab xubno ay wadato ay u galaan baarlamanka Soomaaliya. 

“Waxaan la fariisanay afar qof oo kamid ah qeybaha bulshada oo ay u yeereen waxayna dhamaantood kala hadleen arrimaha doorashada, ma rabo inaa ku siiyo xogta oo dhameystiran laakiin waxaan kuu sheegayaa in sanadkaan Al-Shabaab dhaq dhaqaaq xoog leh wadaan,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay’aaha ammaanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Al-Shabaab dadka ay u waceen ay isugu jiraan laba qeybood oo kala ah, kuwa ay rabaan in ay Xildhibaano ka dhigtaan iyo kuwa ka shaqeeya sidii ay Al-Shabaab xubno baarlamaan u heli lahaayeen. 

“Al-Shabaab waxay rabaan in dad la yaqaano oo aan laga shakin doonin in ay Xildhibaano ka dhigtaan waxayna dhax-galayaan bahda waxbarashada iyo ganacsatada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sarkaalka la hadlay Caasimada Online.

Dhowr jeer oo hore ayaa dowladda Soomaaliya looga digay in Al-Shabaab ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in ay kaga mid noqdaan doorashada Soomaaliya, ayaga oo horey ugu yeeray odayaasha soo xulaya ergooyinka, waxaana muuqato in qorshahaas uu hadda banaanka u soo baxayo. 

Xog: Ciidan Badbaado Qaran ah oo u badan hal beel oo mushaharka laga joojiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in tobaneeyo kamid ah ciidamadii diidanaa muddo korarsiga ee ka dagaalamay aagga Barmuudo iyo KM4 ay dowladda Soomaaliya ka joojisay mushaarkii ay qaadan jireen. 

Ciidanka mushaaraadka laga joojiyay waxaa sidoo kale ku jira qaar ka tirsan ilaalada Janaraal Saadaq Joon, kuwa Janaraal Indhacade, ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo ciidan kale, kuwaas oo hore uga tirsanaa Mikateriga iyo booliska Soomaaliya. 

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa muujineysa in ciidankii diidanaa muddo korarsiga ee ku sugnaa aagga dabka iyo waqooyiga Muqdisho ay mushaarkooda qaataan, kuwaas oo beel ahaan u badan Abgaal iyo Murusade. 

Ma cadda sababta ay dowladda sida gaarka ah ugu beegsatay ciidanka u badan beesha Habar-gidir, halka kuwii la midka ahaa ee beelaha kale ay weli qaataan mushaharkood.

Waxaa jirta abaabul ay billaabeen siyaasiin ka soo jeeda beesha Habar Gidir, kuwaas oo warqad cabasho ah u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo kasoo jeeda beesha, balse ma jirto ilaa hadda wax jawaab ah oo laga helay. 

Lama oga saameynta ka dhalan karta go’aanka mushaarka looga joojiyay ciidamadaan oo qeyb ka ahaa kuwii lamagac baxay Badbaado Qaran. Qaar kamid saraakiisha mushaarka laga joojiyay ayaa Caasimada Online u sheegay in uu beegsi gaar ah ku haayo taliyaha Mikateriga Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage, balse Caasimada Online ma helin cadeymo arrintaas la xariira. 

Arrintaan ayaa dhaawaceysa heshiiskii ay gaareen guddi ka socday ciidamadii Badbaado Qaran iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo dhigayey inaan laga aargudan karin ciidankii diiday muddo kororsiga.

JUBALAND oo war cusub kasoo saartay doorashada xubnaha golaha Aqalka Sare

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa faah faahin dheeraad ah waxa ay ka bixisay qabsoomida doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ee dhowaan ka dhacaya deegaanada maamulkaasi.

Wasiirka maaliyadda Jubbaland, ahna xubnin ka tirsan guddiga uu baarlamaanka  u magacaabay qabsoomida doorashada Aqalka Sare xildhibaan Xuseen Xirsi Axmed oo wareysi siiyey Radio Mustaqbal ayaa shaaca ka qaaday inay si cadaalada u dhici doonto doorashada, wuxuuna ugu baaqay musharraxiinta inay muujiyaan kalsooni gaar ah.

Xirsi ayaa sidoo kale meesha ka saaray in Jubbaland ay dooneyso inay is hortaagto qaar ka mid ah musharraxiinta, gaar ahaan kuwa siyaasad ahaan kasoo horjeeda, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay wel-welka laga muujinayo arrintaasi.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in doorashada ay si wadajir ah u maamuli doonaan guddiga federaalka iyo Jubbaland, taas oo qeyb ka aheyd heshiiskii doorashada.

Xildhibaanka oo sii hadlayey ayaa intaasi kusii daray in iyagu ka guddi ahaan ay u sinaan doonaan xubnaha musharraxiinta ee u tartamaya ka mid ah noqoshada Aqalka Sare.

“Doorashadu waxaa maamulaya guddiga federaalka iyo dowlad goboleedka Jubbaland sida ku xusan heshiiska, Wax cabsi ah ma jiri karto in shaqsi lagu dhibaateeyo, Guddi ahaan waxa aan diyaar u nahay in aan u sinnaano Musharixiinta si ay u dhacdo Doorasho qurux badan” ayuu yiri wasiirka maaliyada Jubaland.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay siyaasiyiinta tartamaya inay diyaar garow muujiyaan, isla-markaana ay ku kalsoonaadaan guddiyada maamulaya doorashada iyo Jubbaland.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo ay jiraan musharraxiin badan oo cabasho ka muujinayo hoggaanka Jubbaland oo siyaasad ahaan ay ka soo horjeedaan, waxaana ka mid ah siyaasiga Cabdi Cali Raage oo dhowaan laga soo celiyey magaalada Kismaayo.

Gobolka Banaadir oo saddex dhibaato oo weyn wajahaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka Gobalka Banaadir ayaa wajahaya saddex dhibaato oo waa weyn kuwaas oo gaaray heerkii ugu xumaa sanado kadib mana muuqato dhaq dhaqaaq socda oo dhinaca dowladda ah si wax looga qabto arrintaan. 

Waxyaabaha ugu daran ee hadda ka jira Gobalka Banaadir ayaa kala ah

1- Nadaafadda – Dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa wajahaya nadaafad darro xoog leh iyo biyo wasaqeysan oo gooyay waddooyinka qaar ee Muqdisho. Xaafadaha qaar ayaa la sheegay in looga guurayo biyo aad u wasaqeysan oo sanado badan iska yaalla goobaha muhiimka ah ee Muqdisho. 

2- Mushaar la’aan – In badan oo ka mid ah shaqaalaha maamulka Gobalka Banaadir ayaa bishii saddexaad mushaar la’aan ah lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa. Bilihii May, June iyo July oo aan wali dhammaanin ayaa qaar kamid ah shaqaalaha gobolka la siinin mushaar. Sidoo kale, waxaa sanadkii labaad aan lacag la siinin Macalimintii ilaaliyay Imtixaanka dugsiga dhexe ee uu qaado Maamulka Gobalka Banaadir.

3- Khilaafka Masuuliyiinta – Muddo bilooyin ah waxaa jiro khilaaf curyaamiyay shaqada gobalka Banaadir, kaas oo u dhaxeeya guddoomiyaha gobalka iyo ku xigeenkiisa 1-aad ee dhinaca maaliyadda. Labadaan mudane ayaa isku khilaafay waxyaabo la xariira dhinaca maaliyadda ilaa haddana laguma guuleysan in la xaliyo.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Axmed Duceele Geelle Xaaf ayaa warbaahinta ka sheegay maalmo ka hor in 60-ka maalmood ee soo aadan Muqdisho looga guuri doono nadaafad darro, isagoo baaq u diray madaxda gobalka Banaadir iyo shacabka Muqdisho. 

Guddoomiye Cumar Filish ayaa shalay kormeeray biyo muddo sanad ah dhax fadhiyo waddada 30-ka gaar ahaan aagga Daalo, isagoo sheegay in dhawaan wax laga qaban doono. 

Ceel-qalow, Daalo, Fagax, Iskuul Buluusiya, SII SII iyo goobo kale ayaa ah meelaha ugu daran ee nadaafad darrada Muqdisho,iyadoo ay isa soo tarayaan qeyla dhaanta shacabka Muqdisho. 

DAAWO: Musharraxiinta oo soo saaray shan qodob oo muujinaya in doorasho xor ah aysan ka dhaceyn dalka

Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho oo ay ku qiimeeyeen xaaladda guud dalka, gaar ahaan habsami u socodka doorashooyinkii loo ballansanaa, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay walaac uga muujiyeen shan qodob oo ay sheegeen in hadii aan wax laga bedelin aysan muuqan ififaalo ay dalka uga dhici karto doorasho xor iyo xalaal ah.

“Goluhu wuxuu walaac xooggan ka muujinayaa in doorasho xor iyo xalaal ah oo ku qabsoonta waqtigii loo asteeyey ay ka dhacdo dalka, isagoo ku salaynaya ifafaalooyinka muuqda ee khuseeya arrimihii ugu waa weynaa ee ahaa caqabadaha horyaala doorashooyinka dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:”

1 – Maareyn la’aanta ismari-waaga ka jira habraaca doorashada Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland, taas oo abuurtay in laba guddi doorasho ay sameysmaan.

2 – Xaaladda gobolka Gedo oo weli aan xal dhinacyada wada qanciya laga gaarin.

3 – Waxaa sidoo kale aan weli xal loo helin caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ka taagan Gobolka Hiiraan ee deegaanka Hirshabeelle, si loo hubiyo inay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah.

4 – In aan weli dhaqaalihii doorashada meel la saarin, waqtigii doorashadana la taagan yahay.

5 – U-diyaargarowgii doorashada xubnaha AqaIka Sare oo aad u hooseeya, taas oo shaki gelinaysa in jadwalka doorashada lagu dhaqmo.

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa qoraalkaan ku sheegay in hadii aan xal deg deg ah loo helin caqabadaha kor ku xusan, ay dib u dhac ku keeni karto habsami u socodka doorasho hufan oo loo wada dhanyahay.

“Goluhu wuxuu ku boorrinayaa Xukuumadda iyo Madaxda Dawlad goboleedyada in ay si deg deg ah wax uga qabtaan caqabadaha hadda taagan, kana tabaabusheystaan kuwa imaan kara, si dalka looga hirgeliyo doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda,” ayaa lagu yiri qoraalka musharaxiinta.

Golaha ayaa ugu dambeyntii war-saxaafadeedkaan ku sheegay inuu ka walwalsan yahay faragelinta uu Madaxweynaha xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu weli ku hayo habsami u socodka doorashooyinka dalka.


Sawirro: DF oo shaacisay in howlgal culus lagu dilay 15 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixisay howl-gal qorsheysan oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta wadanka Soomaaliya.

Howl-galka oo mid ballaaran ayaa waxaa ay ciidamadu ku bartilmaameedsadeen deegaano ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ururka 5-aad ee guutada 16-aad ee Danab oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey inay howl-galkan ku khaarijiyeen 15 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay burburiyeen xarumo gaar ah oo ay xoogaga Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada laga sameeyey howl-gallada, isla-markaana ay cagta mariyeen goobahaasi oo ay ku sheegeen in laga soo abaabuli jiray weeraro.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkan ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Danab ee Xoogga dalka.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inuu dagaal ka dhaco halkaasi, maadaama haatan dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayo.

Jubbooyinka ayaa ka mid ah gobollada ay si aadka ah ugu xoogan yihiin dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo weeraro kasoo abaabula halkaasi.

Si kastaba howl-galka Danab ka sameeyeen Jubbada Hoose ayaa qeyb ka ah howl-gallo saf ballaaran ah oo ciidamada huwanta ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha dalka.

Madaxweyne Muuse Biixi oo cafis u fidiyey maxaabiis

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta cafis madaxweyne u fidiyay maxaabiis badan oo ku xirnaa xabsiyada deegaanada Somaliland, munaasibaadda Ciidal Adxa awgeed.

Madaxweynaha ayaa wareegto uu soo saaray ku sheegay inuu cafis u fidiyay 279 Maxbuus oo hore loogu xukumay dembiyada fudud, taasi oo uu fulinayo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, sida lagu sheegay qoraalka Madaxweynaha.

“In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 279 (Laba Boqol Sagaal iyo Toddobaatan) maxbuus,” ayaa lagu yiri wareegtada madaxweynaha Somaliland.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalkaas “Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92aad ee Xeerka Ciqaabta Guud.”

Cafiska uu madaxweyne Biixi u fidiyey maanta boqolaalka maxbuus ee dambiyada fudud u xirnaa ayaa waxa uu daba socda soo jeedin uu labo cisho ka hor u gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland.

Ma aha markii u horeysay ee madaxweynaha Somaliland uu cafis u fidiyo maxaabiis, ayada oo dhowr bilood ka hor uu cafis Madaxweyne u fidiyay maxaabiis badan oo tiradoodu dhameyd 484-maxbuus oo ku xirnaa xabsiyada Somaliland.

Xildhibaano la saftay Biixi oo wajahaya ‘cawaaqib adag’

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xibsiga Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa si adag uga hadlay Xildhibaano ka tirsan xisbigiisa oo heshiis la galay xisbul xaakimka Kulmiye, kaasi oo uu ku tilmaamay waxba kama jiraan, ayna wajahi doonaan cawaaqib adag.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in xildhibaanadaas oo qeyb ka noqday qorshe uu wato Muuse Biixi, islamarkaana isku dayey inay meesha ka saaran isbaheysigii ay xisbiyada mucaaridka sameysteen si ay xisbul xaakimka Kulmiye uga horjoogsadaan in uu saameyn ku yeesho hogaanka sarre ee golaha wakiilada Somaliland.

Waxa uu heshiiskaas ku macneeyay mid “hareer-marsan xeerka iyo dastuurka xisbiga Ucid”, islamarkaana la marsiin doono cawaaqib adag, inkasta oo uusan si cad u sheegin nooca tallaabo ay ka qaadanayaan xildhibaanada, balse sida ugu dhaqsaha badan u wajahi doonaan.

Hadalka Faysal Cali Waraabe ayaa imanaya maalin un kadib markii ay xildhibaano ka tirsan xisbiga Ucid iyo Kulmiye ku dhawaaqeen heshiis is-afgarad oo ay iskaga taageerayaan doorashada guddoonka Golaha Wakiillada ee soo aaddan, kaasi oo madaxweyne Muuse Biixi u wado Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland.

Heshiiska shalay ayaa ahaa mid lama filaan ah, maadama ay hore xisbiyada mucaaridka u sameysteen isbaheysi cusub, si ay xildhibaanada xisbiyada Ucid iyo Waddani u kala qeybsadaan hogaanka golayaasha deegaanka iyo wakiilada.

Puntland oo markale digniin culus u dirtay ganacsatada

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Xasan Shire Abgaal oo wariyeyaasha kula hadlay Garoowe ayaa markale digniin culus u diray ganacsatada ku dhaqan deegaanada maamulkaasi.

Wasiirka ayaa shaaciyey inay waajib ku tahay ganacsatada inay bixiyaan lacagaha canshuuraha ee laga rabo, wuxuuna digniin u diray shaqsiyaadka ka dhega adeegaya.

Xasan Shir Abgaal ayaa sidoo kale tilmaamay inay mas’uuliyad darro weyn tahay inay ganacsatadu bixin waayaan lagacaha canshuuraha oo wax loogu qabanayo bulshada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan wixii ka dambeeya ay ka maamul ahaan tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo diida bixinta canshuurta Puntland.

“Waa ceeb in dad wax ku soo bartay canshuur dalka in maanta hantidooda ay ka bixin waayaaan canshuurta lagu leeyahay, waa qasab in qofka diida arrintaan tallaabo laga qaado” ayuu yiri wasiirka Mmaliyadda dowlad goboleedka Puntland Xasan Shire Abgaal.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in bixinta canshuurta ay muhiim u tahay bulshada qeybaheeda iyo maamulka, isla-markaana wax looga qabanayo  arrimaha amniga, caafimaadka, waxbarashada iyo sidoo kale dhismaha wadooyinka intaba.

Puntland ayaa marar kala duwan soo saartay digniino ku socda ganacsatada, gaar ahaan kuwa aan bixin lacagaha canshuuraha ee lagu leeyahay, waxaana maamulka uu shaaca ka qaaday inay qaadi doonaan tallaabooyin sharci ah  oo wax looga qabanayo dadkaasi.

TPLF oo jihooyin cusub ka furtay dagaalka, weerarna ku qaaday maamullo kale

Mekelle (Caasimada Online) – Jabhadda ka dagaalanta dalka Itoobiya ee Tigreega ayaa hawlgallo ka dhan ah ciidamada dawladda taabacsan ka fulisay gobolka ay jaarka yihiin ee Canfarta, sida uu sheegay Afhayeenka TPLF.

Afhayeenka aya sheegay inay fureen waji cusub oo ku saabsan dagaalka ay kula jiraan ciidamada dowladda federaalka Itoobiya, isla markaana ay ballaariyeen colaadda gobolkooda ka taagneyd mudadii 8-da bilood aheyd.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegay inay qaadeen tallaabo aad u xadidan oo lagu bartilmaameedsaday ciidamo gaar ah iyo dagaalyahanno maleeshiyaad ah oo kasoo jeeda gobolka Oromiya oo ah kan ugu weyn dalka Itoobiya, kuwaas oo isku uruursanayay xadka ay wadaagaan is-mamullada Tigrayga iyo Canfarta.

“Waxaan u qaadnay ficilladaas si aan u hubinno in xoogaggaas dib loogu celiyo Oromiya, waana ku guuleysannay inaan taas sameyno,” ayuu yiri Getachew, isagoo intaas ku daray inay jiraan dhaawacyo ay gaarsiiyeen ciidamadas, balse ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee khasaaraha gaaray ciidamada ay weerareen.

“Tallaabada aan qaadnay kaliya waxay ku koobneyd inaan kala dirno maleeshiyada reer miyiga ah ee ka soo jeeda Oromiya, kuwaas oo doonayey inay ka qeyb-galaan dagaalka aan natiijada laga keeneyn ee lagula jiro TPLF,” ayuu mar kale yiri Afhayeenka TPLF.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ciidamo u diray Tigray bishii November ee sanadkii 2020, si ay u kala ceyriyaan, hubkana uga dhigaan ciidamada taabacsan hogaamiyayaasha TPLF ee gobolka Tigray.

Abiy Axmed ayaa tallaabadaas ku micneeyey inay jawaab u tahay weeraradii kooxda TPLF ay ku qaaday xeryaha ciidamada dawlada dhexe ay ku lahaayeen gobolkaas, isagoo howlgalkaas u bixiyey “Soo celinta sareynta Sharciga.”

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sanadkii 2019-kii ku guuleystay Abaalmarinta Nobel Peace Prize ayaa ku dhawaaqay guul dabayaaqadii bishii November, kadib markii ciidamada dowladdu ay qabsadeen magaalo madaxda gobolka Tigray ee Mekelle, laakiin hoggaamiyeyaasha TPLF ayaa u baxsaday duurka, waxaana sii daba dheeraaday dagaalka.

Bishii la soo dhaafay dagaalku waxa uu galay weji la yaab leh, kadib markii xoogagga TPLF ay dib ula wareegeen caasimadda Mekelle, Abiy wuxuu ku dhawaaqay xabbad-joojin hal dhinac ah, waxayna ciidamadu inta badan isaga baxeen gobolka Tigray.

Dowlada Itoobiya ayaa tan iyo markii dib looga qabsaday  Mekelle soo abaabushay ciidamo ka kala yimid gobalo horay colaaduhu aysan uga jirin, kuwaas oo uu kamid yahay gobolka Oromiya.

Afhayeenka maamulka gobolka Canfarta oo wax laga waydiiyey dagaalka ay kusoo qaadeen gobolka Tigrey ayaan wax jawaab ah ka bixin.

Warbixin ay faafisay warbaahinta dawladda federaalka ayaa lagu sheegay in kooxda TPLF oo ay dowladda u aqoonsatay argagixiso, isla markaana ay kooxdu hor istaagtay gargaarkii la geyn lahaa gobolka Tigrey, kaas oo loo marin lahaa deegaanada ismaamulka Canfarta, kadib markii ay halkaas ka bilaabeen duqeyn culus.

“Sababta ay kooxda TPLF u diidan tahay xabad joojinta ay ku dhawaaqday dowladda dhexe ayaa ah in kooxdaan ay isku dayayso inay ku fidiso colaadda gobolka deriska la ah ee Canfarta,” ayaa lagu yiri warbixinta wakaalada wararka ee Itoobiya ay daabacday.

Hase yeeshee Afhayeenka TPLF Getachew ayaa been abuur ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray dowladda ee ah inay kooxdaan diidan tahay in gargaar bini’aadanimo la gaarsiiyo gobolka Tigrey.

“Halka uu dagaalka ka dhacay, ma jiraan wax jid weyn oo loo isticmaalo ujeeddooyin gargaar,” ayuu yiri Afhayeenka TPLF Getachew.

Getachew ayaa xaqiijiyay in Axadii cutubyo ka tirsan kacdoonka ay sidoo kale ka howlgaleen waqooyiga gobolka Amxaarada, halkaas oo todobaadkii la soo dhaafay saxafiyiinta wakaalada wararka ee AFP ay ku arkeen kumanaan maleeshiyo ah oo ka abaabulaya magaalooyinka xuduuda ah dagaal ka dhan ah kooxda TPLF.

DF iyo maamulka G/Banaadir oo soo saaray amarro ku socda shacabka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray awaamiir ku socota bulshada reer Muqdisho inta lagu guda jiro maalmaha ciida Carafo.

Amarradan ayaa la xariira goobaha lagu gowracayo xoolaha Udxiyada ee maalmaha ciida Carafo, waxaana bulshada reer Muqdisho iyo hey’adaha samafalka ee ka howlgala caasimadda looga digay inay xoolaha ku gooracaan meel aan aheyn kawaanada loogu tala galay.

Ugu horeyn war-saxaafadeed ka kooban afar qodob oo ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS, ayaa lagu yiri, “Wasaaradu ayada oo ka duuleysa waajibaadkeeda Dastuuriga ah, waxa ay soo saartay baaqan wargelinta ah:

1 – Dhammaan hey’adaha Samafalka Khayriga ah, kuwooda wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah ee dalka ka howlgala ee ka shaqeynaya fulinta barnaamijka Udxiyada sanadkan 1442- 2021, waa in ay u hogaansamaan awaamiirta Wasaaradda , Gobolka Banaadir, iyo Wasaaradaha Diinta Dowlad Goboleedyada Dalka.

2 – Sida horay loo caddeeyay majirto hey’ad xoolo ku qali karta meel ka baxsan kawaannada loo asteeyay.

3 – Hey’addii la ogaado in ay xoolo ku qaleyso gooba ka baxsan goobaha loo asteeyay maamul ahaan, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan.

4 – Sidoo kale waxaa Ia farayaa hey’adaha samafalka in ay si dhaw ula shaqeeyaan Guddiga loo xilsaaray arinkaan, Culumada, Dhakhaatiirta iyo kormeerayaasha howshan u xil-saaray, si Ioo hubiyo badqabka xoolaha Udxiyada.

Dhanka kale Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo warbaahinta la hadlay ayaa ka digay in sanadkaan xoolaha lagu gowraco meel aan kawaan aheyn, isagoo sheegay in ka maamul ahaan aysan ogolaa doonin.

“Sharciga ayaa la marin doonaa ciddii maalinta ciidda xoolo ku qasha meel aan ahayn goobaha loo asteeyey, shaqsi ama hey’ad cid aan ka yeeleyno ma jirto,” ayuu yiri Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

Hoos ka daawo Saalax oo u waramay Dalsan TV

Qorshaha Axmed Madoobe uu kusoo saarayo Senataro taabacsan oo la is-hortaagay

Kismaayo (Caasimada Online) – Khilaaf u dhaxeeyay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo Xildhibaanada Maamulkaas ayaa la xaliyay, iyadoo ay kala saxiixdeen heshiis rasmi ah. 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in khilaafka uu ka dhashay markii baarlamaanka Jubaland ay Axmed Madoobe u sheegeen in kaliya ay codkooda siin doonaan Senatorkii siiya 5 kun oo dollar xildhibaan kasta, laakiin aysan ka yar ku dooran doonin xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya degaanada Jubaland. 

Baarlamaanka Jubaland ayaa Axmed Madoobe u sheegay in dhowr bil oo mushaar ah uu ka maqanyahay, islamarkaana ay qorsheesteen in Xildhibaanka kasta uu helo ugu yaraan 40 kun, haddii qof kasta bixiyo 5 kun, sidaas darteed xubnaha uu rabo Axmed Madoobe uu ka bixiyo lacagtaas ama uusan ku tashan codkooda. 

Murankan ayaa hadda la xaliyey, ayada oo Axmed Madoobe uu ogolaaday inuu xildhibaanada siiyo lacagta ay dalbadeen.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa isku dayaya in uu soo saaro Senatoro uu ku kalsoonyahay, iyadoo ay sidoo kale ku daba-feylan yihiin saaxiibo badan oo difaac u ahaa intii uu culeyska kala kulmayay Villa Somalia. 

Xildhibaanada dowlad gobaleeedyada ayaa badanaa xiligaan oo kale lacag ka sameeya doorashada xubnaha Aqalka Sare oo sanadkaan ka adag doorashadii hore. 

Xildhibaanada Aqalka Sare oo ay dooranayaan xildhibaanada maamul goboleedyada ayaa ah kugu ugu fudud ee madaxweyne goboleedyada musuq-maasuqi karaan, kana dhiga karaan cidda ay doonaan, marka loo eego kuwa golaha shacabka oo ay dooranayaan ergooyin.