27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Saraakiil ajaaniib Daacish ah oo lagu dilay Soomaaliya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntlnad ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay dagaallo maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacay deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari.

Sarkaal u hadlay Puntland ayaa sheegay in howl-galkii ugu dambeeyey oo ka dhacay deegaanka Balidhihin lagu dilay xubno Daacish ah, kadib dagaal ka dhacay halkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xubnaha la khaarijiyey ay kooxda Daacish u qaabilsanaayeen miinooyinka iyo duubista muuqaalada, sida uu hadalka u dhigay.

Xubnaha la dilay oo labo gaaraya ayaa waxaa ka mid ah nin ka soo jeeda Itoobiya, gaar ahaan qowmiyada Oromada, waxaana magaciisa Puntland ay ku sheegtay Maxamed Siraaj Salmaan, halka kan Soomaaliga lagu magacaabi jiray Luqmaan Maxamed Xaaji.

“Waxaan dilnay labo dagaalame oo ka tirsan Daacish mid waxa uu ka soo jeedaa dalka Itoobiya gaar ahaan qowmiyada Oromada magaciisana waxaa la yiraahdaa Maxamed Siraaj Salmaan halka kan kale uu yahay Soomaali la yiraahdo Luqmaan Maxamed Xaaji,”ayuu yiri sarkaalka u hadlay ciidamada ammaanka ee aamulka Puntland.

Sidoo kale wuuxu intaais ku daray in marka la dilayey xubnahan ay miino ay ku aasayeen xilligaas waddo ay isticmaalaan ciidamada howlgallada wada ee Puntland.

Dhinaca kale illaa iyo hada ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Daacish oo la xiriira howl-galkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Puntland.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa Puntland ay sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ay ka wado dhulka buuraleyda gobolka Bari ee maamulkaasi.

Rooble oo war ka soo saaray jadwalka cusub ee uu soo saaray guddiga doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray qoraal uu ku soo dhaweynayo jadwalka hannaanka doorashooyinka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Jadwalkaan waxaa xalay soo saaray guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT.

“Waxaan soo dhaweynayaa oo bogaadinayaa jadwalka ay shaaciyeen guddiga maamulka doorashooyinka ee heer federaal, kaas oo si faahfaahsan u qeexaya xilliyada iyo qaabka ay u dhaceyso doorashada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,” ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ku yiri qoraalkan uu soo saaray.

Ra’iisul Wasaaraha oo dowlad-goboleedyada dalka uga mahadceliyay dadaalkooda iyo dabacsanaanta ay muujiyeen, ayaa ku boorriyay in ay ku dhaqsadaan hirgelinta qabsoomidda doorashada dalka.

Qoraalka Rooble ayaa intaas ku sii daray, “Shacabka Soomaaliyeed waxa ay naga sugayaan doorasho nabdoon, daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi, kuna dhacda xilligii lagu heshiiyay, sidaas darteed waa in aan iska wada xilsaarnaa hirgelinta howshaas muhiimka ah, si aan dib u dhac lahayn.”

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mar kale shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyay dulqaadka iyo sidii ay ugu garab istaageen dadaalladii uu hormuudka ka ahaa ee horseeday heshiiska doorashooyinka dalka oo Muqdisho ay ku gaareen isaga iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa beesha caalamka uga mahadceliyay kaalintooda nabadeynta iyo dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo ugu baaqay in ay taageeraan howsha hirgelinta doorashada ee haatan socota.

Kuuriyada Koonfureed oo ciidankeeda kala baxayso xeebaha dalka Soomaaliya

0

Seoul (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Kuuriyada Koofureed ayaa shaacisay in ciidamdeeda badda ee la dagaalama kooxaha burcadbadeeda ay kala baxayso xeebaha Soomaaliya, kadib markii qaar ka mid ah askarta laga helay Covid-19.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Koofurta Kuuriya ee YONHAB  300 oo askari oo saaran Markabka wax burburiya ee The Great ayaa 80 ka mid ah lagu arkay calaamadaha xanuunka, taas oo keentay in xaalad adag ay wajahaan ciidamada badda.

Sidoo kale wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaasi ayaa shaaca ka qaaday inay dajisay qorshaha ciidankan looga saarayo howl-galka la dagaalanka Burcadbadeeda Soomaalida, si ay u helaan daryeel caafimaad, maadaama ay la daala dhacayaan cudurka Covid-19.

Waxaa sidoo kale feejigaan iyo xaalad kelinimo ah la geliyey askarta kale ee la socda markabkaas, si aanay ugu gudbin Fayruska Karoona.

“Bishii Febraayo, ciidamada Kuuriyada Koonfureed ee da’doodu ka yar tahay 30 jir ayaa kaliya haystay fursad ay ku qaataan tallaalka Pfizer ama ma aysan heli karin ka hor ama inta lagu gudajiray howlgalka qayb ahaan sababo la xiriira shuruudahakaydinta Pfizer oo markii dambe dib loo eegay,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay xukuumadda Seoul.

Si kastaba go’aankan ayaa kusoo aadaya, xilli 20-kii November 2020-kii muddo kordhin horleh loo sameeyey ciidamada badda Kuuriyada Koofureed ee jooga xeebaha Soomaaliya.

Guddiga doorashada heer federal oo soo saaray jadwal cusub oo doorasho (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa lagu shaaciyey jadwalka doorashooyinka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo sida lagu sheegay qoraalka guddiga in lagu saleeyey heshiisyadii laga gaaray qabsoomida doorashada.

“Si waafaqsan mas’uuliyadda Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal (GDHF) ka saaran hirgelinta doorashooyin degdeg ah, waqtigooda ku dhaca, xor iyo xalaal ah iyo baahida loo qabo in la bilaabo geeddi-socodka doorashooyinka iyada oo laga hor tegayo dib u dhac dambe, GHDHF wuxuu shaacinayaa jadwalka ugu dambeeya ee doorashooyinka iyadoo la raacayo shaxda doorashada 29 Juun, habraacyaddii 17 Sebtember iyo 27 May lagu heshiiyay oo ay si wada jir ah u wada saxiixeen dhammaan madaxda maamullada Dowlada federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

17-ka ilaa 23-ka bishaan ayaa loo asteeyey in lagu soo gudbiyo liiska musharaxiinta kuraasta Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo laga sugayo madaxda maamul goboleedyada dalka.

25-ka ilaa 28-ka bishaan July ayaa loo asteeyey in la qabto doorashada Senatorrada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Iyadoo natiijada doorashadaas lagu dhawaaqi doono 1-da Agoosto 2021.

2-da illaa 11-ka bisha soo socota ee Agoosto waxaa la soo xuli doonaa guddiga soo xulaya ergada soo dooraneysa xildhibaanada golaha shacabka. Iyadoo 15-ka bishaas kagu dhawaaqi doono xubnaha guddigaas.

20-ka ilaa 25-ka Agoosto ayaa loo asteeyey in lasoo gudbiyo liisaska ergada doorashooyinka, iyadoo 10-ka September la shaaci doono liiska kama dambeysta ah ee Ergada. Waxaana 11-ka September illaa 10 October lasii doono tababar la xariira qaabka doorashada loo qabto.

7-da bisha September ayaa loo asteeyey in la qabto araajida musharaxiinta golaha shacabka, waxaana 12-ka September lagu dhawaaqi doonaa magacyada musharaxiinta golaha shacabka.

20-ka bisha September ilaa 5-ta bisha October waxaa dhici doonta ku dhawaaqidda natiijada kama dambeysta ah iyo shahaado siinta Xildhibaanada la doortay. Iyadoo ugu dambeyn 7-da October la dhaari doono.

Hoos ka akhriso shaxda jadwalka doorashada

Sacuudiga oo wax ka beddel lama filaan ah ku sameeyay shuruucdii xilliyada salaadda

Riyadh (Caasimad Online) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa wax ka bedel cusub ku sameeysay shuruucdii adkeyd ee xirista dukaamada iyo goobaha ganacsiga xiliga Salaadda, oo aheyd shan jeer maalintii.

Sida uu baahiyey wargeys caan ah oo xiriir dhow la leh dowladda oo ay soo xigatay Reuters, Sacuudiga ayaa dabcinaya shuruucdaas, ayada oo xiligaas sii furnaan karaan ganacsiyada, islamarkaana laga dukaameysan karo.

Tallaabadan ayaa qeyb ka noqoneyso go’aamo hor leh oo ay Boqortooyada Sacuudiga ku sameynayso wax loogu yeeray “casriyeynta Boqortooyada”, midaasi oo looga gol leeyahay in bulshada caalamka iyo shirkadaha indhahooda loogu soo jeediyo dalkaas.

Go’aanka cusub oo lagu waramayo inay gaareen Golaha Rugta Sacuudiga, ayaa waxa uu soo afjari doona tobanaan sano oo ay ahayd “in dhammaan dukaamada la xiro ugu yaraan nus saac inta lagu jiro salaadda maalinlaha ah ee Muslimiinta”.

“Si looga hortago ciriiriga, isu imaatinka, sugitaanka dheer ee talaabooyinka ka hortaga ah ee lagula dagaallamayo Coronavirus iyo in la ilaaliyo caafimaadka dadka wax iibsanaya, waxaan ka codsaneynaa milkiilayaasha dukaamada iyo ganacsiyada inay furnaadaan dhammaan saacadaha shaqada, oo ay ku jiraan waqtiyada salaadda.”

Xafiiska warbaahinta ee dowlada Sacuudiga ayaa ka gaabsaday in uu ka jawaabo dalab ay u dirtay Wakaalada Reuters, oo la xiriiray go’aanka cusub si looga helo faah-faahin dheeri ah.

Si kastaba, Go’aamada taxanaha ah ee wax looga badalayo Boqortooyada Sacuudiga ayaa la rumeysan yahay inuu ka dambeeyo Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan, oo asagu ah hogaamiyaha dhabta ah ee xiligan xukuma dalkaas.

Dhaxal-Sugaha ayaa kal hore ballan-qaaday wax uu ugu yeeray “Islaam dhex-dhexaad ah”, taasi oo bar bilow u noqotay in gebi ahaanba meesha laga saaro qawaaniintii adkeyd ee bulshada.

Inta uu socday taxanaha wax-ka-badalka shuruucda Sacuudiga, ayaa waxa la ogolaaday xafladaha dadweynaha, ayada oo albaabada loo furay shineemooyinka, ogolaanshaha haweenka inay gawaairada wadaan iyo arrimo kale.

Xildhibaan ka tirsan BF oo sameysay ballan-qaad la xiriira kiiska Ikraan Tahliil Faarax

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka tirsan golaha shacab ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo muddo ka badan labo toddobaad la’layahay, waxayna ballan-qaaday har iyo habeen ka shaqeyn doonto sidii loo soo heli lahaa, nolol ama geeri.

Xildhibaanada ayaa ugu horeyntii sheegtay in ay garab taagan yihiin hooyo Qaali Maxamuud Guhaad iyo qoyska Ikraan oo ka tirsaneyd hay’adda Nabad-sugida ee NISA, ayadoona ballan-qaaday inay ka shaqeyn doonaan sidii loo soo heli lahaa nolol ama geeri mid un.

Waxay nasiib xumo ku tilmaamtay in Ikraan markii u dambeysay laga qafaashay meel u dhow taliska Hay’adda Nabad-sugida, ayada oo lagu kaxeeyay si ka baxsan rabitaankeeda, ka gadaal markii ay raacday gaari la sheegay in hay’adda ay laheyd.

Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo arrintaas kaga hadashay qoraal dheer oo ay soo dhigtay barteeda Facebook, ayaa waxa uu u dhigna sidaan;

Bismillaah. Ugu horreyn, waxaan xannuunka la qeybsanayaa waalidka, walaalaha iyo qoyska walaasheen Ikraan Tahliil Faarax.

Ma jirto ereyo aan ku cabbiri karo sida ay u xannuun badan tahay in gabar 25 jir ah oo waxbaratay oo dalkeeda iyo dadkeeda u shaqeyneysay, qofna aan denbi ka gelin la afduubto mar kaliya.

Weliba meel dhowr tallaabo uun u jirta taliska Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo ahayd halkii laga ilaalin lahaa amniga iyo badqabka muwaadiniinta.

Waxaan garab taagganahay hooyo Qaali Maxamuud Guhaad, abtiyaasheed iyo walaalaha kale oo nala wadaagay xogta maqnaanshaha Ikraan. Aad Ayaan uga xunnahay in anagoo joogna ay waxaas idinku dhacaan.

Dalka wuxuu leeyahay Dastuur si cad u dhowraaya xuquuqda iyo amniga muwaadiniinta. Ka Xildhibaan Golaha Shacabka, ahaan waxaa na saarran mas’uuliyad ilaalinta Dastuurka Dalka. Iyo mataaladda shacabka .

Qodobka 15aad ee Dastuurka wuxuu xarrimayaa waxkasta oo ku xadgudbaaya amniga, sharafka iyo xorriyadda qofeed. Sida muuqata Ikraan Tahliil Faarax waxaa lagu kexeeyay si ka baxsan rabitaankeeda oo u dhiganta “afduub”.

Waxaan har iyo habeen ka shaqeyn doonnaa sidii Ikraan Tahliil Faarax loo soo heli lahaa- nolol ama geeri. Kuwii ka danbeeyay falka lagu “afduubtay”-na loo horkeeni lahaa caddaaladda haddii Alle idmo.

Mustafa Cagjar oo qormo yaab leh ka qoray dagaalka dowladda Itoobiya iyo TPLF

Faallada Mustafa Cagjir hoos ka aqriso.

Dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya wuxuu u dhaxeeyaa argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya, ee uma dhaxeeyo laba deegaan oo dhul isku haysta oo kaliya.

Waxaa argagixisada TPLF u qorshaysan inay dumiso nidaamka hadda jira dibna saameeyn ugu yeelato siyaasada dawlada dhexe si ay mar kale u guumaysato shucuubaha dalka ee Soomaalidu ka mid tahay.

Waxaa ayaamahan baraha bulshada talooyin liita la dhex wareegaya taageerayaasha TPLF oo u badan kuwii shalay kaba-qaadka u ahaa kooxdaas markii ay xasuuqayeen shacabka deegaanka Soomaalida.

Waxa ay rajaynayeen in argagixisadu dumin doonto dawladda dhexe halkaasna ay uga soo bixi doonto fursad kaba-qaadnimo oo ay dadkooda mar kale ku dulleeyaan. Sidii iyagoo maanta xukuumada deegaanka Soomaalida taageerayaal u ah ama ku taageeri xitaa hadday qaadato go’aanada ay leeyihiin hala qaato waxay damaashaadkii ahaa TPLF baa wax jabisay ku badaleen yaan TPLF lala dagaalamin markii ay arkeen in deegaanada ka tirsan jamhuuriyada federalka dalku ay go’aansadeen inay garab istaagaan dawlada dhexe.

Waxaa kale oo iyana shacabka ku abaabulaya in aan la garab istaagin dawlada dhexe garab ka mid ah ururka ONLF oo hoosna shacabka ugu leh yaan dawlada raisal wasaare Dr. Abiy loo birman dhinaca kalana Addis Ababa la fadhiya waan taageersan nahay talaabooyinka dawladda dhexe ay ku difaacayso dalka, taas oo caddeynteeda la soo bandhigi doono.

Haddaba waxay tahay inay ogaadaan dabadhilifka TPLF iyo kuwa fursad siyaasadeed ka raadinaya colaada waqooyiga Itoobiya in buuqoodu uuna saamayn ku yeelan doonin go’aan kasta oo xukuumada deegaanka Soomaalidu kaga jawaabayso xaalada jirta.

Waynu soo marnay magaalo qayrkaa u cay noocan oo kale ah oo loogu hiilinayo kuwii shalay ina gumaadday laguna raadinayo dano siyaasadeed oo lid ku ah masiirka fog ee shacabka DDS.

Markaa, ma haboona in sheeko baraleey talo toolmoon loo ekeeysiiyay lagu dagmo.

W/Q: Mustafa Omar Cagjar
Madaxweynaha Somali State. Ethiopia

Jubaland oo go’aan kasoo saartay doorashada Aqalka Sare iyo xilliga ay qabaneyso

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada heer dowlad goboleed ee Maamulka Jubaland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday iney 25 bishaan qaban karaan doorashada Senatarada Aqalka Sare ku matalaya dowlad goboleedka Jubaland.

Qoraalka ka soo baxay guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Jubaland, oo uu warbaahinta u aqriyey guddoomiyaha guddiga Siyaad Maxamed Mursal ayaa lagu caddeeyay iney diyaar u yihiin qabashada doorashada Aqalka Sare.

Guddiga ayaa Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ka codsaday inay magacabaan guddi kala shaqeeyo sidii loo qaban lahaa doorashada.

Sidoo kale, Guddiga ayaa musharixiinta doonayo inay u tartamaan aqalka sare ka codsaday inay u diyaar garoobaan doorashada.

Halkaan hoose ka akhriso qodobada ay soo saareyn guddiga

1- In guddiga higelinta doorashada heer dowlad Goboleed ee Jubaland uu diyaar u yahay qabashada doorashada Xildhibaanada Aqalka sare mudadii loo qorsheeyey ee aheyd 25 July 2021

2- Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad Goboleed waxay guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ka codsanayaan inay magacaabaan guddi doorasho heer Baarlamaan ee guddiga hirgelinta doorashada kala shaqeeyo qabashada doorashada xubnaha Aqalka Sare

3- Dhammaan musharixiinta doonayo inay u tartamaan kuraasta Aqalka Sare inay isku diyaariyaan doorashada.

4- Guddiga wuxuu ka codsanayaa dowladda Jubbaland inay u diyaar garowdo sugidda Amniga Doorashada

5- Guddiga wuxuu sida ugu dhaqsiyaha badan usoo saari doonaan jadwalka fulinta doorashada Aqalka Sare oo faahfaahsan.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee guddoomiye Maxamed Mursal

Xog: Dowladda oo qaaday tallaabo aargudasho oo ka dhan ah Jeneraal Indha Cade

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiillagu kalsoon yahay, taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa mushaarka ka joojiyay Jeneraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaasad Indha-Cade oo kamid ah xubnihii hogaaminayay ciidankii Badbaado Qaran. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in ugu yaraan 3 bilood uusan wax mushaar ah qaadan Jeneraal Indha-cade iyo ciidanka la socda, waxaana durba billowday kulamo arrintaan ku saabsan. 

Ilo wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u sheegay in sababta Jenaraal Indha-cade iyo ciidankiisa musshaarka looga joojiyay ay la xariirto diidmadii muddo korarsiga, waxaana sidoo kale mushaarka laga joojiyay ciidamo badan oo ka tirsan ilaalada Jeneraalka iyo ciidan ka tirsanaa militariga balse markii ay xiisadda billaabatay kusoo biiray ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Arrintaan ayaa dhaawaceysa heshiiskii ay gaareen guddi ka socday ciidamadii Badbaado Qaran iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo dhigayey inaan laga aargudan karin ciidankii diiday muddo kororsiga.

Ciidamadii diidanaa muddo korarsiga kama wada sinna mushaar joojinta, hase waxaa laga joojiyay qeyb yar oo ciidankaas ka tirsan, kuwaasoo markii hore qaadan jiray. 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la filayo inuu ilaaliyo dhinaca dowladda ee heshiiska ayaa u muuqda inuu ku guul-darreystay, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan in awoodda uu ku dhex leeyahay dowladda ay ka yar tahay sida loo maleeeyo, islamarkaana go’aanada badankood ay ka go’aan Farmaajo.

Sanbaloolshe oo bixiyey xog aan horey loo ogeyn oo ku saaban kiiska Ikraan Tahliil

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Nabad-sugida, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo wareysi siiyey idaacada VOA-da ayaa ka hadlay kiiska Ikraan Dr. Tahliil Faarax oo la’layahay muddo ku siman 18-maalmood.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in Ikraan Tahliil ay kusoo biirtay NISA xiligii uu madaxda ka ahaa, oo asaga uu gacantiisa ku qoray, islamarkaana ay aheyd xubin fir-fircoon oo ka tirsan hay’addaas.

Waxa uu sheegay in tuhunka maqnaanshaha Ikraan marka uu dhinac kasta ka eegay uu ku aroorayo hay’adda Nabad-sugida ee NISA, oo ay ka tirsaneyd howl-wadeenadeeda.

“Haddii aan arrintaan kor ka eegay oo aan hoos ka eegay, tuhunka maqnaanshaha gabadhaan waxay ku arooraysa hay’adda NISA, haddii aysan jirin qof dambiga qiranaya ama lagu haayo, waxaa abuuraya shakiyo, oo ah meesha uu dambiga ka dhacay iyo dadkey la shaqeynaysay,” ayuu yiri.

“Dad badan ayaa wareystay, si qaas ah ayaa u daba joogay kiiskaan, waxay dhex deganeyd gabadhu meel amaan ah oo la ilaaliyo, meeshey dhex deganeyd ama u dhaweyd waxay aheyd hay’adda Nabad-sugida, dhaq-dhaqaaq kasta iyo cid kasta oo meeshaas soo galeysa iyo cidkasta oo kasoo baxeysa si toos ah ayaa loo arki karaa ama CC-Camera ayaa laga arki karaa.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inay suurta-gal tahay inay dhibane u tahay arrin ay ogtahay oo aysan rabin saraakiisha iyo madaxda dowladda in la ogaado, lana rabo in gebi ahaanba la tir-tiro.

“Dowladda ayaa la rabaa inay gabadhan nolol iyo geeri ku sheegto.. waxaa jira tuhun fara badan oo in Kiiskan Hey’adda Nabadsugida ku lug leeyihiin iyo dareen xooggan ah ayaa jira. Arrimo xasaasi ama xog xasaasi ah, waxaa laga yaabaa wax ay ogtahay inay dhibanne u tahay.. Database ciidamada Eritrea loo qaaday ayey heysay.. Waxaas oo dhan baaritaannada ayey kasoo bixi doontaa,” ayuu yiri Sanbaloolshe oo farta ku fiiqay Hay’adda NISA.

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday dowladda in meel ay ku sheegto gabadhaan nolol iyo geeri, isagoona ku gaabsaday inay ka hordhaceyn kiiskaas.

Saddex ka mid ah maamul goboleedyada Ethiopia oo ku biiray dagaalka TIGRAY

Addis Ababa (Caasimada Online) – Saddex ka mid ah maamul goboleedyada Ethiopia ayaa Khamiistii ku dhowaaqay inay ciidamo dirayaan si ay uga qeyb-galaan howlgalka gobolka Tigray, taasi oo muujineysa in dagaalka uu weji cusub yeeshay. 

Ciidamada ayaa ka imanaya mamaul goboleedyada Oromia, Sidama iyo SNNP, sida lagu sheegay bayaan ay baahisay warbaahinta dowladda.

Duulaanka ay qorsheynayaan saddexda maamul ayaa yimid kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu sheegay in ciidamadiisa ay iska caabin doonaan weerarada uga imanaya cadowgooda.

“Ciidamada gaarka ah ee maamullada SNNP, Oromia iyo Sidama waxay u dhaqaaqeen jiidda hore ee dagaalka, si gaar ahna ciidamada Sidama waa ay gaareen furinta hore,” waxaa sidaas lagu yiri warbixin ay baahisay warbaahinta dowladda ee Fana. 

Ciidamada Tigray ayaa toddobaadkan billaabay weerar cusub oo la doonayo in ciidamada qowmiyadda Amxaarada looga saaro dhul lagu muransan yahay oo ku yaalla galbeedka iyo koonfurta gobolka Tigray.

Ayaga oo ka jawaabaya, ayaa ciidamada iyo maleeshiyada Amxaarada waxay isu abaabuleen si xooggan, waxaana afhayeen u hadlay Gizachew Muluneh uu Arbacadii sheegay in ciidankooda ay difaaca ka baxeen oo ay weerar qaadayaan.

Weriye ka tirsan AFP oo booqday magaalada Adi Arkay, ee ku dhow xuduudda gobollada Tigray iyo Amxaara, ayaa sheegay inuu arkay kumanaan askari oo halkaas ku sugan oo sugaya amar ay ku dagaal galaan.

Saraakiisha Amxaarada ayaa sheegay inay ka cabsanayaan in ciidamada Tigray-ga ay doonayaan inay usoo siqaan koonfurta oo ay qabsadaan magaalada Addis-Ababa, si ay dowladda u ridaan.

Madaxweynaha gobolka Oromia Shimeles Abdisa ayaa shir jaraa’id ku sheegay in hoggaamiyeyaasha Tigary ay doonayaan inay dalka oo dhan “xasillooni darro ka abuuraan.”

Dagaalka ayaa hadda laga cabsi qabaa inuu noqdo mid sidii hore ka xooggan oo lagu hoobto, kuna saleysan qowmiyad. 

Wararkii ugu dambeeyey ee qarax Ismiidaamin oo lagu weeraray ciidanka dowladda

Bacaadweyn (Caasimada Online) – Gaari walxaha qarxa lagu soo raray ayaa lagu weeraray Bar kontorool oo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin Deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Qaraxa ayaa dhaliyay Khasaare Dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta la xaqiijiyey dhintay hal Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda halka ay dhaawacmeyn illaa 6 kale.

Sida ay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online, ciidamada Dowladda ayaa fashiliyey qaraxa gaariga, waxaana u suurta gashay inay toogtaan darawalka gaariga sidaasna waxaa markii dambe ku qarxay gaariga.

Dhaawacyada askarta oo ahaa kuwa fudud ayaa waxaa lagu daaweynayaa magaalada Wasil ee Gobolka Mudug oo qiyaastii 30km u jirto degmada Bacaadweyn.

Laamaha ammaanka Deegaanka Bacaadweyne ayaa bilaabay howlgallo ay ku xog ogaanayaan Qaraxa Ismiidaaminta ah ee ka dhacay Deegaanka iyo sidii ay u ogaan lahaayeen waxyeelada uu geystay.

Gobolka Mudug waxaa ka taagan saan-saan dagaal & dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda oo ay wadaan Ciidamada Dowladda Federaalka si gaar ah kuwa gaarka u tababaran ee DANAB, Militariga qaybta 21-aad iyo Ciidanka Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya kuwo deegaanka ah oo isku dhinac ah & Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ah ayaa waxay hadda ku sugan yihiin deegaanka Bacaadweyn, waxayna kaga yimaadeen ilaa afar jiho halka ciidamadii Al-Shabaab ay isaga baxeyn deegaanka.

Xog: R/W Rooble iyo madax goboleedyada oo damacsan qorshe muran abuuri kara

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah qodobada ugu adag ee la doonayo in laga beddelo heshiiska doorashada ayaa la kulmay caqabad xooggan oo kaga timid dhanka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasi oo fashilisay isku dayo ay wadeen qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Hase yeeshee, dhinacyadan ayaa hadda dejiyey qorshe yaab leh, oo qodobkan wax looga beddelayo, ayada oo ay ku adkaan doonto Farmaajo inuu is-hortaago, halka sidoo kalena la rumeysan yahay in wax ka beddelkan ay si hoose u taageereyso beesha caalamka. 

Qodobkan ayaa ah midka la xiriira deegaan doorashada, waxaana socda dadaallo la doonayo in lagu soo koobo hal magaalo maamul goboleedkiiba, halka iminka qorshuhu yahay in doorashooyinka ay ka dhacaan laba magaalo halkii maamul goboleed.

In doorashada lagu qabto laba magaalo ayaa wajaheysa caqabado farsamo, kuwa amni iyo mid dhaqaale iyo xiisado u dhaxeeya qaar ka mid ah maamul goboleedyada iyo beelaha dega magaalooyinka la qorsheynayo in doorashada ay ka dhacdo.

Illaaa saddex magaalo oo ka mid ah deegaan doorashada ayey adag tahay in doorasho laga qabto, waxayna kala yihiin Beledweyne, Garbahaarey iyo Baraawe.

Madaxweynayaasha Jubaland iyo HirShabeelle Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe ayaan maamulladooda laga taageersaneyn Gedo iyo Hiiraan, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda, taasi oo adkeyneysa inay doorasho ku qabtaan Gabahaarey iyo Beledweyne.

Sidoo kale, Al-Shabaab ayaa aad ugu xooggan deegaano ku dhow magaalada Baraawe, waxaana magaalada ku sugan ciidamo aan badneyn oo isugu jira Soomaali iyo Amisom, oo ay adkaan doonto inay Shabaabka iska caabiyaan haddii weerar culus uu kaga yimaado, taasi oo adkeyneysa in maamulka Koonfur Galbeed uu doorasho ku qabto magaalada.

Beesha caalamka ayaa si gaar ah uga walaacsan inay doorasho ka dhici karto magaalada Baraawe, ayada oo xubno ka tirsan beesha caalamka ay qabaan inay halis amni oo xooggan ka iman karto haddii doorasho halkaas lagu qabto.

Ka sokow, caqabadaha sida gaarka ah uga jira Beledweyne, Garbaahrey, iyo Baraawe, waxaa jirta caqabad wada haysata dhammaan maamul goboleedyada, oo dhanka dhaqaalaha taasi oo adkeyneysa in laba magaalo ay doorasho ku qabtaan.

Beesha caalamka ayaa weli diidan inay bixiso lacagta ku baxeysa doorashada oo dhan tahay $40 Milyan oo Dollar.

Lacagtaas saami ahaan dowladda Soomaaliya ayaa ka bixineyso $4 Milyan oo dollar, halka Beesha Caalamka laga doonayo inay bixiso $36 Milyan.

Dhammaan arrimahan oo la isku geeyey ayaa adkeeyey in laba magaalo doorasho lagu qabto, waxaana Rooble iyo madax goboleedyada ay isku raaceen in hal magaalo lagu soo koobo doorashada.

Si kastaba, Madaxweyne Farmaajo oo weli awood ku leh siyaasadda dalka ayaan marnaba aqbali doonin in hal magaalo lagu soo koobo doorashada, taasi oo meesha ka saareysa doorashada Garbahaarey, oo uu aad isugu haleynayo 16-ka kursi ee halkaas yaalla.

Sida aan xogta ku helnay, si arrintan looga gudbo maamul goboleedyada iyo Rooble ayaa dejiyey qorshe ah in marka ay billaabato doorashada Aqalka Sare oo la doorto xildhibaanka ugu horreeyey ay kulan isugu yimaadaan, kuna dhowaaqaan inay kusoo koobayaan doorashada hal magaalo.

Arrintan ayey rumeysan yihiin inay Farmaajo ku adkeyn doonto inuu is-hortaago, mar haddii doorashada la guda galay.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Rooble ayaa qorsheynaya in inta laga gaarayo muddadaas uu booqdo dhammaan magaalooyinka ay doorashada ka dhaceyso, kadibna soo saaro warbixin uu ku sheegay in magaalooyinka qaar aysan doorasho ka dhici karin.

Lubnaan oo qarka u saaran burbur iyo dowlad la’aan

Beirut (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii Lubnaan Saad Hariri ayaa iska casilay xilkiisii, kaddib markii sida uu sheegay uu ku fashilmay dadaalladii uu ku soo dhisi lahaa xukuumad lagu wada qanacsanyahay ee badbadisa dalkaas.

Hariri ayaa ku dhawaaqay go’aankiisa kaddib markii uu la kulmay madaxweyne Michel Aoun, isagoo sheegay in ay caddahay in aysan heshiin karin, isla markaana hoosta ka xarriiqay isqabqabsiga siyaasadeed ee hor istaagay dhismaha golaha wasiirada, xilli Lubnaan ay ku sii dhaceyso qalelaase baaxad leh.

Hariri, oo saddex goor oo hore Ra’isul Wasaare ka soo noqday Lubnaan ayaa ah siyaasi Sunni ah oo hogaamiya Sunniyiinta Lubnaan, waxaana xilka loo magacaabay bishii Oktober ee sanadkii hore, kaddib markii uu iscasilay Ra’iisul Wasaare Xasan Diab, kaddib qaraxii ka dhacay dekedda Beirut oo ay ku dhinteen dad ka badan 200 oo qofood.

“Waxaan ka cudurdaartay inaan dhiso dowladda,” ayuu yiri Hariri kaddib kulan qaatay 20 daqiiqo oo uu la yeeshay madaxweyne Michel Aoun.

Hariri ayaa ahaa Ra’isul Wasaaare magacaaban, waxaana isaga iyo madaxweyne Aoun ay si kala gooni ah u sheegeen inay la tashiyo u aadi doonaan xulifadooda siyaasadeed ee gudaha iyo dibadda.

Dibadbaxayaal ayaa xiray qaar ka mid ah waddooyinka u dhow meelaha ay ku badan yihiin Sunniyiinta ee magaalada Beirut kaddib markii uu Hariri iscasilaaddiisa ku dhawaaqay Khamiistii, iyagoo dab qabadsiiyay qashin iyo taayirro. Ciidamada militariga ayaa la geeyay goobahaas, iyagoo hawada u ridaya rasaas, si ay u kala eryayeen dibadbaxayaasha oo askarta ku soo riday gantaallo, waxaana ku dhaawacmay hal askari, sida laga soo xigtay ilo amni.

Wasiirka Arimaha Dibadda Faransiiska Jean-Yves Le Drian, oo dalkiisu gumeystay Lubnaan mudo 25 sano ah ayaa ku tilmaamay ku guuldareysiga dhisidda dowlad cusub “dhacdo kale oo aad u xun” taas oo muujineysa “karti la’aanta madaxda Lubnaan inay xal u helaan dhibaatada ay abuureen.”

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa isna iscasilaadda Hariri ugu yeeray “Niyadjab ku soo kordhay dadka reer Lubnaan.”

Dhaqaalaha Lubnaan ayaa burburay intii uu socday khilaafka siyaasiyiinta dadlkaas, iyadoo sare u kaca maciishadda iyo shaqa la’aantuna ay sababtay saboolnimo baahsan.

Reuters + AFP + VOA

Maxay ka wada hadleyn R/W Rooble iyo Amiirka Qatar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isulwasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Amiirka dalka Qatar Sheikh Khaalid Bin Khalifa Bin Cabdilcaziz Aala Taani ayaa xalay yeeshay wadahadal dhanka teleefoonka.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo dhiggiisa Dalka Qatar Sheikh Khaalid Bin Khalifa Bin Cabdilcaziz Aala Taani, oo khadka telefoonka ku wada xiriiray ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah” ayaa lagu qoraalka.

Dhanka kale, warar hoose ayaa sheegaya in labada Ra’iisul Wasaare ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo ay Qatar doonayso in ay saameyn ku yeelato.

Dowladda Qatar ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey saameyn xoog leh ku laheyd doorashada Soomaaliya, waxayna afartii sano ee lasoo dhaafay taageero siineysay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa muddooyinkii ugu dambeeyey jiray hadal heyn ku aadan in dowladda Qatar ay ka fakareyso sii wadista taageerada madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhawaan ayey aheyd markii Agaasimaha hey’adda nabadsugidda Qaranka Fahad Yaasiin uu safar ku tagay dalka Qatar, isagoo Amiirka kala soo hadlay sidii uu usii wadi lahaa taageerada uu siiyo madaxweyne Farmaajo maadaama hadda lagu jiro xilli doorasho loona baahan yahay lacag xoog leh.

XOG: Xiisadda FILISH iyo Caanaboore oo weli taagan, lana gaarsiiyey Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee dhinaca maaliyada ee maamulka gobalka Banaadir Cabduqaadir Maxamed Maxamuud “Caanaboore” ayaa la sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u gudbiyay cabasho ka dhan ah guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in guddoomiye Caanaboore uu Madaxweyne Farmaajo u sheegay in uusan la shaqeyn karin guddoomiyaha gobalka Banaadir islamarkaana ay istaageen dhammaan shaqooyinkii gobalka Banaadir kadib khilaaf dhaxdooda ragaadiyay. 

Ilaa hadda lama bixin mushaarka qeyb kamid ah shaqaalaha gobalka Banaadir, kaas oo ahaa mushaaraadka bilihii May iyo Juun, waxaana sidoo kale ilaa hadda aan wax lacag ah laga soo bixin akoonka dowladda hoose iyadoo uu wali taagan yahay khilaafka labada mas’uul oo sii xoogeystay. 

“Guddoomiye Caanaboore waxa uu Madaxweynaha u sheegay in uusan la shaqeyn karin Cumar Filish sidaas darteed waxa uu ka codsaday in labadooda midkood xilka laga qaado,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska guddoomiyaha maaliyada ee maamulka gobalka Banaadir. 

Khilaafka labadaan mas’uul oo taagan muddo bilooyin ah ayaa curyaamiyay dhamaan shaqooyinkii gobalka Banaadir, waxa uuna salka ku haayaa arrimo dhinaca maaliyada ah. 

Xarumo ay ku sugnaayen kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo la bur-buriyey

Garoowe (Caasimada Online) – Xarumo dhowr ah oo ay deeganada Puntland kaga sugnaayeen kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa gebi ahaanba la bur-buriyey, kadib howl-galo ay fuliyeen ciidamada Puntland, sida uu sheegay Wasiirka Amniga maamulkaas.

Cabdisamad Maxamed Gallan, Wasiirka Amniga Puntland oo faah-faahin kooban ka bixiyey howl-galo ay dhulka Buuraleyda ah ee gobolka Bari ka sameeyen ciidamada gaarka ah ee Puntland ayaa sheegay in lagu jabiyey argagixisada.

Waxa uu sheegay in howl-galadaas cagta lagu mariyey inta badan dhulka Buuraleyda ah ee dhow Boosaaso sida; Sugul, Ceel-gobaad, Dhashaabo, Majiyahan, Maraje, Ceel-dibir iyo degaano kale.

Gallan ayaa waxa kale oo uu sheegay in ciidamada ay bur-buriyeen xarumihii ay ku sugnaayeen Al-Shabaab ee deeganadaas, ayada oo ay kaga qabsadeen Saanad ciidan oo iskugu jirtay Hub iyo Agab kale.

Sidoo kale waxa uu sheegay Wasiirka in wajigii labaad ee howl-galadaas oo ayaguna ka dhan ahaa Daacish laga fuliyay degaannada, Balli-dhidin, Tuulo-Ciise, Kaneecaleey, Dhabanacaddo, Dabdheero, Ceel Ileed iyo deegaano kale.

Howl-gallada ciidamada maamulka Puntland ayaa kusoo aadaya xili ay dagaal adag kula jiro maamulku kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish-ta ka howl-gasha Soomaaliya, kuwaasi oo qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka fuliya maamulkaas.

Daawo: Muuse Suudi oo ka digay arrin Farmaajo sameyn karo doorashada kadib

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo uu sheegay in si fudud uusan uga baxeyn Villa Somalia.

Senator Suudi ayaa sheegay in Farmaajo uu sharci darro ku jooga Villa Somalia, isagoona ka dalbaday ra’iisal wasaaraha in uu amar ka qaadan madaxweyne aan sharciyad laheyn.

“Ra’iisal wasaaraha waxaa ka codsaneyna Nuur Cadde oo kale ha noqdo, sharafta ha la jiro, cidkasta isaga ayey ka amar qaadane, wax sharci ku jooga asaga ayaa ka jira, Nin aan sharci ku joogin (Farmaajo) ayuu amar ka qaadan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay Senator-ka in halgankii ka dhanka ahaa muddo kororsiga Farmaajo ee Ciidamada Bad-Baado Qaran ka sameeyen dalka uusan weli dhameystirneen inta uu madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday uu dhex fadhiyo Villa Somalia.

“Asaga oo aan bixin abaalmarin ma jirto, waa isa-sii diyaar-gareyn, dad lagu xad-gudbi maayo. Waxa la iskugu imid in looga mahad-celiyo nabad-galyada ay kusoo galeen baladka ee ay uga baxeen ee looga mahad-celin maayo shaqadii oo gaba-gabo ah wiilasha iyo madaxdoodii.”

Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeyay inuusan faarujin doonin Villa Somalia, xataa haddii lagaga guuleysto doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

“Farmaajo meel walbo isaga oo ku dhagan ayaa laga fujinayay qaar waa lagu feeraaye qaar waa lagu xiraaye ,haddana hadii cod looga raayo in xoog looga baxsho maahee iska bax kuma baxaayo.”

Dhageyso: Xog cusub oo laga helay arrinta Ikraan Tahliil iyo ‘waxa ay sababsatay’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ikraan Tahliil Faarax oo ah gabar 23 sano jir ah, kana howl-gali jirtay Hay’adda NISA oo muddo ka badan labo toddobaad ah aan nolol iyo geeri midna lagu hayn ayaa waxaa loo haysta NISA.

Taliye ku-xigeenkii hore ee Hay’adda NISA, Cabdisalaan Guuleed oo wareysi siiyey idaacada VOA-da oo ka hadlay kiiska Ikraan ayaa sii xoojiyey shakiga laga qabo in Ikraan ay ku maqan tahay hay’adda NISA.

“Dowladdii Soomaaliya wey aamusan tahay, meeshii ay aheyd in dowladda ay qeylo dhaamiso oo Nabad-sugida ay warqad soo saarto oo ay dhahdo qofkaas ayaa naga maqan, sababtaas waxay keenaysa shakiga u weyn ee la qabi karo in Nabad-sugida ay gacanteeda ku maqan tahay, ha noolaato ama ha dhimato,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu jiro tuhun ah in Ikraan loo qafaashay inay kamid aheyd shaqsiyaad hayey xogta dhalinyaradii loo qaaday dalka Eritrea, taasi oo muddooyinkii dambe xiisad hor leh ka taagneyd, islamarkaana ay cadaadis xoog leh ku wajaheysa dowladda iyo NISA.

“Haddey dadkii file-shaas hayey ay kamid aheyd waxaa soo baxeysa sabab aad u weyn oo ah in dowladda ay dooneyso inay baabi’iso raadkas, qof kasta oo ku lug lahaana (wax ka ogaa) uu ka baxo hawada.”

Sidoo kale, Taliyihii hore ee Nabad-sugida, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo wareysi siiyey idaacada VOA-da ayaa sheegay in gabadhan laga yaabo inay halis u gashay kiiska dhallinyarada la geeyey Eritrea.

“Dowladda ayaa la rabaa inay gabadhan nolol iyo geeri ku sheegto.. waxaa jira tuhun fara badan oo in Kiiskan Hey’adda Nabadsugida ku lug leeyihiin iyo dareen xooggan ah ayaa jira. Arrimo xasaasi ama xog xasaasi ah, waxaa laga yaabaa wax ay ogtahay inay dhibanne u tahay.. Database ciidamada Eritrea loo qaaday ayey heysay.. Waxaas oo dhan baaritaannada ayey kasoo bixi doontaa,” ayuu yiri Sanbaloolshe oo farta ku fiiqay Hay’adda NISA.

Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa kal hore sheegtay in gabadheeda Ikraan Dr. Tahliil Faarax muddo la la’yahay ayna ku tuhemyso hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA.

Hooyo Qaali oo maalmo ka hor warbaahinta kula hadashay Muqdisho, ayaa sheegtay in gabadheeda ay kal hore ka shaqeyneysay xafiiskii allaha ha u naxariistee Injineer Yariisow, islamarkaana ay xilli habeen ah raacday gaari u diiwaan-gashan dowladda oo la yaqaan, gaar ahaan hay’adda NISA.

Baabuurka gabadha qaaday ayey sheegtay inuu xilli habeen ah, abaare 8-dii, 26-kii June uu ugu yimid gurigeeda, kadibna Ikraan ay qaadatay Laptop ay ku shaqeyneysay.

“Baabuurka wuxuu kasoo galay KM0 iyo Hotel Global dhexdooda, oo ah halka aan degannahay. Intaas dhexdeeda baabuur soo galay waa baabuur la yaqaan, waa baabuur amni ah, waa baabuur gacanka uu soo daayey,” ayey tiri hooyo Qaali.

Waxaa si weyn isu-soo taraya cabsida laga qabo in Ikraan Dr. Tahliil Faarax la dilay, isla habeenkii ay raacday baabuurka ka diiwaan-gashan NISA oo xiligaas la rumeysan yahay in looga yeeray xarunta.

Hoos ka dhageyso warbixin ay VOA ka diyaarisay arrinta Ikraan.

Muhaajiriin ay Soomaali ku jiraan oo lagu qasbay inay galmo ku beddeshaan biyo

Tripoli (Caasimada Online) – Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa maanta sheegtay in muhaajiriin ay Soomaali ka mid yihiin oo ku jira xerooyinka xabsiyada ah ee Libya lagula kaco xadgudubyo galmo oo aad u xun oo ay geystaan ilaalada. 

Warbixin ay hay’adda soo saartay ayaa lagu sheegay in xadgudubyada dadkaas loo geysto ay ka mid yihiin in biyaha nadiifka ah oo ay cabaan iyo cunada looga beddesho galmo lagu sameeyo. 

Warbixinta ayaa diiradda saartay muhaajiriinta laga qabtay badda meditareeniyaanka 2020 iyo 2021 kadibna lagu celiyey Libya, ayada oo la geeyo xerooyin ay xaaladdooda aad u xun tahay.

Ilaadada xerada waxy yiraahdeen “waxaad dooneysaa biyo nadiif soo maaha iyo sariir, aan kula sameeyo galmo kadib xor ayaan kaa dhigayaa,” haweeney ayaa sidaas u sheegtay Amnesty, taasi oo ka mid ah dhowr gabdhood oo sheegay in ilaalada ay kufsadeen ama ay ku qasbeen galmo, si loo siiyo biyo nadiif ah ama la sii daayo. 

Xogtan ayaa lagu ogaaday wareysi lala yeeshay 53 qaxooti iyo muhaajiriin ah ah oo ay da’doodu u dhaxeyso 14 illaa 50, kuwaas oo ka kala yimid dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Nigeria iyo Syria.

Qaar ka mid ah haween uur leh oo xerada ku jira ayaa Amnesty u sheegay in si joogto ah ay u kufsadeen ilaalada, halka raggana lagu qasbay inay xirtaan kaliya nigis ama kastuumo, si loo bahdilo.

Warbixintan ku saabsan xaaladda ka baxsan bani’aadannimada ee ka jirta Libya ayaa daba socota warbixino kasoo baxayey dalkaas tan iyo 2017, oo ku saabsan garaac, jirdil iyo nadaafad darro lagula kaco muhaajiriinta.

Ciidamada ilaalada xeebaha Libya, oo uu maal-geliyo Midowga Yurub ayaa badda ka qabtay kuna celiyey Libya qiyaastii 15,000 oo muhaajiriin ah, lixdii bilood ee ugu horreeyey sanadkan, sida ay sheegtay Amnesty.