25.4 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Puntland oo markale digniin culus u dirtay ganacsatada

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Xasan Shire Abgaal oo wariyeyaasha kula hadlay Garoowe ayaa markale digniin culus u diray ganacsatada ku dhaqan deegaanada maamulkaasi.

Wasiirka ayaa shaaciyey inay waajib ku tahay ganacsatada inay bixiyaan lacagaha canshuuraha ee laga rabo, wuxuuna digniin u diray shaqsiyaadka ka dhega adeegaya.

Xasan Shir Abgaal ayaa sidoo kale tilmaamay inay mas’uuliyad darro weyn tahay inay ganacsatadu bixin waayaan lagacaha canshuuraha oo wax loogu qabanayo bulshada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan wixii ka dambeeya ay ka maamul ahaan tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo diida bixinta canshuurta Puntland.

“Waa ceeb in dad wax ku soo bartay canshuur dalka in maanta hantidooda ay ka bixin waayaaan canshuurta lagu leeyahay, waa qasab in qofka diida arrintaan tallaabo laga qaado” ayuu yiri wasiirka Mmaliyadda dowlad goboleedka Puntland Xasan Shire Abgaal.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in bixinta canshuurta ay muhiim u tahay bulshada qeybaheeda iyo maamulka, isla-markaana wax looga qabanayo  arrimaha amniga, caafimaadka, waxbarashada iyo sidoo kale dhismaha wadooyinka intaba.

Puntland ayaa marar kala duwan soo saartay digniino ku socda ganacsatada, gaar ahaan kuwa aan bixin lacagaha canshuuraha ee lagu leeyahay, waxaana maamulka uu shaaca ka qaaday inay qaadi doonaan tallaabooyin sharci ah  oo wax looga qabanayo dadkaasi.

TPLF oo jihooyin cusub ka furtay dagaalka, weerarna ku qaaday maamullo kale

Mekelle (Caasimada Online) – Jabhadda ka dagaalanta dalka Itoobiya ee Tigreega ayaa hawlgallo ka dhan ah ciidamada dawladda taabacsan ka fulisay gobolka ay jaarka yihiin ee Canfarta, sida uu sheegay Afhayeenka TPLF.

Afhayeenka aya sheegay inay fureen waji cusub oo ku saabsan dagaalka ay kula jiraan ciidamada dowladda federaalka Itoobiya, isla markaana ay ballaariyeen colaadda gobolkooda ka taagneyd mudadii 8-da bilood aheyd.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegay inay qaadeen tallaabo aad u xadidan oo lagu bartilmaameedsaday ciidamo gaar ah iyo dagaalyahanno maleeshiyaad ah oo kasoo jeeda gobolka Oromiya oo ah kan ugu weyn dalka Itoobiya, kuwaas oo isku uruursanayay xadka ay wadaagaan is-mamullada Tigrayga iyo Canfarta.

“Waxaan u qaadnay ficilladaas si aan u hubinno in xoogaggaas dib loogu celiyo Oromiya, waana ku guuleysannay inaan taas sameyno,” ayuu yiri Getachew, isagoo intaas ku daray inay jiraan dhaawacyo ay gaarsiiyeen ciidamadas, balse ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee khasaaraha gaaray ciidamada ay weerareen.

“Tallaabada aan qaadnay kaliya waxay ku koobneyd inaan kala dirno maleeshiyada reer miyiga ah ee ka soo jeeda Oromiya, kuwaas oo doonayey inay ka qeyb-galaan dagaalka aan natiijada laga keeneyn ee lagula jiro TPLF,” ayuu mar kale yiri Afhayeenka TPLF.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ciidamo u diray Tigray bishii November ee sanadkii 2020, si ay u kala ceyriyaan, hubkana uga dhigaan ciidamada taabacsan hogaamiyayaasha TPLF ee gobolka Tigray.

Abiy Axmed ayaa tallaabadaas ku micneeyey inay jawaab u tahay weeraradii kooxda TPLF ay ku qaaday xeryaha ciidamada dawlada dhexe ay ku lahaayeen gobolkaas, isagoo howlgalkaas u bixiyey “Soo celinta sareynta Sharciga.”

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sanadkii 2019-kii ku guuleystay Abaalmarinta Nobel Peace Prize ayaa ku dhawaaqay guul dabayaaqadii bishii November, kadib markii ciidamada dowladdu ay qabsadeen magaalo madaxda gobolka Tigray ee Mekelle, laakiin hoggaamiyeyaasha TPLF ayaa u baxsaday duurka, waxaana sii daba dheeraaday dagaalka.

Bishii la soo dhaafay dagaalku waxa uu galay weji la yaab leh, kadib markii xoogagga TPLF ay dib ula wareegeen caasimadda Mekelle, Abiy wuxuu ku dhawaaqay xabbad-joojin hal dhinac ah, waxayna ciidamadu inta badan isaga baxeen gobolka Tigray.

Dowlada Itoobiya ayaa tan iyo markii dib looga qabsaday  Mekelle soo abaabushay ciidamo ka kala yimid gobalo horay colaaduhu aysan uga jirin, kuwaas oo uu kamid yahay gobolka Oromiya.

Afhayeenka maamulka gobolka Canfarta oo wax laga waydiiyey dagaalka ay kusoo qaadeen gobolka Tigrey ayaan wax jawaab ah ka bixin.

Warbixin ay faafisay warbaahinta dawladda federaalka ayaa lagu sheegay in kooxda TPLF oo ay dowladda u aqoonsatay argagixiso, isla markaana ay kooxdu hor istaagtay gargaarkii la geyn lahaa gobolka Tigrey, kaas oo loo marin lahaa deegaanada ismaamulka Canfarta, kadib markii ay halkaas ka bilaabeen duqeyn culus.

“Sababta ay kooxda TPLF u diidan tahay xabad joojinta ay ku dhawaaqday dowladda dhexe ayaa ah in kooxdaan ay isku dayayso inay ku fidiso colaadda gobolka deriska la ah ee Canfarta,” ayaa lagu yiri warbixinta wakaalada wararka ee Itoobiya ay daabacday.

Hase yeeshee Afhayeenka TPLF Getachew ayaa been abuur ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray dowladda ee ah inay kooxdaan diidan tahay in gargaar bini’aadanimo la gaarsiiyo gobolka Tigrey.

“Halka uu dagaalka ka dhacay, ma jiraan wax jid weyn oo loo isticmaalo ujeeddooyin gargaar,” ayuu yiri Afhayeenka TPLF Getachew.

Getachew ayaa xaqiijiyay in Axadii cutubyo ka tirsan kacdoonka ay sidoo kale ka howlgaleen waqooyiga gobolka Amxaarada, halkaas oo todobaadkii la soo dhaafay saxafiyiinta wakaalada wararka ee AFP ay ku arkeen kumanaan maleeshiyo ah oo ka abaabulaya magaalooyinka xuduuda ah dagaal ka dhan ah kooxda TPLF.

DF iyo maamulka G/Banaadir oo soo saaray amarro ku socda shacabka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray awaamiir ku socota bulshada reer Muqdisho inta lagu guda jiro maalmaha ciida Carafo.

Amarradan ayaa la xariira goobaha lagu gowracayo xoolaha Udxiyada ee maalmaha ciida Carafo, waxaana bulshada reer Muqdisho iyo hey’adaha samafalka ee ka howlgala caasimadda looga digay inay xoolaha ku gooracaan meel aan aheyn kawaanada loogu tala galay.

Ugu horeyn war-saxaafadeed ka kooban afar qodob oo ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS, ayaa lagu yiri, “Wasaaradu ayada oo ka duuleysa waajibaadkeeda Dastuuriga ah, waxa ay soo saartay baaqan wargelinta ah:

1 – Dhammaan hey’adaha Samafalka Khayriga ah, kuwooda wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah ee dalka ka howlgala ee ka shaqeynaya fulinta barnaamijka Udxiyada sanadkan 1442- 2021, waa in ay u hogaansamaan awaamiirta Wasaaradda , Gobolka Banaadir, iyo Wasaaradaha Diinta Dowlad Goboleedyada Dalka.

2 – Sida horay loo caddeeyay majirto hey’ad xoolo ku qali karta meel ka baxsan kawaannada loo asteeyay.

3 – Hey’addii la ogaado in ay xoolo ku qaleyso gooba ka baxsan goobaha loo asteeyay maamul ahaan, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan.

4 – Sidoo kale waxaa Ia farayaa hey’adaha samafalka in ay si dhaw ula shaqeeyaan Guddiga loo xilsaaray arinkaan, Culumada, Dhakhaatiirta iyo kormeerayaasha howshan u xil-saaray, si Ioo hubiyo badqabka xoolaha Udxiyada.

Dhanka kale Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo warbaahinta la hadlay ayaa ka digay in sanadkaan xoolaha lagu gowraco meel aan kawaan aheyn, isagoo sheegay in ka maamul ahaan aysan ogolaa doonin.

“Sharciga ayaa la marin doonaa ciddii maalinta ciidda xoolo ku qasha meel aan ahayn goobaha loo asteeyey, shaqsi ama hey’ad cid aan ka yeeleyno ma jirto,” ayuu yiri Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

Hoos ka daawo Saalax oo u waramay Dalsan TV

Qorshaha Axmed Madoobe uu kusoo saarayo Senataro taabacsan oo la is-hortaagay

Kismaayo (Caasimada Online) – Khilaaf u dhaxeeyay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo Xildhibaanada Maamulkaas ayaa la xaliyay, iyadoo ay kala saxiixdeen heshiis rasmi ah. 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in khilaafka uu ka dhashay markii baarlamaanka Jubaland ay Axmed Madoobe u sheegeen in kaliya ay codkooda siin doonaan Senatorkii siiya 5 kun oo dollar xildhibaan kasta, laakiin aysan ka yar ku dooran doonin xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya degaanada Jubaland. 

Baarlamaanka Jubaland ayaa Axmed Madoobe u sheegay in dhowr bil oo mushaar ah uu ka maqanyahay, islamarkaana ay qorsheesteen in Xildhibaanka kasta uu helo ugu yaraan 40 kun, haddii qof kasta bixiyo 5 kun, sidaas darteed xubnaha uu rabo Axmed Madoobe uu ka bixiyo lacagtaas ama uusan ku tashan codkooda. 

Murankan ayaa hadda la xaliyey, ayada oo Axmed Madoobe uu ogolaaday inuu xildhibaanada siiyo lacagta ay dalbadeen.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa isku dayaya in uu soo saaro Senatoro uu ku kalsoonyahay, iyadoo ay sidoo kale ku daba-feylan yihiin saaxiibo badan oo difaac u ahaa intii uu culeyska kala kulmayay Villa Somalia. 

Xildhibaanada dowlad gobaleeedyada ayaa badanaa xiligaan oo kale lacag ka sameeya doorashada xubnaha Aqalka Sare oo sanadkaan ka adag doorashadii hore. 

Xildhibaanada Aqalka Sare oo ay dooranayaan xildhibaanada maamul goboleedyada ayaa ah kugu ugu fudud ee madaxweyne goboleedyada musuq-maasuqi karaan, kana dhiga karaan cidda ay doonaan, marka loo eego kuwa golaha shacabka oo ay dooranayaan ergooyin.

Ciidamada Is-maamulka Soomaalida oo si rasmi ah ugu biiray dagaalka Tigray

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida waddanka Itoobiya ayaa magaalada Dhagaxle ee deegaankaasi waxa uu maanta ka sagootiyay ciidamo badan oo ka tirsan Booliska Gaarka ah ama Liyuu Booliska.

Ciidamada ayaa la sheegay in la gayn doono jiidda hore ee gobolka Tigray, halkaas oo ay muddo bilooyin colaad ka taagnayd.

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar Cagjar, ayaa u muuqda inuu ka jawaabayay baaq uu dhawaan deegaannada u diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ahaa iney ciidamo soo diraan si dalka looga difaaco waxa uu ku sheegay cadowga TPLF.

Maamulka Soomaalida ayaa noqonayaa maamulkii afaraad ee ku biira dagaalka gobolka Tigray.

Saddex ka mid ah maamul goboleedyada kale ee Ethiopia ayaa Khamiistii ku dhowaaqay inay ciidamo dirayaan si ay uga qeyb-galaan howlgalka gobolka Tigray, kuwaas oo kala ah; maamul goboleedyada Oromia, Sidama iyo SNNP.

“Ciidamada gaarka ah ee maamullada SNNP, Oromia iyo Sidama waxay u dhaqaaqeen jiidda hore ee dagaalka, si gaar ahna ciidamada Sidama waa ay gaareen furinta hore,” waxaa sidaas lagu yiri warbixin ay baahisay warbaahinta dowladda ee Fana.

Waxaa horey dagaalka qeyb uga ahaa maamulka Amxaarada, oo ay deris yihiin Tigrayga.

Go’aanka uu maamulka Soomaalida ciidamada ugu diray gobolka Tigray ayaa yimid maalmo kadib markii madaxweyne Mustafa Muxumed Cumar uu qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceebook ku sheegay in dagaalka ka socda Itoobiya uu u dhaxeeyo argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya.

“Dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya wuxuu u dhaxeeyaa argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya, ee uma dhaxeeyo laba deegaan oo dhul isku haysta. Waxaa argagixisada TPLF u qorshaysan inay dumiso nidaamka hadda jira dibna saameeyn ugu yeelato siyaasada dawlada dhexe si ay mar kale u guumaysato shucuubaha dalka ee Soomaalidu ka mid tahay,” ayuu Mustafa ku yiri qoraalka.

Aqriso: Axmed Madoobe oo loo gudbiyey liiska magacyada musharaxiinta Garbahaarey

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddiga Wasiirada Arrimaha Gudaha Maamul Goboleedyada dalka ayaa muddo ay ku sugnaayeen magaalada Garbahaarey kadib saaka kasoo dhoofay halkaas, iyagoo gaaray Magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee maamulka Jubaland.

Guddiga oo uu horey u magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kana koobnaa wasiirada arrimaha gudaha dowlad Goboleedyada HirShabelle, Galmudug, Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Kismaayo u tagay sidii ay madaxweynaha Jubaland ugu gudbin lahaayeen magacyada illaa 4 qof uu sharaxan guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka Magaalada Garbahaarey oo la filayo in lagu qabto qaar ka tirsan kuraasta aqalka hoose ee baarlamanka.

Magacyada afartaan qof ayaa waxaa guddiga usoo gudbiyey waxgaradka iyo odayaasha Garbahaarey ee taageersan madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib kulamo dhex maray odayaasha iyo guddiga uu magacaabay Rooble.

Sida ku qoran heshiiskii labaad oo ay 27 May ku saxiixdeyn Muqdisho madaxda Maamul Goboleeyada dalka iyo Maxamed Xuseen Rooble, madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa magacabaya Guddoomiyaha magaalada Garbahaarey iyo ku-xigeenkiisa.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo hadda ka maqan Magaalada Kismaayo ayaa la filayaa inuu afartaan qof ka doorto laba qof oo noqonayo guddoomiyaha iyo ku xigeenka Magaalada Garbaahaarey.

Magaalada Garbahaarey ayaa la filayaa in lagu qabto doorashada illaa 16 kursi, waxaana heshiiska la gaaray ku qoran in magaaladaas la geeyo ciidamo boolis ah oo ka socdo howlgalka Midowga Africa ee AMISOM

Xubnaha ay xilka maamulka magaalada Garbahaarey usoo sharxeen odayaasha iyo maamulka dowladda Federaalka hoostaga ee Gobolka Gedo ayaa kala ah:

Xilka guddoomiyaha Garbahaarey:

1- Cali Xashi Diiriye
2- Nuur Muxumed Jaamac

Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka:

1- Aadan Cismaan Nuur
2- Xuseen Baniin

Abiy Ahmed oo go’aan adag kasoo saaray dagaalka TPLF

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shaaciyey inay dowladiisa ka shaqaynayso sidii xidida loogu siibi lahaa TPLF oo uu ku tilmaamay inay yihiin Cancer ay tahay in laga ciribtiro Geeska Africa.

Abiy Ahmed ayaa iclaamiyey dagaal cusub oo lagu soo ciribtirayo kooxda TPLF oo muddooyinkii ugu dambeeyey qabsaday magaalooyinka Gobolka Tigray oo ay horey u qabsadeyn ciidamada Federaalka Itoobiya.

“TPLF Xididada ayaan u siibaynaa si ay u hirgashana dhammaanteen waa inaan u midoownaa sidii aan usoo af-jari lahayn,” ayuu yiri Abiy Ahmed.

Abiy ayaa sheegay in ay dhageysteen hadallada uga imaanaya kuwa uu ku sifeeyey in aysan aqoonin TPLF, balse ay hadda garowsadeen cidda ay tahay TPLF oo ay dareemayaan in wixii ay ka shaqeynayeen aysan dhankoodaba ka hirgali karin, sida ku xusan qoraalka xafiiska Abiy Ahmed.

Abiy ayaa tilmaamay in jiidaha hore ee dagaalka loo daadgureeyay kumaan askari oo ka tirsan ciidanka Qaranka Itoobiya ENDF, isagoo sheegay in ay tasi ka dhigan tahay diyaar garowgii kooxahan lagula dagaalami lahaa, isagoo sheegay in ay kasoo horjeedaan amni & Horumar dhaqaale oo ay gaarto Itoobiya.

“Wiilashayada (askarta) ka kala yimid afarta jiho ee dalka waxay u jihayseteen sidii ay meesha uga saari lahaayeen argagixisada TPLF,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri  “Kooxdaan argagixisada ah waxa ay halis ku yihiin midnimada dalka iyo isbadalka yar ee la dareemay si ay u burburyaan waxay isticmaaleen wado kasta oo ay adeegsan karaan gacmahana ka laaban mayno hada kadib.”

“Ciidanka Difaaca qaranka iyo ciidama maamullada dalku waxay qaadayaan talaabooyinkooda dastuuriga waxayna qabanyaan Goobihii ay xaqa u lahaayeen loona asteeyay taasoo ay imaan karto carqalado lagu hanjabinayo waanse tusaynaa Saaxiibadeen iyo Cadawgewnaba mudo dhaw Natiijada hawl galka sareenta sharciga.”

Hadalka Abiy Ahmed, ayaa imaanaya iyada oo kooxda TPLF, ay sheegay in ay maxaabiis ahaan u hayso kumaan ka tirsan ciidanka Milatariga Itoobiya ayna sii daysay kun ka mid ah balse la maxkamadayn doono saraakiisha hogaaminaysa.

Abiy ayaa todobaadkaan sheegay in militariga ay iska celin doonaan qatar kasta oo kaga timaado kooxda TPLF, halka Gobolka Amxaarada iyo saddex gobol oo kale ay sheegeyn inay abaabulayaan xoogag si ay uga taageeraan ciidanka qaranka dagaalka lagula jiro kooxda TPLF.

Kumanaan qof ayaa ku dhintay dagaalka, ku dhawaad 2 milyan ayaa barakacay halka in ka badan 5 milyanna ay u baahan yihiin gargaar cunto oo deg deg ah.

Jimcihii, wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa soo saartay bayaan ay ku eedeyneyso kooxaha gargaarka inay hubeeyaan mucaaradka.

“Qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka ayaa si firfircoon ugu howlanaa kaalin burburin ah. Waxaan sidoo kale xaqiijinay in ay gargaarka u adeegsanayeen gabbaad isla markaana ay hubeynayaan kooxaha mucaaradka si ay colaadaha u dheereeyaan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ciidamo uu horkacayey Jeneraal Saadaq Joon oo la wareegay degaanka Camaara

0

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Mudug ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in maanta ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda ay gudaha u galeen deegaanka Camaara ee gobolkaasi, kadib markii ay weerareen deegaankaasi.

Camaara oo ay in muddo ah gacanta ku hayeen xoogaga Al-Shabaab ayaa waxaa saaka la wareegay ciidamada huwanta, waxaana horkacayey saraakiil sar sare oo uu ka mid ah yahay General Saadaq Joon oo ku sugan deegaano ka tirsan maamulka Galmudug.

Ciidamada huwanta ayaa lagu soo waramayaa inay dagaal kooban la galeen Al-Shabaab, waxaana, kadib u suuragashay inay qabsadaan deegaankan oo ah mid istaraatiiji ah.

Sidoo kale ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in ciidamadu ay fariisimo cusub ka sameysteen halkaasi, isla-markaana ay wadaan dhaq-dhaqaaq ka dhan ah Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inay soo rogaal celiyaan xoogaga Al-Shabaab, kadibna uu dagaal ka dhaco halkaasi.

Howl-gallada milatari ee ka socda deegaanada Galmudug oo uu haatan ku biiray General Saadaq Joon ayaa ah kuwa la doonayo in looga adkaado dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Camaara oo marar kala duwan ay isku bedaleen ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa u dhow deegaanka Bacaadweyne oo ay shalay la wareegeen ciidamada huwanta.

Mudug oo ay howl-gallada xoogooda ka socdaan ayaa waxaa sidoo kale ka jira is uruursi ay wadaan xoogaga Al-Shabaab oo weli gacanta ku haya qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Muxuu xildhibaan C/risaaq ka yiri warbixintii M/Afrika?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, ahna haatan xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka fal-celiyey warbixintii guddiga Midowga Afrika, kadib wareysi uu siiyey Radio Mustaqbal.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in warbixinta ka soo baxday Ururka Midowga Afrika ay tahay mid niyadjab weyn ku ah mustaqbalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay tani muujineyso wax-qabad la’aanta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee afarta sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna sheegay in madaxda muddo xileedkooda uu dhammaaday ay ka gaabiyeen filashadoodii hore.

Wasiirkii hore ee amniga gudaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in sidoo kale aan waxba laga qaban diyaarinta ciidamada Xoogga, si ay ula wareegaan amniga dalka.

“Warbixinta guddiga Midowga Afrika waxa ay niyadjab u tahay mustaqbalka Soomaaliya, afartii sano ee dowladda waxba lagama qaban diyaarinta Ciidanka la wareegaya mas’uuliyadda dalka,” ayuu yiri Mudane Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in ay fashilaad weyn tahay in dowladda ay ku guul dareysato la wareegida ammaanka dalka oo dhan  iyo qabashada doorashooyinka.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sidoo kale intaasi ku daray inay jirto kalsooni la’aan lagu qabo ciidamada Soomaaliya, loona baahan yahay in lagu biiriyo AMISOM, sababo la xiriira kala shakiga u dhexeeya madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

“Waa Fashilaad weyn in Dowladda Soomaaliya ku guuldareysato la wareegidda amniga, xitaa Doorashada laguma haleyn karo Ciidamada Soomaalida waxaa loo baahan yahay in lagu biiriyo Booliiska AMISOM,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey xildhibaan Cabdirisaaq.

Warbixinta ka soo baxday guddiga Midowga Afrika ayaa waxaa si aad ah uga carooday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo si weyn loogu dhaliilay hoggaanka madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ee 4-tii sano ee lasoo dhaafay.

Khilaafkii doorashada gobolka GEDO oo xal laga gaaray

0

Gabahaarey (Caasimada Online) – Guddiga dib u heshiisiinta ee loo magacaabay arrinta gobolka Gedo, kadib shirkii golaha wada-tashiga qaran ayaa shaaciyey inay soo gabagabeeyeen dadaalladii ay ka wadeen degmada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi.

Guddiga ayaa waxa uu shaaciyey inay guuleysteen dadaalladii ay wadeen ee dib u heshiisinta gobolka Gedo si xal loo gaaro, ka hor doorashada ka dhaceysa gobolkaasi.

Guddoomiyaha guddigan, ahna wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle, Maxamed Cali Caadle oo la hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay in ay heleen garab istaag dhab ah, isla-markaana ay ka miro-dhaliyeen dadaalladii dib u heshiista ee degmada Garbahaarey.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolka Gedo inay taageeraan go’aanada kasoo baxaya guddigooda ee lagu wajahayo doorashooyinka.

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed ayaa soo dhoweeyey dadaallada guddiga, wuxuuna hoosta ka xariiqay in lasoo afjaray khilaafkii ka taagnaa degmada Garbahaarey, ayna diyaar u yihiin doorashada xildhibaanada.

Ugu dambeyn wuxuu shaaca ka qaaday inay ka shaqeyn doonaan sidii uu u fuli lahaa heshiiskii horay looga gaaray doorashooyinka oo ay qeyb ka aheyd arrinta Gedo.

“Guddiga doorashooyinka qabanaya, ergada iyo cid waliba oo imaaneysa Garbahaarey waxa aan kuso dhaweyneynaa gacmo furmo waana kala shaqeyneynaa fulinta heshiisyadii doorashooyinka dalka,” ayuu yiri Guddoomiye Axmed Buulle Gareed.

Dhinaca kale xubnaha guddiga oo saaka ka amba-baxay Garbahaarey ayaa gaaray magaallo xeebeedka Kismaayo, iyaga oo la kulmi doono madaxweynaha Jubbaland oo la sheegay inay u gudbin doonaan liiska afar musharrax oo waxgaradka Garbahaarey u soo gudbiyeen, kuwaas oo u sharraxan xilka guddoomiyaha degmada iyo ku xigeenkiisa.

Magacaabista maamulka degmada Garbahaarey iyo inuu ku dhawaaqo Axmed Madoobe ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii siyaasadeed ee horay loogu gaaray magaalada Muqdisho.

Si kastaba, hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli muhiim ah oo lagu dhawaaqay sida ay u dhacaan doorashooyinka xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Maxaa looga hadlay kulanka uu maanta Rooble la qaatay wakiilada beesha caalamka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulamo gooni-gooni ah la yeeshey qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka, xili lagu gudo jiro u diyaar garowga doorashooyinka dalka.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga iyo Ergayga gaarka ah ee Norway Heidi Elburgi Johansen, oo ay ka wada-hadleen arrimaha doorashooyinka dalka.

Rooble ayaa uga warbixiyey Nicolas iyo Heidi halka ay marayaan dadaalada doorashooyinka dalka, oo qaarkood la filayo inay qabsooman dhamaadka bisha aan ku jirno ee July.

Safiirada ayaa ayaguna dhankooda uga mahad-celiyay Ra’iisal wasaaraha dadaalkiisa ku aadan sidii dalka uga qabsoomi laheyd doorasho wada-ogol, oo uu asaga hormuud u yahay.

Kulanka Rooble ee Safiirada Midowga Yurub iyo Norway ayaa waxa uu qeyb ka yahay qorshaha ay xukuumadiisa si dhow ugala socod-siineyso Beesha Caalamka arrimaha doorashooyinka, maadama ay yihiin dhinacyada u badan ee bixinaya qarashaadka doorashooyinka.

Xog: Qorshaha Saciid Deni ee doorashada madaxweyne iyo tallaabooyin uu qaaday

Garoowe (Caasimada Online) – Ilo wareeeyo kala duwan ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu dhigiisa Jubaland Axmed Madoobe kala hadlay in uu ka shaqeeyo sidii doorashada Jubaland ugu soo bixi lahaayeen Xildhibaano lagu kalsoonyahay oo uu ka heli karo cod maadaama uu yahay Murashax aan wali is-shaacin. 

Madaxweyne Deni ayaa la sheegay in uu marka hore taageero ka raadinayo ismaamulada beeshiisa sida Jubaland iyo kuwa Kenya balse waxaa la sheegay in uu Axmed Madoobe ka dalbaday in uu meesha ka saaro Xildhibaanada hadda jira ee aan lagu kalsoonaan karin, islamarkaana uu keeno kuwa dhiig cusub ah oo lagu kalsoonyahay. 

Sidoo kale degaanada Puntland ayaa la sheegay in uu Saciid Deni ku dadaalayo sidii uu ku keeni lahaa Xildhibaano u daacad ah. Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la rumeysan yahay in uu yahay Murashax Madaxweyne, waxaana la filayaa in uu ku dhawaaqo markii ay dhacdo doorashada baarlamaanka kadib. 

Deni ayaa dib u dhigaya ku dhowaaqistiisa musharaxnimo, sababtoo ah waxay su’aal gelin kartaa dhex-dhexaadnimadiisa doorashada xildhibaanada Aqalka Sare iyo kuwa golaha Shacabka ee uu maamulkiisa qabanayo.

Deni ayaa heysto taageerada Jubaland iyo maamulkiisa waxayna taasi gelineysaa rajo weyn, wuxuuna rumeysan yahay inuu si fudud uga soo gudbi karo wareegga koowaad ee doorashada oo ah kan ugu adag.

Tartanka doorashada Soomaaliya ayaa sanadkaan u muuqdo in leeyahay xiiso gaar ah, waxaana isku haya musharaxiin miisaan culus leh, manna cidda weli cidda ku horeysa ee ku guuleysan doonta.

Tirada dadka ay Somaliland u xirtay calanka Soomaaliya dartiis oo la shaaciyey

Hargeysa (Caasimada Online) – Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland ayaa si rasmi ah u shaacisay tirada dadka Somaliland loogu xiray calanka Soomaaliya, ayada oo xukuumadda Muuse Biixi ka dalbatay inay sii dayso dadkaas oo sifo sharci ahayn u xiran.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xarunta Xuquuqal Insaanka oo ay ku saxiixneyd Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud oo ah Guddoomiyaha xaruntaas ayaa waxaa lagu sheegay in kiiska calanka Soomaaliya ilaa hadda u xiran yihiin 42 qof, oo laga soo xiray Boorama, 26 June 2021.

“Dadkaasi waxay ku kala xidhan yihiin Boorama iyo Gabilay, ilaa hadana wax maxkamad ah lama hor geyn, wax danbi ah oo lagu soo oo gayna majiro. Dadka xidhan 7 kamid ahi waxay ku xidhan yihiin Boorama, hal ka ay 35 kale na ku xidhan yihiin Gabilay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Sida ku cad Qodobka 25 (2) ee dastuurka Somaliland Qofna xoriyadiisa loogama qaadi karo si aan sharcigu bahayn. Sharcigu waxa uu mabnuucaya in qofka loo xidho sifo aan sharci ahayn, lana hayo in ka badan 48 saacadood sida ku cad Qodobka 27 (2) ee Dastuurka.”

Qoraalka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in ciidamada is hortaageen xubno ka tirsan Xarunta Xuquuqul Insaanka oo ayagu rabay inay booqdaan xabsiga Gabiley, si ay ugu kuur-galaan xaalada Gabdho ugu xirnaa xabsigaas calanka Soomaaliya.

Waxay ku eedeysay xukuumadda Somaliland inay sifo sharci darro ah ay xabsiyada ugu hayso 42 qof ee loo haysto kiiska la xiriira calanka Soomaaliya, islamarkaana ay ka hor-istaagtay inay booqdaan ehelkooda.

“Xaruntu waxay la kulantay oo waraysi siiyay qaar kamid ah eheladii dadku ka xidhanyihiin, kuwaas oo xarunta uga waramay inaan loo ogalayn inay dadka ka xidhan booqdaan. Qodobka 27 (1) waxa uu jideeyay “qofka xoriyadisa laga qaaday inuu xaq u leeyahay sida ugu dhaqsaha badanleh inuu ula kulmo eheladisa” Dhamaan dadka xidhani waxay wajahayaan xadhig sharci daro ah.”

“Dowladu waxay ku xad gudubtay mabaadiida dastuuriga ah ee damaanad qaadaya xoriyaad ka aasaasiga ah ee muwadiniinta. Qodobka 32 (1) waxa u damaanad qaadayaa in qofku xaq u leeyahay inuu rayiga ku cabiri karo hab qoraala, hadal ah amaba qaabkale.”

Ugu dambeyntiina waxay Xarunta Xuquuqal Insaanka ka dalbatay xukuumadda Somaliland inay sida ugu dhaqsaha badan usii dayso dadkaasi u xiranka calanka Soomaaliya oo sifo sharci darro ah loo haysto, islamarkaana ay dowladda ixtiraamto dastuurka.

Maxaa ku qoran warbixinta ay ka carrootay DF ee kasoo baxday Midowga Afrika?

Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan sayrtay war bixin lagu faafiyay baraha bulshada oo la sheegay in ay kasoo baxday Guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika, taasoo looga hadlay arrimo ku saabsan howlgalka AMISOM iyo xaaladda Soomaaliya.

War kasoo baxay xukuumadda ayaa lagu sheegay in golaha Wasiirrada ay shir deg deg ah ka yeelanayaan arrintan, dhawaanna bayaan kasoo saari doonaan.

Maxay ka hadashay warbixinta?

Ma jirto war bixin rasmi ah oo uu soo saaray Midowga Afrika, hase yeeshee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diidday waxyaabaha ku jira war bixintan.

Sida ku xusan qoraalka, Guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee ururka Midowga Afrika ayaa warbixintan oo ka kooban 35 bog ku sharraxay xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo arrimo ay sheegeen in ay ogaadeen xilligii ay qiimaynta wadeen.

Waxay “guddigu” sheegeen inay qiimaynta billaabeen iyagoo ka tallaabo qaadaya qaraarradii kasoo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoogay, oo kala ahaa 2520 iyo 2568 (2021)

Qodobbada lagu faahfaahiyay waxay kala yihiin:

  • Arrimo ku saabsan Soomaaliya iyo saamaynta hannaanka guud ee dowlad dhisidda
  • Faahfaahin ku saabsan xaaladda amni ee Soomaaliya
  • Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaalia (AMISOM)
  • Wadashaqaynta ka dhaxaysa Midowga Afrika (AU) iyo beesha caalamka
  • Waddooyinka u furan howlaha Midowga Afrika ee Soomaaliya 2021 kaddib
  • Xogo la ogaaday
  • Talooyin

Warbixintan ayaa lagu sheegay in qabiillo ay wali saamayn ballaaran ku leeyihiin dhinac walba oo ka mid ah hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lagu qeexay warbixinta in gacmo shisheeye ay faraha kula jiraan howlaha la xiriira horumarka Soomaaliya.

Dhinaca amaankana, “Xaaladda amni ee Soomaaliya way xasilan tahay balse ma aha mid la saadaalin karo”, ayaa lagu yidhi war bixinta.

“Ma jiraan dhismeyaal maamul oo ay dowladda leedahay, sida maxkamado iyo saldhigyo boolis, xarumo caafimaad, kuwo wax barasho iyo goobo kale oo loogu adeego shacabka,” ayaa ka mid ahaa erayada ku jira war bixinta la sheegay inay kasoo baxday guddiga Midowga Afrika.

“Caqabadda aasaaska ah ee hor taagan xasiloonida Soomaaliya waa in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ku guul darraysteen dhammastirka dastuurka qabyo qoraalka ah, xal u helista awood qaybsiga iyo wadaagista kheyraadka”, ayaa lagu yidhi war bixinta.

Talooyinka lagu soo jeediyay waxaa ka mid ah in wixii ka dambeeya 2021 howlgalka Amisom lagu wareegiyo Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo wadajir ah. Ama in Soomaaliya la geeyo ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika.

Sidoo kale waxaa waddooyinka furan lagu daray in Amisom ay ka baxdo Soomaaliya kaddibna mas’uuliyadda Amniga lagu wareejiyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Ilaa hadda ma cadda qodobbada qodobbada gaarka ah ee ay ka biyo diidday dowladda Soomaaliya, iyadoo laga war dhowrayo jawaabta faahfaahsan ee ay xukuumadda ballan qaadday.

Qoraalka ayaa kusoo aaday xilli Soomaaliya ay hadda ku mashquulsan tahay arrimaha doorashada oo in muddo ah soo jiitamayay.

Xigasho: BBC SOMALI

Qorshaha FARMAAJO uu gacanta ugu dhigayo 120 ka mid ah xildhibaanada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Loolanka guddiyada doorashada ee Soomaaliya, gaar ahaan guddiga gobollada waqooyi, wuxuu banaanka usoo saaray Istaraatiijiyadda doorasho ee madaxweyne Farmaajo, oo isku dayaya in mar kale dib loo soo doorto.

Farmaajo ayaa xoogga saaraya sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa maamulka doorasho ee xildhibaanada gobollada waqooyi, beelaha Banaadiriga, beesha Shanaad iyo kuwa beesha uu kasoo jeedo ee Gedo.

Marka la isku geeyo xildhibaanada Farmaajo uu doonayo inuu gacantiisa kusoo saaro waxay ku dhow yihiin 120, hase yeeshee inay u codeyn doonaan marka uu saaro kadib, waa su’aal kale.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday wuxuu ku guuelystay inuu gacanta ku dhigo inta badan hoggaanka guddiyada doorashada ee ka shaqeynaya doorashada xildhibaanada, si ay ugu sahlanaato in lasoo doorto xildhibaano taageersan.  

Guddiga doorashada xildhibaanada waqooyi ayaa waxaa Farmaajo uga wakiil ah Mahdi Guuleed, oo si sharci-darro ku qabtay doorasho hoggaan loogu doortay garabkiisa, ayada oo lagala dhuunto garabka guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, oo iyagana guddoon kale doortay.

Farmaajo ayaa rumeysan inuu 90% xildhibaannada ka imaanaya Somaliland ee lagu dooranayo Muqdisho uu isagu soo saaran karo, codkoodana heli karo, waana taas sababta toddoba ka mid ah 11-ka xubnood ee guddiga doorashada ee xildhibaanada waqooyi ay u yihiin taageerayaashiisa,

Qorshaha Farmaajo ayaa ah in meesha laga saaro siyaasiyiinta waayo aragga ah ee Somaliland, ee aan la isku haleyn karin, taas beddelkeedna lasoo saaro dhallinyaro daacad ah oo laga keenay Somaliland, kuwaasi oo la dejiyey hoteellada Muqdisho. 

Farmaajo ayaa doonaya in ugu yaraan 50 ka mid ah xildhibaanada labada aqal ee beesha Direed uu isaga soo xusho.

Farmaajo ayaa sidoo kale rumeysan in xildhibaanada lagu dooranayo Garbahaarey, ee 16-ka ah ay wada noqon doonaan kuwa taabacsan, isaga dagaal adag u galay in magaaladaas ay degto beeshiisa doorasho lagu qabto.

Villa Somalia ayaa sidoo kale ahmiyad weyn siisay guddiga maamulaya doorashada xildhibaanada Banaadriga, oo ka yimid dhinaceeda. Waxaa qorshuhu yahay in shanta xildhibaan ee Banaadiriga ay gebigood noqdaan kuwa ka socda dhanka madaxtooyada.

Sidoo kale, xildhibaanada beesha Shanaad oo lagu soo kala doorasnayo HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa la rumeysan yahay in intooda badan ay u gacan geli doonaan Farmaajo. 

Xildhibaannadan ayaa badankood iminkaba taageera Farmaajo, waxaana ka mid ah Khadiija Maxamed Diiriye iyo Maxamed Cumar Dalxa, iyo xubno kale, umana baahna Farmaajo inuu soo saaro kuwa cusub ee wuxuu ku dadaalayaa in ayaga ay dib usoo laabtaan. 

Halka uu Farmaajo ka filayo xildhibaanada ugu badan ayaa ah doorashada ka dhaceysa Koonfur Galbeed, oo uu maamulayo madaxweyne goboleedka kaliya ee 100% daacadda u ah Farmaajo. 

Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu soo dooranaya xildhibaanada ugu badan oo gaaraya 77, waxaana qorshuhu Farmaajo uu yahay inuu xaqiijiyo in ugu yaraan 50 mid ah ay noqdaan taageerayaashiisa. 

Marka la isku geeyo, Farmaajo wuxuu ku rajo weyn yahay in ugu yaraan 120 ka mid ah xildhibaanada cusub ay noqdaan taageerayaashiisa, hase yeeshee taasi kama dhigna in 120 ay isaga u wada codeyn doonaan, sida aan ka barangay doorashooyinkii hore, waase billow fiican.

Warbixintan oo muuqaal ah hoos ka daawo.

Howl-gal culus oo mar kale laga fuliyey MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa xalay howl-gal culus oo gaar ah ka sameeyey xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, si gaar ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo ahaa mid lagu xaqiijinayey ammaanka.

Howl-galka oo ay fuliyeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa waxa ay guri-guri ugu galeen xaafado ku yaallo Dayniile, iyaga oo ku sameeyey baaris xoog leh.

Saraakiisha horkaceysay howl-galladan ayaa shaaca ka qaaday in u jeedkooda u ahaa baad-goobka xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo kooxaha dhaca ka geysta degmadaasi.

Ma shaacin saraakiishu natiijada ka soo baxday baaritaanadan iyo haddii ay jiraan shaqsiyaad ay ku soo qab qabteen intaba.

Sidoo kale waxay intaasi ku dareen inay sii wadi doonaan baaritaanadooda si loo xoojiyo xaqiijinta aminga caasimada, maadaama ay dhowaan ka dhaceyso doorasho guud.

Howl-gallada ciidamada ayaa muddooyinkii dambe sare loo qaaday, waxaana horay looga fuliyey degmooyin badan, sida Hodan, Warta Nabadda, Boondheere & kuwa kale.

Waxaa sidoo kale inta ay socdeen howl-galladan oo soo billowday bishii hore lagu soo qab-qabtay rag kala duwan oo dhac ka geysanayey xaafado ka tirsan Muqdisho.

Si kastaba howl-galladan ayaa qeyb ka ah u diyaar garowga doorashooyinka ka dhacaya dalka oo isugu jira mida baarlamaanka iyo sidoo kale tan madaxweynaha intaba.

Meydadka willal walaalo ahaa oo laga helay Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa meydadka labo wiil oo walaalo ahaa oo saacadihii lasoo dhaafay meydadkooda laga helay wabiga Shabelle ee mara magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Labada wiil ayaa shalay la waayey, xilli ay ku dabaalanayeen wabiga dhanka Kiliga Waraaballe ee xaafadda Howlwadaag , sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in haatan labadaas wiil meydadkooda laga helay dhinaca xaafadda Buunda-weyn oo ay geeyeen biyihii la tegay.

Marxuuminta ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray, Khaalid Nuur Cadow iyo Feysal Nuur Cadow, kuwaas oo maanta aas wadajir ah loogu sameeyey Beledweyne.

Maamulka gobolka iyo kan degmada ayaa marar badan horey uga tegay qataraha lagala kulmi karo biyaha uu keeno wabiga Shabelle ama in loo dabaal-tego intaba.

Si kastaba, wabiga Shabelle oo inta badan fatahaado ka geysta deegaanada HirShabelle ayaa hadane waxaa sidoo kale horey ugu geeriyooday dad u badan dhalinyaro, xilli ay ku dabaalanayeen halka qaarkood la helay meydadkooda, kuwa kalena dib looba waayey.

7 maalin ka hor doorashada AQALKA SARE, astaamo aan wanaagsaneyn oo muuqda

Toddoba maalin uun ayaa ka hartay doorashada aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya sidaasi ay tahay ma jirto ififaalo arrimo doorasho la xiriira, oo waxaana fasax ku maqan kala-u-bar baarlamaannada dowlad goboleedyada dalka halka Somaliland ay leeyihiin labo guddoon doorasho dadban, lana ogeyn goobta ay wax ku dooran doonaan iyo xataa cidda sugeysa amniga!

Sida uu yahay qorshaha jadwalka doorashada 2021-ka, 25-ka bishan waxaa la filayey in Soomaaliya ka bilowdaan doorashada xildhibaannada aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah, lana doorto 54-ka kursi ee ka tirsan golahaas, laakiin weli ma jiro maamul bilaabay diiwaangelinta musharaxiinta ama habraacyo wax lagu dooran karo!

Waxaa xusid mudan in labada baarlamaan ee Galmudug iyo Hirshabelle ayba hadda fasax yihiin, intooda badan xildhibaannada labadaas maamul maba joogaan xarumahooda, guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle ma joogo dalka, waxaa intaas dheer guddiga doorashada labadaas maamul ayaa ka maqan goobta doorashada, iyaga oo ka cabanaya miisaaniyad la’aan!

Maamulka Jubbaland ayaa ah midka keliya ay sheegay in doorashada aqalka sare ku qaban karo waqtigeeda, laakinse lama oga sida arrinkaas uu ku xaqiijin karo Madoobe!

Gobollada Waqooyi  ama Somaliland waxaa ka jirta kala qeybsanaan xoog leh, xubnaha ay soo kala magacaabeen guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi iyo ra’isul wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed ayaa kala jabay, iyada oo mid weliba uu doortay guddoon doorasho oo gaar ah, taasi oo ilaa hadda aanu xalin ra’isul wasaare Rooble!

Sidoo kale 46-da odey ee doorashada aqalka sare ee Somaliland ayaan meel lagu sheegin, arrintan oo isu raadinta, tababarka iyo doorashada qaadan karto waqti dheer.!

Kooxda guddoomiye Xaashi ayaa waxaa ay soojeediyeen in la mideeyo guddoonka doorashada, la sameeyo habraacyo oo doorashada labad aqal, in la isla meel dhigo goobta doorashada iyo cidda maamuleysa.

Aqalka sare waxaa ay beelaha Soomaalida u kala leeyihiin sidan: Dir(14), Digil iyo Mirifle(8), Daarood(17), Hawiye(13) iyo beelaha laga tirada badan yahay oo leh labo xildhibaan.

Doorashada aqalka saree e baarlamaanka Soomaaliya waxaa qeyb ka ah oo dooran doona ilaa 413 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaannada Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, oo lagu daray 46 odey oo kasoo jeeda Somaliland.

Doorashada aqalka sare ee BF waxaa ay ka dhici doontaa caasimadaha dowlad goboleedyada sida GarooweDhuusamareebJowhar, Baydhabo iyo Kismaayo halka Somaliland ama reer waqooyi ay isku dooran doonaan caasimadda Muqdisho.

W/Q: Cabdicaziz Gurbiye,

Daawo: Dood ka dhalatay C/Maalik Coldoon oo u istaagi waayey calanka Somaliland iyo jawaabtii uu ka bixiyey

Hargeysa (Caasimada Online) – Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ah weriye sama-fale ah oo ka howlgala gobollada waqooyi ee Somaliland ayey saacadihii lasoo dhaafay hadal-heyntiisu aad ugu faaftay baraha bulshada, kadib markii uu xalay u istaagi diiday astaanta calanka Somaliland.

Cabdimaalik Coldoon oo la hadlay TV-ga Horn Cable ayaa ka jawaabay sababta uu ugu istaagi waayey heesta calanka Somaliland, markii laga yeeriyey munaasabad lagu soo bandhigayey Buug uu qoray Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi.

Sawirka Cabdimaalik oo fadhiya iyo dadkii kale ee ka soo qeyb galay munaasabadaas oo u istaagay astaanta calanka ayaa aad loogu faafiyey baraha bulshada, waxayna dadka badankood tallaabadaas ku macneeyeen in Cabdimaalik uusan aqoonsaneyn calanka Somaliland.

“Wax kasta oo aan qabaneyno waa in aan u eegno waxa ay ka qabto diinteena Islaamka, laakiin aanaa ka eegin dadku saas ayey sameeyeene aan ku daysano, anigu waxa aan ku dhaqmay waxa aan ka fahmay diinteena Islaamka, waxaana diinteena ka fahmay in Khushuuca uu Ilaahey iska leeyahay,” ayuu yiri Cabdimaalik Coldoon.

Sidoo kale Coldoon ayaa sheegay in calan ama cid kale aysan u qalmin in loo Khushuuco, “Waxaan ugu istaagi diiday cabsi aan nafteyda uga baqayey in aan ku dhaco wixii ilaahey iga reebay, taxadar ayey iga aheyd, waana in bulshadu ay ku baraarugto arrintaan,” ayuu yiri.

Mar wax laga weydiiyey guuxa bulshada ee ah in Cabdimaalik uusan aqoonsaneyn jiritaanka calanka Somaliland ayuu ku jawaabay, “Maya calamadu waa isugu keymid, ma jiro calan aan u istaagi lahaa, Ilaahey dartiis ayaan wax u naceynaa, ilaahey dartiis ayaan wax u jeclaaneynaa,” ayuu yiri Cabdimaalik Coldoon.

Hoos ka daawo

DF oo ka carootay warbixin Midowga Afrika uu kasoo saaray 4-tii sano ee Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hor timid warbixin uu soo saaray Guddiga Qiimeynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika taasoo looga hadlay xaladda siyaasadeed ee afartii sano ee dalku uu hoos joogay taliska Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Kulan ay yeeshen Golaha Wasiirada Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ayaa laga soo saaray in Dowladda Soomaaliya ay si hordhac ah u diiday natiijada warbixinta loo gudbiyey Midowga Afrika.

“Iyadoo laga jawaabayo warbixintii ka soo baxday Guddiga Qiimeynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika ayay dowladda Soomaaliya  kulan ka yeelatay warbixintaas, waxa ayna si hor dhac u diidday natiijada warbxinta. DFS waxay soo saari doontaa qoraal rasmi ah oo arrintaas la xiriira,” ayuu yiri afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimow oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Sida xogta sheegeyso warbixinta ay soo saari rabto Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in lagu sheego in warbixinta kasoo baxday Midowga Afrika ay tahay mid ka dhan ah Qaranimada Soomaaliya isla markaasna aan lagala tashan Dowladda Soomaaliya.

Warbixinta ay Dowladda Soomaaliya ka carootay ayaa waxaa lasoo saaray Bishii May ee sanadkaan, waxaana loo gudbiyey Midowga Afrika iyadoo looga hadlay amniga iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay dhanka siyaasadda gashay qalalaase iyo heshiis la’aan afartii sano ee uu madaxweynaha dalka ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddiga ayaa sidoo kale tilmaamay in qalalaasaha siyaasadeed iyo heshiis la’aanta doorashada uu Soomaaliya u horseeday amniga darro iyo dagaal.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan diyaar u aheyn inay amniga dalka kala wareegaan ciidamada Midowga Afrika ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socdo wax ka badan 10 sano, iyadoo arrintaan sabab looga dhigay inaan la fulin heshiisyadii aniga iyo dhismaha ciidamada Qaranka.