26 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

HRC oo war kasoo saartay haweeney ‘kufsi iyo dil’ loogu geystay magaalada Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Somaliland ayaa qoraal uu soo saaray goordhoweyd niyad jab uga muujiyey haweenay kufsi iyo dil loogu geystay xaafadda Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.

Haweenaydaas oo lagu magacaabi jiray Hinda Cumar, ayaa waxa lagu soo waramaya in falkaas loogu geystay xili ay saarneyd Basaska dadweynaha ee ka dhex shaqeeya magaalada Hargeysa.

HRC ayaa sheegtay inay ka xuntahay kufsiga iyo dilka loo geystay Hinda Cumar oo kamid aheyd dadka ku nool magaalada Hargeysa, waxayna walaac ka muujisay falalka kufsiga ee kusoo badanaya Somaliland.

Waxay sheegtay in Somaliland ay aad ugu yartahay wacyi-gelinta la xiriirta kufsiga, ayada oo xustay inaysan jirin isla xisaabtan dhab ah oo ku aadan kiisaska la xiriira tacadiyada haweenka.

Somaliland oo kamid ahaa deegaanada uu ku yar-yahay falalka kufsiga ayaa xiligan si weyn ugu soo badanayaan, taasi oo loo sababeynayo gaabiska dowladda ee ku aadan la xisaabtanka ama maxkamadeynta dadka loo haysto kiisaskaa.

Ilaa hadda inta la ogyahay ma jiraan dad ay Somaliland soo bandhigtay oo loo maxkamadeeyay falalka Kufsiga oo dhowr jeer ehelada gabadhahaas ay kasoo hor-muuqdeen warbaahinta.

Haweeney Macalin Dugsi Qur’aan oo qabay caawa ku sumeysay Beledweyne

Muqdisho (Caasimada Online)- Cumar Macalin Muxumed oo ahaa Macalin Dugsi Qur’aan ayaa caawa u geeriyooday Sun ay siisay xaaskiisa, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyska marxuumka.

Arrintaan ayaa ka dhacday xaafadda Xaawo-taako ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xubno ka tirsan ehellada marxuumka ayaa noo sheegay in Macalin Cumar uu dhawaan guursaday haweeneyda Sumeysay caawa.

Sida aan xogta ku helnay gabadha ayaa Macalinka Sunta uu u geeriyooday waxay ugu dartay Raashinka.

Dadaallo caafimaad oo la sameeyey ayaan guul dareystay markii ay Suntu qabatay kadib, sidaas ayuuna ku geeriyooday caawa.

Dhacdadaan ayey aad uga argagaxeen inta badan dadka ku nool xaafada Xaawo-taako ee magaalada Beledweyne, maadaama uu ahaa Macalin Dugsi Qur’aan oo aad looga yaqaanay xaafadaas.

Dhaqaatiir ka dhoofi rabay baasaboorka Somaliland oo lagu xiray garoonka Muqdisho

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho lagu xiray laba dhakhtar oo ka howlgaleysay isbitaalka Dr. Adna Aadan ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo tiransid ku ahaa Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dhakhaatiirtaan ayaa ku dhoofiyey baasaboorka Somaliland, waxaana la sheegay in looga jeex- jeexay garoonka Muqdisho, dibna loogu celiyey magaalada Hargeysa.

Dr. Adna Aadan oo madax ka ah isbitaalka ay ka howl-gelayeen dhakhaatiirtaan ayaa sheegtay mudo seddax maalin ah oo dhakhaatiirtaan ay Muqdisho ku xiraayeen kadib, dib loogu soo celiyey magaalada Hargeysa. Iyadoo arrintaas ku tilmaantay aqoon darro dhanka sharciga ah oo Soomaaliya ka jirta, sida ay hadalka u dhigtay.

“Waxaa si caafmaad ah Alle noogu soo celiyey saraakiishii caafimaad ee Xamar lagu afduubtay, sharci ayey ku dhoofeen oo baasaboorka Somaliland ayey wateen, fiisaha dalka ay u socdaan ayaa loogu soo dhuftay, waxay taransid ku ahaayeen garoonka Muqdisho, sharciga aduunka u degan waxa uu dhigayaa in dadka taransidka ku ah dalka aan la dhibaateyn, dalka ay u socdaan ayaa u ogolaada inay ku degaan ama u diida, inta dalka oo ay sii marayaan shaqa kuma laha waxa ay ku dhoofayaan, waa xeer aduunka u degan,” ayey tiri Dr. Adna.

Dr. Adna Aadan oo sii hadleysay ayaa tiri, “Hadii Soomaaliya ay garaneyso sharciga, dad taransid ah baasaboor kama qaadeen, kamana jeex-jeexdeen, seddax maalmoodna afduub kuma heysateen, hadii sharciga aduunka ay garanayaan intaas ma sameeyeen.”

Sidoo kale Dr. Adna ayaa sheegtay in dhakhaatiirtaan ay nabad qabaan, isla markaana ay mar dhow heli doonaan baasabooradii laga jeex-jeexay iyo tababarkii caafimaad ee dowladda Soomaaliya ay dhaafisay.

Waxay dowladda Soomaaliya ku dhaliishay in dhakhaatiirta ay sidaan u gashay dadka ay Hargeysa ku daweeyaan ay u badan yihiin kuwo Muqdisho ka soo doonta daryeel caafimaad.

“Maalin kasta dadka ay daweeyaan Xamar ayey ka yimaadaan, Garowe ayey ka yimaadaan oo Boosaaso ayey ka yimaadaan, qaar ka mid ah madaxda Soomaaliya ayaa la socotay diyaaradii ay maanta ka soo degeen dhakhaatiirtaan, mana jirto cid dhib u geysatay, sababtoo ah magan ayey noo yihiin,” ayey tiri Dr. Adna Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa.

Xog: Nin Imaaraati ah oo markab siday shixnad dhan $shan milyan kala goostay ganacsato Soomaali ah

0

Berbera (Caasimada Online) – Markab u rarnaa Ganacsato reer Somaliland ah oo muddooyinkii dambe ku xirnaa dekedda Berbera ee Somaliland ayaa dib uga goostay dekedda, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Saraakiil ka tirsan dekedda oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in Markabkaas uu dib uga goostay dekedda Berbera, ayada oo aan laga dejin shixnadii saarneyd oo ay lahaayeen ganasato reer Somaliland ah.

Sidoo kale waxay sheegen in uu jiro khilaaf kooban oo soo kala dhex-galay Ninkii wakiilka u ahaa, oo asagu degan dalka Imaaraadka Carabta iyo howl-wadeenadii Markabka.

Markabka ayaa siday shixnad lagu qisaay ku dhawaad 5 Milyan oo dollar, waxa uuna kusoo aadaya goosashadiisa xili ay maalmo kooban inaga xigaan Ciida Carafo oo alaabta badankeeda loogu talo-galay.

Ganacsatada uu u rarnaa Markabkaas ayaa illaa hadda ku mashquulsan helistiisa, mana jiro ilaa hadda war sugan oo laga helayo goobta uu u goostay Markabkaasi iyo inay jirto dekedd kale oo uu ku xirtay.

Rooble oo soo faro-geliyey loolanka guddiyada waqooyi – Maxaa dhacay maanta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo faro-geliyey xiisadda ka dhex oogan xildhibaanada gobollada waqooyi, oo isku haya maamulka guddiyada doorashada gobollada waqooyi, kuwaasi oo laba u kala jabay.

Rooble ayaa maanta la kulmay xildhibaanadaas kadib markii xubnaha ay soo kala magacabeen Cabdi Xaashi iyo Mahd Guuleed ee guddiyada doorashada ay kala doorteen laba Guddoomiye, ayada oo xubnihii uu soo magacaabay Rooble ay la safteen garabka Mahdi Guuleed.

Rooble ayaa xildhibaanada kasoo jeedo waqooyiga kala hadlay khilaafka ka taagan guddiyada doorashada ee Somaliland, wuxuuna u ballan qaaday in doorashada kuraastada loo maamuli doono si daahfurnaan ah, kana fog jecleysi iyo eex, sida lagu sheegay qoraal xafiiskiisa soo baxay.

Xubnaha kulmay xildhibaannada ka soo jeeda gobobllada woqooyi ayaa soo dhaweeyay kulanka uu ugu yeeray Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyaga oo sheegay inay diyaar u yihiin in doorashada Xildhibaannada ay u dhacdo si cadaalad ah.

Sida muuqata khilaafkii Siyaasiyiinta labada garab ee Gobolada Waqooyi ayaa dib u soo laba kacleeyay, iyadoo Guddidii labada garab ka yimid ay khilaafka darteed labo hotel u kala dageen.

Arrinta ugu weyn ee la isku hayay ayaa ahaa in aanay doorashda Guddoomiyaha Guddiga ka qeyb galin saddexda xubnood ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha laga soo magacaabay, taasoo aheyd dood ay qabeen Garabka Cabdi Xaashi.

Lama ogo waxa uu khilaafka u dhaxeeyo guddiyada doorashada Somaliland uu ka badali karo kulanka Ra’isulwasaare Rooble Maanta la yeeshay xildhibaanada  waqooyiga.

Abiy oo wacad maray kadib tallaabo ay Tigrayga qaadeen

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta wacad ku maray inuu iska caabin doono weerarada “cadowga” Ethiopia, kadib markii mucaaradka gobolka Tigray ay billaabeen howlgal cusub oo ay ku qabsanayaan dhulal.

“Waan is-difaaci doonnaa, iskana caabin doonnaa weerarada cadowgeena gudaha iyo dibedda, annaga oo sidoo kalena ka shaqeyn doonna dadaallada bani’aadannimo,” ayuu Abiy ku yiri bayaan lagu daabacay twitter-ka.

Ciidamada Tigray ayaa toddobaadkan soo cusbooneysiiyey weerarada ay ka fulinayaa gobolka Tigray ee waqooyi, ayaga oo guulo ka sheegtay dagaalo dhowr ah, laba toddobaad kadib markii dowladda federaalka ay ku dhowaaqday xabad-joojin hal dhinac ah.

Waxay tani ka dambeysay qabsashadii ay kula wareegeen magaalada caasimadda ah ee Mekelle, taasi oo weji cusub u yeeshay dagaalka sideedda bilood ka socda gobolka Tigray, oo ay ku dhinteen kumanaan qof, boqolaal kun oo kalena ay ku barakaceen.

Abiy, oo horey ugu guuleystay abaal-marinta Nobel, balse go’aankii uu dagaalka ku aaday ay kasoo gaartay sumcad-darro, ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay inay soo afjarto colaadda, xitaa haddii ay taas “qiimo” ku kacdo.

“Waxaan xabad-joojin hal dhinac ah u qaadanay inaan ka fogaano dagaallo kale oo dheeraad ah, oo aan dadka u neefino, inta lagu guda jira xilliga beerashada, islamarkaana ogolaano in howlgalka gargaarka uu socdo qiil la’aan,” ayuu yiri Abiy.

“Shacabkeena, sida ay horey u muujiyeen, waa inay u midoobaan sida hal ciidan oo kale, si ay u xaqiijiyaan bad-baadada dalkeena, oo ay taageeraan Ciidamada Difaaca Qaranka Ethiopia, oo ay iska difaacaan iskana caabiyaan cadaadiska dibedda iyo daan-daansiga gudaha,” ayuu yiri Abiy Ahmed.

Ciidamada Tigray-ga ayaa sheegay inay dagaalka sii wadi doonaan illaa xuduudaha gobolka ay kusoo noqdaan sidii ay ahaayeen kahor dagaalka, ayna la wareegaan magaalooyinka weli gacanta ugu jira ciidamada dowladda iyo kuwa gobolka Amxaarada.

AFP + VOA

Guddigii uu magacaabay Rooble oo ay ka maqan tahay J/L oo gaaray Garbahaarey

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddiga dib u heshiisiinta ee Gobolka Gedo ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta gaaray Magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolkaas.

Guddiga oo ka kooban xubno ka kala socdo Maamul Goboleedyada dalka marka laga reebo kan Jubaland ayaa Magaalada Garbahaarey ka bilaabay la tashiyada ku aadan sidii dib u heshiisiin looga dhex abuuri lahaa bulshada gobolka.

Wada-hadalada ka bilowday Garbahaarey ayaa waxaa saldhig u ah sidii Magaalada Garbahaarey loogu diyaarin lahaa qeybgalka doorasho loo dhan yahay oo lagu qabto magaaladaas.

Tagitaanka guddigaan ee Garbahaarey ayaa kuso aadayo xilli Maamulka Gobolka Gedo ee taagersan Farmaajo ay sheegeyn inuusan wax xiriir ah kala dhaxeyn madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, islamarkaana ay fursad siinayaan inta uga hartay waqtigiisa, oo ay ku sheegeen illaa bisha soo socota August.

Guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buule Maxamed (Canjeex) oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in maadaama uusan xiriir ka dhaxeyn maamulkiisa iyo maamulka Kismaayo, aysan aqbali doonin guddiga doorasho oo heer maamul-goboleed ah oo laga soo magacaabay magaalada Kismaayo.

Khilaafka ka taagan kuraasta taalo Gobolka Gedo ayaa kamid ah sababaha dib u dhigaya doorashada Soomaaliya, waxaana hadda laga war sugayaa natiijada kasoo baxdo dadaalada ay wadaan guddiga uu Rooble magacaabay.

Villa Soomaaliya ayaa ciidamadii ugu badnaa geysay Gobolka Gedo, waxayna gacan ku heynta gobolkaas kala wareegtay Maamul Goboleedka Jubbaland, waxaana socdo loolan ku aadan 16-ka kursi ee taalo Gedo.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhici doonto 10 October 2021 sida lagu qoray heshiiskii 27 May madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’isulwasaare Rooble ku dhex maray Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho inkastoo la qiyaasayo inay waqtigaas ka dib dhacdo sababo la xiriiro khilaafka ka taagan Gedo iyo Beledweyne.

Taalibaan oo ku hanjabtay ‘Jihaad’ ka dhan ah TURKEY

Kabul (Caasimada Online) – Kooxda Taalibaan ayaa dowladda Turkiga uga digtay inay sii waddo joogitaankeeda Militari ee dalka Afghanistan, taasoo ay kooxda ku sheegtay haddii ay dhacdo inay u arki doonto in ciidamada Turkiga ay yihiin kuwa gumeystayaal ah, islamarkaana ay ku qaadi doonto waxa ay ugu yeertay ”Jihaad”.

Digniinta ayaa timid iyadoo ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo hor leh oo dagaal oo dadka dhaleeceeya ay sheegayaan inay muujineyso in Taalibaan ay qorsheynayaan inay awood militari kula wareegaan guud ahaan Afghanistan, taasoo meesha ka saareysa ballan-qaadkoodii nabadeed, waxayna arrintaan sare usii qaadeysaa cabsida laga qabo in dalka uu galo dagaal sokeeye oo buuxa.

Mareykanka ayaa weydiistay Turkiga in ay sugaan amniga garoonka diyaaradaha ee Kabul kadib markii dhamaan ciidamada xulafada Mareykanka iyo NATO ay go’aan ku gaareyn inay guud ahaan dalkaas isaga baxaan dhammaadka bisha soo socota.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay Jimcihii isaga oo aan faahfaahin ka bixin in uu Washington kula heshiiyey in ciidamada Turkiga ay qaataan amniga iyo maareynta Garoonka Diyaaradaha.

Kooxda Taliban ayaa cambaareysay heshiiska dhex maray dowladaha Mareykanka iyo Turkiga, iyadoo ku tilmaamtay inuu yahay mid carro dhallin kara, waxayna ka dalbadeen Turkiga inay dib u eegaan go’aankooda.

Bayaan ay Taalibaan soo saartay ayay ku sheegtay in ciidan kasta oo Afganistan ku hara ay u arki doonaan kuwa duullaan ku ah dalkooda, waxayna Turkey ugu digeen in xiriirka kala dhexeeya uu xumaan doonoo haddii ay sii joogaan.

“Sii joogitaanka ciidamada ajaanibta ah sabab kasta haku marmarsiiyoodaan waxaan u aragnaa inay yihiin gumeysi dhul qabsi ah, shaqo kordhinta loo sameenayo ciidamada Turkiga waxay kicin doontaa shucuurta iyo cadaawadda ka jirto gudaha dalkeena, waxayna dhaawici doontaa xiriirka labada dal,” ayaa sidoo kale lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay kooxda Taalibaan.

Amniga iyo habsami u socodka garoonka caalamiga ah ee Hamid Karzai ee caasimada Afghanistan ayaa muhiim u ah ilaalinta wakiilada diblomaasiyadeed iyo ururada ajaanibta ah ee ka howl gala Kabul, waxaana maalinti Talaadada aheyd qarax bam oo lagu wareeray lagu dilay ugu yaraan afar qof. Sidoo kalana waxaa kor usii kordhay colaadaha ka jira gobolada kale ee dalkaas.

Wasiirka gaashaandhigga Turkiga Hulusi Akar ayaa saxaafadda u sheegay kadib shirkii golaha wasiirrada fiidnimadii Isniinta in Turkigu ogolaaday qodobbada qaar ka mid ah dhiggiisa Mareykanka ee ku saabsan socodsiinta garoonka, wuxuuna sheegay inay wadaan ka shaqeynta heshiiskaas.

“Haddii garoonka diyaaradaha uusan shaqeyn, waddamada waa inay dib ugala laabtaan howlahooda diblomaasiyadeed halkaas,” ayuu yiri Akar.

Boqolaal ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa la filayaa inay sii joogaan caasimada Afghanistan, iyagoo ilaalinaya xarunta safaaradda Mareykanka.

Xoogaga Taalibaan ayaa si baaxad leh u kordhiyay gacan ku haynta qeybo badan ka tirsan Afghanistan iyagoo ciidamada Dowladda ka fara maroojiyay degmooyin fara badan iyagoon wax iska caabin ah la kulmin tan iyo markii ciidamada Mareykanka ay si rasmi ah u bilaabeen inay ka baxaan dalka horaantii bishii May.

Ciidamada Dowladda Afghanistan ayaa qaarkoda waxay dib ugu gurteen meelo nabadgelyo ah halka qaar kale oo ka tirsan ay isku dhiibeen kacdoonnada kusoo socda.

Guulihii laga gaaray dagaalka ayaa Taliban u suurta gelisay inay si buuxda u hareereeyaan magaalooyinka waaweyn ee Afghanistan, oo ay ku jiraan caasimadaha gobollada.

Afhayeenka Pentagon-ka John Kirby  oo saxaafadda kula hadlay magaalada Washington Maalintii Isniinta aheyd ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in Taliban ay qorsheyneyso inay si militari ula wareegto xukunka wadanka.

“Way cadahay waxay samaynayaan nashqado maamul oo u habeysan si qaran ah. Way cadahay waxa ay sameynayaan inay rumeysan yihiin inuu jiro xal milatari oo lagu soo afjarayo khilaafkan,”ayuu Kirby u sheegay wariyaasha.

“Waxaan sii wadeynaa inaan aaminsanahay in dhamaadka iyo xalka ugu badan ee dagaalkan uu yahay mid siyaasadeed, mid loo maro diblomaasiyadda lagu gorgortamayo,” ayuu mar kale yiri.

Maamulka Afghanistan ayaa wacad ku maray inay iska difaacayaan oo ka celinayaan kooxda Taliban magaalooyinka waaweyn, iyagoo sheegay in ciidamada ammaanka ay dileen boqolaal ka mid ah kooxaha kacdoonka waday maalmihii la soo dhaafay.

Tallaabo uu qaaday Yuuruf Dabageed oo xiisad dhalisay iyo wararkii ugu dambeeyay

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xiisad xoogan ay ka taagan tahay degmadaas, kadib shaqo joojin uu sameeyay madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka HirShabeelle.

Yuusuf Dabageed ayaa shalay shaqo joojin ku sameeyay guddoomiyaha degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan, Faysal Xaaji Aadan iyo labadiisa ku-xigeen, midaasi oo uga sii dartay qalalaasihii ka taagan degmada.

Madaxweyn ku-xigeenka oo dhawaan socdaal ku tegay Buulo-Burde ayaa waxa uu ku eedeynaya maamulkii degmadaas inay xalin waayeen khilaaf muddo ka dhex taagna maamulkooda iyo dagaalo beeleed kusoo noq-noqday degmadaas.

Shaqo joojinta uu sameeyay Dabageed ayaa waxaa ka dhashay xaalad jahwareer ah oo ka taagan Buulo-Burde, ayada oo saacadaha soo socda la filayo in Odayaasha dhaqanka degmadaas iskugu imaadan shir deg-deg ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulanka Odayaasha ayaa waxaa looga hadli doonaan shaqo joojinta uu sameeyay Dabageed iyo xiisada ka dhalatay ee saameynta xoogan ku yeelatay degmada.

Buulo-Burde ayaa xiligan waxaa laga dareemaya xaalad walaac leh, ayada oo dadweynaha deegaankaas ay soo wajahday cabsi baahsan oo la xiriirta xiisada ay uga dartay shaqo joojinta uu sameeyay madaxweyne ku-xigeenka.

Sawirro: BIIXI oo booqday deegaan ay Al-Shabaab sheegatay inay la wareegtay

0

Hobyo (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Dhulka ee Xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa kormeer ku tegay gudaha deegaanka Dhaghaye oo hoostaga degmada Hobyo, kadib markii Al-Shabaab ay shaaciyeen inay qabsadeen deegaankaasi.

Taliyaha ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan halkaasi, kuwaas oo beeniyey warka kasoo baxay Al-Shabaab ee ah inay si nabadoon ula wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi oo ah mid istaraatiiji ah.

Biixi ayaa socdaal ku maray qeybo ka mid ah deegaanka iyo saldhigyada ciidamada dowladda uu ku yaalla duleedka Dhaghaye ee gobolka Mudug.

Sidoo kale wuxuu kula dar-daarmay inay xoojiyaan dhaq-dhaqaaqyada iyo howl-gallada ay ka wadaan halkaasi.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka dhaco halkaasi, maadaama dhaq-dhaqaaq ciidan laga dareemayo.

Mudooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa halkaasi ka jira howl-gallo ay wadeen ciidamada Xoogga dalka iyo sidoo kale kuwa daraawiishta ee dowlad goboleedka Galmudug.

Si kataba, kooxda Al-Shabaab ayaa weli dagaallo iyo howl-gallo ka fuliso gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Haweeney ‘kufsi iyo dil loogu geystay’ magaalada Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay haweeney lagu magacaabi jiray, Hinda Cumar kufsi iyo dil loogu geystay xaafadda Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi.

Ehellada Allaha u naxariistee haweeneyda geeriyootay oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in ay geeyeen isbitaalka , loona xaqiijiyey in inta aan la dilin, ka hor lagula kacay kufsi iyo jirdil aad u xoogan oo sababay geerida ku timid marxuumadda.

“Dhakhtarku wuxuu yidhi waxay u dhimatay kufsi iyo dil” ayay tiri Hinda dumashideed oo wareysi gaar ah siiyey telefishinka Bulsho.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in Hinda ay markii ugu dambeysay saartay gaari bas ah oo ay la socdeen darawal iyo kirishboy isla socday oo looga shakisan yahay dhacdadaasi.

“8:40 PM ayaa bas huruuda oo laba nin saaran yihiin aan saaray, 9:00 PM waxa laygu yidhi inanti waa meyd, sidaas ayey inantii ku geeriyootay, iyada oo kufsi iyo dil loo geystay”” ayey markale tiri marxuumad Hinda dumashideed.

Ugu dambeyn ehellada ayaa ugu baaqay hay’adaha amniga ee Somaliland inay soo fara-geliyaan arrintooda, si ay cadaalad u hesho AUN dhibane Hinda Cumar oo geeriyootay.

Booliska Somaliland oo la wareegay kiiskan ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi argagaxa leh, si loo soo qabto dadkii ka dambeeyey.

Dhacdooyinka kufsiga iyo dilka arxan darrada ah ee isla socda ayaa kusoo badanaya Soomaaliya, waxaana horey looga soo wariyey meelo kala duwan oo ka mid ah dalka.

Khadiija Diiriye iyo Xamza oo hadallo kulul is-dhaafsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Khadiija Maxamed Diiriye iyo wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Xamza Saciid Xamza ayaa is dhaafsaday hadallo kulul oo ku aadan shaqada wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha.

Labadaan wasiir ayaa shaqada labadaas wasaaradood loo kala wareejiyey markii uu xafiiska yimid ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxayna wasiir Khadiija ka soo jawaabtay dhaliil uu wasiir Xamza u jeediyey wasaaraddii ay ku wareejisay.

Wasiir Xamza Saciid ayaa warbaahinta u sheegay in markii loo magacaabay wasaaradda dhalinyarada uu waayey xafiis uu ku shaqeeyo, sidoo kalena uu u tegay shaqaalihii oo fasax isaga maqan ku dhawaad laba sano ah, mushaarna iska qaadanaya, taas oo shaqa badan kadib uu sheegay in hadda uu wax badan ka bedelay.

Wasiir Khadiija Diiriye oo hadalkaas ka carootay ayaa ka soo jawaabay, waxayna wasiir Xamza ku eedeysay in markii la bedelay uu horay u sii kaxeystay, oo ‘soo celi laga kari waayey gaari ay leedahay wasaaradda gargaarka’.

“28-OCT/2020 ayuu igu wareejiyay xilka Wasaaradda Gargaarka iyo MM XJFS ilaa haddana wuxuu heystaa gaarigii hantida wasaaradda lagu iibiyay weliba iyadoo uu amar ku bixiyey Hanti-dhowraha guud ee Qaranka inuu soo celiyo ilaa iyo haddana lagama haayo. Hanti Qarana waligeey la iguma eedeyn,” ayey wasiir Khadiija ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook-ga.

Wasiir Xamza ayaa yiri, “Habeenkii aan la wareegay xafiiska wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha, waxaan waayay xafiis aan subixii u shaqa galo, waxaan ugu tagay iyadoo shaqaalaha wasaaradda sanad iyo bar ilaa laba sano fasax isaga jiraan mushaarkana ay iska qaadanayaan, runtii waxay taasi igu noqotay mushkilad weyn oo meesha ka jirtay.”

Wasiir Khadiija oo ka jawaabaysay eedeynta Xamza ee xafiiska iyo fasaxa shaqaalaha la xariirta ayaa tiri, “War-Dowladeed warqaduu ku-yaalaa. Wasiir Xamze waxaad ka mid ahyed golihii wasiiradda ee aqbalay fasaxa shaqaallaha wasaaradda ee weydii gudigaaga anshaxa iyo kan gob-shaqo ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XJFS.”

Guudlaawe oo xildhibaanada Hiiraan u sheegay inuusan wax ka qaban karin qorshaha Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiin reer Hiiraan ah oo uu qeyb ka yahay taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe, ayaa habeen hore Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha HirShabellle Cali Guudlaawe.

Xildhibaanadaan iyo siyaasiinta oo dhamaantood u dhashay beesha Xawaadle ayaa Guudlaawe ka dalbaday in uu is hortaago in guddoomiyaha guddiga maamulaya doorashada baarlamaanka Soomaaliya ee ka imaanaya dhinaca HirShabelle aan laga dhigin Axmed Xasan Diini, kaasoo isla maanta la doortay.

Diini oo maanta loo doortay guddoomiyaha guddigaas ayay Xildhibaanadaan ku eedeeyeen in uu ugu hanjabay in dhamaan Xildhibaanada Xawaadle kaliya uu ka soo laaban doono Nuur Iidow Beyle, halka inta kalane uu ku dadaali doono inaysan soo bixin, isagoo sababta ugu sheegay in uu amarkaas ka soo baxay Villa Somalia.

Cali Guudlaawe ayaa mas’uuliyiintii uu la kulmay u sheegay in Diini ay wadato Villa Somalia islamarkaana uusan waxba ka qaban karin.

Sidoo kale siyaasiintaan ayaa sheegay in Cali Guudlaawe oo isu dhiibay madaxtooyada Soomaaliya islamarkaana loo gaaro go’aanada siyaasadeed ee degaankiisa ama mida guud ee dalka. HirShabelle gaar ahaan magaalada Beladweyne ayaa kamid ah magaalooyinka ay ka dhici doonto doorashada ugu adag ee baarlamaanka Soomaaliya.

Maamulka HirShabelle ayaa aad loo saadaalinaya inay kasoo bixi doonaan xildhibaano aad u taabacsan Villa Somalia, sababtuna ay tahay in maamulkaas uu si buuxda gacanta ugu jiro madaxtooyada, ayada oo Guudlaawe uu

CC Shakuur oo ka hadlay kiiska Ikraan, shaaciyeyna xubno kale ‘oo la beegsaday’

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa Hey’adda Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA ku eedeeyey inay handadaad u heyso guddiyada doorashada ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrintan ku sheegay qoraal uu kasoo saaray kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar la la’yahay 17 maalmood oo hooyadeed ay sheegtay inay ku tuhmeyso NISA.

“NISA waxaa horay ugu luglahayd dhalinyaradii Eritrea loo qaaday, kiiskan iyo kuwo kale oo la mid ahna waa lagu haystaa. Waxay hanjabaad joogta ah ku hayaan xubnaha guddiyada doorashada,” ayuu xusay.

Hoggaamiyaha Wadajir ayaa ku baaqay in si deg deg ah xilka looga qaado hoggaanka Hey’adda NISA si xal loogu helo dhibaatooyinka ay hey’adaan ku heyso dalka sida uu hadalka u dhigay.

“Sida keli ah ee NISA lagu xakamayn karo waa in hoggaankeeda la bedelaa, loona dhiibaa shakhsi shaqada hay’ada ku ekaada. Waa tijaabo hortaala madaxbanaanida Rooble,” ayuu yiri.

Sido kale Hoggaamiye Cabdiraxmaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ugu baaqay inuu xil iska saaro sidii loo meel loo saari lahaa cabashada ka timid waalidiinta Ikraan.

“Waxaan codkayga ku biirinayaa Hooyo Qaali Guhaad. Waxaan ugu baaqayaa Raysalwasaare Rooble in uu xil iska saaro cabashada waalidka ay gabadhu ka maqan tahay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa Ra’isulwasaare Rooble ka codsaday inuu kiiskaan u saaro guddi madax banaan si ay baaritaan ugu sameeyaan kiiska Ikraan oo muddo ugu dambeysay qoyskeeda taasoo markii ugu dambeysay gurigeeda looga qaaday gaari loo maleenayo in laga leeyahay Hey’adda NISA taariikhda markay aheyd 26 June.

“Baaritaanka kiiskan waa in guddi madaxbanaan loo saaro. Sida ay waalidiinta sheegeen iyo xog aan ilo kale ka helayno, Ikraan waxaa ugu war danbaysay gacanta Hay’adda Nabad-Sugida,” ayuu sii raciyey.

Ikraan oo 24 jir aheyd oo si dhow ula soo shaqeysay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir AUN, Injineer Yarisow, ayaa la la’yahay tan iyo 26-kii Juun sanadkan aan ku jirno ee 2021-ka, sida ay sheegeen xubno kamid ah qoyskeeda oo la hadlay Warbaahinta.

Hooyo Qaali, oo warbaahinta kula hadashay Muqdisho, ayaa sheegtay in gabadhan ay xilli habeen ah raacday gaari u diiwaan gashan dowladda oo la yaqaan, gaar ahaan hay’adda NISA. Baabuurka gabadha qaaday ayey sheegtay inuu xilli habeen ah, abaare 8-dii, 26-kii June uu ugu yimid gurigeeda, kadibna Ikraan ay qaadatay Labtop ay ku shaqeyneysay.

Howlgal culus oo laga fuliyey xaafado ku dhow dhismaha Villa Somalia + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa xalay markale howl-gal gaar ah ka sameeyey agagaarka xarunta madaxtooyada qaranka , kaas oo ahaa mid lagu xaqiijinayey amniga, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa ciidamada Booliska Soomaaliya ay ka fuliyeen degmada Boondheere, gaar ahaan xaafado u dhow xarunta Villa Soomaaliya.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in howl-galka si gaar ah looga sameeyey inta u dhaxeysa isgoyska Maana-Booliyo, illaa Taalada Daljirka Daahsoon, waxaana ciidamada inta uu socday baaritaanka ay xireen dhaq-dhaqaaqa waddooyinka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen tiro dad ah oo tuhmanayaal ah, kuwaas oo ay haatan ku socdaan baaritaano, halka kuwa kale ciidamadu ay sii daayeen marka ay qabteen, kasii kadib.

Saraakiisha ammaanka weli war rasmi ah kama soo saarin howl-galkaasi oo ahaa mid ballaaran, isla-markaana lagu xaqiijinayey ammaanka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in howl-galkan uu daba socdo mid habeen ka hor laga sameeyey degmada Warta Nabadda, kadib markii tiro hoobiyeyaal ah lagu weeraray xaafado hoosta kaga yalla dhismaha Villa Soomaaliya.

Ammaanka Muqdisho ayaa maalmihii dambe ahaa mid aan xasilooneen waxaa gudaha caasimada ka dhacayey falal amni darro, sida dilal qorsheysan & weeraro qaraxyo ah.

Si kastaba dhacdooyinkan iyo howl-gallada ay wadaan ciidamada ammaanka ayaa kusoo aadayo, xilli haatan la guda-galayo doorashooyinka dalka oo heshiis laga gaaray.

Tirada dhimasho rabshadaha Koonfur Afrika oo korortay

 Durban (Caasimada Online) – Dalka Koonfur Afrika waxaa weli ka socda rabshadaha ka dhashay xarigga 15-ka bilood ee madaxweynihii hore ee wadankaasi Mr Jacob Zuma, waxaana xaaladdu ay tahay mid cakiran, iyadoo ay howl-gal wadaan ciidanka ammanka.

Wararka ayaa sheegaya in dhimashada ay korortay, isla-markaana ay haatan gaartay illaa 72 qof, halka rabshadaha ay kusii fidiayaan magaalooyin horleh oo ku yaal dalkaas.

Dadka dhintay waxaa ku jira kuwa boob u geysanayey goobo ganacsi oo isbuurasho ku dhintay, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha laamaha ammaanka ee Koonfur Afrika.

Dowladda ayaa sidoo kale dadaal xoogan wada, waxaana ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Milatari iyo Boolis la geeyey gobollada ugu daran ee ay dibad-baxyadu ka socdaan.

Sidoo kale Madaxweynaha dalkaas Cyril Ramaphosa oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda ee cikiran ee wadankiisa, wuxuuna ku baaqay in xaaladda la dajiyo.

Rabshadaha ka billowday Koonfur Afrika ayaa sidoo kale saameyn xoogan ku yeeshay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalkaasi, waxaana jira kuwa ku dhintay rabshadaha iyo boob xoogan oo ay la kulmayaan ganacsatada Soomaalida ah.

Waxa sidoo kale soo baxaya digniino culus oo ku aadan rabshadaha Koonfur Afrika oo haddii ay soo socdaan la sheegay inay sababi karaan inuu gaabis ku yimaada cunada.

Dhinaca kale Ururka Midowga Afrika ayaa si adag u cambaareeyey rabshadaha ka soo cusboonaaday wadanka Koonfur Afrika, wuxuuna ururka ku baaqay in si deg-deg ah loo soo celiyo kala-dambayntii, nabadda iyo xasilloonida ee dalkaasi.

“Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, wuxuu si adag u cambaareynayaa rabshadaha sababay dhimashada dadka rayidka ah iyo muuqaalada naxdinta leh ee dhaca hantida shacabka iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Guddoomiyuhu wuxuu ku baaqayaa in si deg-deg ah loogu soo celiyo kala-dambayntii, nabadda iyo xasilloonida dalka iyadoo si buuxda loo ixtiraamayo ku dhaqanka sharciga,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Si kastaba ha’ahaatee Koonfur Afrika ayaa haatan wajaheysa rabshadihii ugu xumaa tan iyo sanadihii 1990-naadkii, xilligaas oo dad fara badan ay ku dhinteen dagaallo culus oo dhex maray qowmiyadaha sanado yar ka hor intii uusan dalkaasi helin xornimada.

DF oo si kulul uga hadashay afar qof oo Soomaali ah oo lagu dilay dal kale (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku muujineyso sida ay uga walaacsan tahay rabshadihii iyo bililiqadii ka dhacday dalka Koonfur Afrika oo saacadihii la soo dhaafay lagu dilay 4-qof oo Soomaali ah, kuwa kalena lagu dhaawacay.

Sidoo kale dukaamo badan oo ay la haayeen muwaadiniin Soomaaliyeed ayey bililiqeysteen tuugo hubeysan, meelo kala duwan oo ka tirsan gobolka KvvaZulu-Natal ee dalka Koonfur Afrika, 72-kii saac ee la soo dhaafay.

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa dowladda Koonfur Afrika inay dadaalkeeda oo dhan ku bixiso, sidii loo ilaalin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed falalka arxan darrada ah, si loo hubiyo badbaadada noloshooda, dukaamadooda iyo ilaalinta xuquuqdooda.”

Qoraalka dowladda Soomaaliya ayaa intaas ku sii daray, “Soomaaliya waxay ku faantaa cilaaqaadka taariikhiga ah ee ay la leedahay dadka Koonfur Afrika intii ay ku jirtay halgankii ay kula jirtay midab kala sooca iyo heerka ay gaarsiisneyd taageerada badan ee siyaasadeed, dhaqaale iyo istiraatiijiyadeed ee ay siisay in muddo ah.”

Tan iyo markii xabsiga loo taxaabay madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma todobaadkii hore, kaas oo loo heysto musuq maasuq, waxaa dalkaas hareeyey dibad-baxyo waaweyn iyo boob ay geysanayaan dadka u dhashay dalkaas, dukaamada iyo bangiyada waaweyn ee dalkaas ayaa loo geystay boob xoog leh.

Ugu yaraan afar qof oo dhalinyaro Soomaaliyeed ahaa ayaa la xaqiijiyey inay ka mid noqdeen dadkii maalmihii la soo dhaafay ay galaafteen rabshadaha ka socda dalkaas, sidoo kale waxaa jira Soomaali kale oo dhaawacyo kala duwan loo geystay, waxaana boob xoog leh lagula kacay dukaamo badan oo ganacsato Soomaaliyeed ay ku lahaayeen gobollo kala duwan oo dalkaas ka tirsan.

Saameynta Ethiopia ay ku leedahay siyaasadda dalka Soomaaliya 2000 ilaa 2021

Somalia intii ka dambaysay burburkii dawladii dhexe ee Somalia 1991 kii waxa markii ugu horeysay dawlad loogu soo dhisay dalka Djibouti gaar ahaan magaalada Carta, waxaana lagu soo doortay Cabdiqaasim Salaad Xasan sanadkii 2000.

Magaalada Muqdisho xiligaasi waxa haystay hogaamiye kooxeedyo hubeysan oo mid waliba jufadiisa hor fadhiyo isuna qabo in uu madaxwayne yahay, waxa kale oo soo labaynayey kooxaha xoogaga maxaakiimta oo hubaysnaa ahaana awood qarsoon oo soo kobcaysa.

Magaalada Muqdisho markii uu ka degay Madaxwayne Cabdi Qaasim Salaad Xasan ( 2000 ilaa 2004 ) waxa ku soo dhaweeyey xoogagaa hubaysan ee markii dambe isku badelay maxaakiimtii islaamiga ahaa, Al-shabab iyo Xisbul Islam, waxa sidoo kale dawladaasi oo dhaafi wayday Hutel Ramadan Muqdisho taageeray laba sadex hogaamiye kooxeed walow aanay awood lahayn .

Xukuumada madaxwayne Cabdi Qaasim waxa ay yeelatay laba Raisal wasaare oo kala ahaa 1-Cali khaliif Galaydh, 2- Xasan Abshir Farax labadaba Alle ha u naxariisto e, waxaana ka hor yimid markiiba dalka Ethiopia iyaga oo ka cabsi qabay urur diimeedyada faraha badan ee awood doon ka ah in uu ka soo jeedo, gaar ahaan ikhwaanu muslimiin oo saldhigeedu yahay Egypt, waxaana ay xukuumadaasi qaadi kari wayday hal talaabo oo yagleel dawladnimo oo rasmi ah.

Waxa ku xigtay xukuumadii uu gadhwadeenka ka ahaa madaxwayne Cabdilaahi Yuusuf Axmed (2004 ilaa 2008 ) Alle ha u naxariisto e oo iyada lagu xamanayey in Ethiopia wadato, waxaana lagu soo dhisay magaalada Embaghati ee dalka Kenya sanadkii 2004 .

Xukuumadaasi waxa ay degtay Baydhabo oo ay ciidamo ku urursatay ay ka mid yihiin ciidankii maamul goboleedka Puntland oo uu Cabdilaahi Yusuf madaxwayne hore uga ahaan jirey iyo ciidamo Ethiopian ah oo badan, waxa Raisal wasaare ka ahaa Cali Maxamed Geedi, halka uu wasiirka arimaha guduhuna ahaa Xuseen Maxamed Faarax Caydiid.

Dawladii Cabdilaahi Yuusuf hogaaminayey xoog iyo dagaal ayey ku tagtay Villa Somalia, waxaana dhacay dagaalo lagu hoobtay, dawlada Cabdilaahi Yuusuf waxa mus dambeed u ahaa dawlada Ethiopia sidaasi darteed ayey uga hor yimaadeen xoogaga islaamiyiinta ah, waxa kale oo ka hor yimid dadka deegaanka Muqdisho qaybo ka mid ah.

Waxa dhacay dagaalo culus oo lagaga soo horjeeday in ciidamada Ethiopia Somalia soo galaan maadaama ay yihiin dal ay Somalia cadaawad soo jireen ahi ka dhaxaysay, dagaalkani oo markii dambe ujeedooyin kale yeeshay oo ay ururo argagixiso oo dano kale lihi dhex galeen, waxaa sameysmay mucaarid xoogan oo dal iyo dibad ba isaga yimid oo Asmara isku urursaday oo wadaado iyo siyaasiyiin ba isugu jira.

Waxa is khilaafay Cabdilaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi oo Raisal wasaare ahaa waxaana noqday oo uu Raisal wasaare ka dhigtay madaxwayne Cabdilaahi yuusuf, Nuur Xasan Xuseen ( Nuur Cade ) oo ay markii dambe is qabteen iyo Cabdilaahi Yuusuf oo loo arkay nin wada aargoosi siyaasadeed oo Ethiopia iska hor yimaadeen, markiiba caalamku cadaadis ku saareen in uu talada wareejiyo.

Waxaa xigtay in la dhisay dawlad ay ku mideysan yihiin maxaakiimtii islaamiga ahaa oo uu la heshiiyeen maraykanka iyo dawladihii danaynayey arimaha Somalia xiligaasi waxaana lala hadashiiyey intii ka soo hadhay dawladii Cabdilaahi Yusuf oo uu Nuur Cade hogaaminayo waxa la dhisay dawlad ku meelgaadh ah oo wadata baarlamaan ka kooban laba baarlamaan oo la isku daray oo uu hogaaminayo Sheekh Shariif waxaana lagu dhisay dalka Djibouti caasimadiisa Djibouti 2009.

Xukuumada uu madaxwayne Shariif hogaaminayey (2009 ilaa 2012 ) waxa ay fursad u heshay in ay haykalkii dawladnimo dhisto, diyaariso nidaam dalka Somalia kumeelgaadhka lagaga saarayo, waxaa hawlahaa gadhwadeen ka ahaa Raisal wasaare Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ku helay sumcad badan iyo Xukuumadiisii la odhan jirey ( TAYO ) .

Murug iyo isqabsi dhacay ka dib waxa heshiis Kampala lagu gaadhay in Farmaajo iyo xukuumadiisa la rido oo xiligaasi faro baas ku haysay kooxaha argagixisada iyada oo dan loo arkay markaasi cid wadatayba, waxaana heshiiskaa Kampala Accord aqbalay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo sidaa kaga tagey xilkii, xukuumadiisiina dhacday.

Waxa kale oo Maamulka Sheekh Shariif iyo sadexdii Raisal wasaare ee kala dambeeyey diyaariyeen hab federal ah in dawladnimada Somalia loo badelo oo maamul goboleedyo la dhiso waxaana la iskula qaatay shirarkii Garoowe 1 iyo Garoowe 2 oo mudo kooban ka horeeyey shirkii London ee dib u dhiska Somalia 2012 oo 52 dawladood oo aduunka ahi ka soo qayb galeen.

Shirkii London 2012 waxa uu ahaa shirkii ugu horeeyey ee Somaliland iyo Somalia kawada qayb galaan waxaana ku jirey oo ahaa shirarkaasi communique keegii 26 qodob ahaa qodobkiisa 6aad in beesha caalamku adkaynayso in xukuumada ku meelgaadhka ah ee Somalia iyo kuwa ka dambeeyaa wada hadal la furaan Somaliland .

Waxa ku xigtay xukuumadii uu hogaaminayey Xasan Sheekh Maxamuud (2012 ilaa 2017 ) oo raacaysay qariirdadii Garowe 2 ( Garoowe Two Roadmap ) oo ahaa hirgalinta nidaamka maamul goboleedyada ( federal system) iyo qodobadii ka soo baxay shirkii London 2012 ee dib u dhiska Somalia oo ugu weynaa qodobka wadahadalada Somaliland iyo Somalia, Ethiopia waxa loo arkayey cida dabada ka riixaysa nidaankan ee qorshaheega lagu socdo.

Xiligaasi xukuumada madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud waxa abuurnayd qadiyad Ethiopia diid ah oo loo arkayey in talada Somalia ay Addis-Ababa faraha kula jirto waxaana si gaar ah saameyn u lahaa General Gabre oo qaabilsanaa arimaha Somalia oo Muqdisho fadhiyey, sidoo kale ciidamada Ethiopia iyo Amisom na taladooda wax weyn ku lahaa.

Madaxweynihii xigey waxa uu noqday Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ( 2017 ilaa hadda 2021 ) fadhiya oo ku ololeeyey in aanay aheyn wax la aqbali karo in Ethiopia Somalia dhexdeeda ka taliso waxaana uu ku helay taageero iyo cudud weyn oo dadku siiyeen xiligaasi maadaama aad loo dareemayey culeyska Ethiopia.

Ayaan darada dhacday Madaxwayne Farmaajo oo jooga ayaa muwaadiniin soomaaliyeed inta uu qab-qabtay Ethiopia u dhiibay oo uu ka mid ahaa Qalbi dhagax, ka dib markii xukuumadii Tplf meesha ka baxdayna waxa uu noqday garabka koowaad ee Abiy Ahmed iyo dawlada Ethiopia oo ay wada galeen heshiisyo sadex geesood ah dalalka Somalia, Ethiopia iyo Erateria.

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Daawo: Xamza oo shaaciyey arrimo yaab leh oo uu ugu tegay wasaaraddii uu kala wareegay Khadiija Diiriye

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya Xamza Saciid Xamza ayaa ka sheekeeyey arrimo uusan filaneyn oo uu ugu tegay markii loo magacaabay wasaaradaas, isagoo aad u dhaliilay hanaankii hore ee wasaaradda dhalinyarada ay u shaaqeyn jirtay.

Wasiir Xamza waxa uu sheegay in markii loo magacaabay wasaaradda dhalinyarada uu waayey xafiis uu ku shaqeeyo, sidoo kalena shaqaalihii ay fasax isaga maqan yihiin in ka badan laba sano, taas oo shaqa badan kadib uu sheegay in hadda uu wax badan ka bedelay.

”Habeenkii aan la wareegay xafiiska wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha, waxaan waayay xafiis aan subixii u shaqa galo, waxaan ugu tagay iyadoo shaqaalaha wasaaradda sanad iyo bar ilaa laba sano fasax isaga jiraan mushaarkana ay iska qaadanayaan, runtii waxay taasi igu noqotay mushkilad weyn oo meesha ka jirtay,” ayuu yiri wasiir Xamza Saciid.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in hadda uu ku guuleystay in shaqadii wasaaradda uu dib u soo celiyo.

“Markaan imid saddex bilood waxay igu qaadatay inaan Wasaaradii inaan isu keeno, xafiis u raadiyo, shaqaalihii soo noqdaan, lagu shaqo bilaabo, waxay noqotay inaan eber ka bilowno.. Hadda wasaaradda waa socod barad, haddana dhisme ayaaba ka socda..” ayuu yiri Wasiir Xamza oo warkiisu ku socday sidii ay wasaaradda u maamuleysay Khadiijo DiiriyeWasaaradaan markii loo magacaabayey wasiir Xamza waxaa laga wareejiyey Khadiija Maxamed Diiriye  oo haatan ah Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.

Hoos ka daawo wasiir Xamza

Daawo: Maareeye oo shaaca ka qaaday qorshe ay u degeen DF iyo maamul goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka mid ah siyaasiyiinka ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa dhammaan madaxda maamul goboleedyada dalka iyo kuwa dowladda dhexe ku eedeeyey inay masuul ka yihiin, oo ay ku heshiiyeen boobka kuraasta xildhibaanada waqooyi.

Waxa uu sheegay in kulamadii looga hadlayey doorashooyinka dalka aysan siyaasiyiinta reer Somaliland wax metelaad ah ku leheyn, isagoo siyaasiyiinta reer koonfureedka ku eedeeyey in aysan dooneyn in dib loo soo celiyo midnimada Soomaaliya.

“Kulamadii doorashooyinka cid noogu jirtay malahan, dhammaan maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa masuul ka ah in nala kala qeybiyo, si loo boobo kuraasta xildhibaanada gobollada waqooyi,” ayuu yiri Maareeye.

Waxa uu sheegay in siyaasiyiinta gobollada waqooyi ee ku jirta dowladda federaalka ay lahaa jireen dhaqan ah in qofka ugu sareeya uu hoggaamiyo xilliga doorashada.

“Dowladdu waxay noo diiday oo maamul goboleedyaduna kula safanyihiin inaanaa ka qeyb gelin madashii doorashooyinka looga tashanayey, waxaan dhihi karaa halkaan lagama rabo qadiyada midnimada. Shacabka Soomaaliyeed inuu midoobow rabaa, laakiin dadka kursiga ku shaqeysta midnimo ma rabaan, marka iyagaa na kala qeybiyey oo madashii noo diiday oo hoggaankeenii Cabdi Xaashi u diiday in talada laga qeyb geliyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray xildhibaan Maareeye.

Sidoo kale Maareeye waxa uu sheegay in dad badan oo midnimada u taagnaa ay koonfur isaga tageen markii ay waayeen cid kala shaqeysa.

“Hadii doorashadaan aan loo deyn dadka reer waqooyi ka jooga halkaan, dhaawac weyn ayaa gaari doona raadintii midnimada Soomaaliya, hadii laga dhega adeygo dadka iska leh doorashadaan in maamulkeeda loo daayo, tallaabooyin adag ayaa nooga diyaarsan,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Hoos ka Daawo