25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Howl-gal culus oo mar kale laga fuliyey MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa xalay howl-gal culus oo gaar ah ka sameeyey xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, si gaar ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo ahaa mid lagu xaqiijinayey ammaanka.

Howl-galka oo ay fuliyeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa waxa ay guri-guri ugu galeen xaafado ku yaallo Dayniile, iyaga oo ku sameeyey baaris xoog leh.

Saraakiisha horkaceysay howl-galladan ayaa shaaca ka qaaday in u jeedkooda u ahaa baad-goobka xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo kooxaha dhaca ka geysta degmadaasi.

Ma shaacin saraakiishu natiijada ka soo baxday baaritaanadan iyo haddii ay jiraan shaqsiyaad ay ku soo qab qabteen intaba.

Sidoo kale waxay intaasi ku dareen inay sii wadi doonaan baaritaanadooda si loo xoojiyo xaqiijinta aminga caasimada, maadaama ay dhowaan ka dhaceyso doorasho guud.

Howl-gallada ciidamada ayaa muddooyinkii dambe sare loo qaaday, waxaana horay looga fuliyey degmooyin badan, sida Hodan, Warta Nabadda, Boondheere & kuwa kale.

Waxaa sidoo kale inta ay socdeen howl-galladan oo soo billowday bishii hore lagu soo qab-qabtay rag kala duwan oo dhac ka geysanayey xaafado ka tirsan Muqdisho.

Si kastaba howl-galladan ayaa qeyb ka ah u diyaar garowga doorashooyinka ka dhacaya dalka oo isugu jira mida baarlamaanka iyo sidoo kale tan madaxweynaha intaba.

Meydadka willal walaalo ahaa oo laga helay Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa meydadka labo wiil oo walaalo ahaa oo saacadihii lasoo dhaafay meydadkooda laga helay wabiga Shabelle ee mara magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Labada wiil ayaa shalay la waayey, xilli ay ku dabaalanayeen wabiga dhanka Kiliga Waraaballe ee xaafadda Howlwadaag , sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in haatan labadaas wiil meydadkooda laga helay dhinaca xaafadda Buunda-weyn oo ay geeyeen biyihii la tegay.

Marxuuminta ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray, Khaalid Nuur Cadow iyo Feysal Nuur Cadow, kuwaas oo maanta aas wadajir ah loogu sameeyey Beledweyne.

Maamulka gobolka iyo kan degmada ayaa marar badan horey uga tegay qataraha lagala kulmi karo biyaha uu keeno wabiga Shabelle ama in loo dabaal-tego intaba.

Si kastaba, wabiga Shabelle oo inta badan fatahaado ka geysta deegaanada HirShabelle ayaa hadane waxaa sidoo kale horey ugu geeriyooday dad u badan dhalinyaro, xilli ay ku dabaalanayeen halka qaarkood la helay meydadkooda, kuwa kalena dib looba waayey.

7 maalin ka hor doorashada AQALKA SARE, astaamo aan wanaagsaneyn oo muuqda

Toddoba maalin uun ayaa ka hartay doorashada aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya sidaasi ay tahay ma jirto ififaalo arrimo doorasho la xiriira, oo waxaana fasax ku maqan kala-u-bar baarlamaannada dowlad goboleedyada dalka halka Somaliland ay leeyihiin labo guddoon doorasho dadban, lana ogeyn goobta ay wax ku dooran doonaan iyo xataa cidda sugeysa amniga!

Sida uu yahay qorshaha jadwalka doorashada 2021-ka, 25-ka bishan waxaa la filayey in Soomaaliya ka bilowdaan doorashada xildhibaannada aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah, lana doorto 54-ka kursi ee ka tirsan golahaas, laakiin weli ma jiro maamul bilaabay diiwaangelinta musharaxiinta ama habraacyo wax lagu dooran karo!

Waxaa xusid mudan in labada baarlamaan ee Galmudug iyo Hirshabelle ayba hadda fasax yihiin, intooda badan xildhibaannada labadaas maamul maba joogaan xarumahooda, guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle ma joogo dalka, waxaa intaas dheer guddiga doorashada labadaas maamul ayaa ka maqan goobta doorashada, iyaga oo ka cabanaya miisaaniyad la’aan!

Maamulka Jubbaland ayaa ah midka keliya ay sheegay in doorashada aqalka sare ku qaban karo waqtigeeda, laakinse lama oga sida arrinkaas uu ku xaqiijin karo Madoobe!

Gobollada Waqooyi  ama Somaliland waxaa ka jirta kala qeybsanaan xoog leh, xubnaha ay soo kala magacaabeen guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi iyo ra’isul wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed ayaa kala jabay, iyada oo mid weliba uu doortay guddoon doorasho oo gaar ah, taasi oo ilaa hadda aanu xalin ra’isul wasaare Rooble!

Sidoo kale 46-da odey ee doorashada aqalka sare ee Somaliland ayaan meel lagu sheegin, arrintan oo isu raadinta, tababarka iyo doorashada qaadan karto waqti dheer.!

Kooxda guddoomiye Xaashi ayaa waxaa ay soojeediyeen in la mideeyo guddoonka doorashada, la sameeyo habraacyo oo doorashada labad aqal, in la isla meel dhigo goobta doorashada iyo cidda maamuleysa.

Aqalka sare waxaa ay beelaha Soomaalida u kala leeyihiin sidan: Dir(14), Digil iyo Mirifle(8), Daarood(17), Hawiye(13) iyo beelaha laga tirada badan yahay oo leh labo xildhibaan.

Doorashada aqalka saree e baarlamaanka Soomaaliya waxaa qeyb ka ah oo dooran doona ilaa 413 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaannada Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, oo lagu daray 46 odey oo kasoo jeeda Somaliland.

Doorashada aqalka sare ee BF waxaa ay ka dhici doontaa caasimadaha dowlad goboleedyada sida GarooweDhuusamareebJowhar, Baydhabo iyo Kismaayo halka Somaliland ama reer waqooyi ay isku dooran doonaan caasimadda Muqdisho.

W/Q: Cabdicaziz Gurbiye,

Daawo: Dood ka dhalatay C/Maalik Coldoon oo u istaagi waayey calanka Somaliland iyo jawaabtii uu ka bixiyey

Hargeysa (Caasimada Online) – Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ah weriye sama-fale ah oo ka howlgala gobollada waqooyi ee Somaliland ayey saacadihii lasoo dhaafay hadal-heyntiisu aad ugu faaftay baraha bulshada, kadib markii uu xalay u istaagi diiday astaanta calanka Somaliland.

Cabdimaalik Coldoon oo la hadlay TV-ga Horn Cable ayaa ka jawaabay sababta uu ugu istaagi waayey heesta calanka Somaliland, markii laga yeeriyey munaasabad lagu soo bandhigayey Buug uu qoray Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi.

Sawirka Cabdimaalik oo fadhiya iyo dadkii kale ee ka soo qeyb galay munaasabadaas oo u istaagay astaanta calanka ayaa aad loogu faafiyey baraha bulshada, waxayna dadka badankood tallaabadaas ku macneeyeen in Cabdimaalik uusan aqoonsaneyn calanka Somaliland.

“Wax kasta oo aan qabaneyno waa in aan u eegno waxa ay ka qabto diinteena Islaamka, laakiin aanaa ka eegin dadku saas ayey sameeyeene aan ku daysano, anigu waxa aan ku dhaqmay waxa aan ka fahmay diinteena Islaamka, waxaana diinteena ka fahmay in Khushuuca uu Ilaahey iska leeyahay,” ayuu yiri Cabdimaalik Coldoon.

Sidoo kale Coldoon ayaa sheegay in calan ama cid kale aysan u qalmin in loo Khushuuco, “Waxaan ugu istaagi diiday cabsi aan nafteyda uga baqayey in aan ku dhaco wixii ilaahey iga reebay, taxadar ayey iga aheyd, waana in bulshadu ay ku baraarugto arrintaan,” ayuu yiri.

Mar wax laga weydiiyey guuxa bulshada ee ah in Cabdimaalik uusan aqoonsaneyn jiritaanka calanka Somaliland ayuu ku jawaabay, “Maya calamadu waa isugu keymid, ma jiro calan aan u istaagi lahaa, Ilaahey dartiis ayaan wax u naceynaa, ilaahey dartiis ayaan wax u jeclaaneynaa,” ayuu yiri Cabdimaalik Coldoon.

Hoos ka daawo

DF oo ka carootay warbixin Midowga Afrika uu kasoo saaray 4-tii sano ee Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hor timid warbixin uu soo saaray Guddiga Qiimeynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika taasoo looga hadlay xaladda siyaasadeed ee afartii sano ee dalku uu hoos joogay taliska Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Kulan ay yeeshen Golaha Wasiirada Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ayaa laga soo saaray in Dowladda Soomaaliya ay si hordhac ah u diiday natiijada warbixinta loo gudbiyey Midowga Afrika.

“Iyadoo laga jawaabayo warbixintii ka soo baxday Guddiga Qiimeynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika ayay dowladda Soomaaliya  kulan ka yeelatay warbixintaas, waxa ayna si hor dhac u diidday natiijada warbxinta. DFS waxay soo saari doontaa qoraal rasmi ah oo arrintaas la xiriira,” ayuu yiri afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimow oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Sida xogta sheegeyso warbixinta ay soo saari rabto Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in lagu sheego in warbixinta kasoo baxday Midowga Afrika ay tahay mid ka dhan ah Qaranimada Soomaaliya isla markaasna aan lagala tashan Dowladda Soomaaliya.

Warbixinta ay Dowladda Soomaaliya ka carootay ayaa waxaa lasoo saaray Bishii May ee sanadkaan, waxaana loo gudbiyey Midowga Afrika iyadoo looga hadlay amniga iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay dhanka siyaasadda gashay qalalaase iyo heshiis la’aan afartii sano ee uu madaxweynaha dalka ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddiga ayaa sidoo kale tilmaamay in qalalaasaha siyaasadeed iyo heshiis la’aanta doorashada uu Soomaaliya u horseeday amniga darro iyo dagaal.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan diyaar u aheyn inay amniga dalka kala wareegaan ciidamada Midowga Afrika ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socdo wax ka badan 10 sano, iyadoo arrintaan sabab looga dhigay inaan la fulin heshiisyadii aniga iyo dhismaha ciidamada Qaranka.

Hoggaamiyaha Tigrayga oo qaaday tallaabo lama filaan ah xilli dagaal culus la filayo

Mekelle (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Jabhadda Tigrayga ee TPLF ayaa qaaday tallaabo lama filaan ah isaga oo sii daayey  sii daayay ku dhowaad 1,000 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ee lagu qabtay dagaaladii u dambeeyay.

Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo labada dhinacba ay u diyaar garoobeen iska horimaad ka dhaca dhulka lagu muransan yahay ee galbeedka gobolka, kaasi oo ay isku hayaan Amxaarada.

Debretsion Gebremichael, oo ah hogaamiyaha Jabhadda Waddaniga Xoreynta Dadweynaha ee Tigrayga (TPLF), ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters isagoo kula hadlay taleefoonka dhanka satellite-ka goor dambe oo Jimcihii shalay aheyd inay sii daayeen 1,000 askari oo darajooyin hoose ah, oo ka mid ah 6,000 oo dagaalka ku qabteen.

“In ka badan 5,000 oo askari ayaa weli ku jira gacanteena, waxaana sii hayn doonaa saraakiisha sare kuwaas oo wajihi doono maxkamad,” ayuu yiri Debretsion Gebremichael.

Hoggaamiye Debretsion ayaa sheegay in ciidamada lasii daayey la geeyey dhanka xuduuda koonfureed oo ay Tigray la wadaagto gobolka Amxaarada maalintii Jimcaha, laakiin ma uusan sheegin cidda lagu wareejiyey iyo cidda ay kala hadleen sii deyntooda, inkastoo ay Reuters sheegtay in aysan si madax banaan u xaqiijin karin sheegashadiisa.

Afhayeen u hadlay militariga Dowladda Itoobiya ayaa sheegay in uusan hadda ka hadlin karin arrintaan, balse afhayeenka maamulka gobolka Amxaarada ayaa sheegay in uusan wax war ah ka hayn sii deynta askartan.

Sidoo kale, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay inay isku dayday in ay arrintaan wax ka waydiiso saraakiisha xafiiska Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo gudiga dowlada u xilsaaran arrimaha Tigray balse wax jawaab ah way ka waysay.

Dagaalka Gobolka Tigray ayaa qarxay Bishii November ee sanadkii hore markii ay dawladdu ku eedeysay kooxda TPLF inay weerareen saldhigyada milateriga ee gobolka oo dhan, taas oo ay been abuur ku tilmaameen madaxda xisbiga Tigray.

Dowladda ayaa ku dhawaaqday guul seddex isbuuc kadib markii ay la wareegtay caasimada gobolka ee Mekelle. Kooxda TPLF ayaa dib ula wareegtay magaalada Mekelle iyo inta badan Tigray dhamaadkii bishii June, kadib markii ay dawladu kala baxday askarteeda ayna ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah.

Si kastaba, kooxda TPLF ayaa wacad ku martay in ay dagaalka sii wadi doonto illaa ay dib ugala wareegeyso gacan ku heynta dhulka lagu muransan yahay ee koonfurta iyo galbeedka Tigrayga, kaasi oo looga qabsaday dagalkii ay kula jireen xulafada dowladda ee kasoo galay dhanka amxaarada.

Abiy ayaa todobaadkaan sheegay in militariga ay iska celin doonaan qatar kasta oo kaga timaado kooxda TPLF, halka Gobolka Amxaarada iyo saddex gobol oo kale ay sheegeyn inay abaabulayaan xoogag si ay uga taageeraan ciidanka qaranka dagaalka lagula jiro kooxda TPLF.

Kumanaan qof ayaa ku dhintay dagaalka, ku dhawaad 2 milyan ayaa barakacay halka in ka badan 5 milyanna ay u baahan yihiin gargaar cunto oo deg deg ah.

Jimcihii, wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa soo saartay bayaan ay ku eedeyneyso kooxaha gargaarka inay hubeeyaan mucaaradka.

“Qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka ayaa si firfircoon ugu howlanaa kaalin burburin ah. Waxaan sidoo kale xaqiijinay in ay gargaarka u adeegsanayeen gabbaad isla markaana ay hubeynayaan kooxaha mucaaradka si ay colaadaha u dheereeyaan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

R/W Rooble oo Cabdi Xaashi ‘kala saftay’ Mahdi Maxamed Guuleed – Muxuu sameeyeey?

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ay soo saareen xildhibaanada waqooyi ee garabka guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi ayey kaga warbixiyeen caddaalad darrada iyo eexda uu sameeyey ra’iisul wasaare Rooble uu kula saftay garabka Mahdi Guuleed.

Waxay sidoo kale ka hadleen halka uu marayo khilaafka iyo xal u helidda caqabadahii hortaagnaa doorashada kuraasta labada aqal ee xildhibaanada ka soo jeeda Gobollada Waqooyi.

“Maanta oo laga joogo bil iyo labaatan maalmood shirkii madasha ee qabsoomay 27.5.2021 waxannu go’aansannay in aan warbixin kooban ka siinno xubnaha Madasha, daneeyayaasha doorashada sida Musharaxiinta xilka madaxweynaha iyo bulshada Soomaaliyeedba halka uu marayo khilaafkil iyo xal u helidda caqabadaha hortaagan madaxbanaanida doorashada kuraasta labada Agal ee Xildhibaanadda ka soo jeeda Gobollada Waqooyi (Somaliland) oo ka mid ahayd saddexdii arrimood ee khilaafku ka jiray muddada dheer,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Guddiga ayaa sidoo kale ra’iisal wasaare Rooble ku eedeeyey inu ku guuldarestay inuu ficil ahaan uga dhabeeyo ballanqaadyadii uu sameeyay iyo gudashada masuuliyaddii lagu aaminay ee habsami u socodka howlaha doorashooyinka Qaranka iyo tan xildhibaanada labada Gole ee Somaliland inay u dhacdo si xor iyo xalaal ah.

“Sida an dhigayo Qodobka 2-aad, farqadiisa (a) ee heshiiskii 27 May 2021 waxaa masuuliyadda xalinta khilaafka taagan iyo isku dubaridka habsami u socodka doorashada xildhibaanada labada aqal ee Somaliland loo xilsaartay Ra’isulwasaaraha, isagoo mar walba la tashanaya Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Ra’isul wasaare ku xigeenka.”

“Waxaanu filaynay in Ra’iisul wasaaruhu arrintaas si degdeg ah u guda-geli doono oo isugu yeedhi doono Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka si looga wada arrinsado xallinta khilaafka iyo turxaan-bixinta hannaanka doorashooyinka xildhibaanada Somaliland. laakiin nasiib darro taasi ma dhicin Ilaa maanta oo ay kasoo wareegtay bil iyo 20 cisho,” ayaa sidoo kale lagu yiri war saxaafadeedka.

“Doorashada xildhibaanada kasoo jeeda Gobolka Waqooyi waxay ku jirtaa marxalad gaara, Cabdi Xaashi oo ugu sareeya siyaasiyiinta taladii waa loo diiday.. dowladdu waxaa moodaa inay dooneyso inay boobto Doorashada.. Ra’iisal wasaaruhuna telefoonkii waa ka qaban waayey Guddoomiyaha Aqalka Sare; qoraalladii loo dirayna ka jawaabi waayey… heshiisyadii uu galayna waa wada jebiyey..” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka hadlay falalka uu ku dhaqaaqay Ra’iisal wasaare Rooble.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay illaa dhowr talaabo oo uu Guddoomiye Cabdi Xaashi uu qaaday si looga dhabeeyo heshiiskii 27 May lagu kala saxiixday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka oo dhameystiran

Jubaland oo maanta tallaabo horleh u qaaday qabashada doorashada Aqalka Sare

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoonka Golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Jubbaland, ayaa maanta magacaabay xubnaha guddiga Baarlamaanka ee qabashada doorashada Aqalka sare ee Jubaland, ee la filayo inay daba-yaaqada bishan ka billaabato Kismaayo.

Magacaabistaan uu Guddoonka Baarlamaanku magacaabay ayaa dabasocota codsigii shalay ay u gudbiyeen guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubaland kaas oo ahaa in golaha wakiilada Jubaland magacabaan guddiga Baarlamaanka u qaabilsanaan doona doorashada Aqalka sare.

Xubnaha Guddiga la magacaabay oo ka koban 9 Xubnood ayaa waxaa ay guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubaland kala shaqeyn doonaan qabashada doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare, iyada oo Xildhibaannada Aqalka ay dooranayaan Baarlamaanka Jubaland.

Shalay ayaa waxaa Xubnaha guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubaland ay ku dhawaaqeen in doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare ay waqtigeeda ku qabanayaan xilli ay jiraan culeyso badan oo siyaasadeed.

Musharaxiinta dooneysa in ay kamid noqdaan baarlamaanka 11-aad ee soo aadan oo lacagta diiwaangelintoodu tahay 20-kun oo doolar ayay ugu baaqeen in ay si deg-deg u soo gudbiyaan codiyadooda ama araajidooda.

Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka 

 

 

Sawirro: Ciidanka huwanta oo dib u qabsaday Bacaadweyn iyo wararkii ugu dambeeyey

Bacaadweyn (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo Kuwa maamulka Galmudug ayaa maanta dib u qabsaday degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug oo Al-shabaab dhawaan qabsadeen, markii ay muddo kooban ku sugnaayeen ciidamada Galmudug.

Ciidamada huwanta oo ka kala tirsan qeybta 21-aad ee milateriga, kuwa Danab iyo ciidamada Galmudug oo ay hawada sare ka taageerayeen diyaarado ayaa gudaha u galay Bacaadweyn kadib markii ay isaga baxeyn ciidamadii Al-Shabaab ka tirsanaa markii ay ka war heleyn duulaanka kusoo socda.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa Xalay saq dhexe isaga baxay degmada Bacaadweyn, waxaana saaka gaaray Ciidamada Dowladda, iyadoo muuqaalo muujinayo guusha ay gaareen ciidamadaas lagu soo daabacay warbaahinta Dowladda iyo kuwa Galmudug.

Sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen Caasimada Online, Ciidamada huwanta ah ayaa horey usii dhaafay degmada Bacaadweyn, waxayna Al-Shabaab kasii qabsadeyn dhowr tuulo oo qiyaastii 6km u jira Degmadaas.

Shalay ayey ahayd markii gaari uu waday ruux is-miidaamiye ah uu beegsaday ciidamada Galmudug ee  ku dhowaa Bacaadweyne, iyadoo qaraxaasi ay warar iska horjeeda ka bixiyeen Galmudug iyo Alshabaab.

Waxaa jirto cabsi ku aadan in kooxda Al-Shabaab ay soo qaado dagaal rogaal celis ah inkastoo wararkii ugu dambeeyey ee halkaas naga soo gaarayo ay sheegayaan in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay sameysteen difaacyo adag.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey ciidamo xoog leh soo dhoobtay qeyb kamid ah Gobolka Mudug, waxayna xogta hoose sheegeysaa in dagaalka ciidamada Dowladda uu sii socon doono inta Al-Shabaab laga saarayo Xarardheere oo ah saldhig weyn oo ay kooxdaan ku tababarto maleeshiyaadka.

Shabaab oo maanta werar khasaare geystay ka fulisay magaalada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkan lagu dilay ugu yarana illaa saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka, xilli ay ku sugnaayeen bar-control oo ku taalla degmada Dayniile ee magaalada caasimad ah ee Muqdisho.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaacisay inay horey usii qaateen illaa saddex qoray oo AK47 ah, kuwaas oo ay lahaayeen askarta la dilay, sida ay hadalka u dhigtay.

“Mujaahidiinta ayaa weerar cagmarin ah ku qaaday bar koontarool oo kutaal degmada Dayniile, dhimashadu waa sedax askari iyadoona lagasoo qaniimeystay sedax qori” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan weerarkaasi ee ay guulaha ka sheegatay Al-Shabaab.

Kooxdan ayaa inta badan weeraro gaadmo ah, qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka fulisa gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Si kastaba dhacdooyinkan amni darro ayaa kusoo aadaya, xilli haatan la qorsheynayo inay Muqdisho ka billowdaan doorashooyinka lagu soo xulayo xildhibaanada Soomaaliya.

Maxkamadda Sare ee Yurub oo gaartay go’aan ka dhan ah gabdhaha Muslimiinta

Brussels (Caasimada Online) – Shirkadaha waxay shaqaalahooda Muslimiinta ah ka mamnuuci karaan inay xirtaan qamaarka, xaaladaha qaar, waxaa sidaas Khamiistii xukmisay Maxkamadda sare ee Midowga Yurub.

Go’aanka Maxkamadda ayaa yimid kadib markii laba gabar oo Muslimiin ah oo ku nool Jarmalka laga joojiyey shaqada kadib markii ay billaabeen xirashada qamaarka.

“Mamnuucista xirashada astaan kasta oo muujineysa siyaasad, aragti ama diin ee goobaha shaqada, waxaa cidda loo shaqeynayo ay cudurdaar uga dhigan kartaa baahida loo qabo argtida muuqaalka qofka ee ay doonayaan macaamiisha, si looga hortago muran dadweyne,” ayey xukmisay Maxkamadda.

Labada gabdhood ee kiiska keenay ayaa waxay mid ka shaqeyneysay xarun lagu hayo caruurta oo ku taalla magaalada Hamburg, halka midda kale ay qasnaji ka aheyd dukaanka dawooyinka ee Mueller ee isla magaaladaas.

Labada gabdood ayaa markii ay shaqada billaabayeen xiran jirin qamaarka, hase yeeshee waxay sidaas go’aansadeen sanado kadib markii ay kasoo laabteen fasax waalidnimo oo ay qaateen.

Waxaa hay’adihii ay u shaqeynayeen ay u sheegeen inaan la ogoleyn qamaarka, waxaana kadib laga joojiyey shaqada, ayaga oo loo sheegay inay qamaarka iska soo dhigaan ama ay raadsadaan shaqooyin kale.

Arrinta xijaabka ayaa sanado badan muran ka dhalineysay Yurub.

Xukun soo baxay 2017, ayey maxkamadda Midowga Yurub ah oo ku taalla Luxembourg waxay ku sheegtay in shirkadaha ay shaqada ka joojin karaan shaqaalaha xirta xijaabka iyo astaamaha kale ee diimeed, marxaladaha qaar.

Daawo: Xildhibaan Jeesow oo shaaciyey inuu tegay xarunta NISA iyo wixii uu kasoo ogaaday arrinta Ikraan Tahliil

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan golaha shacab ee baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo muddo ka badan labo toddobaad la la’yahay, ayaa codsi u diray bulshada iyo hey’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya, isagoo ka dalbaday in si wadajir ah looga qeyb qaato baadi goobka Ikraan oo nolol iyo geeri lagu la’yahay.

Xildhibaan Jeesow oo tilmaamay inuu yahay mudanaha baarlamaanka ku metela Ikraan Tahliil ayaa sheegay in looga wacay xarunta taliska hey’adda NISA, islamarkaana la tusay muuqaal muujinaya gaarigii ay raacday Ikraan, markii cid ugu war dambeysay.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in la aqoonsaday gaariga ay raacday Gabadha maqan, kaas oo laga lahaa taliska NISA, islamarkaana ay socdaan baaritaano ku saabsan sidii loo ogaan lahaa halka lala aaday gabadha.

Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa bulshada Soomaaliyeed ka codsaday in la joojiyo wararka aan xaqiiqada aheyn ee baraha bulshada lagu faafinayo, islamarkaana cidii xog ka heysa gabadhaas ay asaga si gaar ah ula soo wadaagto.

Xildhibaanka ayaa soo bandhigay lambarka taleefankiisa ee lagala soo xariiri karo, waxuuna bulshada ka codsaday inay la soo xariirto cidii war ka heysa Ikraan nolol iyo geeri.

“Waxaan ka codsanayaa umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan cidii wax macluumaad ah ka heysa meesha ay ku sugan tahay gabadhaas, in anigoo ah Adeerkeed, Xildhibaankeeda, ay ila soo xariirto, arrintaan waa na xanuujineysaa naga daaya wararka aan saxda aheyn, gaar iila soo xariira xataa hadii wax la qarinaayo ay jiraan ila soo wadaaga aniga,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Jeesow.

Hoos ka Daawo

Maamulka Soomaalida oo shaaciyey go’aan la xiriira ku biirista dagaalka TIGRAY-ga

Jigjiga (Caasimada Online) – Maamulka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu ku biiro dagaalka ka dhanka ah kooxda TPLF ee maamusha gooblka Tigray ee waqooyiga dalkaas.

Go’aankan ayaa yimid saacado kadib markii madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar uu qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceebook ku sheegay in dagaalka ka socda Itoobiya uu u dhaxeeyo argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya.

“Dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya wuxuu u dhaxeeyaa argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya, ee uma dhaxeeyo laba deegaan oo dhul isku haysta. Waxaa argagixisada TPLF u qorshaysan inay dumiso nidaamka hadda jira dibna saameeyn ugu yeelato siyaasada dawlada dhexe si ay mar kale u guumaysato shucuubaha dalka ee Soomaalidu ka mid tahay,” ayuu Mustafa ku yiri qoraalka.

Saacado kadib qoraalkaas, ayaa Wasiirka Warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cali Badal Muxumed oo waraysi BBC-da, waxa uu sheegay in ciidamada deegaanka ay xilli walba ay diyaar u yihiin inay difaacan wax kasta oo lid ku ah qaranimada Itoobiya.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulka Dowlad Deegaanka Itoobiya uu mar walba diyaar u yahay la dagaalanka jabhadda TPLF ayna naf iyo maalba u hurayaan.

Wasiirka ayaa dhinaca kale beeniyey warar soo baxaya oo sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo ka socda maamulka loo qaadayo furimaha hore ee dagaalka,

“Ciidamada la yiri waxaa la geynaya Woqooyiga Itoobiya anaga masuul ka ah oo go’aaminayno xilliga la qaadayo iyo haddii loo bahdaba in la qaado, balse ma jiraan wax ciidan ah oo hadda la qaaday oo si rasmi ah aan anaga u shaacinnay,” ayuu yiri.

Haddii ay maamulka Soomaalida uu ku biiro dagaalka, wuxuu noqonayaa maamulkii afaraad ee sidaas sameeya.

Saddex ka mid ah maamul goboleedyada kale ooEthiopia ayaa Khamiistii ku dhowaaqay inay ciidamo dirayaan si ay uga qeyb-galaan howlgalka gobolka Tigray, kuwaas oo kala ah; maamul goboleedyada Oromia, Sidama iyo SNNP.  

“Ciidamada gaarka ah ee maamullada SNNP, Oromia iyo Sidama waxay u dhaqaaqeen jiidda hore ee dagaalka, si gaar ahna ciidamada Sidama waa ay gaareen furinta hore,” waxaa sidaas lagu yiri warbixin ay baahisay warbaahinta dowladda ee Fana. 

Waxaa horey dagaalka qeyb uga ahaa maamulka Amxaarada, oo ay deris yihiin Tigrayga.

Ciidamada Tigray ayaa toddobaadkan billaabay weerar cusub oo la doonayo in ciidamada qowmiyadda Amxaarada looga saaro dhul lagu muransan yahay oo ku yaalla galbeedka iyo koonfurta gobolka Tigray.

Ayaga oo ka jawaabaya, ayaa ciidamada iyo maleeshiyada Amxaarada waxay isu abaabuleen si xooggan, waxaana afhayeen u hadlay Gizachew Muluneh uu Arbacadii sheegay in ciidankooda ay difaaca ka baxeen oo ay weerar qaadayaan.

Aqoon is-waydaarsi looga hadlayay qodobo muhiim ah oo lagu qabtay Netherlands

Hay’adaha Jamaal Foundation & Himilo, oo  ka dhisan dalka Nederlands ayaa iska kaashaday kulan aqoon-iswaydaarsi ahaa, loogana hadlayay qoddobo xilligan loo arkay in ay yihiin kuwa xasaasi ah, loona baahan yahay in bulshooyinka ay Soomaalidu ka mid ta fursad loo siiyo in ay ka hadlaan aragtida ay ka qabaan.

Kulankan oo muhiimad  gaar ah xambaarsanaa,  waxaa  qoddobadii diirada lagu saaray   ka mid ahaa:-

Aragtida dadyowga ajnabiga ah oo ay Soomaalidu ka mid tahay   ka qabaan talaalka cudurka Karoonaha, iyada oo halkaasi lagu soo bandhigay su’aalo dhowr ah oo ka tarjumayay aragtida & dareenka dadku ka qabaan talaalka, waxaanna su’aalahaasi ka jawaabayay Inge Solomons oo ka socotay hay’adda GGD oo ah hay’ad dowladda Nederlands u qaabilsan arrimaha la xiriira talaalka.

Qoddobka 2-aad ee kulanka lagu soo qaaday wuxuu ahaa;-

Wacyigelin la xiriirtay in gebi ahaanba dalkan “Nederlands” ay mamnuuc ka tahay nuuc kasta oo gudniinka gabdhaha ah, waalidiinta falkaasi sameeyana ay mudanayaan ciqaab isugu jirta xarig & ganaax.

Cabaas Cali Nuur oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaalida, oo barnaamijka xiriirnayay ayaa ka soo qeybgalayaasha oo isugu jiray  wadamo dhowr ah,  si koobban ugu sharaxay in talaalku yahay dhabaha qura ee xalka u noqon karo waqtigan   haddii qofku qaado cudurka Karoona inuu ka bogsan karo hadduu ALLE qadaro.

“Anigu, waxaan ka mid ahay dadka qaba in la is talaalo, haddana waxaa jira dad walaac badan ka qaba talaalka, walaacoodu wuxuu u badan yahay ku tiri-ku-teen, dadka qaar baa ku leh haddaad is talaasho 2 sanno kaddib ayaad dhimaneysaa, run-na ma ahan, waxaan ugu baaqayaa dadku in ay talaalka qaataan yar & wayn ba,” ayuu yiri Cabaas Cali Nuur.

Nafiso Nuur Cusmaan oo ah Soomaaliyad, kana mid ah howl-wadeenada la shaqeeya hay’adda GGD, ayaa iyada oo sharaxeysa fikirkeeda la xiriira talaalka waxay ku baraarujisay ka qeybgalayaasha inay qaataan talaalka, waxayna intaasi ku dartay  in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in talaalku dhibaato ku yahay bad-qabka qofka.

“Soomaalidu waa bulsho si dhaqsi ah hadalka isugu gudbisa, si degdeg ahna u aaminta beenta, haddii talaalka lagu jiranayo maxay Hollandeeysku u qaadanayaan.? in talaalka lagu xanuunsanayo waxba kama jiraan, waxaan kula talinayaa qof kasta oo Soomaali ah isaga iyo qoyskiisa ba in ay talaalka qaataan,” ayeey tiri Nafiso Nuur Cusmaan.

Guddoomiye ku-xigeenka FSAN Maxamed Cusmaan [Guurre] oo munaasabada ka hadlay wuxuu u mahadceliyay Jamaal Foundation & Himilo, isaga oo ugu baaqay  dadka Soomaalida in ay is talaalaan.

Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Zwolle & nawaaxigeeda Cabduqaadir Cali [Nuune] oo la hadlay ka soo qeybgalayaasha wuxuu dhinaciisa ku nuuxnuuxsaday sida ay muhiim u tahay in bulshadu hesho jawaabaha su’aalo dhowr ah oo  maskaxdooda ka dhex guuxaya, isaga oo uga mahadceliyay hay’ada Jamaal Foundation abaabulka kulankan.

“Runtii waa loo baahan yahay isu imaatinada nuucan ah, oo dadku ay aragtidooda is dhaafsanayaan, waxyaabaha mugdiga ku jirana fursad loo siinayo in wax laga weydiiyo dadka cilmigaas ku shaqada leh, waana sida ay diinteenu ina fareyso “fas’aluu ahla dikri in kuntum laa taclamuuna”, waxaan u mahadcelinayaa hay’adda Jamaal Foundation oo inoo suurtagelisay in ay inoo keento GGD si wax looga weydiiyo su’aalaha ugu badan ee dadka maskaxdooda ka dhex guuxaya,” ayuu yiri C/qaadir Nuune.

Fatuma Kamara oo u dhalatay dalka Siraliyoon, kana mid aheyd ka qeybgalayaasha waxay soo bandhigtay aragti ka duwan tii dadka badidood ay muujiyeen, waxayna dhinaceeda tilmaantay in ay jiraan dad badan oo markii ay talaalka qaateen ku xanuunsaday.

“Saaxiibteey markii ay talaalka qaadatay waa xanuunsatay, waana dhimatay, waxaa jira dad kale oo fara badan oo ku xanuunsaday, anigu ma dhahayo yaan la is talaalin haddana waxaan qabaa in la ogaado sababta soo dedejisay dadkani ugu xanuunsadeen talaalka,” ayeey tiri Fatuma Kamara.  

Wejiga 2-aad ee aqoon isweydaarsiga waxaa si qoto-dheer looga hadlay mowduuc kale oo xiiso gaar ah xambaarsanaa kaas oo ahaa;   sida ay mamnuuc uga tahay guud ahaan dalalka Yurub, gaar ahaan dalkan Nederlands in gabdhaha la gudo.

Cabdikariin Maxamuud oo ka mid ah mas’uuliyiinta ururka Himilo  ayaa  soo bandhigay macluumaad dhammeystiran oo la xiriira waxa ay mudan karaan waalidiintu haddii ay ku dhaqaaqaan falalka gudniinka gabdhaha.

“Nasiib darradu waxay tahay in weli ay jiraan waalidiin caruurtooda [gabdhaha] xilliyada fasaxa dibedda ku soo guda, ha ogaadaan sharuucda dalkan ma ahan shuruuc laga dhuuman karo,” ayuu yiri Cabdikariin, isaga oo dadyowga ajnabiga ah kaga digay in ay ku dhaqaaqaan fal lidi ku ah shuruucda dalkan.

Qaar ka mid ah ka soo qeybgalayaasha ayaa fursad u helay in ay wax ka weydiiyaan Cabdikariin arrimaha la xiriira gudniinka gabdhaha, waxaanna  su’aalihii la weydiiyey  ka mid ahaa, haddii waalidku isaga oo ka dhega xiran shuruucda dalka ka jirta ay gabdhahooda dibedda ku soo gudaan waxa ay mudan karaan.

“Sharciga ciqaabta ah ee lagu qaadayo qofkii falkaasi ku dhaqaaqa looma kala qaadayo miyuu ogaa  mise qabar-daar ayuu ahaa.? dalkan sharcigiisu wuxuu qeexayaa in ay mamnuuc tahay in gabar la gudo, qofkii falkaasi lagu ogaado inuu gaystayna wuxuu mudanayaan ciqaab adag, annagu howsheena waxay tahay inaan dadkeena arrintaasi ka wacyigelino,” ayuu yiri Cabdikariin.

Yaa bixiyey amarka DILKA madaxweynihii dalka Haiti?

Port-au-Prince (Caasimada Online) – Taliyaha booliska Colombiya ayaa shaaca ka qaaday magaca qof uu sheegay inuu amray dilkii madaxweynihii Haiti Jovenel Moise.

Sarkaal horay uga tirsanaa wasaaradda cadaalada Haiti oo la yirahdo oseph Felix Badio ayaa la sheegay in calooshood u shaqeystayaasha Colombia uu ku amaray inay khaarajiyaan madaxweynaha ka dib markii uu ugu caga jugleeyay inuu xirayo.

Janaraal Jorge Luis Vargas ayaa sheegay Joseph Felix Badio uu markii hore u sheegay laba ka mid ah askartii hore ee Colombia oo mas’uul ka ahaa calooshood u shaqeystaasha Colombia inay soo xiraan madaxweyne ovenel Moise.

Hase yeeshee maalmo ka dib ka hor howlgalka ayuu Joseph Felix Badio u sheegay in qorshihii uu is baddalay sidaa darteed ay khaarajiyaan madaxweynaha. Mr Badio waxa uu ka mid ahaa dhowr qof oo liiska madow ugu jiray booliska Haiti. Waxaa lagu soo eedeeyay dil, abaabulka saadka, iibsashada gawaarida iyo isku dubaridka howlgalka kooxda dadka dila.

Hadalka Janaraalka ayaa imanaya iyadoo uu shalay madaxweynaha dalka Kolombiya Iván Duque uu sheegay in qaar kamid ah dadka reer Colombia ee lagu tuhmayo dilkii madaxweynihii Haiti Jovenel Moïse ay “aqoon durugsan” u lahaayeen qorshaha dilka hogaamiyahii Haiti.

Mr Moïse ayaa toddobaadkii hore lagu dilay gurigiisa iyadoo sidoo kalana xaaskiisa la dhaawacay.

Booliska Haiti waxay sheegeen in koox calooshood u shaqeystayaal ah oo ka koobnaa askar hore oo reer Colombia ah ay dileen Mr Moïse.

Mr Duque wuxuu sheegay in dadka reer Colombia badankood la khiyaameeyay maadama loo sheegay inay ilaaliyaal ka noqon doonaan Haiti.

Laakiin waxaa ku jiray koox yar oo iyaga ka mid ah oo aqoon buuxda u leh howlgalka, ayuu u sheegay idaacadda Colombia.

28-ka nin ee la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidamada Kumaandooska ee dilay Mr Moïse, marka laga reebo laba ka mid ah waxay ahaayeen reer Kolombiya halka labada kale ay dhalasha Mareykan ah, asalkoodu yahay Haiti.

Isha: BBC

Ciidamada Danab oo howl-gal ku dilay Nuux Dhagool

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ee Xoogga dalka ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Howl-galkan oo uu horkacayey ku simaha taliyaha guutada 16-aad ee kumaandooska Danab, Dhamme Xasan Maxamed Cismaan ayaa waxaa si gaara looga fuliyey deegaanka Caliyoow Boorow ee gobolkaasi, halkaas ay ku sugnaayeen Xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Ku simaha taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkaasi ay ku khaarijiyeen xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo ay magaciisa ku sheegeen Nuux Dhagool.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in sarkaalka la dilay uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka lacag uruurinta, sida uu hadalka u dhigay.

Dhamme Xasan Maxamed Cismaan ayaa sidoo kale xusay inuu howl-galkooda uu guuleystay, isla-markaana ay sii wadi doonaan, inta laga saaro Al-Shabaab.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ee ay guullaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga daraamayaa deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Si kastaba, waxaa gobolkan si weyn ugu xoogan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo weeraro iyo qaraxyo culus kasoo abaabula deegaanada ay ka maamulaan Sh/ Hoose.

Saraakiil ajaaniib Daacish ah oo lagu dilay Soomaaliya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntlnad ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay dagaallo maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacay deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari.

Sarkaal u hadlay Puntland ayaa sheegay in howl-galkii ugu dambeeyey oo ka dhacay deegaanka Balidhihin lagu dilay xubno Daacish ah, kadib dagaal ka dhacay halkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xubnaha la khaarijiyey ay kooxda Daacish u qaabilsanaayeen miinooyinka iyo duubista muuqaalada, sida uu hadalka u dhigay.

Xubnaha la dilay oo labo gaaraya ayaa waxaa ka mid ah nin ka soo jeeda Itoobiya, gaar ahaan qowmiyada Oromada, waxaana magaciisa Puntland ay ku sheegtay Maxamed Siraaj Salmaan, halka kan Soomaaliga lagu magacaabi jiray Luqmaan Maxamed Xaaji.

“Waxaan dilnay labo dagaalame oo ka tirsan Daacish mid waxa uu ka soo jeedaa dalka Itoobiya gaar ahaan qowmiyada Oromada magaciisana waxaa la yiraahdaa Maxamed Siraaj Salmaan halka kan kale uu yahay Soomaali la yiraahdo Luqmaan Maxamed Xaaji,”ayuu yiri sarkaalka u hadlay ciidamada ammaanka ee aamulka Puntland.

Sidoo kale wuuxu intaais ku daray in marka la dilayey xubnahan ay miino ay ku aasayeen xilligaas waddo ay isticmaalaan ciidamada howlgallada wada ee Puntland.

Dhinaca kale illaa iyo hada ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Daacish oo la xiriira howl-galkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Puntland.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa Puntland ay sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ay ka wado dhulka buuraleyda gobolka Bari ee maamulkaasi.

Rooble oo war ka soo saaray jadwalka cusub ee uu soo saaray guddiga doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray qoraal uu ku soo dhaweynayo jadwalka hannaanka doorashooyinka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Jadwalkaan waxaa xalay soo saaray guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT.

“Waxaan soo dhaweynayaa oo bogaadinayaa jadwalka ay shaaciyeen guddiga maamulka doorashooyinka ee heer federaal, kaas oo si faahfaahsan u qeexaya xilliyada iyo qaabka ay u dhaceyso doorashada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,” ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ku yiri qoraalkan uu soo saaray.

Ra’iisul Wasaaraha oo dowlad-goboleedyada dalka uga mahadceliyay dadaalkooda iyo dabacsanaanta ay muujiyeen, ayaa ku boorriyay in ay ku dhaqsadaan hirgelinta qabsoomidda doorashada dalka.

Qoraalka Rooble ayaa intaas ku sii daray, “Shacabka Soomaaliyeed waxa ay naga sugayaan doorasho nabdoon, daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi, kuna dhacda xilligii lagu heshiiyay, sidaas darteed waa in aan iska wada xilsaarnaa hirgelinta howshaas muhiimka ah, si aan dib u dhac lahayn.”

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mar kale shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyay dulqaadka iyo sidii ay ugu garab istaageen dadaalladii uu hormuudka ka ahaa ee horseeday heshiiska doorashooyinka dalka oo Muqdisho ay ku gaareen isaga iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa beesha caalamka uga mahadceliyay kaalintooda nabadeynta iyo dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo ugu baaqay in ay taageeraan howsha hirgelinta doorashada ee haatan socota.

Kuuriyada Koonfureed oo ciidankeeda kala baxayso xeebaha dalka Soomaaliya

0

Seoul (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Kuuriyada Koofureed ayaa shaacisay in ciidamdeeda badda ee la dagaalama kooxaha burcadbadeeda ay kala baxayso xeebaha Soomaaliya, kadib markii qaar ka mid ah askarta laga helay Covid-19.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Koofurta Kuuriya ee YONHAB  300 oo askari oo saaran Markabka wax burburiya ee The Great ayaa 80 ka mid ah lagu arkay calaamadaha xanuunka, taas oo keentay in xaalad adag ay wajahaan ciidamada badda.

Sidoo kale wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaasi ayaa shaaca ka qaaday inay dajisay qorshaha ciidankan looga saarayo howl-galka la dagaalanka Burcadbadeeda Soomaalida, si ay u helaan daryeel caafimaad, maadaama ay la daala dhacayaan cudurka Covid-19.

Waxaa sidoo kale feejigaan iyo xaalad kelinimo ah la geliyey askarta kale ee la socda markabkaas, si aanay ugu gudbin Fayruska Karoona.

“Bishii Febraayo, ciidamada Kuuriyada Koonfureed ee da’doodu ka yar tahay 30 jir ayaa kaliya haystay fursad ay ku qaataan tallaalka Pfizer ama ma aysan heli karin ka hor ama inta lagu gudajiray howlgalka qayb ahaan sababo la xiriira shuruudahakaydinta Pfizer oo markii dambe dib loo eegay,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay xukuumadda Seoul.

Si kastaba go’aankan ayaa kusoo aadaya, xilli 20-kii November 2020-kii muddo kordhin horleh loo sameeyey ciidamada badda Kuuriyada Koofureed ee jooga xeebaha Soomaaliya.

Guddiga doorashada heer federal oo soo saaray jadwal cusub oo doorasho (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa lagu shaaciyey jadwalka doorashooyinka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo sida lagu sheegay qoraalka guddiga in lagu saleeyey heshiisyadii laga gaaray qabsoomida doorashada.

“Si waafaqsan mas’uuliyadda Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal (GDHF) ka saaran hirgelinta doorashooyin degdeg ah, waqtigooda ku dhaca, xor iyo xalaal ah iyo baahida loo qabo in la bilaabo geeddi-socodka doorashooyinka iyada oo laga hor tegayo dib u dhac dambe, GHDHF wuxuu shaacinayaa jadwalka ugu dambeeya ee doorashooyinka iyadoo la raacayo shaxda doorashada 29 Juun, habraacyaddii 17 Sebtember iyo 27 May lagu heshiiyay oo ay si wada jir ah u wada saxiixeen dhammaan madaxda maamullada Dowlada federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

17-ka ilaa 23-ka bishaan ayaa loo asteeyey in lagu soo gudbiyo liiska musharaxiinta kuraasta Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo laga sugayo madaxda maamul goboleedyada dalka.

25-ka ilaa 28-ka bishaan July ayaa loo asteeyey in la qabto doorashada Senatorrada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Iyadoo natiijada doorashadaas lagu dhawaaqi doono 1-da Agoosto 2021.

2-da illaa 11-ka bisha soo socota ee Agoosto waxaa la soo xuli doonaa guddiga soo xulaya ergada soo dooraneysa xildhibaanada golaha shacabka. Iyadoo 15-ka bishaas kagu dhawaaqi doono xubnaha guddigaas.

20-ka ilaa 25-ka Agoosto ayaa loo asteeyey in lasoo gudbiyo liisaska ergada doorashooyinka, iyadoo 10-ka September la shaaci doono liiska kama dambeysta ah ee Ergada. Waxaana 11-ka September illaa 10 October lasii doono tababar la xariira qaabka doorashada loo qabto.

7-da bisha September ayaa loo asteeyey in la qabto araajida musharaxiinta golaha shacabka, waxaana 12-ka September lagu dhawaaqi doonaa magacyada musharaxiinta golaha shacabka.

20-ka bisha September ilaa 5-ta bisha October waxaa dhici doonta ku dhawaaqidda natiijada kama dambeysta ah iyo shahaado siinta Xildhibaanada la doortay. Iyadoo ugu dambeyn 7-da October la dhaari doono.

Hoos ka akhriso shaxda jadwalka doorashada