26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Dhageyso: Xog cusub oo laga helay arrinta Ikraan Tahliil iyo ‘waxa ay sababsatay’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ikraan Tahliil Faarax oo ah gabar 23 sano jir ah, kana howl-gali jirtay Hay’adda NISA oo muddo ka badan labo toddobaad ah aan nolol iyo geeri midna lagu hayn ayaa waxaa loo haysta NISA.

Taliye ku-xigeenkii hore ee Hay’adda NISA, Cabdisalaan Guuleed oo wareysi siiyey idaacada VOA-da oo ka hadlay kiiska Ikraan ayaa sii xoojiyey shakiga laga qabo in Ikraan ay ku maqan tahay hay’adda NISA.

“Dowladdii Soomaaliya wey aamusan tahay, meeshii ay aheyd in dowladda ay qeylo dhaamiso oo Nabad-sugida ay warqad soo saarto oo ay dhahdo qofkaas ayaa naga maqan, sababtaas waxay keenaysa shakiga u weyn ee la qabi karo in Nabad-sugida ay gacanteeda ku maqan tahay, ha noolaato ama ha dhimato,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu jiro tuhun ah in Ikraan loo qafaashay inay kamid aheyd shaqsiyaad hayey xogta dhalinyaradii loo qaaday dalka Eritrea, taasi oo muddooyinkii dambe xiisad hor leh ka taagneyd, islamarkaana ay cadaadis xoog leh ku wajaheysa dowladda iyo NISA.

“Haddey dadkii file-shaas hayey ay kamid aheyd waxaa soo baxeysa sabab aad u weyn oo ah in dowladda ay dooneyso inay baabi’iso raadkas, qof kasta oo ku lug lahaana (wax ka ogaa) uu ka baxo hawada.”

Sidoo kale, Taliyihii hore ee Nabad-sugida, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo wareysi siiyey idaacada VOA-da ayaa sheegay in gabadhan laga yaabo inay halis u gashay kiiska dhallinyarada la geeyey Eritrea.

“Dowladda ayaa la rabaa inay gabadhan nolol iyo geeri ku sheegto.. waxaa jira tuhun fara badan oo in Kiiskan Hey’adda Nabadsugida ku lug leeyihiin iyo dareen xooggan ah ayaa jira. Arrimo xasaasi ama xog xasaasi ah, waxaa laga yaabaa wax ay ogtahay inay dhibanne u tahay.. Database ciidamada Eritrea loo qaaday ayey heysay.. Waxaas oo dhan baaritaannada ayey kasoo bixi doontaa,” ayuu yiri Sanbaloolshe oo farta ku fiiqay Hay’adda NISA.

Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa kal hore sheegtay in gabadheeda Ikraan Dr. Tahliil Faarax muddo la la’yahay ayna ku tuhemyso hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA.

Hooyo Qaali oo maalmo ka hor warbaahinta kula hadashay Muqdisho, ayaa sheegtay in gabadheeda ay kal hore ka shaqeyneysay xafiiskii allaha ha u naxariistee Injineer Yariisow, islamarkaana ay xilli habeen ah raacday gaari u diiwaan-gashan dowladda oo la yaqaan, gaar ahaan hay’adda NISA.

Baabuurka gabadha qaaday ayey sheegtay inuu xilli habeen ah, abaare 8-dii, 26-kii June uu ugu yimid gurigeeda, kadibna Ikraan ay qaadatay Laptop ay ku shaqeyneysay.

“Baabuurka wuxuu kasoo galay KM0 iyo Hotel Global dhexdooda, oo ah halka aan degannahay. Intaas dhexdeeda baabuur soo galay waa baabuur la yaqaan, waa baabuur amni ah, waa baabuur gacanka uu soo daayey,” ayey tiri hooyo Qaali.

Waxaa si weyn isu-soo taraya cabsida laga qabo in Ikraan Dr. Tahliil Faarax la dilay, isla habeenkii ay raacday baabuurka ka diiwaan-gashan NISA oo xiligaas la rumeysan yahay in looga yeeray xarunta.

Hoos ka dhageyso warbixin ay VOA ka diyaarisay arrinta Ikraan.

Muhaajiriin ay Soomaali ku jiraan oo lagu qasbay inay galmo ku beddeshaan biyo

Tripoli (Caasimada Online) – Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa maanta sheegtay in muhaajiriin ay Soomaali ka mid yihiin oo ku jira xerooyinka xabsiyada ah ee Libya lagula kaco xadgudubyo galmo oo aad u xun oo ay geystaan ilaalada. 

Warbixin ay hay’adda soo saartay ayaa lagu sheegay in xadgudubyada dadkaas loo geysto ay ka mid yihiin in biyaha nadiifka ah oo ay cabaan iyo cunada looga beddesho galmo lagu sameeyo. 

Warbixinta ayaa diiradda saartay muhaajiriinta laga qabtay badda meditareeniyaanka 2020 iyo 2021 kadibna lagu celiyey Libya, ayada oo la geeyo xerooyin ay xaaladdooda aad u xun tahay.

Ilaadada xerada waxy yiraahdeen “waxaad dooneysaa biyo nadiif soo maaha iyo sariir, aan kula sameeyo galmo kadib xor ayaan kaa dhigayaa,” haweeney ayaa sidaas u sheegtay Amnesty, taasi oo ka mid ah dhowr gabdhood oo sheegay in ilaalada ay kufsadeen ama ay ku qasbeen galmo, si loo siiyo biyo nadiif ah ama la sii daayo. 

Xogtan ayaa lagu ogaaday wareysi lala yeeshay 53 qaxooti iyo muhaajiriin ah ah oo ay da’doodu u dhaxeyso 14 illaa 50, kuwaas oo ka kala yimid dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Nigeria iyo Syria.

Qaar ka mid ah haween uur leh oo xerada ku jira ayaa Amnesty u sheegay in si joogto ah ay u kufsadeen ilaalada, halka raggana lagu qasbay inay xirtaan kaliya nigis ama kastuumo, si loo bahdilo.

Warbixintan ku saabsan xaaladda ka baxsan bani’aadannimada ee ka jirta Libya ayaa daba socota warbixino kasoo baxayey dalkaas tan iyo 2017, oo ku saabsan garaac, jirdil iyo nadaafad darro lagula kaco muhaajiriinta.

Ciidamada ilaalada xeebaha Libya, oo uu maal-geliyo Midowga Yurub ayaa badda ka qabtay kuna celiyey Libya qiyaastii 15,000 oo muhaajiriin ah, lixdii bilood ee ugu horreeyey sanadkan, sida ay sheegtay Amnesty.   

Madaxweyne Farmaajo oo farriin cajiib ah u diray Erdogan iyo shacabka Turkey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan iyo shacab weynaha dalkaas.

Farmaajo ayaa Erdogan iyo Shacabkiisa ugu hambalyeeyey xuska maalinta qaran ee Midnimada iyo Dimuqraadiyadda Turkiga, taasi oo ku aadan maanta oo ku taariikheysan 15-ka bisha July.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Dhiggiisa Dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan, Shacabka iyo Xukuumadda Dalkaas Xuska Maalinta Qaran ee Midnimada iyo Dimuqraadiyadda Turkiga oo ku beegan 15-ka Luuliyo,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta twitter-ka ee Villa Somalia.

Farmaajo ayaa ku bogaadiyey shacabka aan walaalaha nahay ee Turkiga sida naf-hurnimada leh ee ay uga hor-tageen isku daygii lagu majaxaabin  lahaa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalkaas, waxa uuna tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay mar walba garab taagan yihiin xasilloonida iyo horumarka walaalahooda Jamhuuriyadda Turkiga.

“Dowladda iyo shacabka aan walaaha nahay ee Turkiga waxa aan idiinku hambalyeynayaa Xuska Maalinta Qaran ee Midnimadada iyo Dimuqraadiyadda oo ah maalin ku suntan midnimo, wadajir iyo naf hur, taasoo aad iska difaacdeen  in talada Qarankiinna la idinka faramaroojiyo.”

Farmaajo oo muujiyey sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliya xoojinta iskaashiga iyo Xiriirka miro-dhalka ah ee ka dhexeeya labada dal ayaa u rajeeyey Dowladda iyo Shacabka aan walaalaha nahay ee Turkiga nabad, xasillooni iyo horumar waara.

Maanta oo kale, July 15-keeda, waxaa 5-sano laga jooga afgambigii dhicisoobey ee Turkiga, kolkaas oo koox ka tirsan askarta dalkaaasi ay isku dayeen afgambi dhicisoobay, kaasi oo ahaa afgambigii 7-aad ee ka dhaca dalkaasi.

Afgambiga dhicisoobey oo ay ka dambeeyeen sida la sheegay saraakiil daacad u ahaa dhaq-dhaqaaqa Gülen oo 2014-kii lagu daray liiska argigixisada, ayaa waxa xiligaas ku dhintay 250 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 2,000.

Dadweynaha Turkiga ayaa si weyn uga horyimid afgambigaas, midaasi oo dalka ka bad-baadisay shirqool halis ahaa, waxayna maalintaas noqotay mid taariikhi ah oo ay xusaan dowladda iyo shacabka Turkiga.

Marjaca go’aanada la xiriira doorashada dalka oo lagu wareejiyey maxkamada sare

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf Axmed ayaa markii u horeysay shaaciyey in Maxkamadda Sare ay tahay marjaca u dambeeya ee ka go’aan gaari kara doorashada.

Baashe oo hadal ka jeedinayey shirka Madasha Garsooreyaasha oo ah madal saddex biloodle ah oo ay Garsooreyaashu ku kulmaan, ayaa si cad u sheegay in cabasho kasta oo ka timaada doorashooyinka dalka ay dacwadeeda qaadeyso Maxkamadda Sare ee dalka.

Waxa uu sheegay in go’aan kasta oo ay gaaran Gudiyada doorashooyinka uu yahay mid maamul, oo aan lagu qasbaneyn in la raaco, islamarkaana aysan ka garnaqi karin cabasho kasta oo ka timaada doorashooyinka, taasi oo marjaceedu yahay Maxkmadda Sare, sida uu sheegay.

“Maxkamadda Sare waxa ay diyaar u tahay inay ka garnaqdo cabasho kasta oo ka dhalata go’an kasta oo ay gaaran gudiyada doorashooyinka heerkasta ay yihiin, marka waxaan rabaa in qofkasta uu arrintaasi ku baraarugsanaado,” ayuu yiri Guddoomiye Baashe.

Sidoo kale waxa uu xusay in cid kasta oo uu saameeyo go’aanada ay gaaran guddiyada doorashada aysan u arkin in waajib sharci ah uu yahay go’aankooda, hase yeeshe waxa asalka uu yahay dastuurka dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre ayaa imanaya xili dhawaan la filayo in dalka ka bilowdaan doorashooyinka Xildhibaanada labada aqal, islamarkaana ay jiraan cabashooyin laga muujinayo hanaanka doorashooyinkaas.

Yey u adeegsatay haweeneydii sumeysay Macalin Cumar?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliska Booliska Beledweyne ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey falkii xalay lagu sumeeyey Allaha u naxariistee marxuum Cumar Macalin Maxamud oo ahaa Macalin dhiga dugsi lagu barto Qur’aanka Kariimka.

Taliyaha saldhigga Booliska magaalada Beledweyne, Laba Xidigle Maxamed Maxamuud Rooble Qorsheel oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in dhacdadan ay ka dambeysay xaaska marxuumka, isla-markaana ay socdaan baaritaano dheeraad ah.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ciidamadu ay qaadeen howl-gal, kadib falkaasi waxaana uu sheegay inay gacanta ku soo dhigeen wiilal yar yar oo uu sheegay in haweeneyda ay u adeegsatay dhacdada sumeynta ee lagu dilay Macalin Cumar.

Qorsheel ayaa sidoo kale xusay in cadaaladsa la horkeeni cid kasta oo ka dambeysay dilka marxuumka, isla-markaana ay natiijada baarista dib ka shaacin doonaan.

Ugu dambeyn waxa uu digniin adag u diray ganacsatada, isaga oo sheegay in aan la iibin karin sunta dadka disha, iyada oo aan fasax looga heysan laamaha amniga.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno ka tirsan ehellada marxuumka ayaa dhowaan guursaday haweeneyda Sumeysay, lamana oga sababta ku kaliftay.

Dhacdadan ayey aad uga argagaxeen dadka ku nool Xaawo-taako ee Beledweyne, maadaama uu ahaa Macalin Dugsi Qur’aan oo aad looga yaqaanay xaafaddaasi.

Allaha u naxariistee Macalin Cumar Macalin Maxamud ayaa maanta lagu aasay gudaha magaaladaasi, waxaana aaskiisa ka qeyb-galay mas’uuliyiin & dadweyne fara badan.

Sawirro: 3 QODOB oo looga hadlay kulan dhex-maray Sheekh Shariif iyo Guudlaawe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta.

Kulanka Sheekh Shariif iyo Guudlaawe oo ka qabsoomay Hotel Airport ee ku yaala xayndaabka Xalane ayaa waxaa looga hadlay xaalada dalka, arrimaha doorashooyinka iyo xiisadaha kasoo cusboonanaya deegaano ka tirsan maamulka HirShabeelle.

Inta uu socday kulanka ayaa waxa uu madaxweynihii hore ee dalka uga mahad-celiyey Guudlaawe doorkii uu ka qaatay heshiiskii doorashada ee kal hore lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Waxa uu ku amaanay kaalinta uu ka ciyaaray heshiiska doorashada, taasi oo dalka u jiheysay dhankaa iyo doorasho, islamarkaana ka bad-baadisay jahwareer siyaasadeed iyo mid amni.

Si kastaba, Kulanka maanta uu Guudlaawe la qaatay madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif ayaa imanaya xili uu maalmihii dambe ee uu magaalada Muqdisho ka waday kulamo la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo xal ka gaarista tabashada reer Hiiraan.

Ra’iisul wasaare ROOBLE oo fara-geliyey dagaalka wasiir Xamza iyo Khadiija Diiriye

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu dambeyn isu keenay wasiirada gargaarka iyo ciyaaraha Xamza Saciid Xamza & Khadiijo Maxamed Diiriye oo uu dagaal afka ah dhex-maray.

Kulanka oo ka dhacay hoyga ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu dhammeeyey khilaafka soo kala dhex-galay labada wasiir oo horey loogu kala bedalay wasaaradaha, kuwaas oo hadallo kulul isku mariyey warbaahinta iyo sidoo kale baraha bulshada ee Internet-ka.

Wasiir Xamza oo faah faahiyey kulankan saddex geesoodka ah ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday inay si wadajir ah uga heshiiyeen wixii dhacay isaga iyo Khadiija Diiriye.

“Waxaan hoyga ra’iisul wasaaraha kula kulmay walaashey wasiir Khadiijo M. Diiriye oo aan is cafinay, si wadajr ahna aan uga heshiinay wixii horey u dhacay,” ayuu yiri Xamza.

Dhankeeda wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay kulankan oo uu qaban qaabadiisa lahaa ra’iisul wasaare Roobe, waxaana ay sheegtay inay qaadatay raalli-gelin, isla-markaana ay cafisay wasiir Xamza Saciid.

“Madaxdeyda qaranka kama weyni raalli-gelina waa qaadasho, walaalkey Hon Xamza cafis baa iga tahay Aboow,” ayey iyaduna tiri wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

Dagaalka labada wasiir oo hadal heyn badan dhaliyey ayaa yimid, kadib markii wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaalka ah ee  Soomaaliyauu sheegay in markii loo magacaabay wasaaradda uu waayey xafiis uu ku shaqeeyo, sidoo kalena uu u tegay shaqaalihii oo fasax isaga maqan ku dhawaad laba sano ah, mushaarna iska qaadanaya, taas oo shaqa badan kadib uu sheegay in hadda uu wax badan ka bedelay.

Wasiir Khadiija Diiriye oo hadalkaas ka carootay ayaa dhankeeda ka soo jawaabtay, waxayna wasiir Xamza Saciid Xamza ku eedeysay in markii la bedelay uu horay u sii kaxeystay, oo ‘soo celi laga kari waayey gaari ay leedahay wasaaradda gargaarka’.

Kenya oo qaaday tallaabo cusub oo SOOMAALIYA ku wajahan kadib bilo xiisad ah

Nairobi (Caasimada Online) – Kenya iyo Soomaaliya ayaa billaabay safar cuusb oo ay dib ugu dhisayaan xiriirkooda kadib bilo ay u dhaxeysay xiisad diblomaasiyadeed oo xooggan. 

Soomaaliya ayaa dhammaadkii 2020 xiriirka diblomaasi u jartay Kenya, ayada oo ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha, islamarkaana ay dhaawaceyso madax-banaanida dalka.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya Ambassador Macharia Kamau ayaa shalay la kulmay safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal.

Kulankan oo ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin, ayaa labada dhinac waxay ku sahmiyeen dhinacyo cusub oo ay ka wada-shaqeyn karaan labada dal, si loo xoojiyo xiriirka burburay.

“Ambassador Macharia Kamau wuxuu wada-hadallo la yeeshay safiirka Soomaaliya ee Kenya Mohamud Ahmed Nur, waxayna sahmiyeen dhinacyo cusub oo ay labada dal iska kaashaan karaan, sida dhaqanka, ganacsiga, nabadda iyo amnga. Labada dhinac waxaa ka go’an xoojinta xiriirka,” waxaa sidaas barta twitter-ka ku qortay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya.

Sidoo kale afhayeen u hadlay dowladda Kenya Cyrus Oguna ayaa sheegay in Nairobi ay dhistay guddi baara arrimaha sababaya khilaafka labada dal. 

Oguna ayaa sheegay in guddigan uu sahmin doono hanaan diblomaasiyadeed oo lagu xalin karo arrimahan, islamarkaana uu goor horeba sameeyey horumar. 

Bishii June 2021, wasiirada arrimaha dibedda Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku raacay inay dedejiyaan dib u furista safaaradaha labada dal, taasi oo ay ku guuleysteen. 

Abwaankii Soomaaliyeed ee la diriray dowladihii DALKA soo maray kahor 1990-kii

Cabdi Muxumed Amiin wuxuu noloshiisa dhammeystay isagoo halgan ugu jira sidii ay Soomaaliya dhibka uga bixi laheyd!

Waa kuma Cabdi Muxumed Amiin?

Abwaan Cabdi Muxumed Amiin wuxuu ahaa mufakir, jilaa, fannaan iyo abwaan ku caanbaxay curinta heesaha iyo riwaayadaha waddaniga ah. Wuxuu ku dhashay magaalada Gabiley, sannadkii 1935. Wuxuu ahaa iskoris soo harjaday.

Wuxuu ku soo barbaaray magaalooyiinka Jigjiga, Diridhabe iyo Muqdisho. Wuxuuna xubin ka ahaa garabkii dhallinyarada xisbigii SYL ee Horseed kaas oo riwaayado uu u curin jiray. Sannadkii 1958 ayuu fanka billaabay.

Wuxuuna laf dhuungashay ku noqday dowladihii dalka soo maray, oo mar kasta wuxuu si aan ka leexleexad laheyn uga run sheegayay xaaladdii uu dalku marayay. Sababtaas ayaana xabsi loo dhigay sanadihii 1964 iyo 1989.

Cabdi Muxumed iyo Dowladihii Riyadka

Soomaalidu waxay aheyd dad reer guuraa ah oo aan dowladnimo fahamsaneyn. Dadkii hoggaanka u ahaa halgankii gobannimo-doonkuna waxay shacabka ku kicin jireen in wax kasta gumeystuhu ka heysto, oo barwaaqo afka lala galayo haddii xurnimo la helo.

Beled iyo baadiyaba, si aan kalahar laheyn ayay Soomaalida ugu istaagtay in ay iska dulqaaddo gumeystihii. La mood, noqose waysaye; markii Soomaaliya noqotay dowlad madaxbannaan wax weyn iskama bedelin noloshii dadka.

Labo sano ka dibna waxaa billowday guux lagu saluugayay Dowladdii Riyadka. Waa halkii laga kala yiri:

  • “Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye” Axmed Diiriye Qaasim.
  • “Bal muxuu micneeyoo i taray ministarkaan doortay?” Aadan Carab.
  • “Good iyo abees baa is beddelay garanna maysaane” Guhaad Cabdi Gaheyr.

Markaas Cabdi Muxumed wuxuu dareensanaa in hanaqaadka dowladda uu waqti qaadanayo, wuxuuna sannadkii 1962, curiyay maansada “Geeddiga wadaay” oo uu ku guubaabinayay hoggaankii dalka.

Wuxuu kaalin weyn ka qaatay dagaalkii 1964, dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, oo wuxuu curiyay heeso uu ku guubaabinayay ciidankii qaranka.

Geelna waa galgashaa, ragna waa is gaddiyaahe; Cabdi Muxumed wuu ka niyadjabay hoggaankii dowladda.

Sannadkii 1964 ayuuna curiyay heeska ‘Kuwa daanka buuxsaday’ oo doorashadii Baarlamaanka ee 1964, uu dadweynaha ugu baaqayay in aysan dooran musharrixiintii xisbiga SYL.

Sababtaas ayayna dowladdii u xirtay Cabdi Muxumed sannadkii 1964.

Markii ay billowdeen ololihii doorashada Baarlamaanka ayuu mar kale, sannadkii 1968, allifay heeska “Kuwii horay i noo gubay” oo uu mar kale shacabka uga digayay in ay doortaan musharrixiintii xisbigii Leegada.

Habeenkii Xurriyadda 1dii Luulyo ee 1969, Cabdi Muxumed Amiin, Saynab Cali Baxsan iyo Axmed Naaji Sacad, waxay Tiyaatarka ka qaadeen heesta “Allaahu Akbar” oo uu isagu curiyay, uuna madaxdii dalka ku xusuusinayay halgankii xurnimada loo galay, filashadii shacabka iyo sida ay ugu hungoobeen dowladda.

Cabdi Muxumed iyo Dowladdii Kacaanka

Markii ay askarta afgambiga ku qabsadeen dalka ee ay sheegeen in ay soo afjarayaan musuqii iyo qabyaaladdii lagu eedeyn jiray dowladihii riyadka, Cabdi Muxumed wuxuu Kacaanka u arkayay in uu yahay hayaankii Soomaaliya barwaaqada geyn lahaa.

Wuxuuna tiriyay maansada “Xaaraan quutayaashii” oo uu kacaankii uga mahadcelinayay in ay afgembiyeen dowladdii uu maamul-xumada ku dhaliilayay.

Sannadkii 1971, wuxuu Maxamed Siyaad Barre u sameeyay heestii “Caynaanka haay” ee ku billaabanaysay:

“Waddadii caddeyd

Cagta saarnayee

Ku carraabiyoo

Cimrigiis jiryow

Caynaanka haay”

Sanadihii hore waxay dowladdii kacaanku la timid waxqabad lagu bogaadiyay, balse wixii ka dambeeyay dabayaaqadii todobaatameeyadii waxaa dhaqan u noqday “musuqii iyo qabyaaladdii” lagu eedeynayay dowladihii riyadka.

Candhuuftiisa ayuu dib u liqay, wuxuuna noqday kacaan-diid aan fikirkiisa la gamban.

Sannadkii 1981, wuxuu sameeyay riwaayadda Muufo oo uu ku soo bandhigay baahidii shaqaalaha dowladda, uuna ku dhaliilay hoggaankii Kacaanka.

Rag caddaalad waayay sidii cawsha kala yaaca waa tii la yiriye; markii ay u cuntami wayday siyaasad-xumadii Kacaanka ayuu go’aansaday in uu jabhadeyn xal ku baadigoobo.

Isagoo magaalada Harar joogo ayuuna sannadkii 1981 curiray heeska ‘Caynaanka daa’ oo uu Maxamed Siyaad ugu baaqayay in uu xukunka wareejiyo. Wuxuu ku maansooday:

“Waddii caddeyd

Cirif dhaaftayoo

Cayn kale u rogtee

Cimrigiis dhacyow

Caynaanka daa”

Cabdi Muxumed iyo jabhadihii dagaalka

Cabdi Muxumed wuxuu ku biiray jabhaddii SSDF. Wuxuuna curiyay suugaan uu ku wacyigelinayay ciidankii jabhadaha.

Waxa kaliya ee jabhaduhu ka mideysnaayeen waxay aheyd in Maxamed Siyaad xukunka laga tuuro, balse uma qorsheysneyn waxa xigi doona haddii la guuleysto.

Sannadkii 1983, wuxuu tiriyay heeska ‘Halgankeennu waa labo’ oo uu ku guubaabinayay jabhadaha, uuna ku aftiiminayay farqiga u dhexeeya dowladda iyo dowladnimada, uguna tilmaamayay waajibka saaran iyo himilada halganka.

Jabhadihii dheg jalaq uma siinin wacdigii iyo waanadii Cabdi Muxumed, waana lagu colaadiyay. Isaga iyo labo saaxiibbadiis ah ayaana habeen Diridhabe lagu weeraray.

Bartii ayaa lagu dilay Cabdiraxmaan Caydiid iyo Iikar Xaaji Maxamed Xuseen Xaamud, isagana meyd ahaan ayaa looga tagay, mase dhimanin ee wuu dhaawacmay.

Markii uu bogsaday ayuu allifay heeska “Maxaan hog abeeso galay” oo uu uga warramayay niyadjabkii uu kala soo kulmay jabhadaha. Wuxuu ku heesay:

“Maxaan hog abeeso galay

Maxaan halaqyo ugu tagay

Maxaan geerida ka haray

Kuwii hiil iigu xigay

Hareertey maxaan ka dayay

Maxay ilmadu hibiq i tiri”

Cabdi Muxumed oo Muqdisho dib ugu soo laabtay

Markii uu jabhadaha naftiisa kala baxsaday wuxuu tagay magaalada Cadan ee dalka Yaman, sannadkii 1984. In uu dibadaha wareego ayaa u cuntami wayday, wuxuuna sannadkii 1986, go’aansaday in uu dalka ku soo laabto.

Jabuuti ayuu Maxamed Siyaad Barre kula kulmay, wuxuuna u sheegay in uu doonayo in uu dalkiisa ku noqdo. Maxamed Siyaad wuu soo dhoweeyay, diyaaraddiisii ayuuna ku soo qaaday.

Markii uu Muqdisho soo galay ayuu booqday hoteelkii Jubba. Wuxuu arkay hoteelkii ugu weynaa, uguna quruxsanaa Muqdisho oo cidlo ah oo ay deggan tahay Xaliimo Khaliif Magool oo kaliya, lana burburay maamul-xumadii jirtay.

Sannadkii 1987 ayuuna curiyay heesta Jubba oo ay ku sheekeysanayaan isaga iyo Jubba oo dayac ka cabanaya.

Sida uu Cabdi Muxumed ku sheegay wareysi ay BBC la yeelatay, wuxuu yimid dalka oo sicirbarar ka jiro. Muqdisho oo biyaha iyo korantaduba ciriiri ku yihiin iyo shacabka oo safaf ugu jira mucaawino dibadda laga keenay; halka ay magaaladu la ciirciiraysay gawaaridii qaaliga aheyd ee Laankaruusarka oo ay ku socdeen madaxdii dowladda iyo qoysaskoodii.

Markaas ayuu sannadkii 1989, curiyay heesta Laankaruusar oo uu ku sawirayay noloshii Xamar ka jirtay.

Heestaas waa laga kala cabsaday oo fannaan ku luqeeyo ayuu waayay. Maamulihii Tiyaatarka Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo hadda ah Guddoomiyaha Aqalka Sare (2016-2021), ayaa Saado Cali Warsame ku qanciyay in ay heestaas ka qaaddo xaflad sanadguuro ahayd oo ay Wasaaradda Warfaafinta ku dhiganaysay Tiyaatarka, oo uu soo xaadirayay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Saddex jeer ayay dadweynuhu codsadeen in heestaan loo biiso, wuxuuna noqday canjalkii loogu iibsiga badnaa, maadaama uu taabanayay noloshii dadweynaha. Waa heestii ku billaabanaysay:

“Waa maan gurracan iyo garasho jaan

Laankuruusar gado oo soo bari galley”

Maxamed Siyaad wuxuu amray in la xiro Cabdi Muxumed iyo Saado Cali. Xaruntii Nabadsugidda iyo Godka-Jilicow ayayna ku kala xirnaayeen ilaa 1990.

“Cabdi Muxumed wuxuu ahaa nin waddani ah oo noloshiisa u huray sidii ay umadda Soomaaliyeed uga bixi laheyd dhibaatada. Wuxuu ahaa nin aan talada ka masuugin in uu madaxda Soomaaliyeed u sheego danta umadda meesha ay ku jirto. Cabdi wuxuu taariikhdiisa ku dhammeystay isagoo halgan ugu jira sidii ay Soomaaliya dhibka uga bixi laheyd.” Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidaa yiri.

Burburkii ka dib iyo Cabdi Muxumed Amiin

Kalahaadkii Soomaaliya ka dib, wuxuu kaalin ka qaatay shirarkii dib-u-heshiisiinta. Wuxuuna allifay 5 album oo uu nabadda ku baadigoobayay Soomaaliya.

Wuxuuna ka mid ahaa aasaaseyaashii ururka Qalinleyda Soomaaliyeed ee SomaliPen oo uu guddoomiye uga ahaa Koofurta Soomaaliya.

Burburkii ka dib dalka kama tagin ee Muqdisho ayuu ku noolaa. Sannadkii 1992, isagoo joogay magaalada Moscow ee dalka Ruushka ayuu curiyay heesta ‘Dalxiis kaagama imaan’ ee ay qaaddo Faadumo Qaasim Hilowle, dhextaalkeeduna ahaa:

“Dalkegow dushaadu waa barwaaqee dalkeygow

Dalkeygow dabeyshaadu waa udgoon tahay dalkeygow

Dalxiis kaagama imaannine dalkeygow

Meel aan kugu doorsanaayaa

Miyay dunidaba ku taallaa dalkegow?”

Dhaxal iyo taariikh aan duugoobeyn ayuu ka tegay. Sannadkii 2006, waxaa dalka Sweden lagu daabacay buugga Diiwaanka Hilin Hayaan oo uu abwaanka ku uruuriyay suugaantiisii.

Mafakir aan guulwadeynin oo aan aragtiisa la gambanin ayuu ahaa. Muddo nus qarni ah oo uu baadigoobayay dowlad u heellan danta dadkiisa iyo dadkiisa, uuna taageere u ahaa cid kaste oo uu u arkayay in ay riyadaas ka dhabeyn kartay ka dib, ayuu isagoo 73 sano jir ah, wuxuu bishii November 3, 2008, ku geeriyooday laguna aasay magaalada Nairobi.

Wuxuuna ifka uga tegay 3 wiil iyo 5 gabdhood. Eebbe ha u naxariisto abwaan Cabdi Muxumed Amiin.

W/Q: Xuseen Sabriye

Amxaarada oo DAGAAL ku dhowaaqday iyo xaaladda Ethiopia oo faraha ka baxday

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dagaalka gobolka Tigray ee Ethiopia ayaa xoogeystay Arbacadii kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu tusmeeyey in dowladda ay soo afjareyso xabad-joojinta, ayna ciidamada Amxaarada sheegeen inay qaadayaan weerar ka dhan ah Tigray-ga.

Ciidamada Tigray-ga ee TPLF oo qabsaday inta badan dhulkii horey ay u lumiyeen, ayaa wacad ku maray inay dib u qabsan doonaan galbeedka Tigray, oo ah dhul beerashada ku wanaagsan oo ay haystaan ciidamada Amxaarada. 

Afhayeen u hadlay maamulka gobolka Amxaarada ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ay kicinayaan ciidamadooda si ay u qaadaan weerar ay uga hortagayaan Tigray-ga.

“Maamulka gobolka wuxuu hadda ka baxay difaaca, wuxuuna qaaday weerar,” ayuu yiri afhayeenka Amxaarada Gizachew Muluneh, oo la hadlay warbaahinta Amxaarada.

“Maleeshiyada Amxaarada iyo ciidamada gaarka ah waxay isku dayayeen inay is-difaacaan, hase yeeshee hadda dulqaadka waa naga dhammaaday, waxaana billownay weerar,” ayuu yiri. 

Sidoo kale, Dhaqaaqa Qaranka Amxaarada, oo ah xisbi siyaasadeed weyn, ayaa ugu baaqay maleeshiyada gobolka ee loo yaqaan Fano inay is-abaabulaan. 

Galbeedka gobolka Tigray ayaa waxa wada degan Amxaaro iyo Tigray, waxaana dagaal ka qarxa uu horseedi karaa barakac xooggan. 

Ciidamada Amxaraada ayaa ka dhinac dagaalamay kuwa dowladda markii ay weerarka ku qaadeen gobolka Tigray bishii November ee sanadkii tegay, ayaga oo fursaddaas uga faa’iideystay inay ku qabsadaan dhul ay tobaneeyo sano haysteen Tigray-ga.

Tigrayga ayaa tan iyo markii ay 28-kii June qabsadeen caasimadda Mekelle, waxay kale oo ay gacanta ku dhigeen magaalooyin kale oo muhiim ah oo Koonfurta ku yaalla.

Hase yeeshee dagaalka galbeedka Tigray ayaa noqon doona mid xooggan, halkaasi oo Amxaarada ay u arkaan dhul ay lahaayeen oo ay dib u qabsadeen, wacadna ku mareen inay difaacan doonaan.

Jubaland oo toogatay nin kufsaday gabar saddex jir ah

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Jubbaland ay xukun dil toogasho ah ku fuliyeen Xuseen Aadan Cali ‘oo lagu helay inuu kufsi u geystay’ gabar saddex sano jir ah.

Toogashada ayaa ka dhacday degmada Dhoobley, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiin deegaanka ah, waxaana goobjoog ahaa saraakiil ka socotay dhanka maxkamadda.

Ninka toogashada lagu fuliyey oo ay dhowaan gacanta ku soo dhigeen ciidamada ammaanka ayaa kufsi arxan darro ah u geystay Gacalo Ismaaciil Cabdullahi oo saddex sano jir aheyd, iyadoo ugu dambeyn lagu fuliyey xukunka lagu ridday oo toogasho ahaa.

Gabadha yar oo uu dhaawac daran kasoo gaaray kufsiga lagula kacay ayaa markii dambe u geeriyootay, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladeeda.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya Xuseen Aadan Cali uu gabadha yar u ahaa adeer, isla-markaana uu qabay hooyadeed, iyada oo wax lala yaabo ay noqotay inuu fara-xumeeyo gabar yar oo uu hooyadeed qabo.

“Gabadha wuxuu u ahaa adeer, wuxuuna qabay hooyadeed, Wallaahi ilaa iyo haatan waa wax lala yaaban yahay sababta ku kaliftay inuu fara-xumeeyo gabar uu hooyadeed qabay,” ayuu yiri mid ka mida ehellada gabadha yar ee u geeriyootay kusfiga lo geystay.

Dhacdadan naxtinta leh ayaa hadal heyn badan dhalisay, waxaase dadka deegaanka ay soo dhoweeyeen xukunka dilka ee ay Jubbaland ku ridday ninkii ka dambeeyey falkaas.

Soomaaliya ayaa mid ah dalalka ay ka dhacaan tacadiyada ka dhanka ah dumar, sida kufsiga, kaas oo meelo kala duwan laga soo wariyey, waxaana ugu dambeeyey Hargeysa oo kufsi iyo dil la’isugu diray haweeney lagu magacaabi jiray Marxuumad Hinda Cumar.

Muxuu yahay heshiiska DF iyo dowlad goboleedyada ay maanta ku gaareen Garoowe?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda dhexe ee federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo shir maamlmo qaatay ku yeeshay magaalado Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo ku aadan waxbarashada.

Shirka ka dhacay Garoowe ayaa wuxuu u dhexeeya wasiirada waxbarashada ee dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo sidoo kale xubno ka socda gobolka Banaadir, waxaana lagu faray arrimaha waxbarashada, shahaadiyoonka iyo imtixaanaadka.

Sidoo kale shirkan ayaa waxa lagu gaaray is afargad ay dhinacyadu wada saxiixeen oo lagu horumarinayi waxbarashada, iyadoo gabagabadee laga soo saaray war-murtiyeed.

Qodobada lagu heshiiyey ayaa waxaa ka mid ah In la aas aaso Golaha Iskaashiga iyo Wadatashiga Wasaaradaha Waxbarashada, nn la mideeyo qalfoofta manhajka (Curriculum Framework), loona saaro guddi farsamo midaynta Qalfoofka Manhajka( Curriculum Framework).

Sidoo kale waxay dowlad federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir isku af-garteen in maamul goboleed walba si madax banaan u maamusho imtixaankiisa, lana sameeyo guddi madax banaan oo sameeya halbeegyada Guud.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu shaaciyey in shahaadooyinka laga qaato lagana bixiyo maamul goboleed walba loona daabacan karo hab online ah.

Heshiiskan cusub ayaa ah mid meesha ka saarayo khilaafaad hore uga jiray dhinaca imtixaanaadka oo u dhexeeyey dowladda dhexe & qaar ka mida maamul goboleedyada.

QM oo shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay wajaheyso xaaladdii ugu xumeyd

0

Muqdisho (CaasimadaOnline) – Hay’adda gargaarka OCHA ee Qaramada Midoobay ayaa ka deyrisay xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya, waxaana ay shaacisay in haatan Soomaaliya ay wajaheyso xaaladdii ugu xumeyd ee dhanka bani’aadanimada.

OCHA ayaa sheegtay inay yaraadeen maal-gelintii dhanka gargaarka ee Samafalka, taasina ay uga sii dartay xaaladda adag ee ay haatan wajaheyso Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay shaacisay in aysan bartamaha sanadkan hay’adaha samafalka dabooli Karin baahiyaha aas aasiga ah ee ku dhowaad ka labar dadka Soomaaliyeed.

“In kasta oo celcelis ahaan 1.52 milyan oo qof ay heleen gargaar cunno bil kasta laga bilaabo Maarso ilaa May, haddana heerarka hadda jira iyo kuwa la filayo ee kaalmada cuntada kuma filna in laga hortago dhibaatooyinka meelo badan ka jira,”ayay tiri OCHA.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale intaasi kusii dartay in hoos u dhaca ugu weyn ee haatan la dareemayao ay tahay cunno yarida oo dhibaato ku heyso dadka Soomaalida.

Warbixinta hay’adda gargaarka OCHA ayaa sidoo kale lagu sheegay in sannadkan, dad lagu qiyaasay 5.9 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo, kuwaas oo 2.9 milyan oo qof ay ka barakaceen guryahooda, kadib duruufo adag oo soo wajahay.

Ugu dambeyn warbixinta ayaa lagu sheegay in xaaladaha bani’aadanimo ee Soomaaliya ay uga sii dareen cimilada xumaatay, abaaro, daadad iyo saameynta cudurla Covid-19.

Qeylo dhaantan ayaa ku soo aadeyso, iyadoo ay Soomaaliya haatan ku jirto marxalad kala guur ah, isla-markaana la’aadayo doorashada baarlamaanka & tan madaxweynaha.

Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda Buulo-Burte iyo HirShabele oo talaab qaaday

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha ee HirShabelle ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah oo wax looga qabanayo xiisada xoogan ee haatan ka taagan degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan taas oo ka dhalatay, kadib markii shaqo joojin lagu sameeyey guddoomiyihii maamulka degmadaasi, Mudane Feysal Haajir Aadan.

Warqad uu soo saaray wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle, Maxamed Cali Caadle ayaa waxaa maamul cusub loogu magacaabay Buulo-Barte, waxaana gudddoomiye  u ah Axmed Mahad Nuur, kaas oo bedelaya guddoomiyihii shaqo joojinta lagu sameeyey.

Magacaabistan ayaa lagu sheegay inay keentay baahi loo qabo in la dardar-geliyo howlaha maamulka ee degmada, si looga gudbo caqabadaha haatan ka jira halkaasi.

Sidoo kale hay’adaha amniga iyo shacabka ayaa waxaa la faray inay si dhow u la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub, Mudane Axmed Mahad Nuur.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa, xilli xiisad horleh ay ka dhalatay shaqo joojintii uu Yuusuf Dabageed ku sameeyey guddoomiyihii Buulo-Burte Feysal Haajir Aadan oo si weyn uga horyimid go’aankaasi, waxaana ka dhashay xiisad illaa iyo hadda laga dareemayo gudaha degmadaasi, sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Xaaladda degmada ayaa kacsan waxaana dadka deegaanka ay wajahayaan marxlad cusub iyo khilaaf dhinaca maamulka ah oo markale soo cusboonaaday..

HirShabelle ayaa waxaa kusoo noq-noqday is qab-qabsiga dhinaca maamulka, haba ugu badnaadee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba lama oga waxa ka dhalan karo go’aankan cusub, maadaama weli uu Buulo-Burte ku sugan yahay guddoomiyihii hore ee degmada oo kasoo horjeeda HirShabelle.

KENYA oo ‘duqeyn ku dishay’ xubno ka tirsan Al-Shabaab

0

Nairobi (Caasimada Online )  – Dowladda Kenya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay duqeyn dhanka cirka ah oo ay diyaaradaheeda dagaalka ka fulisay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Agaasimaha la dagaalanka Argagaxisada iyo Amniga Qaranka kenya David Goldman ayaa shaaca ka qaaday in duqeynta ay ka dhacday jasiirada Kudhaa, isla-markaana khasaare xoog-leh lagu gaarsiiyey dagaalyano  ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

David Goldman ayaa xaqiijiyey weerarkan ah cirka oo ay daba socdeen howl-gallo dhinaca dhulka ah lagu dilay ugu yaraan 11 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xilliga ay duqeynta ay dhaceysay ay dagaalyahanada Al-Shabaab wateen Kolonyo ku socdaaleysay halkaasi, isla-markaana ay weerar ku ahaayeen ciidamo ka tirsan daraawiishta Jubbaland, balse la fashiliyey qorshahooda.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ay sii laba jibaari doonaan howl-gallada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan duqeynataasi ay Kenya shaacisay inay ku gaarsiisay khasaare lixaad-leh.

Weerarkan ayaa qeyb ka noqonayo howl-gallo ballaaran oo ciidamada huwanta ay ka wadaan deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa weli si aad ah ugu xoogan gobollada Jubbooyinka, waxaana ay gacanta ku hayaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolladaasi.

Somaliland ma u gali doontaa Russia booskii Sudan si uu u hirgelo qorshihii fashilmay?

Hargeysa (Caasimada Online) – Sudan ayaa shaacisay Salaasadii hore inay dib u eegis ku samaynayso heshiiskii saldhiga badda ahaa ee Ruushka, midaasi oo fursad cusub siin karta Somaliland, sida lagu sheegay warbixin ay baahisay mareegta Modern Diplomacy.

Warbixinta MD ayaa waxaa lagu lafa-guray is beddel ku yimid qorshihii Ruushka uu Sudan kaga dhisanayey saldhig ciidamo badeed, kadib mad-madow soo kala dhex-galay labada, taasi oo keentay in Sudan ay shaaciso inay dib u eegis ku sameynayso heshiiskaas.

Suudaan ayaa qirtay in dib u eegis ku samaynayso heshiiskii sannadkii hore ee Ruushku kaga samaysan lahaa Suudaan saldhig badda ah, lagana yaabo in meesha laga saaro heshiiska.

Hogaanka Guud ee ciidamada talada haya, Maxamed Cismaan Xuseen ayaa shaaciyey arrinkaas, isaga oo la hadlaya Warbaahinta, “Dhukumantiyada heshiiska qaarkood ayaa halis toos ah u soo jiidaya Suudaan”.

Waxa uu sheegay in aan heshiiska sharci dajintu ansixin, islamarkaana uu heshiisku weli haysan sharci uu ku hawl-galo, wuxuuna beeniyey in go’aanka Sudan uu ku qotomo raali-gelinta Maraykanka, oo si weyn isku hayaan Ruushka.

Warbixinta mareegta ayaa waxaa diirada lagu saaray suurta-galnimada sareysa ee Ruushka uu qorshihiisa Sudan ugu wareejin doono Somaliland, oo ah dal ku dooda madax-banaani.

“Haddii’ba qorshaha Ruushka ee Sudan guul-darraysto, waxa hubaal ah in Ruushku ku qasbanyahay in uu aag baddasho weliba si dhakhso ah. Waxa aad loo odorosayaa in Ruushku daraaseyo faa’iidada iyo khasaaraha in uu saldhig lamid ah ka uu ka dhisan lahaa Sudan ka dhisto Somaliland. Horraantii sannadkii 2018 ayaa warar badan oo la isla dhex-marayay tilmaamayeen in Ruushku damacsanyahay in saldhig ka dhisto magaalo xeebeedda Saylac,” ayaa lagu yiri warbixintaas.

Sidoo kale waxaa warbixintaas lagu xusay sida ay xiligan suuro-gal u ahayn waddamada gobolka oo Jabuuti ugu horrayso in Ruushku saldhig ka samaysto, maadama ay Jabuuti marti-galiso saldhigyo waaweyn oo caalami ah oo ay iska soo horjeedaan siyaasadda Ruushka.

Ugu dambeyntiina waxaa lagu sheegay sida Ruushku dano siyaasadeed oo badan uga leedahay Itoobiya, Somaliland-na ay u tahay waddada u wanaagsan ee ku xiraysa Itoobiya, uguna istiraatijisan ee gobolka.

HRC oo war kasoo saartay haweeney ‘kufsi iyo dil’ loogu geystay magaalada Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Somaliland ayaa qoraal uu soo saaray goordhoweyd niyad jab uga muujiyey haweenay kufsi iyo dil loogu geystay xaafadda Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.

Haweenaydaas oo lagu magacaabi jiray Hinda Cumar, ayaa waxa lagu soo waramaya in falkaas loogu geystay xili ay saarneyd Basaska dadweynaha ee ka dhex shaqeeya magaalada Hargeysa.

HRC ayaa sheegtay inay ka xuntahay kufsiga iyo dilka loo geystay Hinda Cumar oo kamid aheyd dadka ku nool magaalada Hargeysa, waxayna walaac ka muujisay falalka kufsiga ee kusoo badanaya Somaliland.

Waxay sheegtay in Somaliland ay aad ugu yartahay wacyi-gelinta la xiriirta kufsiga, ayada oo xustay inaysan jirin isla xisaabtan dhab ah oo ku aadan kiisaska la xiriira tacadiyada haweenka.

Somaliland oo kamid ahaa deegaanada uu ku yar-yahay falalka kufsiga ayaa xiligan si weyn ugu soo badanayaan, taasi oo loo sababeynayo gaabiska dowladda ee ku aadan la xisaabtanka ama maxkamadeynta dadka loo haysto kiisaskaa.

Ilaa hadda inta la ogyahay ma jiraan dad ay Somaliland soo bandhigtay oo loo maxkamadeeyay falalka Kufsiga oo dhowr jeer ehelada gabadhahaas ay kasoo hor-muuqdeen warbaahinta.

Haweeney Macalin Dugsi Qur’aan oo qabay caawa ku sumeysay Beledweyne

Muqdisho (Caasimada Online)- Cumar Macalin Muxumed oo ahaa Macalin Dugsi Qur’aan ayaa caawa u geeriyooday Sun ay siisay xaaskiisa, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyska marxuumka.

Arrintaan ayaa ka dhacday xaafadda Xaawo-taako ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xubno ka tirsan ehellada marxuumka ayaa noo sheegay in Macalin Cumar uu dhawaan guursaday haweeneyda Sumeysay caawa.

Sida aan xogta ku helnay gabadha ayaa Macalinka Sunta uu u geeriyooday waxay ugu dartay Raashinka.

Dadaallo caafimaad oo la sameeyey ayaan guul dareystay markii ay Suntu qabatay kadib, sidaas ayuuna ku geeriyooday caawa.

Dhacdadaan ayey aad uga argagaxeen inta badan dadka ku nool xaafada Xaawo-taako ee magaalada Beledweyne, maadaama uu ahaa Macalin Dugsi Qur’aan oo aad looga yaqaanay xaafadaas.

Dhaqaatiir ka dhoofi rabay baasaboorka Somaliland oo lagu xiray garoonka Muqdisho

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho lagu xiray laba dhakhtar oo ka howlgaleysay isbitaalka Dr. Adna Aadan ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo tiransid ku ahaa Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dhakhaatiirtaan ayaa ku dhoofiyey baasaboorka Somaliland, waxaana la sheegay in looga jeex- jeexay garoonka Muqdisho, dibna loogu celiyey magaalada Hargeysa.

Dr. Adna Aadan oo madax ka ah isbitaalka ay ka howl-gelayeen dhakhaatiirtaan ayaa sheegtay mudo seddax maalin ah oo dhakhaatiirtaan ay Muqdisho ku xiraayeen kadib, dib loogu soo celiyey magaalada Hargeysa. Iyadoo arrintaas ku tilmaantay aqoon darro dhanka sharciga ah oo Soomaaliya ka jirta, sida ay hadalka u dhigtay.

“Waxaa si caafmaad ah Alle noogu soo celiyey saraakiishii caafimaad ee Xamar lagu afduubtay, sharci ayey ku dhoofeen oo baasaboorka Somaliland ayey wateen, fiisaha dalka ay u socdaan ayaa loogu soo dhuftay, waxay taransid ku ahaayeen garoonka Muqdisho, sharciga aduunka u degan waxa uu dhigayaa in dadka taransidka ku ah dalka aan la dhibaateyn, dalka ay u socdaan ayaa u ogolaada inay ku degaan ama u diida, inta dalka oo ay sii marayaan shaqa kuma laha waxa ay ku dhoofayaan, waa xeer aduunka u degan,” ayey tiri Dr. Adna.

Dr. Adna Aadan oo sii hadleysay ayaa tiri, “Hadii Soomaaliya ay garaneyso sharciga, dad taransid ah baasaboor kama qaadeen, kamana jeex-jeexdeen, seddax maalmoodna afduub kuma heysateen, hadii sharciga aduunka ay garanayaan intaas ma sameeyeen.”

Sidoo kale Dr. Adna ayaa sheegtay in dhakhaatiirtaan ay nabad qabaan, isla markaana ay mar dhow heli doonaan baasabooradii laga jeex-jeexay iyo tababarkii caafimaad ee dowladda Soomaaliya ay dhaafisay.

Waxay dowladda Soomaaliya ku dhaliishay in dhakhaatiirta ay sidaan u gashay dadka ay Hargeysa ku daweeyaan ay u badan yihiin kuwo Muqdisho ka soo doonta daryeel caafimaad.

“Maalin kasta dadka ay daweeyaan Xamar ayey ka yimaadaan, Garowe ayey ka yimaadaan oo Boosaaso ayey ka yimaadaan, qaar ka mid ah madaxda Soomaaliya ayaa la socotay diyaaradii ay maanta ka soo degeen dhakhaatiirtaan, mana jirto cid dhib u geysatay, sababtoo ah magan ayey noo yihiin,” ayey tiri Dr. Adna Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa.

Xog: Nin Imaaraati ah oo markab siday shixnad dhan $shan milyan kala goostay ganacsato Soomaali ah

0

Berbera (Caasimada Online) – Markab u rarnaa Ganacsato reer Somaliland ah oo muddooyinkii dambe ku xirnaa dekedda Berbera ee Somaliland ayaa dib uga goostay dekedda, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Saraakiil ka tirsan dekedda oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in Markabkaas uu dib uga goostay dekedda Berbera, ayada oo aan laga dejin shixnadii saarneyd oo ay lahaayeen ganasato reer Somaliland ah.

Sidoo kale waxay sheegen in uu jiro khilaaf kooban oo soo kala dhex-galay Ninkii wakiilka u ahaa, oo asagu degan dalka Imaaraadka Carabta iyo howl-wadeenadii Markabka.

Markabka ayaa siday shixnad lagu qisaay ku dhawaad 5 Milyan oo dollar, waxa uuna kusoo aadaya goosashadiisa xili ay maalmo kooban inaga xigaan Ciida Carafo oo alaabta badankeeda loogu talo-galay.

Ganacsatada uu u rarnaa Markabkaas ayaa illaa hadda ku mashquulsan helistiisa, mana jiro ilaa hadda war sugan oo laga helayo goobta uu u goostay Markabkaasi iyo inay jirto dekedd kale oo uu ku xirtay.