27 C
Mogadishu
Friday, July 10, 2026

DF oo shaacisay duqeyntii u horeysay oo muddo bilo ah lagu beegsaday Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in duqeyn cirka ah maanta lala beegsaday dagaal yahanada Al-Shabaab ee ku sugan deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug.

War-saxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyntu ay dhacday barqanimadii maanta abaaro 11:15Am, taasi oo lagu bartilmaameedsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaal-yahanada Al-Shabaab.

Qoraalka marnaba laguma shaacin goobta ay duqeynta ka dhacday, marka laga imaado inay kamid tahay deegaanada maamulka Galmudug, oo ay ciidamada dowladda ka wadaan howl-galo looga sifeynayo Shabaabka.

“Cabsidii ugu weyneyd ee Al-Shabaab soo wajahday ayaa dhabowday. Maanta oo ay taariikhdu tahay 20-ka Luulyo 11-ka barqanimo ayaa duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab ka dhacday Deegaanada Dowlad Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya, taasi oo lagu difaacayey geesiyada Ciidanka Kumaandooska ah Xooga dalka ee DANAB” ayaa lagu yiri qoraalka kasooo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Duqeyntaas ayaa aheyd sida lagu sheegay war-saxaafadeedka mid lagu ilaalinayey ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Danab ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ka wada deegaanada maamulka Galmudug.

“Duqeynta lagu difaacayay Ciidanka wax dhibaato uma geysan dadka rayidka ah. Ciidanka Xooga dalka iyo DANAB way sii wadayaan dadaalada ay ka wadaan dowlad goboleedka Galmudug, si ay uga xoreeyaan shacabka Soomaaliyeed falal xaasidnimada ee canaasiirta Al-Shabaab.”

Sidoo kale dawladda Soomaaliya ma sheegin cidda gaysatay duqyantan, hase yeeshe waxaa la rumeysan inay qeyb ka ahaayeen saaxiibada Soomaaliya ee ka taageera dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

19-kii Janaayo ee sannadkan ayey ahayd markii duqayntii ugu dambaysay ee rasmi ahaan loo shaaciyey uu Maraykanku ka gaystay Soomaaliya, xilligaasi wixii ka dambeeyey dawladda Maraykanku ma sheeganin wax duqayn ah oo ka dhacday Soomaaliya.

“Haddii aynu wada-jirno, Al-Shabaab wax uma dhimi karaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka ay Wasaarada Warfaafinta kasoo saartay duqeymaha maanta laga fuliyey Galmudug.

Si kastaba, duqeynta ay sheegtay dowladda in lala bartilmaameedsaday Al-Shabaab ayaa imaneysa xili ay maalmahan ay dagaallo ku dhexmarayeen degaanno u dhow Bacaadweyne iyo Camaara ciidamada dawladda iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Madaxweyne ka badbaaday isku day dil xilli uu ku guda jiray Salaadda Ciidda

0

Bamako (Caasimada Online) – Madaxweynaha kumeel-gaarka ah ee dalka Mali, Assimi Goita ayaa saaka ka bad-baaday isku day dil oo loo adeegsadat mindi ah intii lagu guda jiray salaadii Ciida-Carafo ee Masjidka weyn ee Bamako, sida ay sheegtay madaxtooyada dalkaas.

Weerarka ayaa waxaa fuliyey laba nin oo mid uu mindi watay, kuwaas oo la sheegay inay usoo dhaqaaqeen dhanka Goita, kaasi oo durba ay la ordeen ciidamada amniga.

Qoraalk kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in la fashiliyey weerar lagu dili rabay madaxweyne Assimi, islamarkaana ay ka hortageen laamaha amaanka iyo ilaalada madaxweynaha.

“Weerarka waxaa durbadiiba ka awood roonaaday laamaha amniga. Baaritaannadu way socdaan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada ee la xiriiray weerarka Assimi.

Madaxweyne Goita ayaa lagu soo waramayaa inaysan waxyeelo gaarin, islamarkaana uu bad-qabo, sida ay Reuters u sheegen labo kamid ah saraakiisha Millatariga.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Goita “uu amni yahay oo uu badqabo, kadib wax ay ugu yeereen isku day khaarijin.

Goita ayaa la geeyey xerada militariga ee Kati oo ku taalla banaanka caasimadda, “halkaasi oo amniga la xoojiyey,” sida lagu sheegay qoraalka.

Goita, waa 38 jir kornayl ka tirsan ciidamada gaarka ah, wuxuuna xukunka la wareegay bishii Juun, kadib markii labaad oo uu afgambiyey madaxweyne muddo 9 bilood gudahood ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda u dhaxeysa Imaaraadka iyo Sacuudiga

Riyadh (Caasimada Online) – Hoggaamiyayaasha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa Isniintii ku kulmay magaalada Riyadh, si ay u adkeeyaan xiriirkooda kadib markii dhowaan labada dowladood ay hadallo hawada isu mariyeen ayaga oo ku muransan qiimaha shidaalka caalamka.

“Walaalkey Mohammed bin Salman iyo aniga waxaan ka wada-hadalnay hababka lagu xoojin karo xiriirka walaalnimo iyo iskaashiga muhiimka ah ee labadeena dal,” waxaa sidaas yiri dhaxal-sugaha Abu Dhabi Mohammed bin Zayed kadib kulan uu la yeeshay dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman.

“Saaxiibtinimada Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya waxay weli tahay mid xooggan oo barwaaqo ah,” ayuu Bin Zayed ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter-ka.

Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA ayaa dhankeedana werisay in Mohammed bin Salman uu garoonka kusoo dhoweeyey Mohammed bin Zayed, labada hoggaamiyena ay yeesheen wada-hadallo miro dhal ah.

Labadan hoggaamiye ayaa muddo loo arkay lamaanaha awoodda gobolka, waxayna ku caan yihiin xarfaha magacyadooda loo soo gaabiyo eee MBZ iyo MBS. Hase yeeshee, kulan la’aan jirtay muddooyinkii dambe ayaa sare u qaaday xan ku saabsan in xiriirkooda uu dabcay.

Muran horraantii bishan ka dhashay heshiis ay dalalka shidaalka soo saara ee OPEC+ qorsheynayeen ayaa sidoo kale khilaaf ka dhex-abuuray labada dal, oo laba waddo kala raacay.

Loolan ku dhisan dhaqaale ayaa xuddun u ah khilaafka, ayada oo dalalka Khaliijka ay isku dayayaan inay ka faa’iideystaan keydkooda shidaalka, xilli ay wajahayaan in dunida mar aan dheereyn ay ka kaaftoomi doonto shidaalka intiisa badan.

Imaaraadka Carabta ayaa heshiiska OPEC+ ku qeexay “mid caddaalad darro ah” ayada oo kula loolantay Sacuudiga oo ah dalka dhoofiya shidaalka ugu badan caalamka.

Si kastaba, OPEC+ ayaa heshiis gaaray Axaddii, kaasi oo dhigaya in si tartiib ah sare loogu qaado soo-saarka shidaalka caalamka laga billaabo August.

AFP + VOA

Daawo Video: Muqdisho iyo magaalooyinka dalka oo maanta si weyn looga ciiday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si weyn looga ciiday magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya maalinta koowaad ee Ciida-Carafo, ayada oo inta badan salaadda ciida lagu dukaday goobaha fagaaraayaasha.

Masjidka Isbaaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho ayaa kamid ahaa goobihii lagu dukaday salaadda ciida, ayada oo aysan ciidan kala soo qeyb-galin Madaxda sarre ee dalka oo hore bulshada ugala qeyb-gali jiray dukashada salaadda ciida.

Sidoo kale waxaa saxmad ahaa saaka waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, ayada oo indhahaaga ay qabanayeen caruur iyo waalid gacanta haya oo u socda goobaha loo diyaariyay ciida iyo tamashleynta.

Dhinaca kale, waxaa saaka shacabka magaalada Hargeysa kala qeyb-galay dukashada salaada Ciida madaxweynaha Somaliland oo kumanaan shacab ah kula dukaday masjid jaamaca weyn ee caasimadda Hargeysa.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimadda, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, siyaasiyiin iyo xildhibaanno, wuxuuna madaxweynaha u jeediyay khudbad uu bulshada ku hogo-tusaaleeyey dhibaatada ay noocyada kala duwan ee mukhaadaraadku ku hayaan shacabka.

Munaasibadda Ciidal Carafo ayaa si weyn looga dabaal-degay guud ahaan magaalooyinka dalka, waxaana laga dareemaya saxmad waddooyinka waaweyn iyo goobaha ay iskugu imaadan dadku.

Jubaland oo soo saartay digniin culus iyo heegan la geliyay ciidanka maamulka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo saartay digniin culus oo ku aadan maalmaha ciida iyo is-dhex-galka bulshada kala jinsiga ah, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda cadaalada ee maamulkaas.

Shacabka ayaa gebi ahaanba looga digay inay isugu tagaan Xeebaha oo halis ka dhalan karto, maadaama badda ay kacsan tahay, ayada oo hay’addaha amaanka la faray in dadka ay ka celiyaan.

“Waxaa reebban in dadka loo fasaxo meelaha la isugu tago ee Xeebaha ah, Ciidamada amniga waxaa la farayaa in ay wax ka qabtaan Ragga & Dumarka is dhex-galaya, waxaa la arkay Carruur iyo dad kale oo ku dhintay Badda,” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Wasaaradda Cadaaladda DG Jubbaland.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Cadaalada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in gebi ahaanba la ogoleyn is-dhex-galka raga iyo dumarka oo inta badan maalmaha ciida lagu arko xeebaha.

Wasaaradda ayaa soo jeediSay in Ciidamada ammaanka la geeyo Xeebaha si ay uga warqabaan dhaq-dhaqaaqa dadka oo maanta oo kale aad u badan maadaama damaashaadka Ciidda ay ku jiraan.

Qoraalka Wasaaradda ayaa sidoo kale waxa lagu mamnuucay in la qabto bandhig faneen iyo in laga shaqeeyo wax waliba oo abuuri kara amni darro, waxayna sheegtay in dadka ku xad-gudba awaamiirtan ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan laamaha amniga.

Si kastaba, arrintaan ayaa imaaneysa xili uu maamulka Jubbaland isku diyaarinayo qabashada doorashada Senatarada Aqalka sare, islamarkaana la adkeeyay ammaanka magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, ayada oo waddooyinkana la dhigay Ciidamo baaritaan ku sameynaya dadka iyo gaadiidka kala duwan.

Xasan oo war cusub kasoo saaray heshiiska doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweymihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muuqaal soo duubay ayaa ka hadlay munaasabadda Ciidul-Adxa oo maanta Talaado ah ay ku beegan tahay maalintii koowaad oo si weyn loo Ciidayo.

Ugu horreyn Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan munaasadda Ciida u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo dalkana Alle uga baryey amni iyo horumar.

“Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidd Al-adxa. Waxaan Alle dalkeena uga baryayaa amni iyo horumar,” ayuu yiri.

Dhinaca kale musharrax madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo hadal-qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo heshiiska laga gaaray.

Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya waxa dhibaatada u keenay ay tahay fulin la’aanta wixii lagu heshiiyey, sidaas daraateedna wuxuu ku baaqay in wax weliba loo fuliyo, sida ay tahay, si looga gaashaanto khilaaf horleh oo yimaada.

“Iyada oo shalay aan soo heshiinay Maanta wixii lagu heshiiyay in si kale aan ula dhaqano waa waxa mudada dheer aan dhibaatada ugu jirno, marka waxaan ku baqayaa in wax walba sida ay yihiin loo fuliyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xasan Sheekh.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo halkiisii uu yahay heshiiska doorashooyinka ee ay magaalada Muqdisho ku gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada & G/Banaadir.

Si kastaba Soomaaliya ayaa weli ku jirto marxalad kala guur ah, iyada oo haatan lagu wado in la guda-galo doorashada, iyada oo lagu hormarayo soo xilista xildhibaanada.

Amiirka AL-SHABAAB oo hanjabaad culus kasoo saaray doorashada, weerarna ku qaaday dhinacyo badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Amiirka Kooxda Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda ayaa cod cusub oo uu soo duubay, oo lagu soo beegay munaasabadda ciidda, kaga hadlay doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan.

Abu Cubeyda oo marka hore ka hadlay khilaafkii ka dhashay doorashooyinka Soomaaliya, ee markii dambe keenay in lagu xaliyo xerada Afisyoone, taasi oo uu ku macneeyey inay ka tarjumeyso sida “shisheeyaha ay dalka u haystaan iyo in amarradooda lagu maamulo.”

Waxa uu madaxda dalka hadda maamula iyo musharaxiinta madaxweyne ugu yeeray kuwa u adeegga shisheeye, oo aan xor aheyn, isaga oo su’aal ka keenay sida dad noocaas ah looga sugi karo inay dalka samata bixiyaan, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sidoo kale weerar culus ku qaaday hay’adda culimada Soomaaliyeed, oo uu ugu yeeray “culumaa’u suuq faasidiin ah oo diintooda ka leexday, islamarkaana sharciyaaya nidaam aan ku saleysneyn diinta Islaamka, oo ay xalaaleeya xumaanta ay ku jiraan madaxda dowladda federaalka, kuna raacay madaxdaasi in dalka lagu xukumo wax aan ahayn kitaabka Allah.”

Abu Cubeyda ayaa culimada dusha ka saaray xukun ah inay diinta ka baxeen, kana mid yihiin caqabadaha Soomaaliya heysta, sida uu hadalka u dhigay.

Abu Cubeydah ayaa sidoo kale weerar ku qaaday ciidamada Soomaaliya iyo warbaahinta Soomaalida, isaga oo sheegay in warbaahinta ay u adeegaan faafinta iyo qurxinta nidaamka dimqoraadiga ah, oo xaqiiqda ay qariyaan, sida uu hadalka u dhigay.

Amiirka Al-Shabaab ayaa uga digay shacabka iyo ergooyinka inay ka qeyb-galaan doorashooyinka dalka ka dhacaya.

“Waxaan uga digeynaa umaddeena inay ka qeyb qaadato doorasho ku sheegga dalka laga hirgelinayo, waxana uga digeynaa inay qeyb ka noqoto gumeysiga uu dalku ku jiro, garab iyo sharciyadna siiso ajendaha gaaladu wadato ee salka ku haya la dirirka Shareecada Islaamka,” ayuu yiri. 

“Mujaahidiintu waxay kasoo horjeedaan qorshe kasa oo diinta ka hor imaanaya.. waxaan digniin iyo dardaaran u direynaa ergada wax soo xusha.. amnigiinaa ma sugi doonaan kuwa mansab raadiska ah, ha ku kedsoomina inaad dhaqaale heli doontaan; waa inaad ku tusaale qaadataan kuwii idinka horeeyay iyo inta ka nool nolosha ay ku nool yihiin.”

Abuu Cubeyda ayaa ugu dambeyn ammaanay maamullada Al-Shabaab ee wilaayaadka loo yaqaan, kuwaasoo uu sheegay inay damiyeen colaadii u dhaxeysay beelaha Soomaaliyeed, ayna tusaale u yihiin, sida uu yiri, inay Soomaaliya diinta ku midoobi karto.

Daawo: Xildhibaan Aamina oo shaaca ka qaaday sarkaal ‘lagu tuhmayo’ Ikraan Tahliil

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xogo dheeraad ah laga helayaa kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la waayey 16-kii bishii hore. Ikraan waxay ka tirsaneyd hey’adda NISA, waxaana isisoo taraya tuhunka la xariira in gabadhaas ay ku maqan tahay gacanta saraakiil ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya.

Ikraan waxay kaamiraduhu qabteen, iyadoo gaari sii raaceysa markii cid ugu war dambeysay.

Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka mid ah xubnaha golaha shacabka ku metela beesha ay u dhalatay Ikraan oo la hadashay TV-ga Universal ayaa sheegay in Ikraan ay reerkeeda u sheegtay inuu jiro sarkaal ka tirsan NISA oo u hanjabay, islamarkaana ay qorsheyneysay inay dalka isaga baxdo.

“Gabadhu NISA ayey la shaqeyneysay, waxaa markii hore shaqaaleysiiyey Taliyihii hore ee NISA Sanbaloolshe, tuhumada la qabana waxaa ka mid ah in gabadhaan ay xog badan ka heysay qaabkii loo qaaday ciidanka la qeysan yahay ee Eritrea ku maqan, waa dhici kartaa in waxyaabo noocaas ah gabadha loo heysto,” ayey tiri Xildhibaan Aamina Maxamed.

Xildhibaan Aamina oo sii hadlaysay ayaa tiri, “Waxaa jirtay in gabdhu ay wacday ehelkeeda qaar oo ay u sheegtay inuu handaday sarkaal la yaqaano, ayna rabtay inay dalka isaga baxdo, sarkaalkaas magaciisa gabadhu waa sheegtay, waana sheegi doonaa markii loo baahdo cadeyn.”

Sidoo kale Xildhibaan Aamina ayaa sheegtay in gaarigii gabadha ka qaaday Taliska NISA uu watay nin darawal u ah Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir.

“Markii aan u tagnay mas’uuliyiinta hey’adda Nabad sugidda waxay na dheheen kiiska gabadha waan baareynaa, hadii ay baarayaan waxaa la rabay inay wiilkaas soo xiraan oo asaga la weydiiyo gabadhii meesha uu geeyey, anaga waxaan xaqiijineynaa in wiilkaas uu yahay darawalka taliyaha Nabad sugidda gobolka Banaadir, asagaana la weydiinayaa gabadha oo dad ugu war dambeeyey, hadii shakhsiyan uu  gabadha u heysto ama hey’adda uu meel u geeyey, isagaa laga rabaa inuu meel ku sheego gabadhii,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Xildhibaan Aamina oo ka mid ah xubnaha golaha shacabka ku metela gabadha maqan ee Ikraan.

Caasimada Online si madax-banaan uma xaqiijin karto xogta ay bixisay xildhibaan Aamina.

Hoos ka daawo

Mareykanka oo go’aan ka gaaray sharci ay si weyn uga war sugayeen Soomaalida

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Amniga Gudaha ee Dowladda Maraykanka Alejandro Mayorkas ayaa ku dhowaaqay in dadka Soomaalida ah ee sharciga aan ku lahayn Maraykanka 18 bilood lagu kordhiyey waqtiga ay sii joogi karaan waddankan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Soomaaliya mar kale loo asteeyey inuu yahay waddan ay dhibaato ka taagan tahay.

Dadkaasi joogitaanka loo kordhiyey ayaa lagu magacaabaa inay haystaan Xaalad Joogitaan oo ku meel-gaar ah ama Temporary Protected Status (TPS).

Kordhinta joogitaankooda ayaa ka billaabanaya bisha soo socota ee September 18-keeda 2021, waxayna ku egtay bisha March 17-keeda sannadkan 2023.

Waxa uu sheegay xoghayuhu in tallaabadan cusub ay dawladda Maraykanka u saamaxayso inay gabbaab siiso dadka Soomaalida ah ee aan ku laaban karin dalkooda colaadda taagan iyo xaaladda bani’aadannimo darteed. 

“Waxaan sii wadi doonaa inaan gargaar siino muwaadiniinta Soomaalida ah muddadan ku meelgaarka ah ee loo eegayo dhinaca bani’aadannimada,” ayuu yiri Xoghaye Alejandro Mayorkas.

Joogitaankan ku meel-gaarka ah ayaa la siiyaa dadka sharciga aan ku lahayn Maraykanka iyo kuwa waayey sharciga balse aan ku laaban karin waddamadii ay ka yimaadeen.

Xoghayaha ayaa sheegay inuu gaaray go’aankan kadib markii wadatashi uu la sameeyey hay’adaha kala duwan ee Maryaknaka, si taxaddar lehna uu u dersay colaadda iyo xaalada Soomaaliya oo uu sheegay inay ka mid yihiin soddon sano oo colaado ah, cudurro, masiibooyin daaiici ah iyo qalalaasaha dhinaca bani’aadannimada.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dhwaan la kulantay gacan ka hadal kordhay, abaar, fatahaado oo biirsaday cunno yarida, barakaca iyo xanuunka Covid-19.

Waxa uu sheegya in tallaabadan ay u oggolaanayso ilaa 447 qof inay ka faa’iidaystaan oo ay sii joogaan Maraykanka tan iyo Maarso 17, 2023 haddii ay fuliyaan shuruudaha laga doonayo.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in go’aanka Soomaaliya loogu asteeyey inay tahay waddan dhibaato ka taagan tahay ay ka faa’iidayaan dad lagu qiyaasay 100 qof oo Soomaali ah ama shaqsiyaad aan dhalasho haysan laakiin markii ugu dambaysay ku noolaa Soomaaliya.

Xigasho: VOA

Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii fuliyey weerarkii Bacadweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay wareysi ay ka duubtay Naftii-haligihii fuliyey weerarkii maalintii jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka deegaanka Bacaadweyne, kaasi oo lagu shaaciyey magaciisa iyo beesha uu kasoo jeedo.

Ninka fuliyey weerarka naf-halig-nimada ah ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Cabdullaahi Cabdiqaadir oo loo garan og-yahay “Shaakir”, oo dhalasho ahaan kasoo jeeda beesha Tuni, gaar ahaan Xajuubo, sida uu sheegay.

Shaakir ayaa sheegay intii uu socday wareysiga laga qaaday ka hor inta uu is-qarxin inuu kooxda Al-Shabaab kusoo biiray 2018-kii, wuxuuna sheegay inuu ugu soo biiray si uu ula Jihaado gaalada kusoo duushay dalka.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas oo ka dhacay duleedka deegaanka Bacaadweyne ay ku dhinteen 7 ka tirsan ciidamada dowlada, halka ay 8-deed kale ku dhaawacmeen iyo bur-burinta gawaaridii ay wateen ciidamada dowladda.

Marka laga imaado sheegashada Shabaab ee khasaaraha ka dhashay weerarka is-miidaaminta ah, waxay dowladda hore u shaacisay in uu qasaare geysan qaraxaas.

Ciidamada dowladda ayaa ka hortagay weerarkaas kadib markii ay toogteen wadihii gaariga waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay, oo ahaa naftii-haligaha ay wareysigiisa baahisay warbaahinta Al-Shabaab.

Laba diyaarad oo ka tegay Muqdisho oo loo diiday inay ka dagaan BAYDHABA

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ee Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa amray in diyaarado rakaab siday oo ka baxay Muqdisho saaka, oo ay lahaayeen shirkadaha Haala Airline iyo Blue Sky, inay dib ugu noqdaan halkii ay ka yimadeen ee garoonka Muqdisho xilli ay doonayeen inay ku dagaan Garoonka Shaati Gaduud.

Muqtaar Xaamud, xoghayaha AOC, oo la hadlay idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in diyaaraha Haala Airline iyo Blue Sky oo saakay ka duulay magaaladda Muqdisho marka ay gaareen Baydhabo lagu wargaliyay inaysan ka dagi karin garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Baydhabo ayna dib uga soo noqdeen magaaladda Muqdisho, iyaga oo sida rakaabkii Baydhabo.

Sidoo kale, madaxa Suuq geynta shirkadda Blue Sky Axmed Xuseen Xasan ayaa sheegay in dadweynihii rakaabka ahaa ee ka tegi lahaa Muqdisho iyo kuwii kasoo bixi lahaa magaalada Baydhaba ay ku xayirmen labada garoon.

“Garoonka Baydhabo culays ayaa ka jira, aan caadi ahayn taas oo ah in wasaaradda gaaddiidka Koofur Galbeed in ay xanibaad ku soo rogtay diyaaraha Guddaha ee u kala goosha Muqdisho iyo Baydhabo si ka duwan caasimadaha dowlad-goboleedyada kale ee dalka,” ayuu yiri Muqtaar Xaamud.

“Laba diyaaradood oo ka kacay Muqdisho Airporta oo ah diyaaradaha ka diiwaan gashan wasaaradda gaadiidka Soomaaliya, sidayna dad Soomaaliyeed, ayaa markii ay dultageen garoonka diyaaradaha Baydhabo oo ay dagi lahaayeen ayaa lagu yiri ma dagi kartaane dib u laabta marka culayskaas ayaa jira,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Sababta ka dambaysa in diyaaradaha la soo celiyo ayuu ku qeexay in wasaaradda gaadiidka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay dhawaan shaacisay in garoonka diyaaraha magaaladda Baydhabo maalinkii loo ogolyahay hal diyaarad oo rakaab ah “taas oo shacabku dhibaato ku qabaan”.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in maamulka Koonfur Galbeed uu xayiraad kusoo rogay musharixiinta xildhibaannada ah ee u tartamaya labada aqal ee Baarlamaanka oo aan loo ogoleyn inay tagaan Baydhaba, taasoo halis gelineysa Doorasho xalaal ah oo ka dhacda maamulkaasi.

Cagjar oo shaaciyey cidda ka dambeysa inay ciidamo u diraan Tigray iyo arrimo kale

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa markii u horeysay sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey ciidamada uu maamulkiisa u diray gobolka Tigray, si ay qeyb uga noqdaan dagaalka ay xukuumadda Abiy Ahmed kula jirto TPLF.

Mustafe Cagjar oo wareysi siiyey idaacada BBC-da ayaa sheegay in maamulkiisa uu ciidamada ugu diray Tigray kadib dalab uga yimid ra’iisal wasaare Abiy, oo dhigayay in dowlad deegaanada kala qeyb qaataan dagaalka TPLF.

“Tagintaankooda (Ciidamada) waxay la xiriirta baaq ka yimid dowladda dhexe, gaar ahaan ra’iisul wasaaraha ee ahaa in laga qeyb qaato difaaca guud ee looga hortagayo kooxda argagixisada ee TPLF oo qorshaheedu yahay inay dumiso nidaamka hadda jira,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dirista ciidamada uu kala tashaday dhinacyo badan oo ah kuwii ay khuseysay ee deegaanka, islamarkaana ay ayagu fuliyeen ka maamul ahaan, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Cagjar ayaa eedeyn culus u jeediyay dadka ka horyimid in deegaanka Soomaalida uu qeyb ka noqdo dagaalka qaraar ee Tigray, kuwaasi oo uu ku tilmaamay “inay yihiin kuwo taageersan TPLF”.

“Dadka noocaasi ah waxay isugu jiraan kuwa TPLF taageersan oo ah kuwa mar walba waxa ay TPLF tiraahda ku hadla, iyo kuwa kale oo daacad ah oo wadaniyiin ah inta badan ku qaldama dhibaatada socota.”

“Kooxda TPLF taageerta ee Soomaalida ee kuwii deegaanka maamuli jiray iyo kuwa la mid ah waxay aad u jecel yihiin in arrintan ay ka dhigaan mid u dhaxeysa Amxaaro iyo Tigray. Qaabka ay u dhigayaan waa midka Tigray-gu jecel yihiin in loo dhigo.”

Waxa uu meesha ka saaray aragtida ah in dagaalka Tigray uu ka dhaxeeyo xukuumadda Abiy iyo TPLF, isagoona sheegay in dagaalkaas uu yahay mid u dhaxeeya dowladda dhexe ee Itoobiya iyo ururka TPLF oo xiligan urur argagixiso looga aqoonsan yahay dalkaas.

Ugu dambeyniinta waxa uu sheegay in ciidanka uu maamulkiisa diray aysan wax u dhimi doonin howlihii amni ee ay ka hayeen maamulka, islamarkaana ay yihiin ciidan deegaanka uga dhex muuqan doona howlaha qaran ee ka socda Tigray, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka madaxweyne Cagjar ayaa imanaya xili ay hadal hayn badan ka dhalatay ciidamo uu maamulkiisu u diray Tigray, si ay qeyb uga noqdaan dagaalka ay dowladda dhexe ka wado gobolkaas, xili uu galay waji aad u qaraar.

Malcuunkii sameeyey Sawir gacmeedyada loogu gefay Nebiga SCW oo geeriyooday

Copenhagen (Caasimada Online) – Farshaxamiistihii malcuunka ahaa ee reer Denmark ee sameeyey sawir gacmeedyada uu ku sheegay uguna gefay Nebi Muxamed SCW ayaa geeriyooday isaga oo 86 jir ah.

Kurt Westergaard ayaa geeriyooday isaga oo hurdo kadib muddo uu xanuunsanaa, sida ay qoyskiisa Axaddii u sheegeen wargeyska Denmark ee Berlingske.

Westergaard ayaa sameeyey 12 sawir gacmeed oo uu ku sheegay Nebi Muxamed SCW, oo lagu daabacay wargeyska xagjirka ah ee Jyllands-Posten, kuwaas oo cinwaan looga dhigay “Wejiga Muxamed”. 

Sawirradaas ayaan markii hore laga warhelin, hase yeeshee kadib laba asbuuc ayaa dibabaxyo ka dhan ah ay ka dhaceen magaalada caasimadda ah ee Copenhagen, kadibna safiirada dalalka Islaamka ayaa cabasho rasmi ah u gudbiyey dowladda Denmark.

Carradaas ayaa kadib isku rogtay mid caalami ah oo ka dhan ah Denmark oo ka dhacday dunida Islaamka oo idil, bishii Febraayo ee 2006. Safaaradaha dalalka Denmark iyo Norway ee dalalka Islaamka ayaa sidoo kale la weeraeray. 

Wixii ka dambeeyey sawirradaas, Westergaard ayaa ku noolaa nolol cabsi iyo argagax leh, isaga oo 24 saac ay ilaalo ka hayeen booliiska, laguna hayey goob sir ah oo aan la ogeyn. 

Horraantii 2010, booliska Denmark ayaa guriga Westergaard ku qabtay nin 28 jir ah oo mindi ku hubeysan oo qorsheynayey inuu dilo. 

Diinta Islaamka ma ogola in wax sawir ah laga sameeyo Rasuulka SCW, hase yeeshee kuwa Reer Galbeedka ee sidaas sameeya, ayaa qiil ka dhigta waxa loogu yeero xoriyadda hadalka.

Sanaddii 2015, 12 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday xarunta wargeyska Charlie Hebdo ee magaalada Paris kadib markii uu dib u daabacay sawirrada Westergaard. 

Xiisadda iyo khilaafka u dhaxeeya Imaaraadka iyo Sacuudiga oo kasii dartay

Riyadh (Caasimada Online) – Falanqeeyayaasha taageersan Dowladda Sacuudi Carabiya ee ku sugan dalkaas ayaa bilaabay cambaareyn ay u jeedinayaan doorka ay Imaaraadka Carabta ee dagaalkii Yeman, taasi oo ka turjumeysa inay sii kordheyso xiisadda siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee u dhaxeysa labada dowladood ee xulafada ah.

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa isku dayeysa inay xakameyso loolanka awoodeed ee Koonfurta Yemen ee u dhaxeeya dowladda la aqoonsan yahay oo ay taageerto Riyadh iyo kooxda ugu weyn ee dowladda kasoo horjeeda oo ay taageerto Imaaraadka Carabta, taasoo sababi karta inuu sii socdo dagaalka uu sacuudiga halganka ugu jiro inuu ka baxo.

“Haddii Imaaraadka aysan gacan ka geysan hirgelinta heshiiskii Riyadh ee la xiriiray xiisadda koonfurta Yemen, oo ay sii waddo carqaladeynta, waxaan u maleynayaa in xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka uu kusii socon doono xaaladda halista ah oo uu hadda ku jiro,” ayuu yiri qoraaga siyaasadeed Suleiman Al-Oqeliy, oo inta badan ka turjuma mowqifka rasmiga ah ee Sacuudiga kadib qoraal uu soo dhigay Twitter-ka.

“Boqortooyada, dawladda iyo dadku uma oggolaan doonaan cidna inay farageliso amniga Yemen oo ay wax u dhinto. Dulqaadkeedu waa weyn yahay laakiin wuxuu leeyahay xad,” ayuu Twitter-ka ku qoray Abdullah Al-Hatayla, oo ah ku-xigeenka tifaftiraha wargayska Sacuudiga ee Okaz.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga iyo Imaaraadku si dhakhso ah ugama jawaabin codsigii Wakaaladda Wararka ee Reuters ee ahaa inay ka hadlaan xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeyso labadaan dowladood ee xulafada ah.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xubin ka ah isbaheysiga Milatari ee uu hoggaamiyo Riyadh ee faragalinta ku sameeyay Yemen sanadii 2015 kana soo horjeeday Xuutiyiinta Iran la safan ee dowlada ka saaray caasimadda Sanca.

Abu Dhabi waxay soo afjartay joogitaankeeda militari ee dalka Yemen sanadkii 2019, iyadoo ku wareejisay Riyadh dagaal qarash badan ku baxay oo aan la jecleysan, laakiin waxay sii wadaa inay awood ku yeelato dagaalyahanada Yemen iyadoo tababar iyo hub isugu dartay kooxaha kasoo horjeedo dowladda la aqoonsan yahay.

Kooxaha ay maalgelisay Imaaraadka waxaa kamid ah xoogagga Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta, sidoo kale xubno ka tirsan isbahaysiga, kuwaas oo laba jeer qabsaday dekedda koonfureed ee Cadan, xarunta ku-meel-gaarka ah ee dawladda Sacuudiga taageerto, taas oo keentay in Riyadh ay bilowdo heshiis awood-qaybsi ah oo aan weli dhicin in si buuxda loo hirgelio.

Dhaleeceynta ay soo jeediyeen dadka wax faaleeya ayaa imaaneysa kadib khilaaf u dhaxeeya Riyadh iyo Abu Dhabi kaas oo carqaladeeyay dejinta siyaasada shidaalka ee ururka OPEC+, oo ah koox ay ku jiraan OPEC iyo xulafadooda. OPEC + waxay xaqiijisay heshiis si kor loogu qaado wax soo saarka saliida markii ay dib isugu soo laabatay Axadii .

Si kastaba ha ahaatee falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in tartanka dhaqaalaha ee sii kordhaya uu dhigayo kala duwanaansho qaawan oo u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Imaaraatka iyada oo boqortooyada ay u dhaqaaqeyso inay ka hortagto awooda ganacsi iyo midda dalxiis ee Imaaraadka Carabta.

Maamulka G/BANAADIR oo ka laabtay fasax maanta la siiyey shaqaalaha + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib uga noqday fasax maanta la siiyey shaqaalaha ka howl-gala xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar, kaas oo ku aadanaa munaasabadda Ciidul Adxaa oo maalinta beri ah ku beegan.

Qoraal wargelin ah oo kasoo baxay xafiiska waaxda shaqada iyo shaqaalaha ayaa lagu sheegay in la-laalay fasaxii la siiyey shaqaalaha, kadib amar ka yimid duqa Muqdisho.

Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay inay keentay ka noqoshada fasaxan baahi shaqo oo ka jirta xarunta gobolka Banaadir, loona baahan yahay in loo adeego bulshada.

“Iyadoo la fulinayo go’aanka duqa magaalada ahna guddoomiyaha gobolka baahi shaqo awgeed waxa laga noqday fasaxi shaqaalaha maanta kaliya, sidaas darteed madaxda shaqaalaha xukunta waxa laydinku wargelinayaa in aad si degdeg ugu yeertaan shaqaalaha goobaha shaqadana saacad gudeheed la bilaabo shaqooyinkii,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa amarkan lagu sheegay in safaxa shaqaalaha ee Ciidul Adxaa uu bilaabanayo maalinta Talaadada oo berri ah, illaa Khamiista.

“Fasaxa berri ayuu ka bilaabanayaa, waana illaa Khamiis insha Allaah,” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay fasax yihiin shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah, munaasabadda Ciida aawgeed.

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in shaqaalaha Soomaaliyeed ay fasax yihiin seddex maalmood oo ka bilaabaneysa maalinta Talaadada oo noqoneyso maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa, illaa Khamiista soo socota.

Sidoo kale wasaaradda ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeysay munaasabadda Ciidul Adxaa.

Halkan hoose ka aqriso:

HirShabelle oo ka hortimid hadalkii Golaha Midowga Musharraxiinta mucaaradka

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Maamulka HirShabelle ayaa si cad uga horyimid qoraalkii kasoo baxay xubnaha Midowga Musharraxiinta mucaaradka ee lagu sheegay in aysan suuragal aheyn in doorasho lagu qabto magaalada Beledweyne ee maamulkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka HirShabelle, Siraaji Sheekh Isaaq iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Beledweyne ayaa ka hadlay warka kasoo yeeray musharraxiinta, iyaga oo si weyn uga soo horjeestay.

Siraaji oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in dano siyaasadeed laga leeyahay warqadda kasoo baxday Midowga Musharraxiinta, wuxuuna tilmaamay in doorashada xildhibaanada labada aAal lagu qaban karo gudaha magaalada Beledweyne.

Sidoo kale waxa uu xusay in hadalka siyaasiyiinta mucaaradka ah uu qas iyo fowdo horleh ka abuurayo deegaanada HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka HirShabelle oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale xusay inay HirShabelle raalli-gelin uga fadhido Golaha Musharraxiinta.

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa shaaciyey inay Midowga Musharraxiinta u gefeen reer Hiiraan, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha magaalada Beledweyne.

Jayte ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in musharraxiinta hadalkan faafiyey ay doonayaan in doorashada laga weeciyo magaaladaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn waxa uu ka digay sii socosha arrintan, isaga oo tilmaamay inay baal-marsan tahay heshiiskii doorashada, isla-markaana lagu dulminayo reer Beledweyne.

Si kastaba hadalkan ayaa kusoo aadaya, xilli Midowga Musharraxiinta mucaraadka qoraalka ay soo saareen ku sheegeen in dhibaatooyin amni iyo kuwa siyaasadeed oo aan saamixi karin in doorasho lagu qabto Beledweyne ay ka jiraangudaha magaaladaasi.

Xog: Al-Shabab oo Muqdisho ka billaabay olole doorasho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab labadii todobaad ee ugu dambeeyay ay u yeereen odayaasha dhaqanka ee ku sugan Muqdisho, ganacsato, iyo qaar kamid ah macalimiinta Jaamacadaha gobalka Banaadir, waxayna kala hadleen arrimo quseeya doorashada Soomaaliya.

Saraakiil amni oo ku sugan Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegay in hoggaamiyaha Al-Shabaab ugu magacaaban Gobalka Banaadir, balse u dhaxeeya labada Shabeelle, uu dhinacyadan kala hadlay sidii loo taageeri lahaa in Al-Shabaab xubno ay wadato ay u galaan baarlamanka Soomaaliya. 

“Waxaan la fariisanay afar qof oo kamid ah qeybaha bulshada oo ay u yeereen waxayna dhamaantood kala hadleen arrimaha doorashada, ma rabo inaa ku siiyo xogta oo dhameystiran laakiin waxaan kuu sheegayaa in sanadkaan Al-Shabaab dhaq dhaqaaq xoog leh wadaan,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay’aaha ammaanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Al-Shabaab dadka ay u waceen ay isugu jiraan laba qeybood oo kala ah, kuwa ay rabaan in ay Xildhibaano ka dhigtaan iyo kuwa ka shaqeeya sidii ay Al-Shabaab xubno baarlamaan u heli lahaayeen. 

“Al-Shabaab waxay rabaan in dad la yaqaano oo aan laga shakin doonin in ay Xildhibaano ka dhigtaan waxayna dhax-galayaan bahda waxbarashada iyo ganacsatada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sarkaalka la hadlay Caasimada Online.

Dhowr jeer oo hore ayaa dowladda Soomaaliya looga digay in Al-Shabaab ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in ay kaga mid noqdaan doorashada Soomaaliya, ayaga oo horey ugu yeeray odayaasha soo xulaya ergooyinka, waxaana muuqato in qorshahaas uu hadda banaanka u soo baxayo. 

Xog: Ciidan Badbaado Qaran ah oo u badan hal beel oo mushaharka laga joojiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in tobaneeyo kamid ah ciidamadii diidanaa muddo korarsiga ee ka dagaalamay aagga Barmuudo iyo KM4 ay dowladda Soomaaliya ka joojisay mushaarkii ay qaadan jireen. 

Ciidanka mushaaraadka laga joojiyay waxaa sidoo kale ku jira qaar ka tirsan ilaalada Janaraal Saadaq Joon, kuwa Janaraal Indhacade, ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo ciidan kale, kuwaas oo hore uga tirsanaa Mikateriga iyo booliska Soomaaliya. 

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa muujineysa in ciidankii diidanaa muddo korarsiga ee ku sugnaa aagga dabka iyo waqooyiga Muqdisho ay mushaarkooda qaataan, kuwaas oo beel ahaan u badan Abgaal iyo Murusade. 

Ma cadda sababta ay dowladda sida gaarka ah ugu beegsatay ciidanka u badan beesha Habar-gidir, halka kuwii la midka ahaa ee beelaha kale ay weli qaataan mushaharkood.

Waxaa jirta abaabul ay billaabeen siyaasiin ka soo jeeda beesha Habar Gidir, kuwaas oo warqad cabasho ah u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo kasoo jeeda beesha, balse ma jirto ilaa hadda wax jawaab ah oo laga helay. 

Lama oga saameynta ka dhalan karta go’aanka mushaarka looga joojiyay ciidamadaan oo qeyb ka ahaa kuwii lamagac baxay Badbaado Qaran. Qaar kamid saraakiisha mushaarka laga joojiyay ayaa Caasimada Online u sheegay in uu beegsi gaar ah ku haayo taliyaha Mikateriga Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage, balse Caasimada Online ma helin cadeymo arrintaas la xariira. 

Arrintaan ayaa dhaawaceysa heshiiskii ay gaareen guddi ka socday ciidamadii Badbaado Qaran iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo dhigayey inaan laga aargudan karin ciidankii diiday muddo kororsiga.

JUBALAND oo war cusub kasoo saartay doorashada xubnaha golaha Aqalka Sare

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa faah faahin dheeraad ah waxa ay ka bixisay qabsoomida doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ee dhowaan ka dhacaya deegaanada maamulkaasi.

Wasiirka maaliyadda Jubbaland, ahna xubnin ka tirsan guddiga uu baarlamaanka  u magacaabay qabsoomida doorashada Aqalka Sare xildhibaan Xuseen Xirsi Axmed oo wareysi siiyey Radio Mustaqbal ayaa shaaca ka qaaday inay si cadaalada u dhici doonto doorashada, wuxuuna ugu baaqay musharraxiinta inay muujiyaan kalsooni gaar ah.

Xirsi ayaa sidoo kale meesha ka saaray in Jubbaland ay dooneyso inay is hortaagto qaar ka mid ah musharraxiinta, gaar ahaan kuwa siyaasad ahaan kasoo horjeeda, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay wel-welka laga muujinayo arrintaasi.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in doorashada ay si wadajir ah u maamuli doonaan guddiga federaalka iyo Jubbaland, taas oo qeyb ka aheyd heshiiskii doorashada.

Xildhibaanka oo sii hadlayey ayaa intaasi kusii daray in iyagu ka guddi ahaan ay u sinaan doonaan xubnaha musharraxiinta ee u tartamaya ka mid ah noqoshada Aqalka Sare.

“Doorashadu waxaa maamulaya guddiga federaalka iyo dowlad goboleedka Jubbaland sida ku xusan heshiiska, Wax cabsi ah ma jiri karto in shaqsi lagu dhibaateeyo, Guddi ahaan waxa aan diyaar u nahay in aan u sinnaano Musharixiinta si ay u dhacdo Doorasho qurux badan” ayuu yiri wasiirka maaliyada Jubaland.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay siyaasiyiinta tartamaya inay diyaar garow muujiyaan, isla-markaana ay ku kalsoonaadaan guddiyada maamulaya doorashada iyo Jubbaland.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo ay jiraan musharraxiin badan oo cabasho ka muujinayo hoggaanka Jubbaland oo siyaasad ahaan ay ka soo horjeedaan, waxaana ka mid ah siyaasiga Cabdi Cali Raage oo dhowaan laga soo celiyey magaalada Kismaayo.

Gobolka Banaadir oo saddex dhibaato oo weyn wajahaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka Gobalka Banaadir ayaa wajahaya saddex dhibaato oo waa weyn kuwaas oo gaaray heerkii ugu xumaa sanado kadib mana muuqato dhaq dhaqaaq socda oo dhinaca dowladda ah si wax looga qabto arrintaan. 

Waxyaabaha ugu daran ee hadda ka jira Gobalka Banaadir ayaa kala ah

1- Nadaafadda – Dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa wajahaya nadaafad darro xoog leh iyo biyo wasaqeysan oo gooyay waddooyinka qaar ee Muqdisho. Xaafadaha qaar ayaa la sheegay in looga guurayo biyo aad u wasaqeysan oo sanado badan iska yaalla goobaha muhiimka ah ee Muqdisho. 

2- Mushaar la’aan – In badan oo ka mid ah shaqaalaha maamulka Gobalka Banaadir ayaa bishii saddexaad mushaar la’aan ah lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa. Bilihii May, June iyo July oo aan wali dhammaanin ayaa qaar kamid ah shaqaalaha gobolka la siinin mushaar. Sidoo kale, waxaa sanadkii labaad aan lacag la siinin Macalimintii ilaaliyay Imtixaanka dugsiga dhexe ee uu qaado Maamulka Gobalka Banaadir.

3- Khilaafka Masuuliyiinta – Muddo bilooyin ah waxaa jiro khilaaf curyaamiyay shaqada gobalka Banaadir, kaas oo u dhaxeeya guddoomiyaha gobalka iyo ku xigeenkiisa 1-aad ee dhinaca maaliyadda. Labadaan mudane ayaa isku khilaafay waxyaabo la xariira dhinaca maaliyadda ilaa haddana laguma guuleysan in la xaliyo.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Axmed Duceele Geelle Xaaf ayaa warbaahinta ka sheegay maalmo ka hor in 60-ka maalmood ee soo aadan Muqdisho looga guuri doono nadaafad darro, isagoo baaq u diray madaxda gobalka Banaadir iyo shacabka Muqdisho. 

Guddoomiye Cumar Filish ayaa shalay kormeeray biyo muddo sanad ah dhax fadhiyo waddada 30-ka gaar ahaan aagga Daalo, isagoo sheegay in dhawaan wax laga qaban doono. 

Ceel-qalow, Daalo, Fagax, Iskuul Buluusiya, SII SII iyo goobo kale ayaa ah meelaha ugu daran ee nadaafad darrada Muqdisho,iyadoo ay isa soo tarayaan qeyla dhaanta shacabka Muqdisho.